Fariinteyda Shacabka Koonfur Galbeed.
Sheikh Adan Mohamed Nur Madobe
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee JFS.
19/03/2026
Ciid wanaagsan dhamaan muslimiinta caalamka meel walba oo ay joogaan, gaar ahaan umadda Soomaaliyeed, waxaan idin kugu hambalyeynayaa munaasabadda Ciidul Fidriga, waxaan eebe ka baryeynaa inuu naga aqbalo acmaashii bishii barakeysaneyd ee Ramadaan.
Rabi SWT sanadkan, sanadkiisa hanagu gaarsiiyo horumar, barwaaqo iyo caafimaad qab.
04/03/2026
04, Maarso, 2026: Marka h**e, mahad oo dhan waxay u sugnaatay Alle SWT, oo inoo suurtageliyey inaan soo gaarno maanta oo ah maalin taariikhi ah oo ay Xildhibaannada Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, labadiisa aqal, ay cod aqlabiyad leh ku ansixiyeen Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Dastuurkeenna, oo in ka badan toban sano ku jiray marxalad kumeel gaar ah isla markaana soo maray marxalado kala duwan, ayaa ugu dambeyn Alle SWT qaddaray in Baarlamaanka 11-aad uu noqdo baarlamaankii ugu horreeyay ee si buuxda u dhammaystira dastuurka dalka.
Tani waxay timid kaddib rajo dheer oo ay shacabka Soomaaliyeed muddo badan ku taamayeen, iyaga oo sugayay in dalku yeesho dastuur dhammeystiran oo rasmi ah.
Waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa Xildhibaannada Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, labadiisa aqal, kuwaas oo waqti, juhdi iyo dadaal badan geliyay ka shaqeynta dastuurka, islamarkaana cod aqlabiyad leh ku ansixiyay, si loo gaaro heerkan taariikhiga ah ee aynu maanta joogno.
Ugu dambayn, laga bilaabo maanta, dalkeenna wuxuu yeeshay dastuur rasmi ah oo aan ahayn mid kumeel gaar ah, waxaana ku faraxsanahay uguna mahadnaqayaa Alle SWT inaan hoggaamiyo Baarlamaanka 11-aad, kaas oo uu Alle waafajiyey inuu dhammeystiro dastuurka qaranka, anigoo kaashanaya Guddoomiye Kuxigeennada Golaha Shacabka, Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo kuxigeennadiisa, iyo sidoo kale guud ahaan Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
28/02/2026
INNAA LILLAAH WA INNAA ILEEHI RAAJICUUN.
Waxaan ka tacsiyeynayaa geerida naxdinta leh ee ku timid Allah ha u naxriistee marxuum Xaaji Aadan Cabdullaahi (Xaaji Eeney) oo ku geeriyooday Magaaladda Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.
Allah ha u naxriistee marxuumka waxa uu ahaa ganacsade iyo samafale caan ka ah koonfurta Soomaaliya gaar ahaan deegaanada Koonfur Galbeed, isagoo kaalin muuqata ka qaatay garab istaaga dadka danta yar iyo horumarinta deegaanada Koonfur Galbeed.
Waxaan Alle SWT uga baryayaa inuu naxriistiisa jano ka waraabiyo, ehelkiisa, qaraabadiisa iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeedna uu samir iyo iimaan ka siiyo.
17/02/2026
Waxaan dhamaan umadda Islaamka gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeynayaa Bisha Barakeysan ee Ramadaan.
Waxaan Allah SWT ka baryayaa inuu naga aqbalo soonka iyo camalka suuban nagama dulqaado abaaraha dalka ka jira.
31/12/2025
Sharaf weyn ayey ii ahayd in aan furo shirweynaha 9-aad ee Machadka Cilmi-Baarista Heritage oo sanadkan ku saabsanaa hanaanka ay Soomaaliya ku gaari karto aragti siyaasadeed oo mideysan, iyadoo diiradda la saarayo xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo jaangooynta yoolalka Qaranka ee 2026–2030.
Furitaanka shirka, waxaan adkeeyey baahida loo qabo wada-tashi qaran, midnimo siyaasadeed, iyo xoojinta hay’adaha dowliga ah, si loo sii ambaqaado dadaallada dowladda ee ku aaddan xasilloonida, horumarka, iyo dowlad-dhiska.
Shirkan wuxuu muhiim u yahay dhisidda aragti qaran oo mideysan islamarkaana hagta mustaqbalka dalka waafaqsanna danaha guud ee umadda Soomaaliyeed.
25/12/2025
Muqdisho-Soomaaliya 25, Diseembar, 2025: waxaan marka h**e si weyn u bogaadinayaa codbixinta doorashada Golaha Deegaanka Gobolka Banaadir oo saaka si rasmi ah uga bilaabatay Magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka, waana tallaabo taariikhi ah oo bar-bilow u ah hirgelinta doorashooyin qof iyo cod ah oo ka dhaca guud ahaan dalka.
Xaqiiqdii, doorashadan waxa ay muujineysaa biseylka siyaasadeed iyo wacyiga bulsho ee shacabka Soomaaliyeed, sidoo kale waa dariiq muhiim ah oo horseedaya in muwaadiniintu si toos ah u doortaan hoggaamiyeyaashooda, taas oo xoojinaysa dimuqraadiyadda iyo dowladnimada dalka.
Waxaan rabaa inaan halkan ammaan ballaaran ugu jeediyo shacabka Caasimadda Muqdisho, sida ay ugu dareereen goobaha codbixinta una muujiyeen xilkasnimo, biseyl iyo ka-qeybgal mug leh si ay codkooda ugu doortaan Golayaasha Degmooyinka ee Gobolka Banaadir.
Ugu dambeyn, waxaan rabaa inaan halkan mahadcelin iyo bogaadin uga diro ciidamada ammaanka qeybahooda kala duwan ee sugay nabadgelyada iyo sidoo kale howlwadeennada oo dadaal weyn ku bixiyey in codbixintu ay ku qabsoonto jawi nabdoon, hufan oo kalsooni leh.
23/12/2025
Muqdisho-Soomaaliya 23, Diseembar, 2025: Ugu horreyn, waxaa mahad oo dhan iska leh Alle SWT, oo inoo suurtageliyey in maanta si rasmi ah loo ansixiyo Miisaaniyadda Dowladda ee sanadka 2026.
Miisaaniyaddan oo sanadkan lagu sameeyey koror ballaaran ayaa si cad u muujinaysa sida ay dowladda uga go’an tahay horumarinta hay’adaha dowladda, xoojinta hannaanka maamul, iyo gaarsiinta shacabka adeegyada aas-aasiga ah ee ay u baahan yihiin.
Waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa Xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo muujiyey masuuliyad, midnimo iyo biseyl siyaasadeed, kana dhigay ansixinta miisaaniyaddan mid ku timid cod aqlabiyad ah.
Miisaaniyadda la ansixiyey ee sanadka 2026 ayaa gaareysa $1,386,807,242�(hal bilyan, saddex boqol sideetan iyo lix milyan, sideed boqol iyo toddobo kun, laba boqol afartan iyo laba doollar), taas oo ah tiir muhiim u ah hirgelinta qorshayaasha horumarineed, xasillinta dhaqaalaha, iyo adkeynta adeegyada dowladda.
20/12/2025
Waxaan munaasabadda xuska sanad-guurada 82-aad ee aas-aaska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed awgeed hambalyo iyo bogaadin u dirayaa saraakiisha, saraakiil-xigeennada, dableyda iyo guud ahaan bahda Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan.
Waxaan si weyn u ammaanayaa kaalinta lama huraanka ah ee ay Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ku leeyihiin sugidda amniga, ilaalinta sharciga iyo xaqiijinta nabadgelyada guud ee shacabka Soomaaliyeed.
Waxaan Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ku dhiirrigelinayaa inay sii laba-jibaaraan dadaalkooda isla markaana ay mar walba ku shaqeeyaan si waafaqsan sharciga, dastuurka iyo ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta.
Ugu dambeyn, waxaan mar kale u rajeynayaa Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed guul, horumar iyo adkeyn ku timaadda gudashada waajibaadkooda qaran, anigoo ku dhiirrigelinaya in ay sii ahaadaan tiirka amniga, kala dambeynta iyo nabadda dalka.
17/12/2025
Waxaan maanta xafiiskayga kulan mira-dhal ah kula yeeshay Safiirka Boqortooyada Sucuudi Carabiya u fadhiya Soomaaliya Danjire Axmed Bin Maxamed Almowallad, waxaana kaga wada hadalnay xoojinta xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Sucuudi Carabiya, gaar ahaan taageerada Baarlamaanka iyo horumarka guud ee dalka.
Waxaan Dowladda Sucuudiga uga mahadcelinayaa doorka muuqda ee ay ka qaadaneyso garab istaagga Soomaaliya, anigoo rajeynaya in wada-shaqeynta labada dhinac ay sii xoojiso nabadda, xasilloonida iyo horumarka dalka.
INNAA LILLAAH WA INNAA ILEEHI RAAJICUUN.
Waxaan ka tacsiyeynayaa geerida naxdinta leh ee ku timid Allaha ha u naxriistee Sheekh Maxamed Pakistan oo ku geeriyooday Magaaladda Muqdisho.
Allaha ha u naxriistee marxuumka oo lagu yaqaanay faafinta diinta Islaamka ayaa ka mid ahaa culimada Soomaaliyeed ee sida weyn looga yaqaano guud ahaan Soomaaliya, gaar ahaan deegaanadda Koonfur Galbeed, waxaan Alle SWT uga baryayaa inuu naxriistiisa jano ka waraabiyo, sidoo kalena qoyskiisa, qaraabadiisa iyo guud ahaan umadda Soomaaliyeed uu samir iyo iimaan ka siiyo.
21/11/2025
HAMBALYO MAALINTA MACALLINKA SOOMAALIYEED.
Waxaan munaasabadda 21-ka Nofeembar oo ku beegan Maalinta Macalinka Soomaaliyeed awgeed hambalyo qiima badan halkan uga dirayaa guud ahaan macalimiinta Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan.
Macalimiinta Soomaaliyeed waxay dalka iyo dadka Soomaaliyeed ku leeyihiin abaal aad u weyn maadaama ay xiliyo adag iyo duruufo aad u adagba ay kusoo shaqeeyeen ilaa hadana ku shaqeeyaan, waxaan ku bogaadinayaa in ay sii xoojiyaan dadaalkooda ku aadan horumarinta waxbarashada dalkeena.
Click here to claim your Sponsored Listing.
Location
Category
Contact the business
Telephone
Website
Address
Mogadishu
