04/03/2026
Cutubyadii ka harsanaa Dastuurka oo maanta la meel mariyay;
Muqdisho | 4 Febraayo 2026;
Waxaa maanta qabsoomay Kulankii 24aad ee wadajirka ah ee Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kulankaas oo diiradda lagu saaray dhammeystirka cutubyada ka haray Dastuurka dalka.
Kulankan waxaa kasoo qaybgalay 186 xildhibaan oo ka tirsan Golaha Shacabka iyo 36 senator oo ka tirsan Aqalka Sare. Intii uu socday kulanka, xildhibaanada waxaa sidoo kale loo qaybiyay nuqulka k**a dambaysta ah ee Dastuurka, kaas oo lagu soo daray fikradihii iyo talooyinkii ay xildhibaanadu soo jeediyeen muddadii ay socdeen doodaha dastuurka.
Ugu dambeyn, dhammaan xildhibaanada Labada Aqal 222 ee maanta soo xaadiray ayaa ansixiyey cutubyada 5aad ilaa 13aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo ahaa cutubyadii ka harsanaa dastuurka.
Ansixintan ayaa ah tallaabo taariikhi ah oo muhiim u ah dhameystirka dastuurka iyo xoojinta dowladnimada Soomaaliya.
04/03/2026
Waxaa hadda furmay kulanka 24-aad ee wadajirka ah ee Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Kulankan waxaa kasoo qaybgalay 186 xildhibaan oo ka tirsan Golaha Shacabka iyo 36 senator oo ka tirsan Aqalka Sare, waxaana diiradda lagu saarayaa ansixinta cutubyada haray ee Dastuurka dalka.
Sidoo kale, xildhibaanada ayaa loo qaybiyay nuqulka k**a dambaysta ah ee Dastuurka, kaas oo lagu soo dhafay fikradihii iyo aragtiyihii ay xildhibaanadu soo jeediyeen intii ay socdeen doodaha dastuurka.
02/03/2026
Guddiyada u xilsaaran dib-u-eegista Dastuurka ayaa soo gabagabeeyay diyaarinta nuqulka k**a dambaysta ah ee soojeedimaha wax-ka-beddelka Cutubyada 5aad ilaa 13aad ee Dastuurka KMG ah.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dhammeystirka iyo isku-dubbaridka soojeedimaha wax-ka-beddelka, iyadoo lagu daray aragtiyihii, talooyinkii, iyo fikradihii ay xildhibaannadu ka dhiibteen intii ay socotay dooddii ku saabsan cutubyadaasi.
Guddiyadu waxay xaqiijiyeen in nuqulka ugu dambeeya uu ka tarjumayo talooyinka iyo aragtida laga helay mudaneyaasha Baarlamaanka, si loo helo dastuur mideeya aragtiyada kala duwan isla markaana waafaqsan hannaanka dowladnimo ee dalka.
26/02/2026
Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo Maanta Soo Gabagabeynaya Doodda Cutubyada Ugu Dambeeya ee Dastuurka;
Muqdisho, 26 Febraayo, 2026;
Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho ku yeelanaya kulankoodii 23aad ee wadajirka ahaa, iyagoo sii ambaqaadaya doodda dib-u-eegista Dastuurka Ku-meelgaarka ah.
Kulankan ayaa si rasmi ah uga furmay xarunta Golaha Shacabka, waxaana diiradda lagu saarayaa labada cutub ee ugu dambeeya soojeedinta wax-ka-beddelka Dastuurka Qaranka, kuwaas oo kala ah:
• Cutubka 12aad: Difaaca iyo Amniga Qaranka: Cutubkan waxa uu qeexayaa qaab-dhismeedka iyo waajibaadka hay’adaha difaaca iyo amniga dalka, iyo sida loo xaqiijinayo sugnaanta qaranka.
• Cutubka 13aad: Qodobo Guud: Cutubkan waxa uu ka hadlayaa qodobo guud oo dhameystiraya dastuurka, kuwaas oo saldhig u ah fasiraadda iyo hirgelinta qodobbada kale ee Dastuurka.
Xildhibaannada Labada Aqal ayaa la filayaa inay maanta soo gabagabeeyaan doodda ku saabsan cutubyadan iyo guud ahaan Dastuurka, taas oo muhiim u ah dhammeystirka dib-u-eegista Dastuurka Qaranka.
25/02/2026
Kulanka 22aad ee Wadajirka Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ka socda Villa Hargeysa.
Muqdisho, Febraayo 25, 2026;
Kulanka 22aad ee wadajirka Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Muqdisho, iyadoo xildhibaannadu ay bilaabeen doodda cutubyada cutubyada ugu danbeeya ee 10aad ilaa 15aad ee Dastuurka Qaranka.
Kulanka maanta ayaa si gaar ah diiradda u saaraya Cutubka 10aad: Shaqaalaha Rayidka ee Dawladda iyo Cutubka 11aad: Nidaamka Maaliyadda Guud.
24/02/2026
Muqdisho, Febraayo 24, 2026;
Guddiyada loo xilsaaray dib-u-eegista Dastuurka ayaa maanta si rasmi ah u soo gabagabeeyay dhammaystirka cutubyadii harsanaa ee Dastuurka Qaranka, kaddib kulan saacado badan qaatay oo ay yeesheen.
Kulankaan ayaa xubnaha labada guddi si qoto dheer ugu falanqeeyeen una dhammeystireen cutubyada kala ah: Cutubka 10aad oo ku saabsan Shaqaalaha Rayidka ah, Cutubka 11aad ee Nidaamka Maaliyadda Guud, Cutubka 12aad ee Difaaca iyo Amniga Qaranka, iyo Cutubka 13aad ee Qodobbo Guud.
Gabagabadii kulanka, cutubyadan la dhammeystiray ayaa loo gudbinayaa Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, si ay u gutaan waajibaadkooda dastuuriga ah, una ansixiyaan, loona dhammeystiro guud ahaan geeddi-socodka dib-u-eegista Dastuurka.
22/02/2026
Muqdisho, 22 Febraayo 2026;
Waxaa maanta si rasmi ah u furmay Kulanka 21aad ee Wadajirka ah ee Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Xildhibaannada ayaa kulankan ku soo afmeeraya doodda Cutubka 9aad ee Dastuurka, kaas oo si gaar ah diiradda u saaraya arrimaha Garsoorka.
21/02/2026
Muqdisho, 21 Febraayo 2026;
Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta guda galay ka doodista Cutubka 9aad ee Garsoorka, kaas oo ka mid ah cutubyada ugu muhiimsan ee dib-u-eegista Dastuurka Ku-meelgaarka ah.
Cutubkan oo laf-dhabar u ah nidaamka cadaaladda dalka, soojeedintiisa waxa uu u qaybsan yahay afar madax:
• Madaxa 1aad: Qodobbada Guud
• Madaxa 2aad: Maxk**adaha Jamhuuriyadda Federaalka
• Madaxa 3aad: Xeer-ilaalinta Guud
• Madaxa 4aad: Maamulka Garsoorka
Qodobbada iyo arrimaha lagu soo kordhiyay cutubkan waxaa ka mid ah:
• Dhismaha Maxk**adda Sare iyo qeexidda awooddeeda
• Dhismaha Maxk**adda Dastuurka iyo waajibaadkeeda
• Dhismaha Maxk**adaha Kore ee Dawlad Goboleedyada
• Maxk**adaha Racfaanka ee Dawlad Goboleedyada
• Maxk**adda Ciidammada
• Dhismaha iyo habraaca Xafiiska Xeer-ilaalinta Guud
• Hab-maamulka Garsoorka
• Sameynta sanduuq maaliyadeed u gaar ah Garsoorka si loo xaqiijiyo madaxbannaanida hay’adaha caddaaladda
Doodda maanta ayaa si qoto dheer diiradda u saartay xoojinta madaxbannaanida garsoorka, isla markaana la hubinayo in nidaamka caddaaladdu noqdo mid hufan, daahfuran, kana shaqeeya danaha shacabka Soomaaliyeed.
Ugu dambeyntii, Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo xiray kulanka ayaa xildhibaannada Labada Aqal ku wargeliyay in ka doodista iyo dhammeystirka Cutubka 9aad ee Garsoorka la soo gabagabeyn doono berri, haddii Alle idmo.
18/02/2026
Muqdisho, 18 Febraayo 2026;
Kulanka 19aad ee wadajirka ah ee Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah uga socda xarunta Golaha Shacabka ee Villa Hargeysa, iyadoo la sii wado doodihii shalay, isla markaana jawigu yahay mid deggen.
Xildhibaannadu waxay maanta sii wadaan doodda qotada dheer ee ku saabsan Cutubka 7aad ee Madaxweynaha iyo Cutubka 8aad ee Xukuumadda, kuwaas oo ka mid ah soo-jeedinta wax-ka-beddelka Dastuurka ee horyaalla Golaha, isla markaana saamayn weyn ku leh mustaqbalka dalka.
Waxaa la filayaa in maanta, 18-ka Febraayo, la soo gebagebeeyo ka doodista qodobada labadaan cutub ee 7aad iyo 8aad.
17/02/2026
Muqdisho, 17 Febraayo 2026;
Kulanka 18aad ee wadajirka Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si habsami leh uga socda xarunta Golaha Shacabka ee Villa Hargeysa.
Xildhibaannadu waxay maanta si qoto dheer uga doodayaan qodobbada muhiimka ah ee ku jira Cutubka 7aad, oo quseeya Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyo Cutubka 8aad ee Xukuumadda, kuwaas oo ka mid ah soo-jeedinta wax-ka-beddelka Dastuurka ee Golaha la horkeenay, isla markaana door weyn ku leh jihada mustaqbalka dalka Soomaaliya.
16/02/2026
Waxaa maanta furmay kulanka 17aad ee wadajirka Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kaas oo xildhibaannadu kaga doodayaan wax-ka-beddel lagu samaynayo Cutubka 6aad ee soojeedinta Guddiyada Dastuurka. Doodda maanta ayaa si gaar ah diiradda u saaraysa qodobbada la xiriira awoodaha Labada Gole iyo habraaca xeer dejinta Baarlamaanka.
15/02/2026
Muqdisho, 15-ka Febraayo, 2026; Xubnaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii 16aad ee wadajirka ah, iyagoo sii waday doodda ku saabsan soo-jeedinta wax-ka-beddelka cutubka lixaad ee Dastuurka, kaas oo ka hadlaya Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Kulankan ayaa diiradda lagu saarayaa qodobbo muhiim ah oo la xiriira qaab-dhismeedka, waajibaadka, iyo awoodaha Baarlamaanka, iyadoo xubnuhu ay aragtiyo kala duwan ka dhiibanayaan wax-ka-beddelka la soo jeediyay.