Hay'adda Isgaarsiinta Qaranka

Directions Website Contact the organization

Hay'adda Isgaarsiinta Qaranka Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka Waxa ay u xilsaaran tahay maamulka iyo nidaaminta isgaarsiinta dalka.

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo ka Qeybgaleysa Shirweyne ku Saabsan Adeegyada Dhijitaalka ah iyo Amniga SaybarkaKuala L...
06/10/2026

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo ka Qeybgaleysa Shirweyne ku Saabsan Adeegyada Dhijitaalka ah iyo Amniga Saybarka

Kuala Lumpur, Malaysiya, 6 Oktoobar 2026 — Wafdi ka socda Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) oo uu hoggaaminayo Maareeyaha Guud, Mudane Mustafa Yaasin Sheikh, ayaa ka qeybgalaya shirweyne ku saabsan adeegyada dhijitaalka ah iyo amniga saybarka (CyberDSA 2026), oo ka furmay magaalada Kuala Lumpur ee dalka Malaysiya.

Shirweynahan ayaa isu keenay wakiillo ka socda dowladaha, khubaro ku takhasusay amniga saybarka iyo madax ka tirsan qaybta teknoolojiyadda, si ay uga wada hadlaan amniga Garaad Gacmeedka, kalsoonida lagu qabo adeegyada dhijitaalka ah iyo ilaalinta adeegyada aasaasiga ah.

Maalintii ugu horreysay ee shirweynaha, Mudane Mustafa ayaa ka qeybgalay Madasha CyberStage, oo ay martigelisay Hay’adda Amniga Saybarka Malaysiya (CyberSecurity Malaysia), laguna falanqeeyey sidii nidaamyada dhijitaalka ah looga ilaalin lahaa khataraha Garaad Gacmeedka, iyada oo dood-cilmiyeedkaas ay kala qeybqaateen khubaro ku takhasusay amniga saybarka iyo aqoonsiga dhijitaalka ah.

“Shirweynahani wuxuu fursad noo siinayaa inaan khibrado la wadaagno dhiggeenna caalamiga ah, isla markaana sahminno fursadaha iskaashiga ee amniga saybarka. Iyadoo dalkeennu uu ballaarinayo adeegyadiisa dhijitaalka ah, waxaa mudnaan noo leh ilaalinta adeegyadaas iyo xoojinta kalsoonida bulshada,” ayuu yiri maareeyaha Guud.

Maareeyaha ayaa sidoo kale kulamo doceedyo la yeeshay mas’uuliyiinta dhiggiisa ah ee dalka Malaysiya iyo qaar ka mid ah ka qeybgalayaasha caalamiga ah, si ay khibrado isu weydaarsadaan, una sahmiyaan fursadaha iskaashiga ee amniga saybarka iyo horumarka dhijitaalka ah.

Horraantii bishii Agoosto, Hay'adda Isgaarsiinta Qaranka waxay la-tashi dadweyne u soo bandhigtay qabyo-qoraallada laba ...
24/09/2026

Horraantii bishii Agoosto, Hay'adda Isgaarsiinta Qaranka waxay la-tashi dadweyne u soo bandhigtay qabyo-qoraallada laba Xeer-nidaamiye oo ku saabsan Ilaalinta Macaamiisha iyo Tayada Adeegga Isgaarsiinta, si daneeyayaasha iyo bulshada ay uga dhiibtaan aragtiyahooda iyo talooyinkooda.

Iyadoo laga duulayo la-tashigaas, qeybta lixaad ee tixanaha doodaha Madasha NCA Digital Talks ayaa lagu qabanayaa X Spaces, waxaana looga hadli doonaa mowduuca: “Wadahadal Dadweyne oo ku Saabsan Labada Xeer-nidaamiye ee Qabyo-qoraalka ah: Ilaalinta Macaamiisha iyo Tayada Adeegga.”

Wada-hadalkan waxa uu fursad u noqon doonaa in si furan looga hadlo labada qabyo-qoraal, iyadoo ay ka qeybgalayaan Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, shirkadaha isgaarsiinta iyo bulshada rayidka ah, si loo falanqeeyo qodobbada la soo jeediyey, loogana wada hadlo ilaalinta macaamiisha, tayada adeegyada iyo xoojinta kalsoonida adeegyada isgaarsiinta.

Qodobbada Wadahadalka
1. Ujeeddada labada qabyo-qoraal ee Xeer-nidaamiyeyaasha iyo sida mid walba kan kale u dhammaystirayo.
2. Xuquuqda macaamiisha, helitaanka adeeg caddaalad ah iyo daahfurnaanta ku saabsan xayeysiiska, heshiisyada, qiimaha adeegyada iyo biilasha.
3. Heerarka la soo jeediyey ee tayada adeegga, isku-halaynta shabakadaha iyo waxqabadka adeegyada isgaarsiinta.
4. Cabashooyinka macaamiisha, habraacyada maareynta iyo gudbinta cabashooyinka, iyo helitaanka xal.
5. Hakadka adeegyada, wargelinta ciladaha iyo xalalka loo soo jeediyey macaamiisha.
6. Mas’uuliyadda shirkadaha isgaarsiinta, u-diyaargarowga hirgelinta iyo caqabadaha bixinta adeegyada.
7. Adeegyo loo dhan yahay, ilaalinta macaamiisha nugul iyo xogta gaarka ah ee macaamiisha adeegyada isgaarsiinta.
8. Habka ay Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka u soo jeedisay kormeerka, u-hoggaansanaanta iyo isla-xisaabtanka shirkadaha.
9. Iskaashiga dowladda, Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, shirkadaha isgaarsiinta iyo bulshada rayidka ah si loo xoojiyo kalsoonida loona taageero adeegyo la isku halayn karo.
10. Ka-qaybgalka daneeyayaasha, soo gudbinta aragtiyaha iyo talooyinka ku saabsan qabyo-qoraallada, iyo tallaabooyinka xiga ee dhammaystirkooda.

Martida
• Cabdulqaadir Kadle – Maamulaha Guud, SOMNET Telecom
• Cawaale Ereg – Maareeyaha Guud, SOMTEL
• Cabdifataax Cali – Agaasimaha Fulinta, Digital Shelter
• Liibaan Cabdulqaadir – La-taliyaha Nidaaminta, Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka

Wadahadalkan waxaa daadihin doona Yusuf Mohamed

📅 24 Sebtembar 2026
🕗 8:00–9:30 Fiidnimo
📍 X Spaces

Si aad uga qeybqaadato doodda 𝙉𝘾𝘼 𝘿𝙞𝙜𝙞𝙩𝙖𝙡 𝙏𝙖𝙡𝙠𝙨 ee X Spaces, fadlan guji xiriirka hoose:
https://x.com/i/spaces/1NGarokNNYEJj?s=20

Hay'adda Isgaarsiinta Qaranka ayaa Rukhsadda aan ganacsiga aheyn ee adeegyada internet ka waxbarashada siisay Shabakadda...
07/09/2026

Hay'adda Isgaarsiinta Qaranka ayaa Rukhsadda aan ganacsiga aheyn ee adeegyada internet ka waxbarashada siisay Shabakadda Waxbarashada iyo Cilmibaarista Soomaaliyeed (Somali Research & Education Network).Maareeyaha Guud ee HIQ, Mudane Mustafa Yaasin Sheikh, ayaa rukhsadda si rasmi ah u godoonsiiyay Agaasimaha SomaliREN, Mudane Axmed Daahir Siyaad.

Rukhsaddan waxa ay door muhim ah ka qaadan doontaa ballaarinta awoodda internet ka ee jaamacadaha, waxa ay na qeyb ka tahay dadaallada joogtada ah ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka ku xoojineyso baahinta adeegyada dhijitaalka ee goobaha waxbarashada sida jaamacadaha, iskuulada iyo xarumaha cilmi baarista ee dalka, si loo dardar geliyo horumarka dhijitaalka ee Soomaaliya.

𝐅𝐔𝐑𝐒𝐀𝐃𝐎 𝐐𝐀𝐍𝐃𝐀𝐑𝐀𝐀𝐒: NIDAAMKA KORMEERKA TAYADA ADEEGGA ISGAARSIINTA IYO QALABKA MAAREYNTA IYO KORMEERKA HIRRARKA ISGAARSII...
06/09/2026

𝐅𝐔𝐑𝐒𝐀𝐃𝐎 𝐐𝐀𝐍𝐃𝐀𝐑𝐀𝐀𝐒: NIDAAMKA KORMEERKA TAYADA ADEEGGA ISGAARSIINTA IYO QALABKA MAAREYNTA IYO KORMEERKA HIRRARKA ISGAARSIINTA

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) waxay shirkadaha danaynaya ku martiqaadaysaa inay ka qaybqaataan labadan fursadood ee qandaraas:

𝟏. 𝐊𝐞𝐞𝐧𝐢𝐬𝐭𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐑𝐚𝐤𝐢𝐛𝐢𝐝𝐝𝐚 𝐍𝐢𝐝𝐚𝐚𝐦𝐤𝐚 𝐊𝐨𝐫𝐦𝐞𝐞𝐫𝐤𝐚 𝐓𝐚𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐀𝐝𝐞𝐞𝐠𝐠𝐚 isgaarsiinta (𝐐𝐨𝐒 𝐌𝐨𝐧𝐢𝐭𝐨𝐫𝐢𝐧𝐠 𝐒𝐲𝐬𝐭𝐞𝐦)
Qandaraaskan wuxuu ku saabsan yahay naqshadeynta, horumarinta, keenista, rakibidda, tijaabinta, hawlgelinta iyo taageerada Nidaamka Kormeerka Tayada Adeeggyada Isgaarsiinta (QoS).

📅 Waqtiga kama-dambaysta ah ee gudbinta: 8 Oktoobar 2026, 1:00 duhurnimo.

𝟐. 𝐐𝐚𝐥𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐊𝐨𝐫𝐦𝐞𝐞𝐫𝐤𝐚 𝐇𝐢𝐫𝐫𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐈𝐬𝐠𝐚𝐚𝐫𝐬𝐢𝐢𝐧𝐭𝐚 (𝐐𝐚𝐥𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐨𝐛𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐨𝐨𝐠𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐚𝐡 𝐥𝐚𝐠𝐮 𝐑𝐚𝐤𝐢𝐛𝐨 𝐢𝐲𝐨 𝐊𝐚𝐧 𝐆𝐮𝐮𝐫𝐠𝐮𝐮𝐫𝐚)

Qandaraaskan wuxuu ku saabsan yahay keenista qalab goobaha joogtada ah lagu rakibo iyo mid guurguura oo loo adeegsanayo maareynta iyo kormeerka hirarka isgaarsiinta

📅 Waqtiga kama-dambaysta ah ee gudbinta: 20 Oktoobar 2026, 1:00 duhurnimo.

Faahfaahinta oo dhammaystiran, shuruudaha qandaraasyada iyo habka gudbinta ka eeg:

https://short.nca.gov.so/xmd7O

𝐖𝐀𝐃𝐀𝐓𝐀𝐒𝐇𝐈 𝐃𝐀𝐃𝐖𝐄𝐘𝐍𝐄: XEERNIDAAMIYEYAASHA TAYADA ADEEGYADA IYO ILAALINTA XUQUUQDA MACAAMIISHA ISGAARSIINTAHay’adda Isgaars...
13/08/2026

𝐖𝐀𝐃𝐀𝐓𝐀𝐒𝐇𝐈 𝐃𝐀𝐃𝐖𝐄𝐘𝐍𝐄: XEERNIDAAMIYEYAASHA TAYADA ADEEGYADA IYO ILAALINTA XUQUUQDA MACAAMIISHA ISGAARSIINTA

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) waxa ay wadatashi dadweyne u soo bandhigaysaa laba qabyo-qoraal Xeernidaamiye oo la xiriira tayada adeegyada isgaarsiinta iyo ilaalinta xuquuqda macaamiisha:

1. Xeernidaamiyaha Tayada Adeegyada Isgaarsiinta – waxaa uu qeexi doonaa heerarka lagama maarmaanka ah iyo halbeegyada lagu cabbirayo, lagula soconayo laguna kormeerayo tayada adeegyada isgaarsiinta iyo tiknoolojiyadda.

Somali: https://short.nca.gov.so/pcuy8
English: https://short.nca.gov.so/NaXR8

2. Xeernidaamiyaha Ilaalinta Xuquuqda Macaamiisha Isgaarsiinta – ujeeddadiisu waa ilaalinta xuquuqda iyo danaha macaamiisha iyo isticmaaleyaasha kale ee adeegyada isgaarsiinta dalka, iyo in uu horumariyo cadaaladda, daahfurnaanta iyo hab-dhaqanka wanaagsan ee adeeg-bixiyeyaashu ku bixiyaan adeegyada isgaarsiinta.

Somali:https://short.nca.gov.so/2HvMZ
English: https://short.nca.gov.so/CmBDI

HIQ waxay ku codsanaysaa shirkadaha isgaarsiinta, shirkadaha bixiya adeegyada internet-ka, macaamiisha, khubarada iyo dhammaan daneeyayaasha in ay talo-ku darsadaan qabyo-qoraalkan, kuna soo gudbiyaan aragtidooda iyo talooyinkooda ugu dambayn 31/08/2026 iyada oo ku soo diraya emaylkan:- [email protected]

4th NATIONAL CYBERSECURITY FORUM 𝐂𝐀𝐋𝐋 𝐅𝐎𝐑 𝐏𝐀𝐏𝐄𝐑𝐒 The National Communications Authority (NCA) and Mogadishu University  ج...
22/07/2026

4th NATIONAL CYBERSECURITY FORUM

𝐂𝐀𝐋𝐋 𝐅𝐎𝐑 𝐏𝐀𝐏𝐄𝐑𝐒

The National Communications Authority (NCA) and Mogadishu University جامعة مقديشو are pleased to announce the 4th National Cybersecurity Forum, to be held on 27 – 28 October 2026, under the theme: “𝑩𝒖𝒊𝒍𝒅𝒊𝒏𝒈 𝑻𝒓𝒖𝒔𝒕 𝒂𝒏𝒅 𝑪𝒚𝒃𝒆𝒓 𝑹𝒆𝒔𝒊𝒍𝒊𝒆𝒏𝒄𝒆 𝑻𝒉𝒓𝒐𝒖𝒈𝒉 𝑺𝒆𝒄𝒖𝒓𝒊𝒕𝒚 𝒃𝒚 𝑫𝒆𝒔𝒊𝒈𝒏”

The theme is aligned with the Global Cybersecurity Awareness Campaign 2026, under the global theme "𝑵𝒂𝒗𝒊𝒈𝒂𝒕𝒊𝒏𝒈 𝑻𝒓𝒖𝒔𝒕 𝒊𝒏 𝒂𝒏 𝑨𝑰 𝑾𝒐𝒓𝒍𝒅." The Forum provides a national platform for advancing cybersecurity knowledge, strengthening trust, enhancing cyber resilience, and fostering collaboration among government, academia, industry, civil society, and international partners. It also promotes research and innovation that support evidence-based policymaking, strengthen national cybersecurity capabilities, and contribute to Somalia's secure and resilient digital future.

Cybersecurity professionals, researchers, academics, policymakers, practitioners, postgraduate students, and industry experts are invited to submit original, unpublished research papers that present innovative solutions, empirical findings, practical experiences, and policy recommendations aligned with the Forum theme.

𝐀𝐑𝐄𝐀𝐒 𝐎𝐅 𝐑𝐄𝐒𝐄𝐀𝐑𝐂𝐇:
Researchers, academics, practitioners, and postgraduate students are invited to submit original abstracts and full papers on topics aligned with the Forum theme, including, but not limited to, the following areas:

• Cybersecurity Governance, Policy, and Regulatory Frameworks
• Security by Design and Secure-by-Default Principles
• Cyber Risk Management, Compliance, and Standards
• Cyber Resilience and Critical Infrastructure Protection
• Secure Software Development and Emerging Technologies
• Identity and Access Management, Data Protection, and Privacy
• Cyber Threat Intelligence, Incident Response, and Digital Forensics
• Cybercrime Prevention, Investigation, and Digital Evidence
• Child Online Protection and Online Safety
• Cybersecurity Awareness, Education, and Capacity Building
• Cybersecurity Research, Innovation, and Public–Private Collaboration

𝐈𝐦𝐩𝐨𝐫𝐭𝐚𝐧𝐭 𝐃𝐚𝐭𝐞𝐬 – 𝟐𝟎𝟐𝟔

- Call for Papers: 22 July 2026
- Abstract Submission Deadline: 21 August 2026
- Notification of Abstract Acceptance: 30 August 2026
- Final Paper Submission Deadline: 25 September 2026
- Notification of Full Paper Acceptance: 10 October 2026
- Forum/Conference Dates: 27–28 October 2026

𝐂𝐎𝐍𝐓𝐀𝐂𝐓 𝐈𝐍𝐅𝐎𝐑𝐌𝐀𝐓𝐈𝐎𝐍

Early submission is highly appreciated. Participants are encouraged to notify the organizing committee of their intention to participate as soon as possible.
For submissions and inquiries, please contact:
• [email protected]
• [email protected]

Hay'adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) waxay soo saartay Hannaanka Qaran ee Maareynta Khataraha Amniga Saaybarka (National ...
19/07/2026

Hay'adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) waxay soo saartay Hannaanka Qaran ee Maareynta Khataraha Amniga Saaybarka (National Cybersecurity Risk Management Framework) iyo Hannaanka Qaran ee U Hoggaansanaanta Amniga Saaybarka (National Cybersecurity Compliance Framework), kuwaas oo hagaya habraacyada maareynta khataraha amniga saaybarka iyo u hoggaansanaanta shuruudaha amniga saaybarka ee Kaabeyaasha Muhiimka ah ee dalka.

Hannaanka Qaran ee Maareynta Khataraha Amniga Saaybarka wuxuu dejinayaa hannaan mideeya habka ogaanshaha, qiimeynta, iyo maareynta khataraha amniga saaybarka ee saameyn kara Kaabeyaasha Muhiimka ah iyo adeegyada dhijitaalka ah ee dalka.

Hannaanka Qaran ee U Hoggaansanaanta Amniga Saaybarka wuxuu dejinayaa tilmaamaha iyo waajibaadka aasaasiga ah ee ay tahay inay hirgeliyaan dhammaan hay’adaha dowladda iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay ee leh, maamula ama isticmaala Kaabeyaasha Muhiimka ah (Critical Infrastructure – CI).

Kala deg dukumentiyada halkan:

Hannaanka Qaran ee Maareynta Khataraha Amniga Saaybarka
Somali: https://short.nca.gov.so/7Pkp9
English: https://short.nca.gov.so/KfmzK

Hannaanka Qaran ee U Hoggaansanaanta Amniga Saaybarka
Somali: https://short.nca.gov.so/AjxwE
English: https://short.nca.gov.so/8ky0D

Hay'adda Isgaarsiinta Qaranka iyo Xarunta Irisehub ayaa kala saxiixday Is-afgarad Iskaashi (MoU) oo lagu aasaasayo iskaa...
05/07/2026

Hay'adda Isgaarsiinta Qaranka iyo Xarunta Irisehub ayaa kala saxiixday Is-afgarad Iskaashi (MoU) oo lagu aasaasayo iskaashi istiraatiiji ah oo lagu horumarinayo hal-abuurka dhijitaalka ah ee dalkeenna, laguna taageerayo isbeddelka dhijitaalka ah ee dalka.

Is-afgaradkan wuxuu dhigayaa hannaan ay labada dhinac isaga kaashanayaan horumarinta hal-abuurka, ganacsiyada curdanka ah, kobcinta xirfadaha dhijitaalka ah, amniga saaybarka, iyo wacyigelinta bulshada. Waxa kale oo uu xoojinayaa iskaashiga dhinacyada cilmi-baarista, dhisidda awoodaha, aqoonta dhijitaalka ah, iyo taageeridda hal-abuurayaasha Soomaaliyeed.

Iyadoo loo marayo iskaashigan, HIQ iyo iRise Hub waxay si wadajir ah uga shaqayn doonaan abuuridda jawi dhiirrigeliya hal-abuurka, kobcinta xalalka dhijitaalka ah ee gudaha laga curiyo, iyo taageeridda dhismaha dhaqaale dhijitaal ah oo ammaan ah, loo dhan yahay, isla markaana waara.

Hambalyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed munaasabadda 1-da Luulyo, oo ku beegan 66-guurada Xornimada Gobollada Koonfureed ...
30/06/2026

Hambalyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed munaasabadda 1-da Luulyo, oo ku beegan 66-guurada Xornimada Gobollada Koonfureed iyo Midnimada Dalkeenna.

Hambalyo Munaasabadda Xuska 26-ka Juun, oo ku beegan sannad-guurada 66-aad ee xornimadii Gobollada Waqooyi.
26/06/2026

Hambalyo Munaasabadda Xuska 26-ka Juun, oo ku beegan sannad-guurada 66-aad ee xornimadii Gobollada Waqooyi.

Address

Xamar-Weyne
Mogadishu
55

Opening Hours

Monday 09:00 - 16:00
Tuesday 09:00 - 16:00
Wednesday 09:00 - 16:00
Thursday 09:00 - 16:00
Saturday 09:00 - 16:00
Sunday 09:00 - 16:00

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Hay'adda Isgaarsiinta Qaranka posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Hay'adda Isgaarsiinta Qaranka:

Shortcuts

Share