Omar Abdulkadir Ahmedfiqi for president

Call Directions Website Contact the organization

Omar Abdulkadir Ahmedfiqi for president Boga Rasmiga ah Ee Musharax Madaxweyne JFS Omar Abdulqadir Ahmedfiqi wuxaan ka qalin jebiyay kulliyada waxbarashada Lafoole1981.

Magaceeyga oo dhameeystiran waa Cumar Cabdulqaadir Axmedfiqi wuxaan dhashay 1959tii, wuxaana waxbarashada hoose, dhexe iyo sare ku qaatay Magaalada Muqdishu. Kolkaas kadib wuxaan Waxbarasho heer jaamacadeed ah ku qaatay waddamada Canada iyo America, wuxaan ku soo takhasusay Culuunta caafimaadka. Dalka wuxaan ku soo labatay nofember 2000, wuxaana qayb ka qaatay wax ka qabashada arrimaha Bulshada, sida Caafimaadka, Waxbarashada iwxm. Sidoo kale wuxaan Dalka ka asaasay Ganacsiyo kala duwan oo Dad faro badan ay ka faa’iidaysteen.

09/11/2026

Waxaa nasiib-darro ah in mucaaradnimadii dalka ay maanta u muuqato mid ku kooban dano gaar ah iyo shaqsiyaad gaar ah.

Mucaaradnimadu ma aha in qof ama koox ay sheegato, balse waa in ay noqotaa codka shacabka, isla markaana ay la timaaddo aragti, qorshe iyo xalal lagu horumarinayo dalka.

Annagu waxaan aaminsanahay in aan haysanno aragti ka duwan tan maanta dalka lagu hoggaamiyo, isla markaana aan awoodno in aan dalka uga shaqaynno si ka wanaagsan, waxqabad muuqda iyo maamul hufan.

&


07/11/2026

Annagu waxaan aaminsanahay in dhammaan khilaafaadka iyo tabashooyinka jira lagu xallin karo wada-hadal.

Waxaan qabnaa in albaabka wada-hadalku mar walba furnaado, isla markaana aan la isku dayin in xal laga raadiyo waddo kale oo aan ahayn is-afgarad iyo wada-xaajood.

Dowladnimadu ma aha awood keliya, mana aha in go'aannada lagu saleeyo hal dhinac.

Waa in la maqlaa codka shacabka, mucaaradka iyo dhammaan dhinacyada ay arrimuhu khuseeyaan.

&


05/11/2026

Muddo-xileedkii Madaxweynaha iyo dowladdii uu hoggaaminayay ayaa dhammaaday, sidoo kale muddadii loo igmaday Baarlamaanka ayaa iyaduna dhammaatay.

Sidaas darteed, waxaa taagan su'aalo waaweyn oo ku saabsan sharciyadda sii-jiritaanka hay'adaha dowladda.

Waxaan aaminsanahay in xalka Soomaaliya uusan ku imaan karin muddo-kordhin muran dhalisa ama go'aanno hal dhinac ah. Xalku waa in la helo hannaan sharci ah, wada-tashi dhab ah, iyo heshiis siyaasadeed oo ay dhammaan dhinacyadu ku mideysan yihiin, si dalka looga badbaadiyo hubanti la'aan siyaasadeed, loona xaqiijiyo dowladnimo ku dhisan dastuurka iyo rabitaanka shacabka.”

&


03/11/2026

𝗙𝗔𝗥𝗜𝗡𝗧𝗔 𝗜𝗦𝗕𝗘𝗗𝗗𝗘𝗟𝗞𝗔 𝗗𝗔𝗟𝗞𝗔 — 𝗠𝘂𝘀𝗵𝗮𝗿𝗮𝘅 𝗠𝗮𝗱𝗮𝘅𝘄𝗲𝘆𝗻𝗲 𝗝𝗙𝗦 𝗢𝗺𝗮𝗿 𝗔𝗯𝗱𝘂𝗹𝗾𝗮𝗱𝗶𝗿 𝗔𝗵𝗺𝗲𝗱𝗳𝗶𝗾𝗶

Dalkeenna wuxuu u baahan yahay hoggaan leh aragti fog, masuuliyad, iyo qorshe cad oo lagu xaqiijinayo mustaqbal wanaagsan oo shacabka Soomaaliyeed ay mudan yihiin.

Isbeddelka dhabta ahi wuxuu ka bilaabmaa midnimo, caddaalad, amni, dowladnimo hufan iyo horumar ay dhammaan dadka Soomaaliyeed ka wada faa’iidaystaan.

&


01/11/2026

Dowladda maanta dalka ka talisa waxay ku suntan tahay musuqmaasuq, boobka hantida dadweynaha iyo ku takri-falka awoodda dowladda.

Halkii ay shacabka ugu adeegi lahayd caddaalad, hufnaan iyo isla xisaabtan, waxaa hareeyay maamul-xumo iyo awood si khaldan loo adeegsado.

&


30/10/2026

𝑺𝒐𝒐 𝒍𝒂𝒂𝒃𝒂𝒔𝒉𝒂𝒅𝒂𝒚𝒅𝒖 𝒎𝒂 𝒂𝒉𝒂𝒚𝒏 𝒐𝒐 𝒌𝒆𝒍𝒊𝒚𝒂 𝒊𝒏𝒂𝒂𝒏 𝒅𝒂𝒍𝒌𝒂𝒚𝒈𝒂 𝒌𝒖 𝒔𝒐𝒐 𝒍𝒂𝒂𝒃𝒕𝒐; 𝒘𝒂𝒙𝒂𝒚 𝒂𝒉𝒂𝒚𝒅 𝒊𝒏𝒂𝒂𝒏 𝒅𝒂𝒍𝒌𝒂𝒚𝒈𝒂 𝒘𝒂𝒙 𝒖𝒈𝒖 𝒔𝒐𝒐 𝒍𝒂𝒂𝒃𝒕𝒐.

Runtii, markii aan dalka ku soo laabtay, waxaan qaatay go’aan ah inaan dalkayga d**o oo aan qayb ka noqdo horumarkiisa.

Soo laabashadaydii dalka sannadkii 2012-kii, waxaan watay qorshe iyo himilo cad oo ahayd inaan aqoontayda, waayo-aragnimadayda iyo awooddayda u adeegsado sidii aan dadkayga wax ugu qaban lahaa.

&


28/10/2026

Arrinta maanta la yaabka leh waxay tahay in xukuumadda hadda jirta iyo Madaxweynaha hadda jooga aysan weli si dhab ah u fahmin macnaha doorasho qof iyo cod ah.

&


26/10/2026

𝗛𝗮𝗹𝗸𝗮 𝗮𝗮𝗻 𝗷𝗼𝗼𝗴𝗻𝗼 𝘄𝗮𝗮𝗻 𝗼𝗴𝗻𝗮𝗵𝗮𝘆, 𝗵𝗮𝗹𝗸𝗮 𝗮𝗮𝗻 𝘂 𝘀𝗼𝗰𝗼𝗻𝗻𝗮𝗻𝗮 𝘄𝗮𝗮𝗻 𝗻𝗮𝗾𝗮𝗮𝗻. 𝗪𝗮𝘅𝗮 𝗻𝗮𝗴𝗮 𝗴𝗼’𝗮𝗻 𝘄𝗮𝗮 𝗶𝗻𝗮𝗮𝗻 𝗷𝗶𝗱𝗸𝗮𝗮𝘀 𝗸𝘂 𝗴𝗮𝗮𝗿𝗻𝗼 𝘄𝗮𝘅𝗾𝗮𝗯𝗮𝗱, 𝗱𝗮𝗱𝗮𝗮𝗹 𝗶𝘆𝗼 𝗾𝗼𝗿𝘀𝗵𝗲 𝗰𝗮𝗱.

Maanta waxaan joognaa meel, laakiin ma doonayno inaan halkaas ku ekaanno. Waxaan hiigsanaynaa Soomaaliya ka horumarsan tan maanta, Soomaaliya ay shaqo iyo fursado ka jiraan, adeegyada aasaasiga ahna ay gaaraan dhammaan shacabka.

&


24/10/2026

𝑾𝒂𝒙𝒂𝒂𝒏 𝒓𝒂𝒃𝒏𝒂𝒂 𝑺𝒐𝒐𝒎𝒂𝒂𝒍𝒊𝒚𝒂 𝒂𝒂𝒏 𝒌𝒖 𝒆𝒌𝒂𝒂𝒏 𝒃𝒂𝒍𝒍𝒂𝒏𝒒𝒂𝒂𝒅, 𝒃𝒂𝒍𝒔𝒆 𝒂𝒂𝒏 𝒌𝒖 𝒅𝒉𝒊𝒔𝒏𝒐 𝒘𝒂𝒙𝒒𝒂𝒃𝒂𝒅 𝒎𝒖𝒖𝒒𝒅𝒂 𝒐𝒐 𝒔𝒉𝒂𝒄𝒂𝒃𝒌𝒂 𝒔𝒊 𝒕𝒐𝒐𝒔 𝒂𝒉 𝒖 𝒕𝒂𝒂𝒃𝒂𝒏𝒂𝒚𝒂.

Sidoo kale, mashaariicda aan dalka ka hirgelinnay ee bulshada Soomaaliyeed ay ka heshay faa’iido muuqata waxaa ka mid ah Mashruuca Biyaha Zamzam Water System.

Mashruucan wuxuu noqday mid wax weyn ka beddelay helitaanka biyo nadiif ah oo la isku halleyn karo, gaar ahaan bulshada u baahan adeeg biyo oo tayo leh.

&


22/10/2026

𝗦𝗼𝗼𝗺𝗮𝗮𝗹𝗶𝘆𝗮 𝘄𝗮𝗮 𝗱𝗮𝗹 𝗹𝗲𝗵 𝗸𝗵𝗮𝘆𝗿𝗮𝗮𝗱 𝗶𝘆𝗼 𝗱𝗮𝗱 𝗸𝗮𝗿𝘁𝗶 𝗹𝗲𝗵. 𝗪𝗮𝘅𝗮 𝗻𝗮𝗴𝗮 𝗱𝗵𝗶𝗺𝗮𝗻 𝘄𝗮𝗮 𝗶𝗻𝗮𝗮𝗻 𝗮𝗯𝘂𝘂𝗿𝗻𝗼 𝗳𝘂𝗿𝘀𝗮𝗱𝗮𝗵𝗮 𝗮𝘆 𝗸𝗮𝗿𝘁𝗶𝗱𝗮𝗮𝘀 𝘂𝗴𝗮 𝗳𝗮𝗮’𝗶𝗶𝗱𝗲𝘆𝘀𝘁𝗮𝗮𝗻.

Waxaan dalka kusoo kordhinay wax aan aaminsanahay inay wax weyn ka beddeli karaan nolosha shacabka Soomaaliyeed.

Waxa ugu muhiimsan waa hirgelinta warshado yaryar oo dalka laga sameeyo, kuwaas oo fursado shaqo abuura, dhaqaalaha bulshada kobciya, isla markaana wax badan ka beddela nolosha dadka.

&


Address

Howlwaadg
Mogadishu

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Omar Abdulkadir Ahmedfiqi for president posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Omar Abdulkadir Ahmedfiqi for president:

Shortcuts

Share

Category

Nearby government services