07/10/2024
Muqdisho, 7da Oktoobar, 2024, Maareeyaha Guud ee Hay’adda Tayo-Dhawrka Soomaaliyeed Marwo. Hawo Ahmed Hassan ayaa maanta kulan la yeelatay madaxa hay’adda UNIDO ee Soomaaliya Mr. Ygor Scarcia oo ay ka wada-hadleen xoojinta xiriirka labada dhinac iyo dardar gelinta mashruuca badqabka cuntada iyo fududeynta ganacsiga ee wax soo saarka dalka.
Kulanka waxaa sidoo kale ka qeyb-galay Agaasimaha Machadka Tayada ee Hay’adda Tayo-Dhawrka Soomaaliyeed Md. Cabdiqaadir Cabdisalaan. Labada dhinac ayaa iska xog-waraysteen mashaariicda horumarinta ganacsiga dalka gaar ahaan beeraha, kalluumeysiga iyo xanaanada xoolaha.
Maareeyaha Guud ee Hay’adda Tayo-Dhawrka Soomaaliyeed ayaa uga mahadcelisay hay’adda UNIDO mashaariicda horimaneed oo ay dalka ka hirgelisay.
01/10/2024
Agaasimaha Machadka Tayada Qaranka Mudane. Abdikadir Abdisalam ayaa maanta qeyb ka ahaa dood-wadaaga lagu qabtay intuu socday shirweynaha horimarinta wax soo saarka dalka. Sidoo kale Agaasimaha ayaa goobjoog u ahaa heshiis ganacsi ay wada galeen shirkad soomaali iyo shirkad ajanabi ah.
17/09/2024
Waxaa maanta oo ay taariikhdu tahay 17 September 2024 si rasmi ah u daahfuray xafiiska cusub ee Hay’adda Tayo-Dhawrka Soomaaliyeed Wasiirka wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Mudane Jibril Abdirashid Hajj Abdi oo ay wehliso Maareeyaha Guud ee Hay’adda Tayo-Dhawrka Soomaaliyeed Marwo. Hawo Ahmed Hassan. Sidoo kale waxaa xafladda goobjoog ka ahaa wasiiru dowlaha wasaarada Gaadiidka iyo duulista hawada iyo xubno ka socday golaha sare ee Hay’adda Tayo-Dhawrka Qaranka. Daah-furka xafiiska cusub ayaa lagu wadaa inuu xoojin doona adeegga hubinta iyo fududeynta Agabka iyo anfaca soo gala ama ka dhoofa garoonka caalamiga ee Aadan Cadde oo ay Hay’adda horey u qaban jirtay.
30/07/2024
Agaasimaha waaxda shahaadooyinka Mudane Abukar Axmed Culusow oo uu wehliyo Agaasimaha Machadka Tayada Machadka Tayada Qaranka Mudane. Cabdiqaadir Cabdisalaam ee Hay’adda Tayo-Dhawrka Soomaaliyeed ayaa maanta ku tagay booqasho isbitaalka Madiino si ay ugu kuur galaan xaalada isbitaalka. Wafdiga ayaa kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee isbitaalka Dr. Maxamed Cabdiraxmaan Jaamac (Burtuqal) isagoo ugu warbixiyey guud ahaan adeegyada isbitaalka sidoo kale xog fiican ka siiyey caqabadaha iyo horimarka maamulka isbitaalka ku talaabsaday halkii Sano lasoo dhaafay. Dhanka kale madaxda Hay’adda Tayo-Dhawrka Soomaaliyeed ayaa la kulmay qaar kamid ah dhaqaatiirta ka hawl gasha isbitaalka. Isbitaalka Madiino ayaa laf dhabar u ah bixinta adeegyada caafimaad ayadoo isbitaalka kusoo shaqeeyey 30kii sano lasoo dhaafay duruufo adag. Ugu dambeyntii madaxda Hay’adda Tayo-Dhawrka Soomaaliyeed ayaa uga warbixiyeen dadaalada ay Hay’adda ku xaqiijineyso la socodka Tayada heerarka caafimaad ee dalka ka jira.
-Mahadsanid-
29/07/2024
Kulan heer sare ah oo ay hogaamineysay maareeyaha guud ee Hay’adda Tayo-Dhawrka Soomaaliyeed Marwo. Hawo Ahmed Hassan ayaa ka qabsoomay xarunta dhexe ee Machadka Tayada Qaranka (HTS). Kulankan ayaa machadka ku marti qaaday quburo ku taqasusay Cilmi baarista. Kulanka ayaa diirada lagu saaray sidii cilmi baaris loogu sameyn lahaa dalagyada kala duwan ee dalka kasoo go’a gaar ahaan ka ganacsiga xoolaha, dalaga beeraha iyo jalaabashada Kalluunka. Agaasimaha Machadka Tayada Qaranka Mudane Abdikadir Abdisalam ayaa dhankiisa tilmaamay ahmiyada uu u leeyahay cilmi baaristaan horimarinta wax soo saarka dalka iyo kobaca dhaqaale.
14/07/2024
Agaasimaha Machadka Tayada Qaranka Mudane. Abdikadir Abdisalam ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray Xoghayaha cusub ee Hay'adda Tayo-Dhowrka Soomaaliyeed u magacawday Eng. Guled Mohamed Rashid, isagoo u rajeeyay in uu Alle la garab galo xilka culus ee loo magacaabay.
01/07/2024
Hambalyo dhammaan shacabka soomaaliyeed, munaasabadda 64aad guurada kasoo wareegtay maalinta xorriyadda..
15/06/2024
Ciid Wanaagsan dhammaan umadda Soomaaliyeed..