Abdulkadir Sh. Ali Dini

Abdulkadir Sh. Ali Dini

Share

Official page of Former Minister of Defence of Somalia, Chief of Somali National Army General Abdulkadir Sh. Ali Dini.

General Abdulkadir Sheikh Dini is a Somali politician and military official. He served as Chief of Army from March 2011 to March 2013, under both the Transitional Federal Government and the succeeding Federal Government of Somalia. He is a former Minister of Defense of Somalia.

12/04/2026

Hambalyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Munaasabadda 12-ka Abriil awgeed, waxaan ugu hambalyeynayaa dhammaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kuwaas oo u taagan difaaca dalka, dadkooda iyo diintooda.

20/12/2025

Waxaan hambalyo iyo bogaadin ku aaddan xuska 82 sano guurada ka soo wareegtay aas-aaska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed u dirayaa dhammaan Sarreeyayaasha, Saraakiisha,, Saraakiil-xigeennada, Alifleyda, Dablayda, iyo guud ahaan qoysaska Ciidanka, kuwaas oo mar walba u taagan naf-hurid, waddaniyad iyo daacadnimo ay u hayaan dalkooda iyo dadkooda.

Alle ha xafido Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, ha ku garab galo gudashada waajibaadkooda Qaran.

12/10/2025

Waxaan hambalyo ku aaddan Xuska Maalinta Calanka u dirayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan. Kor yeelidda Calankeenna waxaa lagu bixiyay dhiig iyo dhaqaale, waana waajib ina saaran dhammaan inaan soo celinno sharafkii iyo karaamadii uu ku dhex lahaa fagaaareyaasha caalamka.

Hambalyo 12-ka October

05/10/2025

Waxaan u tacsiyaynayaa dadkii ku dhintay Falkii guracnaa ee shalay ay kooxaha argagaixisada ah ay ku qaadeen xarunta godka Jilicow, waxaana Alle uga baryayaa in uu naxariistiisa Janno ka waraabiyo intii dhimatay, kuwa dhaawaca ahna uu u booga-dhamayo.

Waxaan ugu baaqayaa bulshada Soomaaliyeed in loo midoobo dagaalka lagula jiro argagixisada had iyo goor u taagan daadinta dhiigga dadkeenna.

30/08/2025

Waxaan Hambalyo u dirayaa Madaxweynaha maanta la doortay ee Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Mudane Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali iyo Kuxigeenkiisa Mudane Cabdirishiid Yuusuf Jibriil.

Waxaan Alle uga baryayaa mas’uuliyiinta cusub in uu u fududeeyo xilka loo doortay, guud ahaan bulshada deegaankana ay noqdaan kuwo u horseeda nabad, horumar iyo barwaaqo.

30/06/2025

Hambalyo– 1-da Luulyo 1960

Waxaan ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan uga hambalyeynayaa munaasabadda Qaran ee 1-da Luulyo, oo ah maalin milgo iyo maamuus leh, una asteysan midnimadii gobollada Waqooyi iyo Koonfur iyo curashadii Jamhuuriyadda Soomaaliyeed.

1-da Luulyo waa maalin aan ku xasuusanno halgankii dheer ee ay umaddan u soo martay xorriyadda, madaxbannaanida, iyo qaran dhisan oo mideysan. Waa xus muujinaya geesinimada, adkaysiga, iyo riyadii ay shacabkeenna u hureen naf, maal iyo maskax si ay u dhisaan dawlad Soomaaliyeed oo ka turjumeysa rabitaankooda.

Hambalyo munaasabadda 1-da Luulyo – Waa maalintii gobonnimada iyo qaranimada Soomaaliyeed.

Nabad ha waarto, Soomaali ha guuleysato.

25/06/2025

Waxaan shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeynayaa munaasabadda 26-ka Juun ee sanad-guurada 65 ee ka soo wareegtay markii ay xorriyadda ka qaateen gumeystamaha Ingiriiska gobollada Waqooyi ee dalkeenna.

28/05/2025

Geerida ku timid Allaha u naxariistee General Maxamed Siciid Xirsi Moorgan, waxaan uga tacsiyeynayaa guud ahaan ummadda Soomaaliyeed.

Marxuumka waxa uu ahaa sarkaal kaalin weyn ka soo qaatay difaaca dalka iyo dhismaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Waxa uuna soo qabtay xilal kala duwan intii ay jirtay Dowladdii Kacaanka, isaga oo si hagar la’aan ah ugu adeegay qaranka.

Waxaan Eebbe uga baryayaa marxuumka in uu naxariistiisa Janntul Firdows ka waraabiyo, ehelka iyo ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo.

12/04/2025

Waxaan hambalyo ku aaddan munaasabadda 12-ka Abriil u dirayaa guud ahaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, maanta waa maalin weyn oo ku suntan gobannimo iyo dowladnimo. Waa maalintii la aasaasay Ciidankeenna Geesiyaasha ah ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo ah astaan qarannimo iyo midnimo, oo u taagan difaaca dalkeenna, ilaalinta wadajirka, sharafta iyo haybadda Shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.

07/04/2025

Waxaan uga tacsiyeynayaa ehelka, ciidamada qalabka sida iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed geerida ku timid Alle u naxariistee Gaashaanle Sare, Jaamac Xaashi Cilmi oo ku geeriyooday dalka Kenya.

Marxuumka intii uu noolaa waxa uu si hagar la’aan ah ugu soo adeeggay Qarankiisa, isaga oo muddo dheer ku soo jiray arrimaha ciidamada oo soo qabtay xilal kala duwan oo ay kamid ahaayeen qeybaha 21,60, 77 iyo u qeybsanaha arrimaha ciidamada ee Safaaraddii ay Soomaaliya ku lahayd dalka Talyaani.

Waxaan marxuumka Alle uga baryayaa in uu naxariista Janno ka waraabiyo ehelka iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo.

25/11/2024

Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa ehelka iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Jeneraal Maxamed Saalax oo ku geeriyooday dalka Mareykanka, gaar ahaan gobolka Verginia.

Jeneraal Maxamed Saalax, oo kamid ahaa saraakiisha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa soo qabtay xilal kala duwan oo dhanka ciidanka iyo maamulka ah, isaga oo ahaa sarkaal firfircoon oo dad isku hayn leh.

Waxa uu ka mid ahaa Saraakiisha yar ee aan ka qeybgelin, lugna ku yeelan dagaalladii Jabhadeysnaa, Qabiileysnaa ama Gobaleysnaa ee ka dhacay dalka.

Waxaan Alle uga baryayaa marxuumka in uu ka waraabiyo naxariistiisa Jannatul Firdows, ehelkiisana uu ka siiyo samir iyo iimaan.

18/11/2024

Tacsi: Janaraal Yuusuf Xassan Ibraahim (Dheeg)

Innaa Lillaahi wa Innaa Ilayhi Raajicuun

Waxaan tacsi tiiraanyo leh u diraynaa ehelka, qaraabada, asxaabta iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed geerida ku timid Danjire, Janaraal Yuusuf Xassan Ibraahim (Dheeg) oo ku geeriyooday magaalada Hargeysa, isagoo ku jiray da'da 84 sano (1940-2024).

Janaraal Yuusuf Xassan Ibraahim (Dheeg) waxa uu ahaa shaqsi taariikh weyn ku leh ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan dhinaca ciidanka, isaga oo door muuqda ku lahaa dhismaha, horumarinta iyo hufnaanta Ciidanka Qalabka Sida ee Soomaaliyeed, gaar ahaan Ciidanka Cirka Soomaaliyeed, oo uu si qoto dheer ugu hagar baxay.

Janaraal Yuusuf waxa uu ahaa nin ku suntan hufnaan, hogaamin iyo daacadnimo ku wajahan hawlihiisa ciidan iyo mas’uuliyad kasta oo uu u hayo qaranka.

Ilaahay ha u naxariisto Janaraal Yuusuf Xassan Ibraahim (Dheeg), ehelkiisana samir iyo iimaan ha ka siiyo. Ummadda Soomaaliyeedna ha ka siiyo bedel kheyr leh.

Aamiin.

Want your business to be the top-listed Government Service in Mogadishu?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Address


Boondheere
Mogadishu