Maryama Omar Ali

Call Directions Contact the organization

Maryama Omar Ali Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Maryama Omar Ali, Government Official, Mogadishu.

Xukunka Askari dilay Muwaadin Faryaamo ahaa.Dable Xoogga Cabdi Aadan Ibraahim oo lagu Naaneyso “Soddon” , ayaa lagu eede...
26/09/2026

Xukunka Askari dilay Muwaadin Faryaamo ahaa.

Dable Xoogga Cabdi Aadan Ibraahim oo lagu Naaneyso “Soddon” , ayaa lagu eedeeyey Dilka Marxuum Yuusuf Axmed Cabdi oo ahaa Muwaadin Ku Shaqeysta Xirfadda Dhismaha Guryaha ee Faryaamo, kaasi oo Xilliga la dilayo saarnaa Mooto Bajaaj isaga u Kireysneyd, si uu u gaaro Hoygiisa, Maadaama ay aheyd Xilli galab ah oo uu kasoo baxay shaqadiisa.

Eedeysane Soddon oo Waddada Xaafadda Iga-daba-geey ee Degmadda Garsabaaleey u taagan Mooto uu raaco, ayaa Joojiyey Bajaajtii uu saarnaa Marxuumka, Qaab u eg Awood Sheegasho, ayuuna ula hadlay, si loo sii qaado, balse waxaa loo sheegay inaysan qaadi karin, Maadaama isku jiho aysan u socon, Jawaabta Eedeysanaha, ayaana noqotay inuu hakiyo Bajaajta, kadibna ku handado inuu ka shakiyey oo ay tahay in la hubiyo, Waxaana Muran kadib uu riday Labo Baalooto oo Mid dhulka ku dhacday, Tan Kalana Caloosha Ka haleeshay Marxuumka oo Kireystihii Mootada ah, Isla goobtaasi ayuuna ku geeriyooday, Falkaan, ayaana dhacay Lix iyo Labaatankii Bishii Todobaad ee Sanadkaan 2026.

Eedeysanaha oo isku dayey inuu baxsado, ayaa ku dhuuntay geedka Soomaalida ay u taqaano Cali garoobka oo ku yaalla meel aan ka foggeyn goobta falka uu ka dhacay, Balse dad shacab, ayaa ciidamada ammaanka u tilmaamay halka uu ku jiro, sidaas ayeyna ku suurta gashay in la qabto.

Baaris dheer ka dib Xafiiska Xeer ilaalinta ciidamada qalabka sida, ayaa Codsaday qaadista kiiskaan, Waxaana laga oggolaaday Lix iyo Tobankii Bishaan September.

Garsoorka Maxkamadda ciidamada qalabka sida oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn maanta ku xukumay Ex-Dable Xoogga Cabdi Aadan Ibraahim “Soddon” Dil Toogasho oo ah Qisaasta Marxuum Yuusuf Axmed Cabdi.

Sida uu warbaahinta u sheegay Guddoomiyaha Maxkamadda darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida, Gaashaanle sare Xasan Cali Nuur Shuute.

24/09/2026

Waxaa Lagu Eedeyey Dil & Dhac Hubeysan -Abdifatah Akhyaar

22/09/2026

Banooni iyaggoo Ka yimid inay Dileen Muwaadin Muruqmaal ahaa, ayaa lagu Eedeeyey - Abdirahman Gacan

14/09/2026

Maxkamadeynta Shabakad Lagu Eedeeyey inay Geeysteen Dhac Hubeysan - Abdifatah Akhyaar.

Xukunka Askari Jante Dartiis u dilay Muwaadin Dable Xoogga Maxamuud Axmed Faarax Kabtan Dhashiike, ayaa Lagu Eedeeyay in...
12/09/2026

Xukunka Askari Jante Dartiis u dilay Muwaadin

Dable Xoogga Maxamuud Axmed Faarax Kabtan Dhashiike, ayaa Lagu Eedeeyay in uu si kas ah u dilay Marxuum Cabdicasiis Shiikh Xuseen, Shan iyo tobankii bishii Shanaad ee Sanadkaan 2026, Falkaas ayaana ka dhacay Degmadda Luuq ee Gobolka Gedo.

Kabtan Dhashiike & Marxuumka oo Xiriir & Wax is dhaafsi uusan ka dhaxeyn, kadib khilaaf horey uga dhaxeeyey, ayaa isku arkay guri ku yaalla dhanka Beeraha Luuq, Waxaana Eedeysanaha oo Sigaar heysta uu bilaabay inuu raadiyo Kabriid ama Jante, si uu u sh*to.

Waxa uu weydiistay Koofi oo labadaba Saaxib lahaa, Marxuumka oo lahaa Jantaha, ayaa Jeebka ku ritay, si diidmo ah, Eedeysanaha oo Intaas caro ka qaaday ayaana keentay inuu labo Baalooto oo AK 47 ah Ku dhufto Alle ha u naxariistee C/casiis Shiikh Xuseen, isla Goobtaasi ayuuna ku geeriyooday Marxuumka.

Baaris Dheer ka dib Xafiiska Xeer ilaalinta Ciidamada QS, ayaa Codsaday qaadista kiiskaan, waxaana laga oggolaaday Seddexdii Bishaan September.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn maanta ku xukumay Ex-Dable Xoogga Maxamuud Axmed Faarax Kabtan Dhashiike Dil Toogasho oo Qisaasta Marxuum Cabdicasiis Shiikh Xuseen ah.

Sida uu warbaahinta u sheegay Guddoomiyaha Maxkamadda darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida, Gaashaanle sare Xasan Cali Nuur Shuute.

09/09/2026

Ku-Xiggeenka Xeer ilaaliyaha guud ee CQS, Dhamme Cabdibaasid Maxamed Yuusuf Madaale oo La Dardaarmay Cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga.

08/09/2026

Dagaalka Fikirka & Doorka Warbaahinta.

05/09/2026

Garmaqalka Askari Ku Eedeysan Dil Ka Dhacay Luuq - Abdifatah Akhyaar

02/09/2026

:- Asmar & Cadnaan oo Lagu Qabtay Dagaalkii Bariire.

30/08/2026

:- Argagixisada inay ka tirsan yihiin ayaa Lagu Eedeeyey - Abdirahman Gacan

Address

Mogadishu

Telephone

+252615691680

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Maryama Omar Ali posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Maryama Omar Ali:

Shortcuts

Share