Trauma: Xanuunka Qarsoon ee Dad Badan La Nool Yihiin | Wareysi Gaar Ah Dr Maxamed Cabdulqaadir Biixi
Maan Care
Ku Soo Dhowoow Maan Care At All Somali Jobs, we are dedicated to connecting job seekers with various opportunities in Somalia.
We have a wide range of job listings available.
"Dhaqtar ahaan, waxaan rabaa inaan arrintan si cad u qeexo: in gargaar la weydiisto dhaqaatiirta waa calaamad muujinaysa xoog.
Adduunka oo dhan, 1 ka mid ah 8-dii qofba waxay la nool yihiin xaalad dhanka caafimaadka maskaxda ah. Sidaa darteed, haddii aad la tacaalayso:
Walaac (Anxiety)
Niyad-jab (Depression)
Dareen kali-nimo
Ama aad weyday rajo aad ka qabto mustaqbalka...
Xusuusnow, keligaa ma tihid.
La hadal qof aad ku kalsoon tahay. La xiriir xirfadle caafimaad. Taageerada xilli h**e la helo waxay beddeli kartaa wax walba. Daryeelka caafimaadka maskaxdu waa qayb ka mid ah caafimaadka guud."
Dr. Gaya Gamhewage.
Waxay ka tirsan tahay Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO), iyadoo hadda ah Agaasimaha Waaxda Barashada iyo Horumarinta ee isla ururkaas.
21/02/2026
Ma fuuli lahayd diyaarad uu wado qof aan wax tababar ah lahayn, kaliya sababtoo ah waa qof caan ah ama xil haya. Waxaad dooran lahayd duuliye aqoon iyo tababar leh, sababtoo ah khatartu waa mid aad u weyn. Mabda’aas ayaa sidoo kale khuseeya caafimaadkaaga.
Inkasta oo cawaaqibta ka dhalan karta go’aanno caafimaad oo khaldan aysan u muuqan karin kuwo degdeg ah ama naxdin leh sida shil diyaaradeed, haddana waxay noqon karaan kuwo culus oo muddo dheer saameeya nolosha.
Ku tiirsanaanta xirfadlayaasha caafimaadka iyo khubarada sayniska waxay kaa caawinaysaa in go’aannadaadu ku dhisnaadaan caddayn iyo cilmi, ee aan ku dhisnayn aragti shakhsiyeed ama caanimo.
Qoraalkaan Waxaa soo qoray Madaxa Hay'adda Who.
🧠 Maxaa Sababa Welwelka? | Wareysi Gaar ah Dr Maxamed Cabdulqaadir Biixi
21/02/2026
Dadka qaba xanuunka macaanka ee nooca 2-aad (Type 2 Diabetes) ee xaaladoodu deggan tahay, go'aanka ay ku soomayaan bisha Ramadaan waa inay ku salaysaa heerka khatarta caafimaadkooda.
Si looga fogaado xaaladda hypoglycemia (sonkorta oo aad hoos ugu dhacda), la tasho dhakhtarkaaga si aad wax uga beddeshaan:
Xaddiga qiyaasta insuliinta aad qaadanayso.
Xilliyada rasmiga ah ee aad qaadanayso dawooyinka.
Nooca daawaynta ee kuugu habboon xilliga soonka.
21/02/2026
Cun cunto caafimaad leh adiga oo mudnaanta siinaya khudaarta iyo miraha, yareynaya sonkorta, kana fogaanaya cuntooyinka warshadaysan. Sidoo kale, ku dadaal inaad jidhkaaga biyo ku filan siiso, samee jimicsi joogto ah, kana fogow tubaakada. Xusuusnow inaad daryeesho naftaada iyo dadka kaleba.
21/02/2026
Haddii aad joojiso sigaarka ka hor intaadan gaadhin da'da 40-ka, waxay 90% hoos u dhigaysaa khatarta ah inaad u dhimato xanuunnada la xidhiidha cabista sigaarka. Bisha barakaysan ee Ramadaan, la wareeg mas'uuliyadda caafimaadkaaga oo billow cutub cusub oo noloshaada ah adigoon sigaar isticmaalin.
21/02/2026
Timirtu waxay yaraysaa dareenka gaajada aadka u daran, taas oo kaa caawinaysa inaad iska ilaaliso cunista xad-dhaafka ah xilliga afurka, adiguna aad xakamayso miisaanka jidhkaaga. Waxay qani ku tahay fiber-ka, fiitamiin B6, folic acid, potassium, iyo magnesium, sidoo kale waxay leedahay xaddi bir ah oo jidhka siiya tamar degdeg ah.
Waa Maxay Panic Attack? Calaamadaha, Sababaha & Sida Loo Daweeyo – Dr Maxamed Cabdullaahi Qaadir Biixi.
Dr Biixi waxaa uu fadhiistaa Isbitaalka capital hospital oo ku yaalla degmada Hodan.
Daawo halkan: https://studio.youtube.com/video/rXIBPh4EbOw/edit
Click here to claim your Sponsored Listing.
Location
Contact the business
Telephone
Website
Address
Mogadishu
