Barnaamijka Liibaanta Islaamka Sh.Khaalid Yuusuf Jaamac
Telefishanka Qaranka Somaliland
This is the official page of Somaliland National Television. Private TV stations started as early as 1997 in Somaliland.
Somaliland National Television (SLNTV) was established in 2005 with the capacity to cover Hargeisa and its surrounding areas in its first few years of operation. However, prior to 1997, Somaliland had never experienced television coverage, as, under SiadBarre, Muqdisho TV was limited to the capital city and its surroundings. SLNTV had no effective programs in its first year and a half of existence
Magaalada Biristol oo si wayn loogu soo dhaweeyey Wasiirka ganacsiga iyo Dalxiiska Somaliland.
02/06/2026
πππππ ππππππππππ
INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), isaga oo ku hadlaya magaciisa, kan Dawladda iyo kan Shacabka Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa ehelka, qaraabada iyo qoyska ay ka baxday Marxuumad Nasli Cabdalla Kaamil, oo ku geeriyootay magaalada Jabuuti.
Madaxweynuhu waxa uu si gaar ah u tacsiyeeynayaa Marwada Koowaad ee Jamhuuriyadda Jabuuti, Marwo Khadra Maxamuud Xeyd, oo marxuumaddu ahayd inanteedii, iyo Wasiir Cali Xasan Bahdoon, oo ahaa sayga marxuumadda geeriyootay.
Madaxweynuhu waxa uu Alle uga baryayaa marxuumadda naxariis iyo janno, ehelka, qoyska iyo dhammaanba shacabka ay ka baxdayna samir iyo iimaan.
INNAA LILLAAHI WAA INNAA ILAYHI RAAJICUUN.
ALLAA MAHAD LEH
Xuseen Aadan Cige (Deyr)
Afhayeenka madaxweynaha jsl
01/06/2026
Waxa Xarunta INRAP ee dalka France ka qabsoomay kulan muhiim ah oo u dhexeeyey Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Somaliland (JSL) iyo Hayβadda INRAP (National Institute for Preventive Archaeological Research), kaas oo lagu xoojinayey iskaashiga labada dhinac ee la xidhiidha ilaalinta, kaydinta iyo horumarinta aqoonta la xidhiidha dhaxalka taariikhiga ah iyo aasaarta qadiimiga ah.
Kulankan Waxa qayb ka ahaa
Dhinaca Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska JSL:
* Mr. Caydaruus Ismaaciil β Agaasimaha Waaxda Dalxiiska iyo Aasaarta Qadiimiga ah
* Mr. Ridwan Abdirashid Sheikh β Maamulaha Xafiiska Wasiirka Ganacsiga iyo Dalxiiska
* Mr. Khaalid β Local Coordinator, Expertise France
Dhinaca INRAP:
* Mr. Dominique Garcia β Madaxa usareeya INRAP
* Mr. Kai Salas Rossenbach β Ku-xigeenka Madaxa INRAP
Intii uu kulanku socday Waxa diiradda lagu saaray sidii labada dhinac uga wada shaqayn lahaayeen ilaalinta iyo kaydinta aasaarta qadiimiga ah ee Somaliland, isla markaana loo xoojin lahaa dhinacyada cilmi baarista, tababarrada iyo kor u qaadista aqoonta la xidhiidha dhaxalka taariikhiga ah.
Ugu dambayntii Kulanka ayaa ku soo dhammaaday is-afgarad labada dhinac ah.
Waxaa xusid mudan in Expertise France ay door weyn ka qaadatay qabanqaabada iyo fududeynta kulankan.
Barnaamij Magaalada Saint Paul ee dalka Maraykanka ayaa lagu qabtay xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu xusayey munaasabadda Qaran 18-ka May.
"Waxaan soo gabagabaynay xafladihii 18-ka May." Guddoomiyaha Jaaliyada Somaliland ee Minnesota. Muxiyadiin Warsame.
Munaasibad lagu xusayay 18-ka May ayaa lagu qabtay magaalada California ee dalka Maraykanka.
01/06/2026
Sawirro: Duqa Caasimadda Hargeysa, Eng. Cabdirisaaq Maxamed Faarax (Wiiwaa), ayaa maanta ka qayb galay kulan muhiim ah oo uu guddoominayey Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Xuseen Bashiir Xirsi, kaas oo lagaga arrinsanayey xaaladda caafimaad iyo fayadhawr ee magaalada Hargeysa.
Kulankan ayaa waxaa sidoo kale ka qayb galay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Madaxa Qaybta Caafimaadka Dawladda Hoose ee Hargeysa, Isuduwaha Caafimaadka Gobolka Maroodijeex iyo masuuliyiin kale oo ka socday Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka iyo Dawladda Hoose ee Hargeysa.
Intii uu kulanku socday, waxaa si qoto dheer looga wada hadlay xaaladda xummadaha ka jira magaalada Hargeysa muddadii u dambaysay, iyadoo la isla qaatay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo wacyigelinta bulshada, korna loo qaado dadaallada lagaga hortagayo xanuunnada ay gudbiso kaneecadu iyo waxyaabaha sababa faafitaankooda.
Duqa Caasimadda Hargeysa, Eng. Cabdirisaaq Maxamed Faarax (Wiiwaa), ayaa adkeeyey in Dawladda Hoose ee Hargeysa ay ka goβan tahay xoojinta hawlaha fayadhawrka, nadaafadda deegaanka iyo ka saarista goobaha ay biyuhu ku ururaan, si loo yareeyo khataraha caafimaad ee saamaynta ku yeelan kara bulshada.
Kulanka ayaa ku soo dhammaaday is-afgarad iyo ballanqaad ku saabsan in la sii xoojiyo wada-shaqaynta u dhaxaysa Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka iyo Dawladda Hoose ee Hargeysa, si loo ilaaliyo caafimaadka shacabka loona horumariyo adeegyada caafimaad iyo fayadhawr ee caasimadda.
Barnaamij: isbaddelkii ka dhacay golaha deegaanka caasimada Hargeysa.
01/06/2026
Sawirro: Magaalada Saint Paul ee dalka Maraykanka ayaa lagu qabtay xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu xusayey munaasabadda Qaran 18-ka May, taas oo ay si weyn uga qayb galeen Jaaliyada ree Somaliland ee ku noolka magaaladaasi.
Xafladda ayaa ahayd mid loogu xoojinayey, isdhexgal bulshada ree Somaliland iyo waynaynta maalintan Qaran. Sidoo kale, munaasabaddu waxay fursad u noqotay qoysaska inay carruurtooda la wadaagaan qiimaha maalintan taariikhiga ah iyo muhiimadda ay u leedahay bulshada.
Click here to claim your Sponsored Listing.
Location
Category
Contact the business
Telephone
Website
Address
Radiohargaysa
Mogadishu
252
