23/03/2026
ุฅูุง ููู ูุฅูุง ุฅููู ุฑุงุฌุนูู.
Waxaan si tiiraanyo leh uga tacsiyeynayaa geerida Alle ha u naxariistee Ganacsade Maxamed Faarax Siyaad (Jiis), anigoo la qaybsanaya murugada qoyska, ehelka, asxaabta iyo guud ahaan Umadda Soomaaliyeed
Marxuumku wuxuu ka mid ahaa dadka wax ku biiriyey koboca dhaqaalaha iyo garab istaagga bulshadiisa.
Alle jannadii haka waraabiyo, samir iyo iimaan hana ka siiyo dhammaan intii uu ka baxay.
Mohamed Abdikadir Nur - Mooshin
Xafiiska Taliye Ku Xigeenka Boliiska Gobolka Banaadir
19/03/2026
Hambalyo Ciid Mubaarak dhammaan Shacabka Soomaaliyeed, Alle ha inaga aqbalo cibaadadii hana ka dhigo Ciiddaan mid farxad, nabad iyo barwaaqo ku dheehan tahay.
Mohamed Abdikadir Nur - Mooshin
Xafiiska Taliye Ku Xigeenka Boliiska Gobolka Banaadir
16/03/2026
Galabta waxaan ka qeyb galay madal lagu maamuusayay halganka, naf-hurka iyo guulaha Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed. Madashan waxaa lagu xusay doorka geesiyaasha naftooda u huray difaaca dalka, waxaana si gaar ah loogu duceeyay shuhadadii ku shahiiday dagaallada lagu sugayo amniga iyo xasilloonida Soomaaliya.
Sidoo kale waxaa lagu bogaadiyay dadaalka iyo guulaha ay ciidamadu ka gaareen howl-gallada lagu xaqiijinayo nabadda, iyadoo lagu dhiirrigeliyay in la sii xoojiyo wadajirka, geesinimada iyo u heellanaanta waajibaadka qaran ee saaran ciidamada.
Madashu waxay ahayd mid muujisay qiimaha iyo karaamada askariga Soomaaliyeed, iyo sida ay shacabka iyo dowladda uga goโan tahay garab istaagga iyo taageerada ciidamadooda.
๐/๐ฟ๐๐๐ญ๐ ๐๐ค๐๐๐ข๐๐ ๐ผ๐๐๐๐ ๐๐๐๐ง ๐๐ค๐ง - ๐๐ค๐ค๐จ๐๐๐ฃ
Taliye Ku Xigeenka Qeybta Guud Boliiska Gobolka Banaadir
17/02/2026
ุฑู
ุถุงู ูุฑูู
๐
ูู ุนุงู
ูุฃูุชู
ุจุฎูุฑ
Waxaan hambalyo u dirayaa dhammaan Umadda Muslimka ah, gaar ahaan Shacabka Soomaaliyeed, curashada Bisha barakeysan ee Ramadaan awgeed.
Waxaan Alle uga baryayaa in uu inaga aqbalo soonka iyo cibaadada, dalkeenna iyo dadkeenna ku gallado nabad iyo barwaaqo.
G/Dhexe Mohamed Abdikadir Nur - Mooshin
Xafiiska Taliye Ku Xigeenka Boliiska Gobolka Banaadir
20/12/2025
๐๐๐ฆ๐๐๐ฅ๐ฒ๐จ ๐๐ข๐ข๐๐๐ง๐ค๐ ๐๐จ๐จ๐ฅ๐ข๐ฌ๐ค๐ ๐๐จ๐จ๐ฆ๐๐๐ฅ๐ข๐ฒ๐๐๐
Hambalyo Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo u dabaal dagaya sanad-guuradii 82aad. Waxaan bogaadinayaa geesinimada, dadaalka, iyo u heellanka sarreeyayaasha, saraakiisha, alifleyda, iyo dablayda ciidanka, kuwaas oo si hagar laโaan ah ugu adeegaya amniga iyo ilaalinta sharciga shacabka Soomaaliyeed.
Waxaan u rajaynayaa in Eebbe naxariistiisa janno ka waraabiyo kuwii ku geeriyooday, kuwa ku dhaawacmayna uu siiyo caafimaad iyo soo kabasho degdeg ah.
Hambalyo mar kale Ciidanka Booliska Soomaaliyeed โ dadaalkiina iyo geesinadiina waa astaan sharaf iyo kalsooni loogu qabo dalka.
๐ฎ/๐ซ๐๐๐๐ Mohamed Abdikadir Nur - Mooshin
Taliye Ku-xigeenka Qeybta Guud, Gobolka Banaadir
15/10/2025
Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa walaashey, Xildhibaan Ilham Ali Gasar, oo loo doortay inay Soomaaliya ku matasho xubinnimada Xildhibaanada Bulshada Bariga Afrika (EALA).
Mohamed Abdikadir Nur - Mooshin
12/10/2025
Hambalyo Maalinta Calanka Soomaaliyeed! ๐ธ๐ด
Maanta oo ay tahay 12-ka October, waxaan si sharaf leh u xusayaa Maalinta Calanka Soomaaliyeed, oo ah maalin astaan u ah midnimada, halgankii xorriyadda, iyo sharafka qarankeena. Calankeenna buluugga ah ee xiddigta cad leh wuxuu muujinayaa nabadda, rajada, iyo isku duubnida shacbiga Soomaaliyeed.
Waxaan hambalyo iyo bogaadin gaar ah u dirayaa Ciidammada Qalabka Sida ee dalka, kuwaas oo geesinimo iyo daacadnimo ku difaacaya calankeena iyo qarankeena. Intii u dhimatay Alle ha u naxariisto, kuwa difaaca u taaganna Eebbe ha guuleeyo.
Ummadda Soomaaliyeed ayaan ku boorinayaa inay ka shaqeeyaan midnimo, wadajir, iyo ilaalinta qarankeena, si calankeenna uu mar walba u ahaado astaanta sharaf, rajo iyo isku xirnaan qaran.
Ha ku faano calankaaga, ha xasuuso halgankii iyo geesinimadii jiilashii h**e, hana u midoobo midnimada Soomaaliyeed!
โ Taliye Ku-Xigeenka Qeybta Guud, Boliiska Gobolka Banaadir, G/Dhexe, Mohamed Abdikadir Nur - Mooshin
09/08/2025
๐๐ฎ๐ช๐๐ข๐ฌ๐ก๐จ, ๐๐ ๐๐ฎ๐ ๐๐๐๐
โ๐๐ก๐ข๐ซ ๐๐๐ ๐ฎ ๐๐จ๐จ๐ฃ๐ข๐ง๐๐ฒ๐จ ๐๐๐๐ ๐๐ก๐๐ช๐๐ฒ๐ง๐ญ๐ ๐๐จ๐จ๐ฅ๐ข๐ฌ๐ค๐ & ๐๐๐๐ฆ๐ฎ๐ฅ๐ค๐ ๐๐จ๐๐จ๐ฅ๐ค๐ ๐๐๐ง๐๐๐๐ข๐ซโ
Waxaan caawa ka qeyb galay shir lagu xoojinayo wada shaqeynta Booliska iyo Maamulka Gobolka Banaadir. Shirkan oo looga hadlay qodobo ay ka mid yihiin:
โข Xoojinta amniga caasimadda
โข Yareynta jaamka magaalada
โข Ciribtirka daroogada
โข Mideynta qorshayaasha lagu xaqiijinayo xasilloonida iyo horumarka
Shirkan ayaa si guul leh noogu soo dhammaaday, waxaana shacabka Soomaaliyeed ee caasimadda ku dhaqan ka codsanaynaa inay dhammaan howlaha baaxadda leh nagu garab istaagaan.
Mohamed Abdikadir Nur - Mooshin
Taliye Ku Xigeenka Taliska Qeybta Guud Boliiska G.Banaadir