11/09/2025
Sharaf bay ii ahayd inaa kasoo qayb galo kana
Mid noqdo dadka kooban Ee lagu- soo casuumay macadka Daraasadka cilmibaarista Bulsho trust
Oo sanadkasta qabata shir sanadlaa
kana dhaca Gobolka Ohio
iskuna keenta siyaasi aqoon yahan iyo bulshada soomaliyeed qaybaheeda kala duwan,
Waxaa laysla falan qeeyay xaalada soomalia iyo doorashada 2026 Ee fooda nagu soo haysa,
Aad baan ugu mahadcelinayaa Dhamaan intii kasoo qayb gashay iyo intii soo agaasintayba mahad sanidiin
03/05/2025
Sheeko h**e.
Nin ganacsade tujaar ah ganacsigiisana aad loo jeclaa macaamiil badana lahaa baa waxaa ushaqayn jiray nin kale.
Ninkii ganacsadaha u shaqeyn jiray wuxuu soo qoray rag shaqaale hoosaad ah, mudo badan kadib waxaa isku dhacay ganacsadihii tujaarka ahaa iyo
Ninkii ushaqaynayey, kadib ninkii shaqadii
wuu katagey!
Ragii shaqaala hoosaadka isaga usii ahaa ayagana waala cayrshay, Ragii shaqaale hoosaadka ahaa iyo ninkii waxay raadiyeen shaqo, waxay utageen ganacsatadii tujaarta ahayd iyo ganacsato yar yar labadaba si ay ugu shaqeeyaan.
Maadaama ay jireen ganacsato ay h**ey ugu soo shaqeeyeen oo CV goooda lahayay shaqadoodana lasoo tijaabiyey nasiib daro
kuma guulaysan wax shaqaa oo danbe.
Mid kamida shaqaale hoosaadkii aadna uduruufaysnaa hadana aad uduruufaysan
baa wuxuu isku da’yey ganacsadihii soo eryey inuu suuqyada ka boro-bogaamo maadaama shaqo uu waayey, si qolo ganacsadahaas ladirarsan shaqo uga helo, wuuna kuguulaysan waayey nasiib daro madama bulshadu aad utaqiin,
Jawaabo uusan ka filanayna waysiiyeen.
Xiligaan lagu jirana wax sahalan maahan inaad shaqo hesho.
Waa bilaahi towfiiq
29/03/2025
Eid Mubarak dhamaan Muslimiinta.
Waxaan munaasabada Ciidul fidriga Laqaybsanayaa, dhamaan umadda
muslimiintaa qaasatan umadda soomaliyeed meel kastooy joogaan,
Waxaan leeyahay ku ciida farxad, baraare iyo barwaaqo.
kulu Caam Wa'antum bilkhayr.
07/03/2025
Alxamdulilah hadii diyaaradii ugu h**eysay maanta tagtay Dagmada baardheere.
Waa umahad celinayaa hay’ada duulista rayidku inay kasoo jawaabeen Cabashadii shacabka iyo codsiyadii an u gudbinay.
Insha Allah shacabka reer doolow ama Bulsho waynta Gobolka Gado waxaan rajaynayaa inay heli doonaan duulimaadkoodii oo dhamaystiran, iyo adeegyadii Aas'aasiga ee Bulshada insh Alah.
K**a daali doono inaan wax kasta oo awooodno u sameyno sidii deegaankaas u heli lahaa duulimaadkiisii iyo xuquuqdii uu lahaa Gobal ahaan.
26/02/2025
انا لله وانا اليه راجعون
Ilaahay naxariistii Jano hawgu bishaareeyo
G/sare Sheikh xasan Cabdi Calas (xasan Caabudwaaq) oo maanta gacan ka xaqdaran kubaxay, Waa geeri aad uxanuun badan oon qalbigaygana aad utaabatey, waxaan uga tacsiyeynayaa Ciidanka Xooga dalka soomaliyeed, Culumo-owdiinka, iyo dhamaan ehelka oo dhan qaasatan Awlaadiisa ilaahay samir jamiila hanaga wadasiiyo Amiin yaa Allah.
23/02/2025
Dhismaha Saldhiga Cusub e Degmadda.
Waxaa maantay si rasmi ah Caabudwaaq uga bilowday mashruuca dhismaha saldhigga cusub ee Degmadda Caabudwaaq oon horay halkaan qamiistii lasoo dhaafay uga dhagax dhigay. Waxaa sharaf ii ah in uusan lamid noqon dhagaxdii deegaanka h**ey loodhigay ee maantaba dhismihiisii bilowday.
Allah ayaa ku mahadsan iyo cid kasta oo arinkaas igala shaqeysay.
20/02/2025
Waxaan maanta dhagax dhigay mashruuc muhiim ah kaas oo lagu dhisayo Saldhig Casri ah oo Police ka Degmadda Caabudwaaq yeelanayo.