Guddiga Shaqaalaha Rayidka Maamulka Gobolka Banaadir

Guddiga Shaqaalaha Rayidka Maamulka Gobolka Banaadir

Share

Bogga Rasmiga ah ee Guddiga Shaqaalaha Rayidka Maamulka Gobolka Banaadir.

27/04/2024

Ujeeddo: Wargelin Shaqaale

Guddoomiyaha Guddiga Shaqaalaha Maamulka G/Banaadir iyo D/Hoose, isagoo tixraacaya warqadda Summaddeedu tahay DH/MG/GGDM/01/334/2024, 21/04/2024, kana soona baxday xafiiska Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Ahna Duqa magaalada Muqdisho, ujeeddaeeduna ahayd Tilaamaamid & farid howleed Guddiga Shqaalaha G/Banaadir iyo D/Hoose; waxa uuna soo saaray Qodobada hoos ku xusan:
1. Laga billaabo 01/05/2024, Guddiga Shaqaalaha maamulka G/Banaadir iyo D/Hoose waxa uu billaabi doonaa xaadirinta iyo Kormeerka Shaqaaalha maamulka G/Banaadir iyo D/ Hoose ee Xamar.
2. In Guddigu uu xaqiijin doono dhamaan fasaxyada kala duwan shaqaalaha maamulka G/banaadir iyo D/Hoose.
3. Guddigu waxa uu dib u eegis ku sameyn doonaa hannaanka Shaqaalaha maamulka G/Banaadir iyo D/Hoose.
4. Guddigu waxa uu diyaarin doonaa (TOR) da Shaqaalaha Maamulka Gobolka Banaadir iyo D/ Hoose si la isu waafajiyo Shaqaale kasta iyo Xirfaddisa shaqo.

Sidaas darted mas’uuliyiinta warqaddaan ku socoto waxaa lagu war gelinayaa in shaqaalaha xafiisyadooda sidaas ula socodsiiyaan.

Mahadsanid
MD: Cumar Cabdulaahi Xasan
Guddoomiyaha Guddiga Shaqaalaha M/Gobolka Banaadir & D/hoose ee Xamar.

Photos from Gobolka Benaadir's post 15/02/2023
Photos from Guddiga Shaqaalaha Rayidka Maamulka Gobolka Banaadir's post 15/02/2023

Guddoonka Guddiga Shaqaalaha Rayidka Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta ku booqday xafiiskiisa Garyaqaanka Guud ee Gobolka Banaadir Avv. Muxiyadiin Xasan Maxamed.

Kulanka waxaa looga dooday qodobadii xeerka ee dib-u-eegista lagu sameeyay, si xeerarka guddiga shaqaalaha Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar loo waafajiyo shuruucda u degsan dalka gaar ahaan Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar.

Xafiiska Garyaqaanka Guud ee Gobolka Banaadir ayaa dib-u-eegis ku sameeyay xeer hoosaadka guddiga shaqaalaha Gobalka Banaadir iyo dowlada Hoose ee Xamar, Iyadoo la fulinayo qodobadii kasoo baxay shirkii Banbaxa Gobolka Banaadir gaar ahaan faqradiisa 10-aad.

Photos from Guddiga Shaqaalaha Rayidka Maamulka Gobolka Banaadir's post 10/01/2023

Kulan ay Maanta ku yeesheen Magaalada Muqdisho xubnaha Guddiga shaqaalaha Rayidka Maamulka Gobolka Banadir uuna Shir guddoominayay Guddoomiyaha Guddiga mudane Omar Abdullahi Hassan (Qaanso) oo ay wehliyaan Guddoomiye Ku xigeenka Guddiga Mudane Bile Shidane Ahmed Iyo Xoghayaha Guddiga Marwo Muna iyo Dhammaan Xubnaha Guddiga ayaa looga hadlay Jiheynta arrimaha mudnaanta uleh Sharciga Shaqaalaha Rayidka ee Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar. Kulanka waxaa qayb ka ahaay khubaro kasoo shaqeeyay dhanka sharciyada iyo badqabka shaqaalaha kana caawinayay Guddiga Shaqaalaha Rayidka Ee Maamulka Gobolka Banaadir sidii loo hormarin lahaa nidaamka Shaqaalaha Rayidka.

Kulankan ayaa looga hadlay arrimaha shaqalaha Iyo xaaladda guud ee shaqaalaha Gobolka, ayadoo diirada lagu saaray Sidii loo horumarin lahaa shaqaalah Gobalka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar.

Qodabada kulanka looga hadlay ayaa waxaa ka Mid ahaa;

1. Dardargelinta dhameestirka sharciyada shaqaalaha Rayidka iyo habraacyada shaaqalaha.
2. Tira koobka Iyo Dabagalka shaqalaha Gobalka.
3. Ilaalinta xuquuqda iyo badqabka shaqalaaha.
4. xoojinka xiriirka Guddiga Shaqaalaha ee gobalka iyo Guddiyada Qaranka iyo dowlad Goboleedyada ee shaqaalaha rayidka.
5. Hirgelinta nidaam xaadirin oo ilaa heer degmo ah.
6. Horumarinta cududda shaqaalaha gobalka iyadoo la kordhinayo tirada iyo nuucyada tababaro ee shaqaalaha Rayidka la siiyo.

Want your business to be the top-listed Government Service in Mogadishu?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Website

Address


Corso
Mogadishu

Opening Hours

Monday 09:00 - 17:00
Tuesday 09:00 - 17:00
Wednesday 09:00 - 17:00
Thursday 09:00 - 17:00
Saturday 09:00 - 17:00
Sunday 09:00 - 17:00