Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska & Guriyeynta -Soomaaliya

Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska & Guriyeynta -Soomaaliya

Share

Bogga rasmiga ah ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska iyo Guriyeynta Soomaaliya- Wasiirka Hadda . Mudane Ayub Ismail Yusuf

08/05/2026

MUUQAALKA SHIRKA JARAAโ€™ID

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska & Guriyeynta XFS, Mudane Xildhibaan Ayub Ismail Yusuf, ayaa Shir Jaraaโ€™id uu ku qabtay Muqdisho ku sheegay in Dowladda Soomaaliya ay hirgelinayso qorshe lagu dhisayo 12,000 oo guri oo ay ka faaโ€™iideysan doonaan ku dhowaad 80,000 oo qof.
Wasiirku wuxuu xusay in guryaha laga dhisayo dhul ay dowladdu bixinayso, isla markaana ay yeelan doonaan adeegyo muhiim ah sida dugsiyo, masaajiddo, garoomo iyo xarumo ganacsi. Wuxuu sidoo kale tilmaamay in ay jirto qorshe ballaaran oo lagu doonayo in guryo lagu siiyo shacabka Soomaaliyeed.

Photos from Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska & Guriyeynta -Soomaaliya's post 08/05/2026

๐ƒ๐Ž๐–๐‹๐€๐ƒ๐ƒ๐€ ๐…๐„๐ƒ๐„๐‘๐€๐€๐‹๐Š๐€ ๐’๐Ž๐Ž๐Œ๐€๐€๐‹๐ˆ๐˜๐€ ๐Ž๐Ž ๐‡๐ˆ๐‘๐†๐„๐‹๐ˆ๐๐€๐˜๐’๐€ ๐๐Ž๐‘๐’๐‡๐„ ๐‹๐€๐†๐” ๐ƒ๐‡๐ˆ๐’๐€๐˜๐Ž ๐Ÿ๐Ÿ,๐ŸŽ๐ŸŽ๐ŸŽ ๐Ž๐Ž ๐†๐”๐‘๐ˆ ๐Ž๐Ž ๐‹๐Ž๐Ž๐†๐” ๐“๐€๐‹๐Ž ๐†๐€๐‹๐€๐˜ ๐’๐‡๐€๐‚๐€๐๐Š๐€ ๐’๐Ž๐Ž๐Œ๐€๐€๐‹๐ˆ๐˜๐„๐„๐ƒ

๐™ˆ๐™๐™Œ๐˜ฟ๐™„๐™Ž๐™ƒ๐™Š | -๐Ÿฌ๐Ÿด - ๐Œ๐€๐˜ - ๐Ÿฎ๐Ÿฌ๐Ÿฎ๐Ÿฒ - Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska & Guriyeynta ee XFS, Mudane Xildhibaan Ayub Ismail Yusuf , oo Shir Jaraaโ€™id ku qabtay magaalada Muqdisho, ayaa shaaca ka qaaday qorshe weyn oo dowladda Soomaaliya ay ku hirgelinayso guryo ballaaran oo loogu talagalay shacabka Soomaaliyeed.

Wasiirku wuxuu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay dhisi doonto 12,000 oo guri, kuwaas oo ka faaโ€™iideysan doona ku dhowaad 80,000 oo qof. Wuxuu intaa ku daray in dhulka iyo dhismaha ay bixinayso dowladdu, isla markaana laga hirgelin doono guryo dabaqadda dhexe ah oo ay ku jiri doonaan adeegyo muhiim ah sida dugsiyo, masaajiddo, garoomo iyo xarumo ganacsi.

Sidoo kale, Wasiirku wuxuu xusay in ay jirto qorshe ballaaran oo ay dowladdu wado, kaas oo lagu doonayo in guryo lagu siiyo tiro badan oo ka mid ah shacabka Soomaaliyeed.

Ugu dambayn, Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska & Guriyeynta XFS waxay xaqiijisay inay si buuxda uga goโ€™an tahay fulinta siyaasadda qaran ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
-๐ƒ๐‡๐€๐Œ๐Œ๐€๐€๐ƒ-

__________________________________________________

Wixii faahfaahin ah kala xiriir:
Hussain Adan ibrahim | Xuseen Baarri
Xafiiska Warbaahinta iyo Lafalgalka Dadweynaha ee Wasaaradda

๐Ÿ“ง Email: [email protected]
๐ŸŒ Website: mpwr.gov.so
๐Ÿ“˜ Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska & Guriyeynta -Soomaaliya
๐Ÿฆ Twitter:
๐ŸŽต Tiktok: tiktok.com/

06/05/2026

๐Œ๐”๐”๐๐€๐€๐‹ ๐†๐”๐”๐ƒ:
Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud XFS, Mudane Ayub Ismail Yusuf , ayaa kulan la yeeshay madaxda International Organization for Migration (IOM) ee Soomaaliya, kaas oo lagu xoojiyay wada-shaqaynta dib-u-dhiska iyo dib-u-dejinta barakacayaasha.

Kulanka waxaa diiradda lagu saaray horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, adkeysiga bulshada, iyo qorshayaasha dib-u-dejinta. Dowladda ayaa diyaarisay dhulal leh adeegyo aasaasi ah iyo xarumo xirfado lagu barto, halka IOM ay muujisay diyaar garow ay ku taageerayso mashaariicdaas.

Kulanka ayaa ku soo dhammaaday is-afgarad iyo ballan-qaad wada-shaqayn joogto ah oo lagu dardargelinayo horumarka dalka.

Photos from Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska & Guriyeynta -Soomaaliya's post 06/05/2026

๐–๐€๐’๐ˆ๐ˆ๐‘๐Š๐€ ๐‡๐€๐–๐‹๐€๐‡๐€ ๐†๐”๐”๐ƒ ๐—๐…๐’ ๐ˆ๐˜๐Ž ๐ˆ๐Ž๐Œ ๐Ž๐Ž ๐—๐Ž๐Ž๐‰๐ˆ๐˜๐€๐˜ ๐–๐€๐ƒ๐€-๐’๐‡๐€๐๐€๐˜๐๐“๐€ ๐ƒ๐ˆ๐-๐”-๐ƒ๐‡๐ˆ๐’๐Š๐€ ๐ˆ๐˜๐Ž ๐ƒ๐ˆ๐-๐”-๐ƒ๐„๐‰๐ˆ๐๐“๐€

๐™ˆ๐™๐™Œ๐˜ฟ๐™„๐™Ž๐™ƒ๐™Š | - ๐Ÿฌ๐Ÿฒ- ๐Œ๐€๐˜ - ๐Ÿฎ๐Ÿฌ๐Ÿฎ๐Ÿฒ - Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta XFS, Mudane Xildhibaan Ayub Ismail Yusuf , ayaa kulan muhiim ah la yeeshay madaxda International Organization for Migration (IOM) ee Soomaaliya, kaas oo lagu xoojiyay iskaashiga ku aaddan mashaariicda horumarinta iyo dib-u-dejinta barakacayaasha.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta wada-shaqaynta labada dhinac, gaar ahaan dhinacyada horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, xoojinta adkeysiga bulshada, iyo dib-u-dejinta dadka gudaha ku barakacay.

Wasiirka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay diyaarisay dhulal loogu talagalay dib-u-dejinta barakacayaasha, kuwaas oo leh adeegyo aasaasi ah oo dhamaystiran. Waxa uu sidoo kale xusay qorshayaal lagu dhisayo xarumo lagu barto farsamooyinka gacanta si bulshada loogu abuuro fursado shaqo iyo nolol-maalmeed waara.

Madaxda IOM Mudane Manuel Marques Pereira ayaa dhankooda muujiyay diyaar garow buuxa oo ay ku taageerayaan qorshayaasha Wasaaradda, iyagoo xusay inay kaalin muuqata ka qaadan doonaan hirgelinta mashaariicda dib-u-dejinta iyo horumarinta bulshada.

Intii kulanka socday, waxaa sidoo kale laga wada hadlay mashaariicda ay IOM ka waddo dalka sida Daris-Wacan, Saameynta, iyo Resilience, kuwaas oo door muhiim ah ka qaata horumarinta bulshada Soomaaliyeed.

Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska XFS waxa ka goโ€™an hoggaaminta hindisayaal wax ku ool ah oo sare u qaadaya horumarka iyo dib-u-dejinta barakacayaasha
Soomaaliya, iyadoo la adkaynayo muhiimadda ay leedahay wada-shaqaynta joogtada ah oo horseedda horumar muuqda oo dalku gaaro.



-๐ƒ๐‡๐€๐Œ๐Œ๐€๐€๐ƒ-

__________________________________________________

Wixii faahfaahin ah kala xiriir:
Hussain Adan ibrahim | Xuseen Baarri
Xafiiska Warbaahinta iyo Lafalgalka Dadweynaha ee Wasaaradda

๐Ÿ“ง Email: [email protected]
๐ŸŒ Website: mpwr.gov.so
๐Ÿ“˜ Facebook.com/mopwrh
๐Ÿฆ Twitter:
๐ŸŽต Tiktok: tiktok.com/

01/05/2026

๐–๐€๐’๐ˆ๐ˆ๐‘๐Š๐€ ๐‡๐€๐–๐‹๐€๐‡๐€ ๐†๐”๐”๐ƒ ๐—๐…๐’ ๐Ž๐Ž ๐‡๐€๐Œ๐๐€๐‹๐˜๐Ž ๐” ๐ƒ๐ˆ๐‘๐€๐˜ ๐’๐‡๐€๐๐€๐€๐‹๐€๐‡๐€ ๐’๐Ž๐Ž๐Œ๐€๐€๐‹๐ˆ๐˜๐„๐„๐ƒ

๐™ˆ๐™๐™Œ๐˜ฟ๐™„๐™Ž๐™ƒ๐™Š | - ๐Ÿฌ๐Ÿ - ๐Œ๐€๐˜ - ๐Ÿฎ๐Ÿฌ๐Ÿฎ๐Ÿฒ - Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska & Guriyeynta XFS mudane Xildhibaan Ayub Ismail Yusuf ayaa dhambaal hambalyo iyo bogaadin ah u diray dhammaan shaqaalaha Soomaaliyeed, munaasabadda Maalinta Shaqaalaha Adduunka oo ku beegan 1-da May.

Maalintan oo ah mid si weyn loogu dabaaldego guud ahaan caalamka, waxay si gaar ah fursad ugu tahay in aan qadarin iyo mahadnaq ballaaran u muujinno shaqaalaha Soomaaliyeed ee si hagar laโ€™aan ah ugu taagan horumarinta dalka iyo u adeegidda dadweynaha.

Munaasabaddan qiimaha badan waxa ay xasuus u tahay doorka lama huraanka ah ee shaqaaluhu ku leeyihiin dhismaha dowladnimada, koboca dhaqaalaha, iyo dhisidda bulsho adkaysi leh oo horumarsan. Shaqaaluhu waa laf-dhabarta ummad kasta, waana tiirka ay ku dhisan tahay horumarka iyo barwaaqada.

" Waxaan dhammaan Shaqaalaha Soomaaliyeed u rajaynayaa caafimaad, nabad, horumar joogto ah iyo in uu dadaalkoodu miro-dhal wanaagsan keeno". Ayub Ismail Yusuf. Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska & Guriyeynta Dowladda Federaalka Soomaaliya .

-๐ƒ๐‡๐€๐Œ๐Œ๐€๐€๐ƒ-

__________________________________________________

Wixii faahfaahin ah kala xiriir:
Hussain Adan ibrahim | Xuseen Baarri
Xafiiska Warbaahinta iyo Lafalgalka Dadweynaha ee Wasaaradda

๐Ÿ“ง Email: [email protected]
๐ŸŒ Website: mpwr.gov.so
๐Ÿ“˜ Facebook.com/mopwrh
๐Ÿฆ Twitter:
๐ŸŽต Tiktok: tiktok.com/

Photos from Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska & Guriyeynta -Soomaaliya's post 27/04/2026

๐–๐€๐’๐ˆ๐ˆ๐‘ ๐€๐˜๐”๐ ๐ˆ๐’๐Œ๐€๐ˆ๐‹ ๐Ž๐Ž ๐Š๐€ ๐๐€๐˜๐๐†๐€๐‹๐€๐˜ ๐ƒ๐€๐‡๐€๐…๐”๐‘๐Š๐€ ๐Œ๐€๐’๐‡๐‘๐”๐”๐‚๐€ ๐๐”๐‹๐’๐‡๐Ž ๐Ž๐Ž ๐‹๐€๐†๐” ๐—๐Ž๐Ž๐‰๐ˆ๐๐€๐˜๐Ž ๐๐€๐๐€๐ƒ๐ƒ๐€ ๐ˆ๐˜๐Ž ๐Œ๐€๐€๐Œ๐”๐‹๐Š๐€ ๐‹๐Ž๐Ž ๐ƒ๐‡๐€๐ ๐˜๐€๐‡๐€๐˜

๐™ˆ๐™๐™Œ๐˜ฟ๐™„๐™Ž๐™ƒ๐™Š | ๐Ÿฎ๐Ÿณ- ๐—”๐—ฝ๐—ฟ๐—ถ๐—น - ๐Ÿฎ๐Ÿฌ๐Ÿฎ๐Ÿฒ - Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska & Guriyeynta XFS mudane Xildhibaan Ayub Ismail Yusuf ayaa ka qaybgalay furitaanka Mashruuca Bulsho, iyada Sidoo kale ay ka qeybgaleen Wasiiradda Xukuumadaha heer Federaalka ah iyo heer dowlad goboleed iyo guud ahaan daneeyeyaasha mashruuca.

Wasiir Ayub ayaa tilmaamay in mashruucu uu yahay barnaamij si qoto dheer ugu wajahan dhismaha nabadda, isaga oo diiradda saaraya wax ka qabashada sababaha asaasiga ah ee khilaafaadka, xoojinta isku xirnaanta bulshada, iyo kobcinta aqoonsi qaran oo wadajir ah, iyada oo loo marayo hannaan muddo dheer ah oo dalka gudihiisa laga hoggaaminayo.

Maamulaha World Bank ee Soomaaliya, Hideki Mori, ayaa isaguna sheegay in Mashruuca Bulsho uu yahay hindise muhiim ah oo dardar gelinaya nidaamka maamul-dejinta (decentralization), xoojinaya hayโ€™adaha dowladaha hoose, isla markaana dib u dhisaya kalsoonida u dhexeysa shacabka iyo dowladda ee Dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah Federaalka.

Mashruuca Bulsho oo lagu fulinayo iskaashi lala leeyahay World Bank Group, waxa uu xoojinayaa xiriirka bulshada iyo dowladda, isaga oo ballaarinaya qorsheynta ka qaybgalka leh iyo gaarsiinta adeegyada ilaa heer degmo, isla markaana horumarinaya maamul loo dhan yahay, adkaysi, iyo natiijooyin horumarineed oo waara.

-๐ƒ๐‡๐€๐Œ๐Œ๐€๐€๐ƒ-

__________________________________________________

Wixii faahfaahin ah kala xiriir:
Hussain Adan ibrahim | Xuseen Baarri
Xafiiska Warbaahinta iyo Lafalgalka Dadweynaha ee Wasaaradda

๐Ÿ“ง Email: [email protected]
๐ŸŒ Website: mpwr.gov.so
๐Ÿ“˜ Facebook.com/mopwrh
๐Ÿฆ Twitter:
๐ŸŽต Tiktok: tiktok.com/

24/04/2026

MUUQAALKA GUUD: Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta ayaa ka qayb gashay furitaanka mashruuca โ€œStrengthening Urban Resilience of Displaced Communities in Doolow (SURDHT)โ€, oo uu daahfuray Raโ€™iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isla markaana uu maalgelinayo Bangiga Horumarinta Afrika (AFDB).





โ€”๐——๐—›๐—”๐— ๐— ๐—”๐—”๐——โ€”

Photos from Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska & Guriyeynta -Soomaaliya's post 23/04/2026

๐–๐€๐’๐ˆ๐ˆ๐‘ ๐€๐˜๐”๐ ๐ˆ๐’๐Œ๐€๐ˆ๐‹ ๐Ž๐Ž ๐Š๐€ ๐๐€๐˜๐ ๐†๐€๐‹๐€๐˜ ๐ƒ๐€๐‡๐€๐…๐”๐‘๐Š๐€ ๐Œ๐€๐’๐‡๐‘๐”๐”๐‚ ๐Ÿ,๐Ÿ•๐ŸŽ๐ŸŽ ๐†๐”๐‘๐ˆ ๐‹๐Ž๐Ž ๐ƒ๐‡๐ˆ๐’๐€๐˜๐Ž ๐๐€๐‘๐€๐Š๐€๐‚๐€๐˜๐€๐€๐’๐‡๐€ ๐ˆ๐˜๐Ž ๐€๐ƒ๐„๐„๐†๐˜๐Ž ๐€๐€๐’๐€๐€๐’๐ˆ ๐€๐‡

๐™ˆ๐™๐™Œ๐˜ฟ๐™„๐™Ž๐™ƒ๐™Š | ๐Ÿฎ๐Ÿฏ- ๐—”๐—ฝ๐—ฟ๐—ถ๐—น - ๐Ÿฎ๐Ÿฌ๐Ÿฎ๐Ÿฒ - Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta mudane Ayub Ismail Yusuf ayaa ka qayb gashay furitaanka mashruuca โ€œStrengthening Urban Resilience of Displaced Communities in Doolow (SURDHT)โ€, oo uu daahfuray Raโ€™iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isla markaana uu maalgelinayo Bangiga Horumarinta Afrika (AfDB).

Mashruucan ayaa lagu dhisayaa 1,700 guri oo loogu talagalay dadka barakacayaasha (IDPs), iyadoo sidoo kale la horumarinayo adeegyada aasaasiga ah sida biyaha, waxbarashada, iyo nolol-maalmeedka bulshada.

Raโ€™iisul Wasaaraha JFS mudane Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in mashruucan uu diiradda saarayo hagaajinta nolosha iyo xoojinta is-dhexgalka bulshooyinka barakacayaasha iyo kuwa martigeliya, isaga oo xusay in uu qayb weyn ka qaadan doono xoojinta nabadda, amniga, iyo kobaca dhaqaale ee dalka.

Mashruucu wuxuu qayb ka yahay hirgelinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP), isagoo gacan ka geysanaya dhismaha bulshooyin adkaysi leh oo waara.

-๐ƒ๐‡๐€๐Œ๐Œ๐€๐€๐ƒ-

__________________________________________________

Wixii faahfaahin ah kala xiriir:
Hussain Adan ibrahim | Xuseen Baarri
Xafiiska Warbaahinta iyo Lafalgalka Dadweynaha ee Wasaaradda

๐Ÿ“ง Email: [email protected]
๐ŸŒ Website: mpwr.gov.so
๐Ÿ“˜ Facebook.com/mopwrh
๐Ÿฆ Twitter:
๐ŸŽต Tiktok: tiktok.com/

18/04/2026

WASIIRKA WASAARADDA HAWLAHA GUUD, DIB-U-DHISKA IYO GURIEYNTA EE XUKUUMADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA, XILDHIBAAN AYUUB ISMAACIIL YUUSUF, IYO WASIIRKA WASAARADDA BEERAHA IYO WARAABKA, MUDANE MAXAMED CABDI XAYIR, AYAA MAANTA YEEESHAY KULAN LOOGA HADLAYAY SAAMEYNTA KA DHALATAY GOโ€™AHA BUUNDOOYINKA SABIIB IYO BARIIR EE KU YEESHAY MAGAALADA MUQDISHO.

18/04/2026

MUUQAALKA GUUD :Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Ayub Ismail Yusuf , ayaa shir-guddoomiyay kulan muhiim ah oo dhex maray Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray saameynta ka dhalatay goโ€™itaanka buundooyinka Sabiib iyo Bariire, kuwaas oo si weyn u hakiyay isu socodka gaadiidka iyo ganacsiga, gaar ahaan isku xirka deegaanadaas iyo goobaha wax-soo-saarka beeraha. Waxaa sidoo kale lagu falanqeeyay tallaabooyinka degdegga ah ee lagu yareyn karo saameynta jirta, iyadoo la xoojinayo wada-shaqeynta labada wasaaradood si loo helo xal waara oo dib loogu soo celinayo isku socodka iyo dhaqdhaqaaqa ganacsi.

Photos from Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska & Guriyeynta -Soomaaliya's post 18/04/2026

๐–๐€๐’๐ˆ๐ˆ๐‘ ๐€๐˜๐”๐”๐ ๐ˆ๐’๐Œ๐€๐€๐‚๐ˆ๐ˆ๐‹ ๐Ž๐Ž ๐’๐‡๐ˆ๐‘ ๐†๐”๐ƒ๐ƒ๐Ž๐Ž๐Œ๐ˆ๐˜๐€๐˜ ๐Š๐”๐‹๐€๐ ๐‹๐Ž๐Ž๐†๐€ ๐€๐‘๐‘๐ˆ๐๐’๐€๐๐€๐˜๐Ž ๐†๐Žโ€™๐ˆ๐“๐€๐€๐๐Š๐€ ๐๐”๐”๐๐ƒ๐Ž๐Ž๐˜๐ˆ๐๐Š๐€ ๐’๐€๐๐ˆ๐ˆ๐ ๐ˆ๐˜๐Ž ๐๐€๐‘๐ˆ๐ˆ๐‘๐„

๐™ˆ๐™๐™Œ๐˜ฟ๐™„๐™Ž๐™ƒ๐™Š | ๐Ÿญ๐Ÿด - ๐—”๐—ฝ๐—ฟ๐—ถ๐—น - ๐Ÿฎ๐Ÿฌ๐Ÿฎ๐Ÿฒ - Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Ayub Ismail Yusuf , ayaa shir-guddoomiyay kulan muhiim ah oo dhex maray Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka. Kulankan ayaa diiradda lagu saaray saameynta ka dhalatay goโ€™itaanka buundooyinka Sabiib iyo Bariire, kuwaas oo si weyn u saameeyay isu socodka gaadiidka iyo ganacsiga u dhexeeya deegaanadaas iyo goobaha kale ee wax-soo-saarka beeraha.

Kulanka waxaa Wasiirka ku wehlinayay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda, Mudane Maxamed Xuseen Gaaraxo, Agaasimaha Guud Mudane Faarax Cabdinuur Axmed, la-taliyayaal iyo madaxda mashaariicda ee Wasaaradda hoos timaada.

Dhanka kale, kulanka waxaa ka qayb galay Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka, Mudane Xildhibaan Maxamed Xayri Maareeye, iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaraddaas, kuwaas oo si faahfaahsan uga warbixiyay caqabadaha jira. Waxay tilmaameen in goโ€™itaanka buundooyinka buundooyinka Sabiib iyo Bariire ay xaalad adag ku keeneen isu socodka gaadiidka iyo nolosha beeraleyda.

Kulankan oo ahaa mid hordhac ah, ayaa inta badan diiradda lagu saaray diyaarinta ajendaha kulan ballaaran oo la filayo in ay ka qayb galaan Wasaaradaha Beeraha, Gaashaandhigga, Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta, Rugta Ganacsiga iyo SODMA.
-๐ƒ๐‡๐€๐Œ๐Œ๐€๐€๐ƒ-

__________________________________________________

Wixii faahfaahin ah kala xiriir:
Hussain Adan ibrahim | Xuseen Baarri
Xafiiska Warbaahinta iyo Lafalgalka Dadweynaha ee Wasaaradda

๐Ÿ“ง Email: [email protected]
๐ŸŒ Website: mpwr.gov.so
๐Ÿ“˜ Facebook.com/mopwrh
๐Ÿฆ Twitter:
๐ŸŽต Tiktok: tiktok.com/

Want your business to be the top-listed Government Service in Mogadishu?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Address


Jubba, Shangaani
Mogadishu

Opening Hours

Monday 08:00 - 17:00
Tuesday 08:00 - 17:00
Wednesday 08:00 - 17:00
Thursday 08:00 - 12:00
Saturday 08:00 - 17:00
Sunday 08:00 - 17:00