MUUQAALKA SHIRKA JARAAโID
Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska & Guriyeynta XFS, Mudane Xildhibaan Ayub Ismail Yusuf, ayaa Shir Jaraaโid uu ku qabtay Muqdisho ku sheegay in Dowladda Soomaaliya ay hirgelinayso qorshe lagu dhisayo 12,000 oo guri oo ay ka faaโiideysan doonaan ku dhowaad 80,000 oo qof.
Wasiirku wuxuu xusay in guryaha laga dhisayo dhul ay dowladdu bixinayso, isla markaana ay yeelan doonaan adeegyo muhiim ah sida dugsiyo, masaajiddo, garoomo iyo xarumo ganacsi. Wuxuu sidoo kale tilmaamay in ay jirto qorshe ballaaran oo lagu doonayo in guryo lagu siiyo shacabka Soomaaliyeed.
Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska & Guriyeynta -Soomaaliya
Bogga rasmiga ah ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska iyo Guriyeynta Soomaaliya- Wasiirka Hadda . Mudane Ayub Ismail Yusuf
08/05/2026
๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐
๐๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐,๐๐๐ ๐๐ ๐๐๐๐ ๐๐ ๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐
๐๐๐๐ฟ๐๐๐๐ | -๐ฌ๐ด - ๐๐๐ - ๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐ฒ - Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska & Guriyeynta ee XFS, Mudane Xildhibaan Ayub Ismail Yusuf , oo Shir Jaraaโid ku qabtay magaalada Muqdisho, ayaa shaaca ka qaaday qorshe weyn oo dowladda Soomaaliya ay ku hirgelinayso guryo ballaaran oo loogu talagalay shacabka Soomaaliyeed.
Wasiirku wuxuu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay dhisi doonto 12,000 oo guri, kuwaas oo ka faaโiideysan doona ku dhowaad 80,000 oo qof. Wuxuu intaa ku daray in dhulka iyo dhismaha ay bixinayso dowladdu, isla markaana laga hirgelin doono guryo dabaqadda dhexe ah oo ay ku jiri doonaan adeegyo muhiim ah sida dugsiyo, masaajiddo, garoomo iyo xarumo ganacsi.
Sidoo kale, Wasiirku wuxuu xusay in ay jirto qorshe ballaaran oo ay dowladdu wado, kaas oo lagu doonayo in guryo lagu siiyo tiro badan oo ka mid ah shacabka Soomaaliyeed.
Ugu dambayn, Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska & Guriyeynta XFS waxay xaqiijisay inay si buuxda uga goโan tahay fulinta siyaasadda qaran ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
-๐๐๐๐๐๐๐๐-
__________________________________________________
Wixii faahfaahin ah kala xiriir:
Hussain Adan ibrahim | Xuseen Baarri
Xafiiska Warbaahinta iyo Lafalgalka Dadweynaha ee Wasaaradda
๐ง Email: [email protected]
๐ Website: mpwr.gov.so
๐ Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska & Guriyeynta -Soomaaliya
๐ฆ Twitter:
๐ต Tiktok: tiktok.com/
๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐:
Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud XFS, Mudane Ayub Ismail Yusuf , ayaa kulan la yeeshay madaxda International Organization for Migration (IOM) ee Soomaaliya, kaas oo lagu xoojiyay wada-shaqaynta dib-u-dhiska iyo dib-u-dejinta barakacayaasha.
Kulanka waxaa diiradda lagu saaray horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, adkeysiga bulshada, iyo qorshayaasha dib-u-dejinta. Dowladda ayaa diyaarisay dhulal leh adeegyo aasaasi ah iyo xarumo xirfado lagu barto, halka IOM ay muujisay diyaar garow ay ku taageerayso mashaariicdaas.
Kulanka ayaa ku soo dhammaaday is-afgarad iyo ballan-qaad wada-shaqayn joogto ah oo lagu dardargelinayo horumarka dalka.
06/05/2026
๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐ ๐๐
๐ ๐๐๐ ๐๐๐ ๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐-๐๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐-๐-๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐ ๐๐๐-๐-๐๐๐๐๐๐๐
๐๐๐๐ฟ๐๐๐๐ | - ๐ฌ๐ฒ- ๐๐๐ - ๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐ฒ - Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta XFS, Mudane Xildhibaan Ayub Ismail Yusuf , ayaa kulan muhiim ah la yeeshay madaxda International Organization for Migration (IOM) ee Soomaaliya, kaas oo lagu xoojiyay iskaashiga ku aaddan mashaariicda horumarinta iyo dib-u-dejinta barakacayaasha.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta wada-shaqaynta labada dhinac, gaar ahaan dhinacyada horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, xoojinta adkeysiga bulshada, iyo dib-u-dejinta dadka gudaha ku barakacay.
Wasiirka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay diyaarisay dhulal loogu talagalay dib-u-dejinta barakacayaasha, kuwaas oo leh adeegyo aasaasi ah oo dhamaystiran. Waxa uu sidoo kale xusay qorshayaal lagu dhisayo xarumo lagu barto farsamooyinka gacanta si bulshada loogu abuuro fursado shaqo iyo nolol-maalmeed waara.
Madaxda IOM Mudane Manuel Marques Pereira ayaa dhankooda muujiyay diyaar garow buuxa oo ay ku taageerayaan qorshayaasha Wasaaradda, iyagoo xusay inay kaalin muuqata ka qaadan doonaan hirgelinta mashaariicda dib-u-dejinta iyo horumarinta bulshada.
Intii kulanka socday, waxaa sidoo kale laga wada hadlay mashaariicda ay IOM ka waddo dalka sida Daris-Wacan, Saameynta, iyo Resilience, kuwaas oo door muhiim ah ka qaata horumarinta bulshada Soomaaliyeed.
Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska XFS waxa ka goโan hoggaaminta hindisayaal wax ku ool ah oo sare u qaadaya horumarka iyo dib-u-dejinta barakacayaasha
Soomaaliya, iyadoo la adkaynayo muhiimadda ay leedahay wada-shaqaynta joogtada ah oo horseedda horumar muuqda oo dalku gaaro.
-๐๐๐๐๐๐๐๐-
__________________________________________________
Wixii faahfaahin ah kala xiriir:
Hussain Adan ibrahim | Xuseen Baarri
Xafiiska Warbaahinta iyo Lafalgalka Dadweynaha ee Wasaaradda
๐ง Email: [email protected]
๐ Website: mpwr.gov.so
๐ Facebook.com/mopwrh
๐ฆ Twitter:
๐ต Tiktok: tiktok.com/
01/05/2026
๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐ ๐๐
๐ ๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐ ๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐
๐๐๐๐ฟ๐๐๐๐ | - ๐ฌ๐ - ๐๐๐ - ๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐ฒ - Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska & Guriyeynta XFS mudane Xildhibaan Ayub Ismail Yusuf ayaa dhambaal hambalyo iyo bogaadin ah u diray dhammaan shaqaalaha Soomaaliyeed, munaasabadda Maalinta Shaqaalaha Adduunka oo ku beegan 1-da May.
Maalintan oo ah mid si weyn loogu dabaaldego guud ahaan caalamka, waxay si gaar ah fursad ugu tahay in aan qadarin iyo mahadnaq ballaaran u muujinno shaqaalaha Soomaaliyeed ee si hagar laโaan ah ugu taagan horumarinta dalka iyo u adeegidda dadweynaha.
Munaasabaddan qiimaha badan waxa ay xasuus u tahay doorka lama huraanka ah ee shaqaaluhu ku leeyihiin dhismaha dowladnimada, koboca dhaqaalaha, iyo dhisidda bulsho adkaysi leh oo horumarsan. Shaqaaluhu waa laf-dhabarta ummad kasta, waana tiirka ay ku dhisan tahay horumarka iyo barwaaqada.
" Waxaan dhammaan Shaqaalaha Soomaaliyeed u rajaynayaa caafimaad, nabad, horumar joogto ah iyo in uu dadaalkoodu miro-dhal wanaagsan keeno". Ayub Ismail Yusuf. Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska & Guriyeynta Dowladda Federaalka Soomaaliya .
-๐๐๐๐๐๐๐๐-
__________________________________________________
Wixii faahfaahin ah kala xiriir:
Hussain Adan ibrahim | Xuseen Baarri
Xafiiska Warbaahinta iyo Lafalgalka Dadweynaha ee Wasaaradda
๐ง Email: [email protected]
๐ Website: mpwr.gov.so
๐ Facebook.com/mopwrh
๐ฆ Twitter:
๐ต Tiktok: tiktok.com/
27/04/2026
๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐ ๐๐ ๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐
๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐ ๐๐ ๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐ ๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐
๐๐๐๐ฟ๐๐๐๐ | ๐ฎ๐ณ- ๐๐ฝ๐ฟ๐ถ๐น - ๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐ฒ - Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska & Guriyeynta XFS mudane Xildhibaan Ayub Ismail Yusuf ayaa ka qaybgalay furitaanka Mashruuca Bulsho, iyada Sidoo kale ay ka qeybgaleen Wasiiradda Xukuumadaha heer Federaalka ah iyo heer dowlad goboleed iyo guud ahaan daneeyeyaasha mashruuca.
Wasiir Ayub ayaa tilmaamay in mashruucu uu yahay barnaamij si qoto dheer ugu wajahan dhismaha nabadda, isaga oo diiradda saaraya wax ka qabashada sababaha asaasiga ah ee khilaafaadka, xoojinta isku xirnaanta bulshada, iyo kobcinta aqoonsi qaran oo wadajir ah, iyada oo loo marayo hannaan muddo dheer ah oo dalka gudihiisa laga hoggaaminayo.
Maamulaha World Bank ee Soomaaliya, Hideki Mori, ayaa isaguna sheegay in Mashruuca Bulsho uu yahay hindise muhiim ah oo dardar gelinaya nidaamka maamul-dejinta (decentralization), xoojinaya hayโadaha dowladaha hoose, isla markaana dib u dhisaya kalsoonida u dhexeysa shacabka iyo dowladda ee Dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah Federaalka.
Mashruuca Bulsho oo lagu fulinayo iskaashi lala leeyahay World Bank Group, waxa uu xoojinayaa xiriirka bulshada iyo dowladda, isaga oo ballaarinaya qorsheynta ka qaybgalka leh iyo gaarsiinta adeegyada ilaa heer degmo, isla markaana horumarinaya maamul loo dhan yahay, adkaysi, iyo natiijooyin horumarineed oo waara.
-๐๐๐๐๐๐๐๐-
__________________________________________________
Wixii faahfaahin ah kala xiriir:
Hussain Adan ibrahim | Xuseen Baarri
Xafiiska Warbaahinta iyo Lafalgalka Dadweynaha ee Wasaaradda
๐ง Email: [email protected]
๐ Website: mpwr.gov.so
๐ Facebook.com/mopwrh
๐ฆ Twitter:
๐ต Tiktok: tiktok.com/
MUUQAALKA GUUD: Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta ayaa ka qayb gashay furitaanka mashruuca โStrengthening Urban Resilience of Displaced Communities in Doolow (SURDHT)โ, oo uu daahfuray Raโiisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isla markaana uu maalgelinayo Bangiga Horumarinta Afrika (AFDB).
โ๐๐๐๐ ๐ ๐๐๐โ
23/04/2026
๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐ ๐๐ ๐๐ ๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐
๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐,๐๐๐ ๐๐๐๐ ๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐
๐๐๐๐ฟ๐๐๐๐ | ๐ฎ๐ฏ- ๐๐ฝ๐ฟ๐ถ๐น - ๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐ฒ - Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta mudane Ayub Ismail Yusuf ayaa ka qayb gashay furitaanka mashruuca โStrengthening Urban Resilience of Displaced Communities in Doolow (SURDHT)โ, oo uu daahfuray Raโiisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isla markaana uu maalgelinayo Bangiga Horumarinta Afrika (AfDB).
Mashruucan ayaa lagu dhisayaa 1,700 guri oo loogu talagalay dadka barakacayaasha (IDPs), iyadoo sidoo kale la horumarinayo adeegyada aasaasiga ah sida biyaha, waxbarashada, iyo nolol-maalmeedka bulshada.
Raโiisul Wasaaraha JFS mudane Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in mashruucan uu diiradda saarayo hagaajinta nolosha iyo xoojinta is-dhexgalka bulshooyinka barakacayaasha iyo kuwa martigeliya, isaga oo xusay in uu qayb weyn ka qaadan doono xoojinta nabadda, amniga, iyo kobaca dhaqaale ee dalka.
Mashruucu wuxuu qayb ka yahay hirgelinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP), isagoo gacan ka geysanaya dhismaha bulshooyin adkaysi leh oo waara.
-๐๐๐๐๐๐๐๐-
__________________________________________________
Wixii faahfaahin ah kala xiriir:
Hussain Adan ibrahim | Xuseen Baarri
Xafiiska Warbaahinta iyo Lafalgalka Dadweynaha ee Wasaaradda
๐ง Email: [email protected]
๐ Website: mpwr.gov.so
๐ Facebook.com/mopwrh
๐ฆ Twitter:
๐ต Tiktok: tiktok.com/
WASIIRKA WASAARADDA HAWLAHA GUUD, DIB-U-DHISKA IYO GURIEYNTA EE XUKUUMADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA, XILDHIBAAN AYUUB ISMAACIIL YUUSUF, IYO WASIIRKA WASAARADDA BEERAHA IYO WARAABKA, MUDANE MAXAMED CABDI XAYIR, AYAA MAANTA YEEESHAY KULAN LOOGA HADLAYAY SAAMEYNTA KA DHALATAY GOโAHA BUUNDOOYINKA SABIIB IYO BARIIR EE KU YEESHAY MAGAALADA MUQDISHO.
MUUQAALKA GUUD :Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Ayub Ismail Yusuf , ayaa shir-guddoomiyay kulan muhiim ah oo dhex maray Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka.
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray saameynta ka dhalatay goโitaanka buundooyinka Sabiib iyo Bariire, kuwaas oo si weyn u hakiyay isu socodka gaadiidka iyo ganacsiga, gaar ahaan isku xirka deegaanadaas iyo goobaha wax-soo-saarka beeraha. Waxaa sidoo kale lagu falanqeeyay tallaabooyinka degdegga ah ee lagu yareyn karo saameynta jirta, iyadoo la xoojinayo wada-shaqeynta labada wasaaradood si loo helo xal waara oo dib loogu soo celinayo isku socodka iyo dhaqdhaqaaqa ganacsi.
18/04/2026
๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐ ๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐โ๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐
๐๐๐๐ฟ๐๐๐๐ | ๐ญ๐ด - ๐๐ฝ๐ฟ๐ถ๐น - ๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐ฒ - Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Ayub Ismail Yusuf , ayaa shir-guddoomiyay kulan muhiim ah oo dhex maray Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka. Kulankan ayaa diiradda lagu saaray saameynta ka dhalatay goโitaanka buundooyinka Sabiib iyo Bariire, kuwaas oo si weyn u saameeyay isu socodka gaadiidka iyo ganacsiga u dhexeeya deegaanadaas iyo goobaha kale ee wax-soo-saarka beeraha.
Kulanka waxaa Wasiirka ku wehlinayay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda, Mudane Maxamed Xuseen Gaaraxo, Agaasimaha Guud Mudane Faarax Cabdinuur Axmed, la-taliyayaal iyo madaxda mashaariicda ee Wasaaradda hoos timaada.
Dhanka kale, kulanka waxaa ka qayb galay Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka, Mudane Xildhibaan Maxamed Xayri Maareeye, iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaraddaas, kuwaas oo si faahfaahsan uga warbixiyay caqabadaha jira. Waxay tilmaameen in goโitaanka buundooyinka buundooyinka Sabiib iyo Bariire ay xaalad adag ku keeneen isu socodka gaadiidka iyo nolosha beeraleyda.
Kulankan oo ahaa mid hordhac ah, ayaa inta badan diiradda lagu saaray diyaarinta ajendaha kulan ballaaran oo la filayo in ay ka qayb galaan Wasaaradaha Beeraha, Gaashaandhigga, Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta, Rugta Ganacsiga iyo SODMA.
-๐๐๐๐๐๐๐๐-
__________________________________________________
Wixii faahfaahin ah kala xiriir:
Hussain Adan ibrahim | Xuseen Baarri
Xafiiska Warbaahinta iyo Lafalgalka Dadweynaha ee Wasaaradda
๐ง Email: [email protected]
๐ Website: mpwr.gov.so
๐ Facebook.com/mopwrh
๐ฆ Twitter:
๐ต Tiktok: tiktok.com/
Click here to claim your Sponsored Listing.
Location
Category
Contact the business
Website
Address
Jubba, Shangaani
Mogadishu
Opening Hours
| Monday | 08:00 - 17:00 |
| Tuesday | 08:00 - 17:00 |
| Wednesday | 08:00 - 17:00 |
| Thursday | 08:00 - 12:00 |
| Saturday | 08:00 - 17:00 |
| Sunday | 08:00 - 17:00 |
