01/10/2026
FARXADDA MAALINTA KOFAYGA ADDUUNKA – WORLD COFFEE DAY 2026
1-da Oktoobar 2026 | World Coffee Day
Maanta oo ah 1-da Oktoobar, waxaa dunida laga xusayaa Maalinta Kafeega Adduunka (World Coffee Day), oo ah maalin lagu maamuuso kafeega, dadka ka shaqeeya silsiladdiisa wax-soo-saar, iyo dhammaan xirfadlayaasha kaalin ku leh diyaarintiisa iyo adeeggiisa.
Kafeegu ma aha oo keliya cabitaan; waa dhaqan, farshaxan, xirfad iyo fursad ganacsi. Waa cabitaan dadka isku keena, abuura wada sheekaysi, isla markaana dhalinyaro badan u noqda il aqoon, shaqo-abuur iyo horumar.
Kaamil Barista Academy waxay hambalyo u diraysaa dhammaan baristayaasha, ganacsatada kafeega, macallimiinta iyo ardayda baranaysa xirfadda kafeega.
Waxaan sii xoojinaynaa dadaalkeenna ku aaddan horumarinta xirfadda barista, tayada adeegga, hal-abuurka iyo diyaarinta jiil xirfadlayaal Soomaaliyeed ah oo heer caalami ah gaara.
Farriinteennu waa: Baro xirfadda, kobci aqoontaada, kuna dhis mustaqbalkaaga kafeega.
Happy World Coffee Day 2026.
Kaamil Barista Academy waa hoyga Aqoonta, Xirfadda iyo Mustaqbalka Baristaha Soomaaliyeed.
☕