Somalia Fisheries Development Office -MFBE
Official Facebook Account For Department Fisheries Development Office At Ministery of fishery and Blue Economy Federal goverment Of Somalia - MFBE
06/11/2025
A recent study sets Somalia’s national fish price baseline at $3.81/kg , about 41% cheaper than red meat and 60% cheaper than local chicken.
With new invest in landing sites, cold chain, and Fish safety, 🐟 is poised to become 🇸🇴most affordable, safe & nutritious.
Wasaaradda kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga JFS
10/09/2025
Somalia possesses the longest national coastline in Africa, stretching over 3,000 km. With a vast Exclusive Economic Zone (EEZ) and rich marine ecosystems, the country holds immense potential in marine fisheries and the Blue Economy. Harnessing these resources can play a transformative role in national recovery, economic growth, and long-term sustainable development.
Wasaaradda kalluumeysiga & dhaqaalaha buluugga ah, Soomaaliya
Somalia Investment Promotion Office
30/06/2023
The ocean is life , It’s home to nearly a million species. 🐋🐳🐬
It's future depends on what each one of us does.
Let's take action to
Wasaaradda kalluumeysiga & dhaqaalaha buluugga ah, Soomaaliya
08/06/2023
Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga oo Muqdisho ku qabatay Xuska maalinta Badda Aduunka 8-da June.
Munaasabadda xuska waxaa soo qaban-qaabiyay Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ayaa waxaa ka soo qeybgalay Shaqaalaha Wasaaradda Iskaashatooyinka iyo iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, ayaa looga hadlay dhawridda, iyo ilaalinta badda ka hortagga waxkasta oo dhibaato u keeni karo Kalluunka in lagu shubo badda, ka hortagga wasakheynta xeebaha, iyo ahmiyada ay badda u leedahay noolaha aduunka.
Khubarada Wasaaradda iyo masuuliyiinta qaar ka mid ah Iskaashatooyinka Gobolka Banaadir ayaa munaasabada ku soo bandhigay aragtiyo kala duwan oo lagu ilaalin karo badda.
Maanta oo kale 8-da June waxaa dunida oo dhan laga xusaa maalinta Badda Aduunka, Qaramada Midoobay ayaa sanadkii 1992-dii u asteeysay maalinta badaha adduunka.
Join Our Twitter https://twitter.com/MEP_Somalia/status/1666859685624918023?t=KWy_HZQTGgaG7vWzvZTLqQ&s=19
04/12/2022
Wareegto uu soo saaray Ra’iisul Wasaaraha xukumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa magaca looga badalay Wasaaradda kalluumaysiga iyo Khayraadka badda “Magaca rasmiga ah ee Wasaaradda waxaa laga dhigay "Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluuga ah (Ministry of Fisheries and Blue Economy).
04/12/2022
Somali prime minister issued a decree to change the ministry of fisheries and marine resources. The new name is adopted and from 30/11/ 22 it will be called MINISTRY OF FISHERIES AND BLUE ECONOMY.
Wareegto uu soo saaray Ra’iisul Wasaaraha xukumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa magaca looga badalay Wasaaradda kalluumaysiga iyo Khayraadka badda “Magaca rasmiga ah ee Wasaaradda waxaa laga dhigay "Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluuga ah (Ministry of Fisheries and Blue economy)
30/11/2022
Waxaa soo gaba gaboobay dood cilmiyeedka kalafadhiga labaad ee looga hadlayay "Blue Economy-ga, ayadoo halkaas la isku dhaafsaday doodo dhaxalgal ah, kuwaasoo dhiirigelinaya Maalgashiga Caalamiga ah.
Kheyraadka badda iyo halista Isbeddelka Cimillada.
BBC News Somali
27/09/2022
MUQDISHO, 27, September, 2022, Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda DFS, waxay halkan ku soo gudbinaysaa bayaan ku saabsan ilaalinta kheyraadka nool ee badaheenna ku jira.
Wasaaradda oo ka masuul ah khayraadka badaha ayaa digniin u diraysa cid walba oo si sharci-daro ah uga kalluumeysiga badaheenna, waxaana ay soo saartay qodobada soo socda.
1. Sida uu qabo Dastuurka KMG Qodobkiisa 44aad iyo heshiiskii Baydhaba ee 02 Febraayo 2018 iyo heshiiskii Addis Ababa 22 Maarso 2019. Wasaaradda Kalluumeysiga & Kheyraadka Badda waxay mudnaanta koowaad siinaysaa sidii dowladda Federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah u wadaagi lahaayeen wax-soo saarka Kheyraadka Kalluunka.
2. Sida uu qabo Sharciga Kalluumeysiga Soomaaliyeed Lr.23, 1985 iyo dib u eegistii Lr.29 2014.Qodobkiisa 4aad. Wasaaradda Kalluumeysiga & Kheyraadka Badda DFS waxay u taagan tahay sidii loo hormarin lahaa kheyraadka nool ee Badaheena ku jira, iyo sidii umadda Soomaaliyeed ay uga faa’ideyn lahayd.
3. Sida uu qabo Sharciga Kalluumeysiga Lr.23 1985 iyo dib u eegistii Lr.29 2014.Qod.6aad, Faq.1aad.
Wasaaraddu Waxay dhiirigalinaysaa Kalluumeysata sidii kor loogu qaadi lahaa, loona horumarin lahaa xirfadahooda iyo qalabka qalabkooda kalluumeysi, lana kordhiyo suuq-gayntiisa gudaha iyo dibaddaba.
4. Sida uu qabo Sharciga Kalluumeysiga Lr.23, 1985 iyo dib u eegistii Lr.29 2014.Qodobkiisa 12aad, Faq.5aad. Wasaaradda Kalluumeysiga & Kheyraadka Badda waxay ilaalinaysaa Kheyraadka Nool ee Badaheena ku jira, inaan lagu qaadan si sharci daro ah oo aan waafaqsanayn xeerka Kalluumeysiga dalka.
5. Sida uu qabo Sharciga Kalluumeysiga Soomaaliyeed Lr.23,1985 iyo dib u eegistii Lr.29 2014. Qodobka 3aad. Wasaaradda Kalluumeysiga & Kheyraadka Badda waxay xoojinaysaa oo dhiirigalinaysaa Kalluumeysatada Shisheeye inay ka Kalluumeystaan Baddeena si waafaqsan Xeerka Kalluumeysiga iyo xeerarka Caalamiga ah ee la isku raacsan yahay, iyo sida uu qabo heshiisyadii Baydhabo 02 Febraayo 2018 iyo Addis Ababa 22 Maarso 2019.
6. Sida uu qabo Sharciga Kalluumeysiga Lr.23 1985, iyo dib u eegistii Lr.29 2014. Qodobkiisa 7aad.Faq.3aad. Wasaaradda Kalluumeysiga & Kheyraadka Badda waxay xoojinaysaa xiriirka iyo wada shaqeynta Dowlad Goboleed-yada, si uu mira dhal u noqdo heshiis-yadii horey loo galay iyo kuwa kale oo muhim u ah Umadda Soomaaliyeed.
“Dhammaad”
Click here to claim your Sponsored Listing.
Location
Category
Contact the business
Telephone
Website
Address
Villa Somalia Road
Mogadishu
