06/10/2026
Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun.
Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa ehelka, qaraabada, Ciidanka Xoogga Soomaaliyeed iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, anigoo uga tacsiyeynaya geerida naxdinta leh ee ku timid Alle ha u naxariistee General Maxamed Axmed Deer (Mad-Mad) oo maanta ku geeriyooday magaalada Baydhabo.
Marxuumku wuxuu kamid ahaa saraakiishii Soomaaliyeed ee u soo adeegay dalkooda iyo ciidankooda, waxaana geeridiisu tahay murugo ku weyn qoyskiisa, ehelkiisa, bahda ciidanka iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.
Waxaan Alle uga baryayaa Marxuumka inuu naxariistiisa waasac ku gallado, Jannatul Firdowsa na ka waraabiyo, ehelkii, qaraabadii, asxaabtii iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxayna uu ka siiyo samir iyo iimaan.