Wasaaradda Gaashaandhigga

Wasaaradda Gaashaandhigga

Share

Ministry of Defence of the Federal Republic of Somalia Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya. Ministry of Defense for the Federal Republic of Somalia.

12/04/2026

Taliyaha CXD S/Guuto, Ibraahim Maxamed Maxamuud: " Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya waa astaanta geesinnimada, midnimada iyo jiritaanka qarannimada Soomaaliya. Waana ciidan ka dhashay shacab qalbi wanaagsan, oo mar walba diyaar u ah garab-istaagga ciidankooda, una taagan ilaalinta sharafta, karaamada iyo midnimada umadda Soomaaliyeed"

Photos from Wasaaradda Gaashaandhigga's post 12/04/2026

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa billado geesinimo iyo howlkarnimo guddoonsiiyay saraakiil ka tirsan Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kuwaas oo lagu maamuusay geesinimo, hoggaan iyo howlkarnimo ay ku muujiyeen gudashada waajibaadkooda qaran.

Saraakiisha la guddoonsiiyay billadaha ayaa kala ah:
Sarreeye Gaas Maxamed Cali Bariise, Taliyaha xarunta isku dubaridka howlgallada wadajirka ah.
Sarreeye Guuto Sahaal Cabdullaahi Cumar, Taliyaha Ciidanka Dhulka.
Sarreeye Guuto Maxamed Xaashi Guuleed, Taliyaha Amniga ee Wasaaradda Gaashaandhigga, oo la guddoonsiiyay billad howlkarnimo.
Gaashaanle Sare Cabdicasiis Xuseen Maxamed, Taliyaha Ciidanka Danab.
Gaashaanle Dhexe Saahid Jaamac Faarax, Taliyaha Qeybta 1-aad ee Gorgor.
Gaashaanle Dhexe Axmed Cabdinasir Axmed, Ku-simaha Taliska Taakuleynta.

Munaasabadda billad-guddoonsiinta ayaa ku soo beegantay xuska maalinta 12-ka Abriil, oo ah sanad guurada 66-aad ee aasaaska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, taas oo si weyn loogu muujiyay qiimaha iyo kaalinta ay ciidamadu ku leeyihiin difaaca qaranka, sugidda amniga iyo ilaalinta midnimada dalka.

12/04/2026

Muuqaal: Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa munaasabadda xuska 12-ka Abriil, oo ku beegan sanad-guurada 66-aad ee aasaaskooda, ku soo bandhigay heerka awooddooda ciidan, tayada hubka casriga ah iyo gaadiidka kala duwan, iyagoo muujiyay diyaar-garowga buuxa ee difaaca dalka, dadka iyo diinta.

Photos from Wasaaradda Gaashaandhigga's post 12/04/2026

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo ay wehelinayaan mas’uuliyiin ay ka mid yihiin Wasiirka Gaashaandhigga, Mudane Axmed Macallin Fiqi, iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa ka qeybgalay munaasabadda xuska maalinta 12-ka Abriil, oo ku beegan sanad-guurada 66-aad ee aasaaska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Munaasabaddan waxaa lagu soo bandhigay cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kuwaas oo sameeyay dhoollatus muujinaya cududda, tayada iyo diyaar-garowga ciidanka ee dhinacyada cir, dhul iyo bad. Waxaa sidoo kale la soo bandhigay gaadiidka gaashaaman, dabaabadaha iyo diyaaradaha dagaalka, iyadoo halyeeyada naftood-hureyaasha ah ay muujiyeen sida ay ugu diyaarsan yihiin difaaca midnimada dalka iyo ciribtirka kooxaha argagixisada.

Sidoo kale, munaasabadda waxaa lagu soo bandhigay heeso waddani ah oo ka tarjumaya doorka muhiimka ah ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ku leeyihiin difaaca qaranka, iyo guulaha la taaban karo ee ay ka gaareen howlgallada lagu xaqiijinayo amniga dalka.

Munaasabadda waxaa goob-joog ka ahaa mas’uuliyiin kala duwan oo ka socday hay’adaha dowladda ee isagu jira laamaha sharci-dejinta, fulinta iyo amniga, iyo sidoo kale wakiillo ka socday saaxiibbada caalamka iyo marti sharaf kale.

Photos from Wasaaradda Gaashaandhigga's post 12/04/2026

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo ay wehliyaan Wasiirka Gaashaandhigga, Mudane Axmed Macallin Fiqi, iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa maanta dhagax dhigay dhismaha xarunta hay’adda daryeelka agoonta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Hay’addan ayaa door muhiim ah ka qaadan doonta daryeelka iyo korinta ubadka ay ka tageen halyeeyadii naftooda u huray difaaca dalka, waxaana dhawaan meelmariyay Golaha Wasiirrada kaddib soo jeedintii Wasaaradda Gaashaandhigga.

Dhismaha hay’addan ayaa ah tallaabo muujinaysa sida ay dowladda uga go’an tahay ilaalinta xuquuqda iyo mustaqbalka carruurta agoonta ciidanka, si ay u helaan waxbarasho, daryeel iyo nolol sharaf leh.

Dhagax-dhigga xaruntan ayaa kusoo beegmay 12-ka Abriil, oo ah sanad-guurada 66-aad ee aasaaska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, taas oo xambaarsan qiime qaran oo weyn, isla markaana xusuusinaysa halganka iyo naf-hurnimada ciidanka Soomaaliyeed.

12/04/2026

Madaxweyne Xasan Sheekh “Geesiyaasha Ciidamada Xoogga Dalka waa kuwa badbaadiyey 20 milyan oo Soomaaliyeed. Kaliya kuma difaacaan qori, balse sidoo kale way u gargaaran. Maanta guusha ay gaareen taariikhda ayaa qori doonta, Hambalyo.”

12/04/2026

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Axmed Macallin Fiqi, ayaa sheegay in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay maanta marayaan heerkii ugu fiicnaa, isla markaana ay ka marqaati kacayaan guulo la taaban karo, oo ay ugu dambeysay isku furkii Muqdisho iyo Baydhabo.

Photos from Wasaaradda Gaashaandhigga's post 12/04/2026

Sawirro: Waxaa si habsami leh u socota munaasabadda xuska sanad-guurada 66-aad ee aasaaska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, taas oo ay ka qeybgalayaan madaxda qaranka, wakiillo ka socda saaxiibbada caalamka iyo marti sharaf kale.

12/04/2026

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa sheegay in Ciidanka Xoogga Dalka ay yihiin kuwa ku suntan adkeysi, isla markaana ay tahay guul weyn in maanta loo dabaal-degayo sanad-guurada 66-aad ee aasaaska CXD.

12/04/2026

TOOS: Munaasabadda 66-sano guurada Ciidanka Xoogga Dalka.

12/04/2026

Wasiirka Gaashaandhigga, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa hambalyo u diray saraakiisha, saraakiil-xigeennada, aliflayda, dableyda, dhammaan qaybaha kala duwan ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo qoysaskooda, munaasabadda 66-guuradii ka soo wareegtay aasaaska Ciidanka Xoogga Dalka.

Wasiirka ayaa tilmaamay in munaasabaddan ay xambaarsan tahay qiime qaran oo weyn, maadaama ay astaan u tahay taariikhda, halganka iyo doorka ciidanka ee difaaca dalka, ilaalinta madaxbannaanida iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed.

Wasiir Fiqi ayaa adkeeyay dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan tayeynta, qalabaynta iyo horumarinta nolosha ciidamada, si ay u gutaan waajibaadkooda qaran si hufan.

10/04/2026

Weekly Recap, 4th - 10th April 2026.

Want your business to be the top-listed Government Service in Mogadishu?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Address


Mogadishu