ONLF Chairman A Kariim Sh Muuse exclaimed in his speech uniqueness of his organization compare to struggled fronts in entire region its endurance, selfishness and independence from foreign interference and support
OYSU Mogadishu
Ku soo dhawow bogga rasmiga ah ee Ururka Dhallin-yarada & Ardayda Ogadeenya ee Faraca Mogadishu.
.
22/08/2025
Sidaad la socoteenba waxaa magaalada caasimada ah ee Somaaliya ka socday shirarkii iyo kulamadii logu dabaaldagayay Sanadguurada ONLF waxaa si nabad ah u so dhamaaday Dabaadagii 41-Ee Aasaaskii ka sowareegatay JWXO
Waxaa intaas dheera kulamo Doorasho maamul cusub oo Unugtu ayay yeelanayso iyo Kor uqaadida howlaaha ururka ee magaalada muqdisho Ayadoo ladhisayo wacyiga xubnaha .
Dhamaan waxaa si nabad ah ku so dhamaaday Qorshihii lodajiyay wixi intaas ka dambeeya waa dhaqaajinta howlaha Ururka ee magaalada muqdisho iyo in Maamulka Cusub ee Unugta Muqdisho ay qabsadaan shaqooyinkoida .
.
22/08/2025
Caasimadii way Hadashay
M U Q D I S H O_SOMALIA .
DATE: 22/08/2025.
---------------------------
Kulan si heersara ah loo so agaasimay oo ay soo qaban qaabisay unugta muqdisho ayaa ka qabsoontay magaalada caasimadda ee MUQDISHO .
Kulankan oo logu dabaal dagayay aas-aaskii ururka onlf oo ay ka so wareegatay 41-sano ayaa ooga qabsoomay si aad u saraysa Casimadda Muqdisho .
Xuska sanadguurada ayaa ah mid sanad walba logu dabaal d**o daafaha dunida .
Sawiradan hoos ka muuqda waa sawiradii laga qaaday kulankii iyo isku imaatinkii Madaxda iyo Xubnaha Ururka JWXO ee ku sugan caasimadda Somaliya Ee Muqdisho .
&_Wadajir
09/05/2025
:
War-saxaafadeed: Gudiga Doorashooyinka Itoobiya (NEBE) ayaa soo saaray war-saxaafadeed ku saabsan aqoonsiga shirkii ONLF ee ka dhacay Jigjiga.
Qoraalka ka baxay NEBE ayaa lagu sheegay in guddigu uu xaqiijiyey xubnaha ka qaybgalay shirkii, kuwaas oo loo aqoonsaday inay yihiin xubno sax ah oo ka tirsan ururka.
Sidoo kale, war-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in guddigu uu hakiyey xilka guddoomiyaha ururka, Abdirahmaan Maadday, inta laga qabanayo shirka ururka oo muddo saddex bilood gudahood ah la qaban doono.
Guddiga Doorashooyinka Itoobiya ayaa sidoo kale xaqiijiyey inay aqoonsadeen shirka golaha dhexe ee ONLF iyo xubnaha ka qaybgalay.
Komishanka Doorashooyinka Itoobiya ayaa sidoo kale sheegay in xilka guddoomiyaha uu si kumeel-gaar ah usii hayn doono Abdikarin Sheekh Muuse ilaa laga qabanayo shirweynaha xisbiga, muddo saddex bilood gudahood ah.
OYSU Mugadishu
18/04/2025
Khamiis: 17/04/2025
Maamulka Unugta JWXO Iyo Kaadirka Magaalada Muqdisho oo kulmay.
---------------------------
Waxaa Kulan isugu yimid Maamulka unugta iyo kaadirka JWXO Ee ku nool Magaalada Muqdisho Caasimadda dalka Somaalia,
Ujeedada kulankan oo ahaa is xog waraysi arimaha siyaasada iyo isbadalada kadhacay ururka dhaxdiisa Uuna Shir gudoominayey isku duwaha U qaabilsan Ururka ONLF Somalia iyo Jabuuti Halgame Hussen Shariif ayaa lagu Daah furay Qawlka Ebe (Ayaad qur'aan ah) iyo wacdi diini ah.
Sido kale Kulanka waxaa Kaso qayb galay Masuul sare oo kasocday Golaha dhexe Halgame Dr Abdirisaaq Muuse oo Warbixin mugle siiyey kaadirka iyo Masuliyiinta kaso qayb'galay shirka.
Kulankan oo ka qabsoomay Xafiiska unugta JWXO ee Magaalada Muqdisho ayaa Lagu taageeray isbadalka iyo midnimada ururka Ay'sameeyeen Xubnaha Golaha Dhexe Ee JWXO iyo qodobadii ka soo baxay shirka golaha dhexe.
Kulankan ka qabsoomay muqdisho ee ay ka soo qayb galeen kaadirka iyo maamulka unugta muqdisho ayaa lagu gor feeyay sidii loogu diyaar garoobi lahaa shirwaynaha ururka iyo howlaha horyaalo 3bilood ee soo socdo.
Muqdisho-Soomaalia
Midnimo, mintid iyo iskutashi.
10/04/2025
Taariikh:10 April 2025
----------------------------
Bayaan Midaysan oo ka soo baxay Jaaliyadaha Bariga Africa ee JWXO.
____________________________
Jaaliyadaha Jabhadda Waddaniga Xoraynta Ogaadeenya (JWXO) Ee bariga Africa waxay taageerayaan Shirka Kalafadhiga Golaha Dhexe ee Jabhadda wadaniga xoraynta ogadniya kaasoo Tariikhdu markay ahayd 08/04/2025 ka furmay magaalada Jigjiga.
Waxay jaaliyaduhu So dhawaynayaan Habsami u socodka kalafadhiga 2aad Ee JWXO kaaso galay maalintii sadexaad, waxayna u rajaynayaan guul inuu kuso dhamaado.
Sido kale waxay so dhawaynayaan Midnimada Ururka iyo isutanaasulka Masuliyiinta Ururka, iyaga oo muujiyey lexjeclada, Bisaylka Siyasadeed iyo Qadarinta Shacabka reer ogadenia.
Jaaliyadaha Bariga africa Waxay sibuuxda sodhawaynayaan isbadalka Hogaamiyeed Ee golaha dhexe kusameeyey Hogaankii ugu sareeyey ururka ONLF 09/04/2025 Waxayna jaaliyaduhu sidhaw ulashaqayn doonaan Hogaanka ururka ee Cusub.
Saxiixa
1) Iskuduwaha Bariga Africa Mudane , Hussein Mohamed (Hussein Sharif )
2) Hogaanka Qorshaynta Iyo Abaabulka Jaaliyadaha Bariga Africa Mudane , Abdiqadir Sheikh Mohamed ( Abdiqadir Daacad) .
Khamiis: 10 April 2025 Muqdisho , Somali .
15/09/2024
DEG-DEG - Xog-yahay Golaha Dhexe ee ONLF Maxamed Sharif ayaa Hadda War-Saxafadeed ku qabtay Magaalada Jigjiga ee Caasimada DDS.
26/05/2024
Shirkii Bilaha ahaa ee unugta Jwxo ee gobalka faafan oo si fiican u dhacay.
Waxaa maanta oo ay Taariikhdu tahay 26.05.2024 ka qabsoomay Xafiiska Jwxo ee gobalka Faafan Shirkii Billaha ahaa ee unugta JWXO ee gobalka faafan gaar ahaan gaar ahaan xubnaha Ku sugan Maamulka Magaalada Jigjiga.
Shirka waxaa lagu furay wacdi diini ah oo uu soo jeediyey naftiihure Sheekh cabdi aar.
Halgamaa Sheekh Maxamed ayaa soo jeediyey warbixin Ku saabsan xaalada Ururka Iyo mida dalka.
Sidoo kale Halgamaa Maxamud Cabdulaahi Sooc ayaa si qurux badan u sharaxay nooca uu ahaa dhaqankii Jabhada Iyo sida loogu baahan yahay in la barto taariikhda gobanimadoon ee dadkeena.
Waxaa codbaahiya lagu dhaweeyey Mujaahid Cabdulahi Xaliye oo si hufan guud mar ugu sameeyey sababihii Ururka ONLF Ku kalifay in uu dagaalamo.
Waxaan meesha ka maqnayn kaalintii suugaan Halgameeda iyadoo kooxda Hilaac oo soo bandhigtay suugaan qiiro Ku reebtay ka soo qayb galayaashii shirka.
Ugu danbayn shirkaas oo dad badan ay ka hadleen ayaa Ku dhamaaday guul Iyo rayn rayn.
21/04/2024
Jabhada wadaniga Xoraynta Ogaadeeniya oo bayaan ka soo saartay dagalada ka socda Galbeedka gobolka Sitti taasoo Jwxo ku taageertay difaaca ay kala hortageen Ciidanka Deeganka (liyuu police) waxay cabaaraysay ONLF damaaciga dhuleed ee Canfarta sidoo kale anagoo Kaadirkii H**e ee Jwxo waxaanu cambaaraynaynaa Horgalada Canfareed ee soomaalida…
08/04/2024
23/03/2024
Shirka Wadatashiga G/dhexe ee ay Hogaaminayeen Gudoomiye kuxigeenka Ururka ONLF Abdikarin Sheikh Muse Qalbidhagax Iyo Xoghayaha G/hexe Ee Ururka Mohamed Sharif Cumar ayaa si fiican qabsoomay.
Shirka oo Saaka ka furmay Hotel Galool Waxaa Xubnaha G/dhexe Loo qaybiyay Ajanddaha Shirka oo ahaa;
-ujeedada Kualnka iyo Duruufihii keenay
-Sababihii keenay kala qaybsanaanta ururka
-Dadaaladii loogalay midaynta ururka iyo marxaladihii ay soo mareen
Kadibna waxay Xubnaha G/dhexe Gudagaleen Qodab Doodeedka Odhanaya " Qaabka Ugu Haboon Ee Mustaqabalka Ururka loo Badbaadin karo,wadajirkiisan Dib loogu Soo celin lahaa
Xubnaha Ku dheeraaday ka hadalka Arimaha Ururka Waxaa Kamid ahaa
Gudoomiye kuxigeenka Ururka ONLF
- N/hure Abdikarin Sheikh Muse
- N/hure xoghayha G/dhexe Ee ONLF Mohamed Sharif cumar
- Halgamaa Ahmed Yasin Sheekh Ibraahin
- N/hure Suluba Cabdi Ahmed
- N/hure Muxumad Anni
Oo dhamaantood kawada hadlay Dadaaladii Midaynta Ururku loo soo maray iyo Cidda ay ka Socon wayday
Waxaa niskii Danbe Shirka wada tashiga kasoo qaybgalay Qayb kamid ah Xubnaha Kaadarka Ururka Oo iyana Taladooda La waydiinayay .
Ugu danbayn Shirka Nuqulkiisa Iyo Go'aamada Kasoo Baxay, Waxaa lagu soo Saari Doonaa War- Saxaafadeedka Ururka
Radio xoriyo
Jigjiga
Click here to claim your Sponsored Listing.
Location
Category
Contact the business
Website
Address
Km4
Mogadishu
252
