15/05/2022
Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku sugan gudaha hoolka Xarunta Afisyooni oo ay doorashada Madaxweynuhu ka socoto. Waa Ilaahay mahaddii in ay maanta soo gabagaboobayaan doorashooyinkii dalku, taasoo halkaas maanta ku soo gaartey tanaasulaadkii iyo hoggaaminta suubban ee Madaxweyne Farmaajo. Guusha shacabku waa Isbeddel Doonka Socda oo guulaysta.
13/05/2022
Daahfurka Buugga Isbeddel Doonka Socda ee waxqabadka Madaxweyne Farmaajo oo caawa ku qabsoomay caasimadda Muqdisho. taageereyaasha Isbeddel Doonka Socda ayaa safaf ugu jira qaadashada buugga.
13/05/2022
Waxaa lagu guulaystay in dhammaan hantida Qaranka laga diiwaan geliyo Diwaanka Qaranka Ee Wasaaradda Maaliyadda, si looga hortago musuqmaasuqa, lunsiga iyo ku tagrifalka hantida qaranka.
13/05/2022
Qaar ka mid ah ballanqaadyada Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee afarta sano ee soo socta.
13/05/2022
La dagaallanka musuqmaasuqu waa mid ka mid ah mabaadi'da asaasiga ah ee hortebinta u leh Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, isaga oo dadaal weyn ku bixiyey sidii xididdada loogu siibi lahaa musuqmaasuqa ragaadiyey dalkeenna.