Waxa Soomaaliya maanta ka maqan ma aha dad iyo dhaqaale toona, balse waxa ka maqan hoggaan sax ah oo daacad u ah shacabka iyo dalka.
Waxaan aaminsanahay in horumarka iyo xasilloonida lagu gaari karo oo keliya marka awoodda dalka la wadaago, isla markaana shacabka loo dhaweeyo go'aan gaarista iyo maamulka.
Xukunka iyo adeegyada dowladda waa in aan lagu koobnayn xarumaha dhexe oo keliya; waa in muwaadin kasta uu dareemo inuu qayb ka yahay dowladnimada. Awood-qaybsi caddaalad ah iyo maamul loo dhoweeyo dadka ayaa ah furaha lagu dhisi karo Soomaaliya mideysan, dimuqraadi ah, oo horumar gaarta.
Omar Abdulkadir Ahmedfiqi for president
Boga Rasmiga ah Ee Musharax Madaxweyne JFS Omar Abdulqadir Ahmedfiqi wuxaan ka qalin jebiyay kulliyada waxbarashada Lafoole1981.
Magaceeyga oo dhameeystiran waa Cumar Cabdulqaadir Axmedfiqi wuxaan dhashay 1959tii, wuxaana waxbarashada hoose, dhexe iyo sare ku qaatay Magaalada Muqdishu. Kolkaas kadib wuxaan Waxbarasho heer jaamacadeed ah ku qaatay waddamada Canada iyo America, wuxaan ku soo takhasusay Culuunta caafimaadka. Dalka wuxaan ku soo labatay nofember 2000, wuxaana qayb ka qaatay wax ka qabashada arrimaha Bulshada, s
29/05/2026
๐๐ข๐ฆ๐๐ ๐ฐ๐๐ง๐๐๐ ๐ฌ๐๐ง ๐๐๐ง ๐ซ๐๐๐ข ๐ค๐ ๐๐๐ซ๐ข๐ง๐จ ๐ข๐ง ๐๐๐ฅ๐ค๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐๐๐ค๐ฎ๐๐ ๐๐๐ ๐๐๐ ๐๐๐ง.
26/05/2026
CIID WANAAGSAN
Hambalyo dhammaan Ummadda Islaamka ah guud ahaan, gaar ahaan ShacabkaSomaaliyeed Munaasibadda Ciidal Adxa awgeed.
Waxaan Hambalyo u dirayaa Dhammaan Ciidamada kala duwan ee qalabka sida, Xaasaskooda ,Caruurtooda Farxada munaasibadda Ciidul Adxa Awgeed.
Waxaan Leeyahay Farxad ku ciida Ilaahay Sannadkaa Sannadkiisa haynagu gaadhsiiyo Cimri-dherer Caafimaad qab iyo Cibaado Taam ah.
CIID WANAAGSAN
Waa nasiib darro weyn in dowladda waqtigeedu dhammaaday ay weli sii waddo boobka iyo ku takri-falka dhulka shacabka Soomaaliyeed.
Waxaan si adag u cambaareyneynaa falalkan sharci darrada ah ee lagu dhacayo hantida ummadda, kuwaas oo dhaawacaya kalsoonida shacabka iyo cadaaladda dalka.
Dhulka Soomaaliyeed waa hanti qaran oo ay leeyihiin shacabka, mana aqbali doonno in dano gaar ah lagu boobo xuquuqda muwaadiniinta.
21/05/2026
Madaxweynha waqtigiisa dhamaaday ee Xasan Sheikh Maxamud waxaan ugu baaqayaa in uusan wadanka burbur iyo fowda u hor seedin talada dalka uu ku wareejiyo hogaankii isaga bedel lahaa dalkana uu doorasho loo dhan yahay ka qabto
Shacabka somaliyeed wax kale ma aqbali karaan, fursad kalena ma jirto ee yaan la dhumin fursadaan talada manta dalka taalo yaan Dibada laga baadi goobin
&
15/05/2026
15-ka May: Maalin Xusuus Qaran iyo Baaq ku Aaddan Badbaadinta Mustaqbalka Soomaaliya
&
11/05/2026
Waxaan canbaaraynayaa caburinta, horistaagida, hagardaamada, jirdilka iyo rasaasaynta loo gaystay dibadbaxayaasha magaalada Mogadishu ku mudaharaadayey.
Waa xuquuq dastuuri ah in muwaadiniinta Soomaliyeed mudaharaadi karaan si nabadgelyo ah, in la horistaago oo la caburiyana waa ku takrifal awoodeed oo la iskula xisaabtami doono.
Doorasho xor iyo xalal ah Somalina heshiis ku tahay waa xalka kaliya ee furan.
Waxaan ku baaqayaa wada hadal deg deg oo loo dhan yahay oo lagaga heshiiyo doorashada waqtigeedu taagan yahay iyo in nabadgelyada la wada dhawro.
Muddo xileedkii xumuukadu waa gebagebo heshiis siyasadeed oo looga hortago firaaq dastuuri ahna waa lagama marmaan si aan loo kala tagin.
Laga bilaabo 15-ka May wixii ka dambeeya, mowqifkeennu waa mid cad oo aan leexleexad lahayn.
Aniga ahaan, ma aqoonsanin Xasan Sheekh Maxamuud inuu yahay Madaxweyne si rasmi ah u matala rabitaanka shacabka, waxaana u aragnaa inuu la mid yahay muwaadin kasta oo Soomaaliyeed.
Waddankeena, waxaad wada ogtihiin xaaladda siyaasadeed ee ka jirtaโkala fogaanshaha siyaasadeed iyo kala qeybsanaanta sii xoogeysaneysa. Waa arrin si dhab ah u taabaneysa mustaqbalka dalkeenna iyo midnimada ummadda.
Maanta, waxa inoo bannaan ma aha in aan sii kala fogaanno, balse waa in aan raadinnaa waddo mideysa shacabka iyo hoggaan ku dhisan wada-tashi, is-ixtiraam, iyo aragti fog
Run ahaantii, damac shaqsiyeed iyo rabitaanka gaar ahaaneed ee hoggaamiya maanta jooga laguma sii heshiin karoโwaxayna khatar ku yihiin midnimada iyo mustaqbalka dalkeenna.
Marka hoggaanka uu noqdo mid ku dhisan dano gaar ah, waxaa meesha ka baxa kalsoonidii shacabka iyo rajadii horumar.
Click here to claim your Sponsored Listing.
Location
Category
Contact the business
Telephone
Website
Address
Howlwaadg
Mogadishu
