11/04/2026
Hambalyo 12-ka April, Maalinta Ciidanka XDS iyo Munaasabadda sanad-guurada 66aad.
Waxaan hambalyo diirran u dirayaa dhammaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed munaasabadda 12-ka April, oo ah maalinta qiimaha badan ee lagu xuso geesinimada iyo halganka ciidankeena.
Ciidanka XDS waa tiirka amniga, difaaca iyo jiritaanka Qaranka. Dadaalkiinna, naf-hurnimadiinna iyo u adeegidda shacabka Soomaaliyeed waa mid aan la ilaawi karin.
Hambalyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed meel kasta oo aad joogtaan, waxaan idiin rajeenayaa guula badan iyo Horumar waarta inshaa allaah.
Guul Gobannimo iyo Geesinimo.
04/04/2026
INAA LILAAHI WA INAA ILAAHI RAAJICUUN.
Waxaan halkaan tacsi tiiraanyo leh uga diraayaa ehelka, qaraabada iyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeed oo ka baxay Allaha unaxariistee S/Guuto Yacquub Maxamed Siyaad oo ka baday Qaranka Soomaaliyeed.
si gaar ah waxaan ugu tacsiyeenayaa Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo muddo badan usoo adeegayay, Waxuuna ahaa shaqsi dadaal iyo karti badan.
Samir iyo iimaan allaha naga wadasiiyo dhamaanteen.
25/03/2026
Waxaan Hambalyo iyo duco u dirayaa Taliyaha cusub ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/Gaas Maxamed Sheikh Xasan Xaamuud oo maanta loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed
Waxaan rajaynayaa in Taliyaha cusub horay usii ambaqaadi doono Howlaha adag ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed
19/03/2026
Waxaan guud ahaan Muslimiinta, gaar ahaan ummadda Soomaaliyeed iyo Geesiyaasha Ciidanka XDS ugu hambalyeynayaa munaasabadda ciidul-Fidriga. Waxaan Alle ka baryayaa in uu naga wada aqbalo acmaashii suubbanayd iyo cibaadadii aan soo gudanay bisha Barakeysan ee Ramadaan.
Ciid Mubaarak. Waxaanna Eebbe ka baryayaa in dhammaanteen uu ciiddan ciiddeeda nagu gaarsiiyo nabad, farxad, horumar, midnimo, iyo wadajir.
11/03/2026
HAMBALYO GEESIYAASHA XDS.
Waxaan hambalyo udirayaa Ciidamada geesiyaasha ah ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee maanta cadawga arxanka daran ee Argagixisada ah ka saaray Magaaladda Xawaadley ee Gobalka Sh/dhaxe.
Guusha ay gaareen Ciidamada Qaranka waxay muujinaysaa Dadaalka lagu bixinayo in Dalka oo dhan looga xureeyo kooxaha Naf la caariga ah ee caadeystay daadinta dhiiga iyo dhaca Hantida Shacabka.
Geesiyaasha XDS, Ciidamada Difaaca Deegaanka iyo saaxiibada caalamiga ah ee Howlgalka qeybta ah waxaan u rajeenayaa Guula badan inshaa allaah.
05/03/2026
INNAA LILAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN
Waxaan naftayda, shacabka Soomaaliyeed ugu tacsiyeenayaa geeridii ku timid Allaha u naxariisto Jeneraal Maxamed Cali Abokor oo Maanta ku geeriyooday magaalada Garoowe.
Jeneraalka oo ahaa masuul sare in Mudo ah ka tirsanaa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxa uuna ka mid ahaa Sareeyaasha ugu firfircoona uguna khibradda badnaa Ciidanka
Jeneraal Maxamed Cali Abokor waxuu xilil badan oo kala gadisan ka soo qabtay inta badan Ciidanka XDS waxuuna caan ku ahaa sharci aqooni iyo dhiiranaan.
Waxaan Alle uga baryaynaa in uu jannaddii ka waraabiyo eheladii uu ka tegayna samir iyo iimaan ka siiyo
22/02/2026
''waxaa Hambalyo u dirayaa Sarreeyayaasha, Saraakiisha, Saraakiil Xiggeenada, Alifleyda iyo Dableyda Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo Maanta u dabaal degaya Sanadguurada 56-aad ee Aas Aaskooda”
17/02/2026
Dhamaan Shacabka Soomaaliyeed iyo Guud Ahaan Caalamka Islaamka Waxan Idinku Hambalyeynayaa Bilashada Bisha Barakaysan Ee Ramadaan.
15/02/2026
Waxaan Hambalyo u dirayaa Sarreeyaasha,Saraakiisha,Saraakiil Xigeenada,Alifleyda iyo Dableyda Ciidanka Cirka ee XDS oo Maanta u dabaal dagayo Xuska Sanadguurada 66 aad ee kasoo wareegatay Aas Aaskooda.
11/02/2026
Waxaan ummadda Soomaaliyeed la Qeybsanayaa Farxada doorashada Dalkeyna loogu doortay Golaha Nabadda Ammaanka Midowga Afrika ee 2026-2028