Maanta, ciidanka Gaashaan ee NISA ayaa ku guulaystay inay soo qabtaan koox afar (4) xubno ah oo ka tirsan argagaxisada Al-Shabaab oo la xiriiray taageerada falalka argagaxiso ee gobolka Shabeellaha Hoose iyo xuduudaha dawladaha kale. Gashaan waxay ka shaqeyneysaa si ay u ilaaliyaan dadka Soomaaliyeed oo dhan.
The Gaashaan
Cidamada Gaashaan ee Aminiga Dalka, Gashaan wexee u taagayihin badbaadada dadka somaliyed. The national security unit, Gaashaan, the shield of Somalia.
Gaashaan are committed to the safety and security of the Somali people.
Taariikhda: 2-da Juun 2025
Habeenimadii xalay, Ciidanka Gashaan ee NISA , Waxay ku guul leysteen Hawgal Qorsheesan oo Lagu Soo Dilay Arxanlaawe Sare soo ka tirsan Al-Shabaab, kaas oo dhibaatooyin kamidyihin canshuur Dhaca Dhulka Dadka Sacabka Kunool Deegnana AS Joogaan ku hayay bulshadeena sanado badan. Shaqsigaan wuxuu horay uga baxsaday gacanta sharciga wuxuuna mas'uul ka ahaa dilalka ee askarteena NISA.
Intii lagu jiray howlgalkii, cadowgu wuxuu iskudayay inuu dagaallamo lakin Ciidanka geesiyaada ayaa addunka dhaafiyay. Waxaan bogaadineeyna shacabka somaaliyeed oo gacan kagestay so afjaridda cadawga waqti dheer dhibaatada ku ahaa Gadiidleyda Xoogsatada iyo Beerleydaah Somaliyeed.
Waxaan idinka raadin doonaa meelwabo oo aad ku jirtaan si aan idiin hor keeno cadaaladda.
Waxaan u mahadcelinaynaa muwaadiniinta taageerada ay bixiyeen si howlgalkan loo suurtageliyo, iyo sidoo kale kuwa sii wada in ay shaaca ka qaadaan ficillada Al-Shabaab. Wadajir, waxaan xaqiijin doonaa mustaqbal ammaan badan I.A.
Isbuucii la Soo dhaafay, Ciidamada Nabadsugida Qaranka Soomaaliyeed NISA iyo Ciidanka Gaarka u Tababaran ee Gaashaan ayaa howgalo Lagu Soo qabqabanayo Xubno ka mid ah Dhiig Miiratada Naf lacaaraga ah ee AS loogana saarayo Goobaha ay ku dhuumaaleysanayaan ayaa Laga fuliyay Goobo ka mid ah dalka. Waxaan mesha laga saaray Qeybo ka mid ah (Amniyadka) Madax jabiska iyo Xubno Sare oo howlaha u fududeen jiray, si joogtaha ayayna u socondontaa waxaana mahad balaaran leh Shacabka Soomaaliyeed Oo NISA Garab Kusiiyay Hoowlahaan. Marwalba Waxaan Diyaar u Nahay in aan Bulshada caawino Unna cadeyno Dhaga Qabayasha nagu dhex Qarsoon. Waad ku mahadsantihiin Garabka weyn Aad na siiseen waxaa kaloo la socotaan in NISA iyo Gaashaanba ay ka Go'antahay Ugaarsashada Naflacaariyaasha AS maalinwalba.
"Ciidanka Gaarka ah Gaashaan (NISA) Ayaa Xaley Waxay Howlgal Qorsheysanka Fuliyeen Gobolka Shabeelada Dhexe.
Habenkii Tegay NISA Waxay Sameysay Holgal Lagu Soo Qabtay Madax Goboleed Katirsan Alshabab. Bahalada AS Waxay Isku Dayayan Iney Ku Dhex Milmaan Bulshada , Waxayna Maleeyaan Iney Ku Dhex Qarsomi Karaan,Ciidamada Gaashaan Waxay Sii Wadi Doonaan Beegsiga Hogaanka Al-Shabaab. NISA Waxay Sii Wadeysaa Baarista Dhagarqabayasha AS Wexeyna Gari Doontaa Meel Walba Oo Ay Joogaan.
Waxaan u mahad celineynaa Dadka Deegaanka sida ay inoogala shaqeeyaan ka hortaga Qataraha ku aadan Dadkooda Soomaaliyeed.
21/05/2025
"Ciidanka Gaarka ah Gaashaan (NISA) Ayaa Xaley Waxay Howlgal Qorsheysan ay ka Fuliyeen Magaalada Sabiid, Gobolka Shabeelada hoose. Ayadoo qorshaha uu ahaa in la soo qabto Dhagar qabbe katirsan Madaxda sarre ee AS kaasoo ka soo abaabulayey falalka amni darada ah ee laga qeysto Magaalada caasimada ah ee Muqdisho iyo Daafeheeda, Sida Soo gudbinta Qaraxyada, Hoobiyaasha iyo Amniyaatkka ee lagu carqaladeeyo Amniga guud ee wadanka.
Maanta waxay maalin u tahay dhamaan Umada soomaaliyeed waxayna jab ku tahay Dhagarqabayaasha ku Halaagmey Howlgalkii xaley iyo Madaxdooda oo caadeystey Daadinta dhiiga umada Soomaaliyeed oo 100% Muslimka ah.
Waxaan u mahad celineynaa Dadka Deegaanka sida ay inoogala shaqeeyaan ka hortaga Qataraha ku aadan Dadkooda Soomaaliyeed.
14/05/2025
Malin kadib kalacarkii Alshabaab la eryaday . Ciidan Gaashaan ee NISA ayaa gacanta kusoo dhigay xubinsare oo katisan shabaab kaalkaal ku dhumaleesanaayi magaalada Mugadishu.
Tan waxay utahay Somalia Malinkaloo weyn halka shabaabna ay utahay Malin madow.
Waxay soo dhigi doonaan fiidiyowyadooda iyo fariimaha marka ay soo qabtaan ciidamada yar yar laakiin waligood uma kicin inay dagaalamaan marka lacarqaladeeyo.
Ku dadaala xorriyadda iyo nabadda, Muwaadiniinta Soomaaliyeed.
Fadlan sii wad inaad NISA ka caawisaan sidii ay gacanta ugusoo dhigi lahayd cadawga umada soomaaliyeed , waxaanan wadankeena ka nadiifin doonaa qawaariijtan loogu magac daray al-Shabaab
13/05/2025
Ciidamada Gaashaan waxay kuwargalinayaan shacabka Soomaaliyeed in Gaashaan ay gacanta kuheyso Shayaalo ay kacararee dadkii maanta kabarakacay goobihii maanta ay kudagaalameen Kawariijta iyo ciidama Gashaan. qofkii lahaa hana nala soo xiriiro si aan oogu wareejino.
Waanu dareemi karnaa hadii shiqaaqo dhacdo in dhaman dadweynaha kunool goobta inay wax illowayan. Fadlan xor u noqo inaad nala soo xidhiidho haddii aad rabto inaad timaado oo aad sheegato.
13/05/2025
13 May 2025, Ciidamada dowladda federaalka soomaaliya ayaa howlgal ballaran ka sameeyay deegaano ka tirsan gobolka sh/hoose iyo sh/dhexe oo Al-shabaab looga ciribtirayo deeganada hoostago degamada afgooye iyo Balcad , howlgalkan oo dhowr jaho ay kala wadeen ciidamada kala duwan ee dowladda qeybtooda cidamada NISA aya weerar naf la caari ah kala kulmey Argagixisada kusugnaa tolada dhasar ee hoos yimaada afgooye, Argagaxisada aya Jab xooggan lagu gaarsiiyay weerarkan kuwaaso oo loola dhaqmey sida ay mudnayeen ayna ugu carareen goobta agab kala duwan.
06/05/2025
5 may 2025 Ciidanka Nabadsugida Qaranka ayaa Xalay waxay howlgal ku Soo qabatay mid ka mid ah AS una qaabilsanaa Fududeeynta Hubka , wuxuu Kalo la shaqeyn jirey Huutiga iyo Alshabaab. Soo qabashadaan ayaa waxay muhiim u tahay NISA iyo GASHAN sidii loogo Soo afjari Lahaa AS iyo Huutiga ku Dhuumaalaysanayo Caasimada iyo guud ahaan dalka. Waad ku mahadsantihiin dhammaan shacabka Soomaaliyeed guud ahaan iyo gaar ahaan
04/05/2025
NISA iyo GASHAN Isbuucii La dhaafey waxaa noo ahayd isbuuc weyn guud ahaan Soomaaliya iyo Caasimada dalka ee Mogadishu. NISA waxaa Dadaal ballaaran Kula jiratay sidii loo Soo afjeri Lahaa Naflacaariyaasha AS. NISA iyo GASHAN ayaa waxay fuliyeen howgalo Badan Oo Lagu Soo qabqabtay Dadka hubka u Fududeeyo iyo kuwa sida tooska u taageera sidoo kale Gabaadsiiyo AS. Waxaan Markala u mahadcelinayaa sida ummada soomaaliyeed noo Garab taagan yihiin Mahadsanidiin.
16/04/2025
Maalmihii u dambeeyay ayaa Ciidamada sida Gaarka u Tababaran ee Gaashaan ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay Caasimada Muqdishu ee Gobolka Banadir. Howlgalkaan ayaa waxaan Lagu Soo qabtay Horjooge ka mid kooxaxa Nafla caariga ee AS kaasoo ku dhuumaaleysanayay magaalada Muqdishu laguna raadjoogay. Waxaan u mahadcelinayaa Dadka deegaanka Oo Garab Ku siiyay sidii loo Soo qaban lahaa kuwa ku dhuumaaleysanayo Gudaha iyo Duleedka magaaladuba. Hay"ada Nabadsugida ee NISA iyo Gaashaanba waxaa ka Go'antahay sidii loo Soo afjari lahaa looguna diidi lahaa inay helaan meelo ay Gabaad ka dhigtaan, Waxaa kaloo halkaan ka bogaadineynaa Ciidamada Danab iyo Ciidamada Daraawiishta Jubland Oo howlgal Sifeyn ka dhan ah kooxaxa khawaariijka ee AS goobaha ay ku dhuumaaleysanayaan. Waxaan idinleenahay Shaqo wacan Gacmo wada jir bay wax ku Gooyaan.
14/04/2025
12 April 2025, Ciidanka NISA ee Gaashaan iyo saaxiibadayada wanaagsan ee ka tirsan Ciidanka Xooga dalka Somaaliyeed ayaa habeen h**e howlgal Qorsheesan si wadajir ka sameeyay tuulada Bulo Doonka ee hoostagta degmada Afgooye, ee Gobalka shabellada hoose. Waa ay ku mahadsan yihiin dhamaan dadkii gacan ka geystay in uu dhaco Howlgalkaas Mar labaad. waxaan Soomaaliya ku leenahay saaxiibo waa weyn oo aan u joojin al-Shabaab iyo muuqaaladooda tik tikooga. Haddii aad ka maqan tahay Dalka ama kamidtahay dadka dalka u adeegaya, ogow ma aha Al-shabaab sida ay Internetka iskumujiyaan. Waan ka adkaanay inta yar ee hartayna si wadajir ah ayan ugaguuleysan karnaa. Waxaan mar kale u mahadcelineynaa shacabka Soomaaliyeed fursadda aad nasiiseen si aan idiinku adeegno. Waxaan rajeyneynaa inaan sii wadno shaqada si aan uga saarno cagajuglayaashan dhulkeena codowga ku ah.
Click here to claim your Sponsored Listing.
Location
Category
Contact the business
Telephone
Website
Address
Mogadishu
