23/12/2025
Hambalyo!
Dugsiga Mo’alim Jama ayaa ka mid noqday dugsiyada loo xushay ka-qaybgalka Barnaamijka Wakiillada Dhallinyarada ee Biyaha iyo Cimilada ee ay fulinayso EcoHub Somalia.
Congratulations!
Mo’alim Jama is among the schools selected to participate in the Youth Ambassadors for Water and Climate Program implemented by EcoHub Somalia.
13/12/2025
Maamulka dugsiga, Macallin Jamaac, ayaa maanta si diirran ugu soo dhaweeyay dugsiga Maamulka Degmada Xamar Weyne oo wehelinaya bahda caafimaadka Gobolka Banaadir, Wasaaradda Caafimaadka, UNICEF iyo MCK-ga Degmada Xamar Weyne. Waxaa dugsiga lagu qabtay wacyigelin ku saabsan talaalka gowracatada, oo muhiim u ah badqabka ardayda.
Talaalka ayaa bilaaban doona 15/12/2025, waxaana la siin doonaa carruurta da’doodu u dhaxeyso 5–15 jir. Ardayda waxaa lagu wargeliyay in ay waalidiintooda ogeysiiyaan, halka carruurta ka yar 5 jir ee xaafadda lagu gaari doono guryahooda.
10/12/2025
Dugsiga Macalin Jaamac – Dardaaran & Wacyigelin Culimo
10/12/2025 – Xamar Weyne, Muqdisho**
Maanta oo Arbaco ah, taariikhduna tahay 10-12-2025, dugsiga Macalin Jaamac waxaa si diirran loogu soo dhaweeyay culimo qiimo weyn ku leh bulshada, kuwaas oo ardayda la wadaagay dardaaran iyo wacyigelin ku saabsan:
✨ Akhlaaqiyaadka wanaagsan
✨ Ixtiraamka waalidka
✨ Anshaxa iyo edebta
✨ In ardaygu noqdo qof waxbarasho iyo dhaqanba ku wanaagsan
Culumada ayaa ardayda ku booriyay inay muujiyaan anshax wanaagsan, ay ixtiraamaan waalidkooda iyo macallimiintooda, ayna barwaaqeeyaan waqtigooda waxbarasho. Waxaa sidoo kale lagu adkeeyay in akhlaaqda suubani ay ka muhiimsan tahay aqoonta oo kaliya.
Dugsiga Macalin Jaamac waxa uu u mahadcelinayaa culimada:
✔️ Booqashadooda qiimaha leh
✔️ Dadaalkooda iyo waqtiga ay u hureen in ay ardayda ku barbaaniyaan qiyamka iyo akhlaaqda wanaagsan
✔️ Wacyigelinta ay ka tarjumeen daneyn dhab ah oo ay u qabaan jiilka soo koraya
Ugu dambayn, maamulka dugsigu wuxuu balan qaaday in barnaamijyada kor u qaadaya akhlaaqda iyo waxbarashada ardaydu ay sii socon doonaan…..
22/11/2025
Maamulka Macallimiinta iyo Ardayda Dugsiga Macalin Jamac.
waxay maanta si sharaf leh uga qeyb galeen munaasabadda lagu xusayo Maalinta Macallinka Soomaaliyeed, oo ku beegan 21-ka November.
Waxaan leenahay:
“Mahadsanid Macallin… Abaalkaaga ma aha mid la gudi karo.”
Macallinku waa iftiinka bulshada, waa hagaha mustaqbalka, waa quwadda beddesha jiilal. Maamulka iyo ardaydu waxay u mahadcelinayaan dhammaan macallimiinta dhiirrigelinta leh ee maalintan iyo maalin walbaba u taagan horumarinta waxbarashada.
18/11/2025
Furitaanka Tartanka Aqooneedka Dugsiga Macallin Jaamac 2025/2026
Maanta waxaa si rasmi ah u furmay tartanka aqooneedka dugsiga Macallin Jaamac ee sanad dugsiyeedka 2025/2026, iyadoo wareega koowaad ay isku haleeleen fasallada Form 4C iyo Form 3C.
Tartanka oo si xiiso leh u dhacay ayaa muujiyay dadaalka iyo kartida ardayda labada fasal, hase yeeshee ugu dambayn waxaa guusha hanatay Form 4C, kuwaas oo ku adkaaday natiijo dhan 18 – 14.
Guushan waxay ka tarjumaysaa diyaargarowga, isku-duubnida iyo hal-abuurka ardayda F4C. Waxaa la rajaynayaa in wareegyada xiga ay noqon doonaan kuwo ka sii xiiso badan, iyadoo fasallada kale ay isugu diyaarinayaan bandhig aqooneed adag.
Hambalyo Form 4C!
Waxaan u rajaynaynaa dhammaan fasallada inay ku tartamaan si hufan oo anshax leh inta uu tartanku socdo.
13/11/2025
Gudiga Sports-ka oo Sameeyay Isku Aadka Tartanka Dugsiga Macallin Jaamac
Maanta oo ay taariikhdu tahay 13/11/2025, waxaa lagu qabtay dugsiga Macallin Jaamac kulan uu soo agaasimay gudiga sports-ka, kaas oo lagu sameeyay isku aadka tartanka dugsiga. Tartankan ayaa lagu wadaa inuu bilaabmo dhawaan, waxaana ka qaybgalaya 20 fasal oo si buuxda isu diiwaangeliyay.
Ujeeddada tartanka ayaa ah in lagu dhiirrigeliyo iskaashiga, tartanka caafimaadka leh, iyo horumarinta xirfadaha ciyaareed ee ardayda. Gudigu waxay ballan qaadeen in tartanku uu noqondo doono mid cadaalad iyo xiiso badan leh.
10/11/2025
Tartanka Aqooneedka Dugsiga Macallin Jaamac.
Ardayda iyo macallimiinta waa la ogeysiinayaa in isku-aadka tartanka aqooneedka uu bilaaban doono 17/11/2025, wareega koowaad.
Tartankan waa fursad weyn oo aad ku muujin karto aqoontaada, hal-abuurkaaga, iyo fahamkaaga maadooyinka.
Fassal kasta waa inuu si wanaagsan isu diyaariyaa si uu uga faa’iideysto fursaddan qiimaha badan.
Ha moogaan – Ka qaybgal oo muuji kartidaada!
08/11/2025
Maamulka dugsiga ayaa maanta si rasmi ah u magacaabay Guddoomiyaha Ciyaaraha Dugsiga. Guddoomiyaha cusub waxaa loo magacaabay Abuukar Maxamed Abkow, halka Cabdirahmaan Maxamed Jeylaani loo doortay Guddoomiye Ku-xigeen.
Go’aankan wuxuu qeyb ka yahay dadaallada lagu xoojinayo hannaanka horumarinta ciyaaraha iyo dhiirigelinta ka qeybgalka ardayda ee tartamada isboortiga ee dugsiga.
TAARIIKH: 8 Noofembar 2025
29/10/2025
Waxaa maanta dugsiga booqday takhaatiir ka socota Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, kuwaas oo ardayda u sameeyey wacyigelin muhiim ah oo ku saabsan kansarka ku dhaca naasaha (Breast Cancer). Takhaatiirtu waxa ay si cilmiyeed iyo si fudud oo faham leh uga hadleen:
• Waa maxay kansarka naasaha?
• Sida uu ku bilaabmo iyo calaamadaha ugu horreeya ee lagu garto
• Muhiimadda ogaanshaha h**e (early detection)
• Hababka ka hortagga iyo daryeelka caafimaadka ee lagama maarmaanka ah
• Doorka muhiimka ah ee dumarka iyo bulshada laga rabo
Waxa ay takhaatiirtu carrabka ku adkeeyeen in ka hortagu ka muhiimsan yahay daawaynta, isla markaana qof kasta, gaar ahaan dumarku, ay ka taxadaraan oo ay isku baaraan naasaha ugu yaraan hal mar bishii.
Bisha October waa bisha Caalamiga ah ee Wacyigelinta Kansarka Naasaha, taas oo dalal badan oo dunida ah lagu qabto barnaamijyo wacyigelin, ka hortag iyo taageero bukaanada la tacaalaya cudurkan.
29/10/2025
Maamulka iyo macallimiinta Dugsiga Macalin Jaamac waxa ay u mahadcelinayaan Naadiga Akhriska & Qoraalka Banaadir booqashadii qiimaha lahayd ee ay shalay ku yimaadeen dugsiga, iyaga oo u kuurgalayey horumarka iyo hannaanka waxbarashada ardayda.
Waxaan si gaar ah ugu mahadcelineynaa dhiirrigelinta ay u sameeyeen ardayda dhanka akhriska iyo qorista, taas oo kaalin weyn ka qaadan doonta kobcinta garaadka iyo hal-abuurka ardayda dugsigeenna….