Diaspora Affairs Department دائرة شؤون المغتربين

Diaspora Affairs Department دائرة شؤون المغتربين

Share

Diaspora Affairs Department at the Ministry of Foreign Affairs & International Cooperation, Somalia.

This is the official page of the Department of Diaspora Affairs at the Ministry of Foreign Affairs and International Cooperation of the Federal Republic of Somalia to promote the vital important role in serving the country.

26/05/2026

Eid Mubarak

Mogadishu | 26 May 2026

The Ministry of Foreign Affairs and International Cooperation of the Federal Republic of Somalia extends its warmest congratulations and best wishes to the Somali people at home and abroad, and to the entire Muslim Ummah around the world on the blessed occasion of Eid Al-Adha.

As we mark this sacred occasion of sacrifice, compassion, and unity, may Eid bring peace to our communities, strength to our families, and renewed hope for a brighter future.

May this blessed Eid inspire solidarity, generosity, and harmony among nations and peoples.
Eid Mubarak.

For more details, contact:
Mohamed Mahmud Allaale
Communications Department
Ministry of Foreign Affairs and International Cooperation
Federal Republic of Somalia
Email: [email protected]
Twitter:
Somali Page: Wasaaradda Arrimaha Dibadda

Photos from ‎Diaspora Affairs Department دائرة شؤون المغتربين‎'s post 22/05/2026

Johannesburg, South Africa, 16 May, 2026.

Wafdi uu hoggaaminayay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hassan Mohamed Ali (Nadaara), kana koobnaa Sii-hayaha Safaaradda Soomaaliya ee Koonfur Afrika ahna Safiir kuxigeenka Safaarada, Agaasimaha Waaxda Jaaliyadaha iyo Qurbajoogta ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda Soomaaliya Ibrahin GureMohamed, iyo Lataliye Sare ee Wasaaradda Mudane AbdisalanYusuf Adan, ayaa ka qeyb galay munaasabadda caleema saarka Guddoomiyaha cusub ee Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Koonfur Afrika, Mudane Mustafa Shirwac, oo dhawaan loo doortay xilkaasi.

Munaasabadda caleema-saarka ayaa ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay, waxaana ka qeybgalay xubno ka socday jaaliyadda Soomaaliyeed, marti sharaf, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Koonfur Afrika. Intii ay munaasabaddu socotay, wafdiga Dowladda Soomaaliya ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray Guddoomiyaha cusub, iyagoo ku ammaanay kalsoonida ay jaaliyaddu u muujiyeen hoggaankiisa cusub. Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga Soomaaliya, Mudane Hassan Mohamed Ali (Nadaara), ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay muhiimad gaar ah siiso doorka jaaliyadaha Soomaaliyeed ee dibadda, gaar ahaan kuwa ku nool Koonfur Afrika, kuwaas oo door muuqda ka qaata horumarinta midnimada bulshada, difaaca danaha muwaadiniinta Soomaaliyeed, iyo xoojinta xiriirka ay la leeyihiin dalkooda hooyo.

Sidoo kale, wafdiga ayaa xusay in Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga Soomaaliya ay garab istaag buuxa la yeelan doonto hoggaanka cusub ee jaaliyadda Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika, si loo xoojiyo wada shaqeynta, adeegyada bulshada, iyo isku xirnaanta qurbajoogta Soomaaliyeed. Dhankiisa, Guddoomiyaha cusub ee Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika, Mudane Mustafa Shirwac, ayaa uga mahadceliyay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo wafdiga ka socday Wasaaradda Arrimaha Dibedda ka qeybgalka munaasabadda, isagoo ballan qaaday in uu si hufan oo daacadnimo leh u gudan doono waajibaadka loo igmaday, isla markaana uu ka shaqeyn doono midnimada iyo horumarinta danaha jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Koonfur Afrika.

Munaasabaddan ayaa muujineysa sida Dowladda Federaalka Soomaaliya ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka ay la leedahay jaaliyadaha Soomaaliyeed ee dibadda iyo taageeridda hoggaamada cusub ee loo doorto matalaadda bulshada Soomaaliyeed ee dalalka caalamka.

Wixii faahfaahin ah kala xiriir:
Mohamed Mahmud Allaale
Waaxda Warbaahinta
Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
Email: [email protected]
Website: www.mfa.gov.so

Bogga Rasmiga ah – Wasaaradda Arrimaha Dibadda

Photos from ‎Diaspora Affairs Department دائرة شؤون المغتربين‎'s post 30/04/2026

Deputy Minister of Foreign Affairs Arrives in Johannesburg Following Community Invitation

Johannesburg, South Africa | 30 April 2026

H.E Hassan Mohamed Ali (Nadara), Deputy Minister of Foreign Affairs and International Cooperation of the Federal Republic of Somalia, arrived in Johannesburg, to engage with the Somali Diaspora community living in South Africa.

The Deputy Minister is accompanied by the Director of the Somali Diaspora Department, Mr. Ibrahim Guure Mohamed, and the Department’s Advisor, Mr. Abdisaalam Yusuf Adan. The delegation was received by the Chargé d’Affaires a.i. and Deputy Ambassador, Mr. Ismail Abdulle Soomane, alongside members of the Somali diplomatic mission.

The visit will focus on engagement with the Somali community, with discussions centered on strengthening diaspora relations, improving services, and reinforcing the role of Somali communities abroad in supporting national development and international engagement.

Somali Embassy in Pretoria- South Africa

For more details, contact:
Mohamed Mahmud Allaale
Communications Department
Ministry of Foreign Affairs and International Cooperation
Federal Republic of Somalia
Email: [email protected]
Twitter:
Somali Page: Wasaaradda Arrimaha Dibadda

Photos from ‎Diaspora Affairs Department دائرة شؤون المغتربين‎'s post 23/04/2026

Dowladda Soomaaliya oo Dalka Dib ugu Soo Celisay 174 Dhalinyaro Tahriibayaal ah oo Laga soo saaray xabsiyada Dalka Liibiya.
Muqdisho 23 Abriil 2026.

Wasiir Ku-xigeenka Wasaraadda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Xasan Maxamed Cali, ayaa maanta Garoonka Caalamiga ah ee magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyay 174 dhalinyaro Soomaali ah oo laga soo celiyay dalka Liibiya, kuwaas oo soo maray xaalado adag oo dhinaca bani’aadantinimada iyo amniga ah, oo ay ka mid ahaayeen xabsi, jirdil, iyo nolol aad u liidata.

Dib u soo celintan Muwaadiniintaan waxaa hoggaaminayay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, iyadoo qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku caawinayso muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhibaataysan dibadda, isla markaana lagu yareynaayo dhibaatooyinka ay wajahaan.

Arinkaas ayaa waxa uu daba socodaa booqashadii uu Wasiirka Waraaradda Arimaha Dibadda Soomaaliya Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali ku tagay Dalka Liibiya, taas oo gacan ka geysatay xoojinta iskaashiga dib loogu soo celinayo muwaadiniinta Soomaaliyeed si ammaan ah.

Howlgalka waxaa fuliyay Waaxda Jaaliyadaha iyo Qurbajoogta, iyadoo lala kaashanayo hay’adda International Organization for Migration (IOM), Midowga Yurub ee Soomaaliya, iyo Safaaradda Soomaaliya ee Liibiya.

Markii ay yimaadeen Muqdisho, dadka la soo celiyay waxaa la siiyay gargaar degdeg ah oo ay ka mid yihiin daryeel caafimaad, hoy ku meel gaar ah, iyo taageero nafsiyeed, iyadoo sidoo kale la diyaarinayo barnaamijyo dib u dhexgal bulsho si ay noloshooda dib ugu bilaabaan.

Wasaaradda Arimaha Dibadda ayaa mar kale xaqiijisay sida ay uga go’an tahay ilaalinta muwaadiniinta Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, iyo wax ka qabashada sababaha keenaya tahriibka sharci darrada ah iyadoo la ballaarinayo fursadaha gudaha dalka.

23/04/2026

Somali Diaspora Strengthens Coordination Through SODECH Leadership Elections

Mogadishu, Somalia | 11 April 2026

Somali diaspora organizations convened a General Assembly to elect the Steering Committee of the Somali Diaspora Emergency Coordination Hub (SODECH), marking a significant step toward more structured, unified, and impactful diaspora engagement in support of national priorities.

The election was conducted in the presence of distinguished observers, including representatives from the Department of Diaspora Affairs and international humanitarian partners, reinforcing transparency, accountability, and strong collaboration throughout the process. We commend all candidates, General Assembly members, and observers for their contribution to this important milestone.

This development reflects a growing commitment to strengthening diaspora coordination, particularly in times of humanitarian need, and aligns with Somalia’s National Diaspora Policy and broader efforts to enhance resilience, response capacity, and inclusive national development.

The Department of Diaspora Affairs reaffirms its commitment to working closely with diaspora-led platforms such as SODECH to advance coordinated action, mobilize global Somali expertise, and deepen the diaspora’s role as a strategic partner in Somalia’s recovery and long-term growth.

Photos from ‎Diaspora Affairs Department دائرة شؤون المغتربين‎'s post 06/04/2026

*Strengthening Strategic Engagement with Somali Diaspora in Malaysia*

Mogadishu | 6 April 2026

The Director of the Diaspora Affairs Department, Mr. Ibrahim Guure Mohamed, today received the Chairman of the Somali Community in Malaysia Mr. Moktar Mohamed Ali and Mr. Faysal Mohamed Yusuf
for a consultative meeting aimed at strengthening structured engagement between the Ministry and Somali diaspora communities abroad.

The discussions underscored the diaspora’s growing role as a strategic partner in Somalia’s national development, particularly in driving investment, supporting community resilience, and contributing to the country’s economic recovery and global positioning.

The Chairman expressed appreciation for the warm reception and reaffirmed the community’s commitment to actively contribute to Somalia’s reconstruction and long-term development.

Both sides agreed to enhance sustained cooperation and deepen coordination through continuous dialogue and exchange of ideas, with a shared focus on unlocking the full potential of the Somali diaspora.

Photos from ‎Diaspora Affairs Department دائرة شؤون المغتربين‎'s post 27/03/2026

Waaxda Jaaliyadaha iyo Qurbajoogta oo Ka Qeyb gashay Shirka 7-aad ee Madasha Wasiirrada ee Heer Gobol ee Socdaalka iyo Qurbajoogta.

Kampala, Uganda 24-27 March,2026.

Waaxda Jaaliyadaha iyo Qurbajoogta ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee JFS ayaa ka qeybgashay Shirka 7aad ee Madasha heer Gobol ee Socdaalka iyo Qurbajoogta, oo lagu qabtay magaalada Kampala ee dalka Uganda.Shirkan heer gobol ayaa waxaa ka soo qeyb galay Wasiirada shaqada ee heer gobol, masuuliyiin sare iyo wakiillo ka kala socday dalalka gobolka iyo hay’adaha caalamiga ah, iyadoo diiradda lagu saaray arrimaha socdaalka, muhaajiriinta iyo horumarinta doorka qurbajoogta.

Intii uu shirku socday, wafdiga Soomaaliya uu hogaaminaayay Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS, Professor Saalim Aliyow Ibroow ayaa soo bandhigay warbixin ku saabsan xaaladda muhaajiriinta Soomaaliyeed iyo doorka muhiimka ah ee qurbajoogta ay ku leeyihiin dib u dhiska iyo horumarinta dalka. Sidoo kale shirka waxaa lagu soo bandhigay caqabadaha ay la kulmaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dibadda, gaar ahaan dhinacyada ilaalinta xuquuqda iyo adeegyada aasaasiga ah ee shaqaalaha muhaajiriinra.

Wafdiga ayaa si gaar ah u adkeeyay muhiimadda ay leedahay Ilaalinta xuquuqda iyo badbaadada muhaajiriinta Soomaaliyeed, La dagaallanka tahriibka iyo socdaalka sharci darrada ah, Xoojinta iskaashiga dalalka gobolka iyo Dhiirrigelinta ka qeybgalka qurbajoogta ee horumarinta dalka Shirkan ayaa sidoo kale fursad u ahaa dalalka gobolka inay is dhaafsadaan khibradaha iyo xogaha la xiriira maaraynta socdaalka iyo ka faa,iideysiga qurbajoogta, isla markaana ay ka wada shaqeeyaan dejinta siyaasado mideysan oo wax ku ool ah.

Ugu dambeyn, ka qeygalka Waaxda Jaaliyadaha iyo Qurbajoogta ee shirkan ayaa muujinaya dadaalka joogtada ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ugu jirto xoojinta xiriirka gobolka, ilaalinta muwaadiniinteeda dibedda, iyo horumarinta doorka qurbajoogta Soomaaliyeed ay ku leeyihiin dalkooda iyo gobolka.

>

Waaxda Jaaliyadaha iyo Qurbajoogta
Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS.

19/03/2026

Eid Mubaarak.

18/03/2026

🌙 2026.

Photos from ‎Diaspora Affairs Department دائرة شؤون المغتربين‎'s post 18/03/2026

Muqdisho, 16 March 2026.

Waaxda Jaaliyadaha iyo Qurbajoogta Wasaarada Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay Shirka Habeenka Qurbajoogta Soomaaliyeed, ( Somali Diaspora Night) kaasoo ay sannadkii sedexaad soo qaban qaabisay Waaxda Jaaliyadaha iyo Qurbajoogta Wasaarada Arrimaha Dibedda Soomaaliya.

Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mudane Hamza Adan Hadow ayaa furay kulanka Habeenka Qurbajoogta Soomaaliyeed, isagoo uga mahadceliyay Waaxda Jaaliyadaha iyo Qurbajoogta Wasaarada ee kulankan soo agaasintay kaasoo ay qabaneyso sannadkii sedexaad, Xoghayaha Joogtada ayaa ugu baaqay Qurbajoogta Soomaaliyeed inay isku xermaan, islamarkaana ay door muuqda ka qaaataan horumarinta dalka iyagoo dib ugu soo celinaya dalkooda aqoonta iyo xirfadaha ay kala soo laabteen dalalkii ay ku noolaayeen si loo gaaro Soomaaliya qurxoon oo barwaaqp ah.

Xoghayaha ayaa sidoo kale uga mahadceliyay DAHABSHIIL Group gaar ahaan Shirkada SOMTEL ee taaba gelisay Kulanka Habeenka Qurbajoogta Soomaaliyeed, Sidoo kale Agaasimaha Waaxda Jaaliyadaha iyo Qurbajoogta Wasaarada Arrimaha Dibedda Soomaaliya Mudane Ibrahim Guure Mohamed ayaa sidoo kale oo shirka ka hadlay ayaa ku dhiiri geliyay in Qurbajoogta Soomaaliyeed ay maskaxdooda , aqoontooda ito fhaqaalahoodaba isugu geeyaan si aan u gaarno Soomaaliya qurxoon oo la jaanqaada wadamada aad kasoo laabateen.

Gudoomiyaha DAHABSHIIL Group Mudane Omar Hassan Mohamed "Yoolac" oo ka hadlay munaasabada ayaa sidoo kale sheegay inay runtii ku faraxsanyihiin in sannadkii sedexaad ay DAHABSHIIL Group gaar ahaan Shirkada SOMTEL ay sannadkaan taabageliso shirkan aadka u qiimaha badan ee ay isugu imaadeen qurbojoogta Soomaaliyeed oo runtii dadka iyo dalakaba soo garab istaagay xiliyo aad u adag iyadoo ay DAHABSHIIL ka mid ahayd meelaha ay dadkooda usoo marin joeeen lacagaha ay dalkooda usoo dirayaan.

>

WAAXDA JAALIYADAHA IYO QURBAJOOGTA WASAARADA ARRIMAHA DIBEDDA IYO ISKAASHIGA CAALAMIGA.

Want your business to be the top-listed Government Service in Mogadishu?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Address


Mogadishu

Opening Hours

Monday 08:00 - 04:30
Tuesday 08:00 - 16:30
Wednesday 08:00 - 16:30
Thursday 08:00 - 16:30
Saturday 08:00 - 16:30
Sunday 08:00 - 16:30