Hay’adda Korontada Qaranka - NEA

Hay’adda Korontada Qaranka - NEA

Share

The National Electricity Authority (NEA) of the Federal Government of Somalia.

Photos from Hay’adda Korontada Qaranka - NEA's post 26/11/2025

Mareeyaha Hay’adda Korontada Qaranka, Mudane Cabdulhaai Axmed Dayib, ayaa ka qeyb-galay munaasabadda Hayaanka Soo-kabashada iyo Horumarinta Korontada oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha.

Munaasabadda waxaa goobjoog ka ahaa, Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha XFS, Mudane Abdullaahi Bidhaan Warsame, Wasiiru Dowlaha Tamarta, Mudane Maxamed Abdullahi, Mas’uuliyiin ka tirsan hay’adaha dowladda, Injineerro iyo khubaro ku takhasustay korontada.

Intii lagu guda jiray madasha, Mareeyaha Hay’adda Korontada Qaranka ayaa soo jeediyay warbixin kooban oo uu kaga hadlayay muhiimadda qorshaha soo-kabashada, caqabadaha jira, iyo dadaallada lagu xoojinayo adeegyada korontada dalka, isagoo xusay in hay’addu ka go’an tahay:

• In la dardargeliyo mashaariicda korontada ee dalka,
• In la tayeyo adeegyada loo sameeyo bulshada,
• In la xoojiyo wada-shaqeynta wasaaradda iyo bah-wadaagta horumarinta.

Mareeyaha ayaa sidoo kale hoosta ka xarriiqay in wadashaqeyn joogto ah iyo qorshe mideysan ay muhiim u yihiin gaarsiinta adeeg koronto oo la isku halleyn karo.

Photos from Hay’adda Korontada Qaranka - NEA's post 20/11/2025

Hay’adda Korontada Qaranka (NEA), oo kaashanaysa Midowga Yurub, ayaa maanta qabatay maalintii labaad wadatashi ku saabsan qabyo qoraalka xeerka Badqabka Hawlaha Korontada iyo Hab-dhaqanka Shaqada, Korontada ee 2025.

Maalinta labaad ee wadatashiga ayaa lagu furay soo koobid qodobadii maalintii 1aad dhacay iyo hordhac ku saabsan casharrada maalinta 2aad, waxaana furitaanka qaybtiisa h**e qabtay Mohamed Ibrahim, Ku Xigeenka maareeyaha Guud ee Hay’adda Korontada Qaranka.

Intii kulanku socday waxaa la soo bandhigay mowduucyo muhiim u ah badqabka korontada, oo ay ka mid ahaayeen:

Xeerarka Badqabka Korontada oo uu soo jeediyay Dr. Tawfiq Bashir, una sharxay habraacyada shaqo iyo nidaamyada tagida korontada.

Dhanka kale, Khadija Abdi oo ka socotay Madasha Ganacsiga iyo Maalgashiga EU-Somali (ITBP) ayaa soo bandhigtay maalgashiga ku xeeran howlaha tamarta, iyada oo ka hadashay fursadaha ka jira.

Sidoo kale, Hassan Abdirizak oo ka tirsan UNDP ayaa soo jeediyay warbixin ku saabsan mashruuca AMP ee lagu hormarinayo suuqa tamarta Soomaaliya.

Intii kulanka uu socday waxaa lasoo bandhigay cashar ku saabsan hab-dhaqannada badbaado ee hawlaha korontada, oo uu soo gudbiyay Eng. Abdifatah, Agaasimaha Waaxda Tamarta.

Ugu dambeyn, kulanka ayaa lasoo gaba gabeeyay ayadoo la isla qaatay tallaabooyinka xiga ee lagu hirgelinayo xeerarka cusub ee badqabka korontada.

Photos from Hay’adda Korontada Qaranka - NEA's post 19/11/2025

Hay’adda Korontada Qaranka (NEA) ayaa maanta Muqdisho ka daahfurtay shir wadatashi ah oo lagu gorfeynaayey saddex sharci oo qabyo qoraal ah kuwaas kabayo shuruucda tamarta cadceeda, iyo shuruuc kale oo korontada dalka muhim u ah, kuwaas oo la dhaqan gelin doono dhawaan marka la marsiiyo dhamaan hab raaca sharci ee ansaxinta.

Shirkan oo ay goob joog ka ahaayeen Maareeyaha Guud ee Hay’adda Korontada Qaranka, Mudane Cabdullaahi Axmed Dayib, Maareeye ku xigeenka Mohamed ibrahim iyo lataliya farsamada ee hay,adda Dr.towfiq bashir , iyo Xubno ka socday Midowga Yurub iyo shirkadaha bixiya adeegga Korontada oo ka kala yimid maamul goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir.

Shirkan ayaa waxaa looga dooday Shuruucdan cusub oo muhiim u ah horumarinta adeegga korontada dalka.

Seddexda xeernidaamiye ayaa kala ah:-

🔹 Xeerka Solarka (solar Photovoltaic Systems2025)
🔹 Xeerka Badqabka Korontada 2025
🔹 Xeerka Tayada Adeegga Korontada 2025

Shirkan oo socon doono muddo labo maalimood ah 19–20 November 2025, waxaana taageeray Midowga Yurub (EU) waxaana fuliyay Cowater International, iyada oo ujeedadu shirkan ay tahay in la helo adeeg koronto oo casri ah, tayo sare leh isla markaana la jaanqaada baahida bulshada iyo ganacsiga dalka.

13/11/2025

“Dadaalkeenna oo dhan waxaan isugu geynaynaa sidii shacabka Soomaaliyeed u heli-lahaayeen koronto jaban.”

Abdullahi Ahmed Dayib
Maareeyaha Hay’adda Korontada Qaranka - NEA

12/11/2025

Maxay tahay ka badaleysaa Qiimaha Korontada Dalka, shahaadada sharciga ee dhawaan lasiiyay shirkaddaha bixiya adeegga Korontada Dalka?

Maareeyaha Hay'adda Korontada Qaranka C/laahi Axmed Dayib ayaa ka jawaabaya.

12/11/2025

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Korontada Qaranka - NEA, Mudane Abdullahi Ahmed Dayib, oo ka hadlay Barnaamijka Raad Raac ee SNTV, ayaa faah faahin ka bixiyay shirweyne dhawaan lagu soo gabagabeeyey magaalada Muqdisho oo shirkadaha bixiya adeegga Koronta dalka lagu gudoonsiinayay ruqsada adeeg bixinta.

Hay’adda Korontada Qaranka ayaa sidookale waddo dadaallo ay ku horumarineyso tayada iyo shuruucda adeeg bixinta korontada dalka, si loo helo koronto Jaban, la isku haleeyn karo, horseedana fulinta qorshayaasha hornaruneed ee dalka u yaalo, loona xoojiyo iskaashiga shirkadaha bixiya adeegga iyo Hay,adda .

02/11/2025

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha XFS Marwo Suhuur Xaaji ayaa soo xirtay shir socday muddo laba maalmood ah, kaas oo lagu bixiyay ruqsadaha rasmiga ah ee shirkadaha bixiya adeegga korontada dalka.

Photos from Hay’adda Korontada Qaranka - NEA's post 02/11/2025

Hay’adda Korontada Qaranka oo soo gabagabeysay shir laba maalmood socday.

Hay’adda Korontada Qaranka ee Soomaaliya (NEA) ayaa maanta magaalada Muqdisho kusoo gabagabeysay shir socday muddo laba maalmood, kaas oo shirkadaha bixiya adeegga korontada lagu guddoonsiinayey ruqsadaha rasmiga ah ee shaqo.

Shirkan oo lagu qabtay Muqdisho, ayaa maanta waxaa goob joog ka ahaa Maareeye ku xigeenka Hay’adda Korontada Qaranka iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Suhuur Xaaji, oo si rasmi ah u soo xirtay kulanka.

Marwo Suhuur Xaaji ayaa uga mahadcelisay dhammaan shirkadihii ka qeyb galay shirkan iyo kuwa qaatay shahaadada ruqsadda adeegga korontada, iyadoo xustay in talaabadani ay muhiim u tahay hagaajinta nidaamka korontada dalka iyo kobcinta kalsoonida shacabka.

Dhanka kale, wakiillada shirkadaha korontada ee dalka oo helay ruqsadaha rasmiga ah ayaa uga mahadceliyay Hay’adda Korontada Qaranka dadaalka ay ku bixisay nidaaminta iyo sharciyeynta adeegga, iyagoo balan qaaday in ay sii wadi doonaan bixinta adeeg tayo leh oo la isku halleyn karo.

—DHAMMAAD—

02/11/2025

Xuseen Yuusuf Xasan oo ka socda Shirkadda Korontada ee PEPCO oo qaatay shahaadada ruqsada ee adeegga Koronta ee hay'adda Korontada Qaranka.

Hay’adda Korontada Qaranka - NEA

02/11/2025

Faysal Maxamed Duuble oo ka socda Shirkadda Korontada Baydhabo Electric Company oo qaatay shahaadada ruqsada ee adeegga Koronta ee ay bixiso hay'adda Korontada Qaranka.

02/11/2025

Maxamed Cabdiraxman oo ka socda Shirkadda Blue Sky Energy oo qaatay shahaadada ruqsada ee adeegga Koronta ee ay bixiso hay'adda Korontada Qaranka.

02/11/2025

Axmed Cabdiraxman oo ah Maareeyaha Shirkadda Weeska ee Jubbaland oo qaatay shahaadada ruqsada ee hay'adda Korontada Qaranka.

Want your business to be the top-listed Government Service in Mogadishu?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Address


Mogadishu