26/05/2026
𝐂𝐢𝐢𝐝𝐮𝐥 𝐀𝐝𝐱𝐚 𝐌𝐮𝐛𝐚𝐫𝐚𝐤 🌙🐏
Munaasabadda Ciidul Adxa awgeed, waxaan hambalyo diirran u direynaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed iyo Muslimiinta meel kasta oo ay joogaan.
Allaha naga aqbalo acmaashii suubaneyd, ciidaan ciideedana nagu gaarsiiyo nabad iyo barwaaqo. Aamiin.
Ku ciida farxad iyo reynreyn!
26/05/2026
𝗪𝗮𝗿𝗴𝗲𝗹𝗶𝗻
Maxkamadda Degmada Kaaraan waxa ay ku wargelineysaa shakhsiyaadka kala ah:-
1. Asad Xuseen Jimcaale;
2. Kiin Xuseen Jimcaale; iyo
3. Nimco Xuseen Jimcaale
in ay Maxkamadda Degmada Kaaraan ka taallo dacwad Dhaxal ah, ayna ku hor yimaadaan muddo 160 casho gudahood ah.
__________________________________
𝐗𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐗𝐢𝐫𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐝𝐰𝐚𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐞𝐞 𝐌𝐚𝐱𝐤𝐚𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐟𝐜𝐚𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐧𝐚𝐚𝐝𝐢𝐫. 𝐊𝐚𝐥𝐚 𝐱𝐢𝐫𝐢𝐢𝐫:
𝐄-𝐦𝐚𝐢𝐥:𝐏𝐫@𝐛𝐫𝐚𝐜.𝐠𝐨𝐯.𝐬𝐨 𝐓𝐞𝐥𝐥: +𝟐𝟓𝟐 𝟔𝟏𝟑 𝟔𝟔𝟔𝟔𝟔𝟐
24/05/2026
𝗪𝗮𝗿𝗴𝗲𝗹𝗶𝗻
Maxkamadda Degmada Deyniile waxa ay ku wargelineysaa shakhsiyaadka kala ah:
1. Cabdifitaax Jaamac Yuusuf; iyo
2. Abuukar Maxamed Cali
Inay Maxkamadda ka taallo dacwad Madani ah, isla markaana ay ku hor yimaadaan muddada loo qabtay ee ku xusan Baafinta.
__________________________________
𝐗𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐗𝐢𝐫𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐝𝐰𝐚𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐞𝐞 𝐌𝐚𝐱𝐤𝐚𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐟𝐜𝐚𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐧𝐚𝐚𝐝𝐢𝐫. 𝐊𝐚𝐥𝐚 𝐱𝐢𝐫𝐢𝐢𝐫:
𝐄-𝐦𝐚𝐢𝐥: 𝐏𝐫@𝐛𝐫𝐚𝐜.𝐠𝐨𝐯.𝐬𝐨 𝐓𝐞𝐥𝐥: +𝟐𝟓𝟐 𝟔𝟏𝟑 𝟔𝟔𝟔𝟔𝟔𝟐
16/05/2026
𝗪𝗮𝗿𝗴𝗲𝗹𝗶𝗻
Maxkamadda Degmada Wadajir waxa ay ku wargelineysaa shakhsiyaadka hoos ku xusan, in ay Maxkamadda ka taallo dacwad Dhaxal ah oo ay dhinac ka yihiin, ayna ku hor yimaadaan muddo 107 casho gudahood ah, ama ay kusoo dirsadaan wakiil sharci oo ku matala dacwadda.
__________________________________
𝐗𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐗𝐢𝐫𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐝𝐰𝐚𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐞𝐞 𝐌𝐚𝐱𝐤𝐚𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐟𝐜𝐚𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐧𝐚𝐚𝐝𝐢𝐫. 𝐊𝐚𝐥𝐚 𝐱𝐢𝐫𝐢𝐢𝐫:
𝐄-𝐦𝐚𝐢𝐥: 𝐏𝐫@𝐛𝐫𝐚𝐜.𝐠𝐨𝐯.𝐬𝐨 𝐓𝐞𝐥𝐥: +𝟐𝟓𝟐 𝟔𝟏𝟑 𝟔𝟔𝟔𝟔𝟔𝟐
29/04/2026
𝗪𝗮𝗿𝗴𝗲𝗹𝗶𝗻
Maxkamadda Degmada Wadajir waxa ay ku wargelineysaa Kamaal Xaashi Wehliye, in ay Maxkamadda taallo dacwad Fulin Dhaxal ah oo uu dhinac ka yahay, isla markaana uu ku yimaado muddo 107 maalmood gudahood ah, ama uu soo dirsado wakiil sharci oo u qaada qismigiisa dhaxalka.
__________________________________
𝐗𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐗𝐢𝐫𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐝𝐰𝐚𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐞𝐞 𝐌𝐚𝐱𝐤𝐚𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐟𝐜𝐚𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐧𝐚𝐚𝐝𝐢𝐫. 𝐊𝐚𝐥𝐚 𝐱𝐢𝐫𝐢𝐢𝐫:
𝐄-𝐦𝐚𝐢𝐥:𝐏𝐫@𝐛𝐫𝐚𝐜.𝐠𝐨𝐯.𝐬𝐨 𝐓𝐞𝐥𝐥: +𝟐𝟓𝟐 𝟔𝟏𝟑 𝟔𝟔𝟔𝟔𝟔𝟐
23/04/2026
𝗧𝗔𝗖𝗦𝗜
Inaa Iilaahi Wa Inaa Ilayhi Raajicuun!!!
Dhammaan maamulka, garsoorayaasha, kaaliyayaasha iyo hawl-wadeennada Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Banaadir waxa ay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan ehelada iyo qaraabadii uu ka baxay Alle hau naxriistee Abuukaate Tahliil Xaaji Axmed, oo ku geeriyooday dalka Talyaaniga.
Marxuumka waxaan Alle SWT ugu baryaynaa in uu janaddiisa ka waraabiyo, Bahdii sharciyaqaanada iyo dhammaan dadkii jeclaana uu samir iyo iimaan ka siiyo. Aaamin! Aaamin!
07/04/2026
𝗪𝗮𝗿𝗴𝗲𝗹𝗶𝗻
Maxkamadda Degmada Waaberi waxa ay ku wargelineysaa shakhsiyaadka hoos ku xusan inay Maxkamadda ka taallo dacwad Madani ah oo ay dhinac ka yihiin, ayna ku hor yimaadaan muddo 53 casho gudahood ah.
__________________________________
𝐗𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐗𝐢𝐫𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐝𝐰𝐚𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐞𝐞 𝐌𝐚𝐱𝐤𝐚𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐟𝐜𝐚𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐧𝐚𝐚𝐝𝐢𝐫. 𝐊𝐚𝐥𝐚 𝐱𝐢𝐫𝐢𝐢𝐫:
𝐄-𝐦𝐚𝐢𝐥: 𝐏𝐫@𝐛𝐫𝐚𝐜.𝐠𝐨𝐯.𝐬𝐨 𝐓𝐞𝐥𝐥: +𝟐𝟓𝟐 𝟔𝟏𝟑 𝟔𝟔𝟔𝟔𝟔𝟐
02/04/2026
𝗪𝗮𝗿𝗴𝗲𝗹𝗶𝗻
Maxkamadda Degmada Waaberi waxa ay ku wargelineysaa Jawaahir Xasan Barre iyo Aadan Xasan Barre oo kala jooga Italy iyo Netherlands inay Maxkamadda ka taallo dacwad Madani ah oo ay dhinac ka yihiin, ayna ku hor yimaadaan muddo 60 casho gudahood ah.
__________________________________
𝐗𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐗𝐢𝐫𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐝𝐰𝐚𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐞𝐞 𝐌𝐚𝐱𝐤𝐚𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐟𝐜𝐚𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐧𝐚𝐚𝐝𝐢𝐫. 𝐊𝐚𝐥𝐚 𝐱𝐢𝐫𝐢𝐢𝐫:
𝐄-𝐦𝐚𝐢𝐥: 𝐏𝐫@𝐛𝐫𝐚𝐜.𝐠𝐨𝐯.𝐬𝐨 𝐓𝐞𝐥𝐥: +𝟐𝟓𝟐 𝟔𝟏𝟑 𝟔𝟔𝟔𝟔𝟔𝟐
25/03/2026
𝗪𝗮𝗿𝗴𝗲𝗹𝗶𝗻
Maxkamadda Degmada Wadajir waxa ay ku wargelineysaa shakhsiyaadka hoos ku xusan, in ay Maxkamadda ka taallo dacwad Dhaxal ah, isla markaana ay ku hor yimaadaan muddo 160 casho gudahood ah.
__________________________________
𝐗𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐗𝐢𝐫𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐝𝐰𝐚𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐞𝐞 𝐌𝐚𝐱𝐤𝐚𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐟𝐜𝐚𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐧𝐚𝐚𝐝𝐢𝐫. 𝐊𝐚𝐥𝐚 𝐱𝐢𝐫𝐢𝐢𝐫:
𝐄-𝐦𝐚𝐢𝐥:𝐏𝐫@𝐛𝐫𝐚𝐜.𝐠𝐨𝐯.𝐬𝐨 𝐓𝐞𝐥𝐥: +𝟐𝟓𝟐 𝟔𝟏𝟑 𝟔𝟔𝟔𝟔𝟔𝟐
19/03/2026
𝐂𝐢𝐢𝐝 𝐖𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠𝐬𝐚𝐧
Munaasabadda Ciidul Fidriga awgeed, dhammaan maamulka, garsoorayaasha iyo hawl-wadeennada Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Banaadir waxa ay farxadda Ciidda la qeybsanayaan dhammaan ummadda muslimiinta meel kasta oo ay caalamka ka joogaan, si gaar ah shacabka Soomaaliyeed.
Waxaan Alle weyne ka baryeynaa inuu naga aqbalo acmaashii wanaagsan ee bisha ramadaan aanu gudannay, Sannadkan sannadkiisana ha inagu gaarsiiyo nabad, farxad iyo baraare.