06/05/2026
Xiisad Cusub.
Dowladda Sudan ayaa si rasmi ah ugu eedeysay Ethiopia iyo United Arab Emirates inay ka dambeeyaan weerarro diyaarado aan duuliye lahayn (drone) oo lagu qaaday Khartoum International Airport iyo goobo kale oo ku yaalla magaalada Khartoum.
Mas’uuliyiinta Sudan ayaa sheegay in weerarradaan ay yihiin “gardarro cad,” iyagoo ku doodaya inay hayaan caddeymo ay ka mid yihiin lambarrada drones-ka oo la sheegay in laga soo diray magaalada Bahir Dar, isla markaana lagu isticmaalay qalab ay sameysay UAE.
Ethiopia si adag ayay u beenisay eedeymahaas, waxayna ku tilmaantay kuwo aan sal lahayn. Itoobiya sidoo kale waxay dib ugu yeeratay safiirkeedii Sudan.
Sudan waxay sheegtay inay diyaar u tahay inay arrintaan ay horgeyn doonto United Nations Security Council si loo baaro loona qaado tallaabooyin caalami ah.
Xiisaddan cusub ayaa kusoo beegmaysa xilli ay dalka Sudan ka socoto dagaal sokeeye oo sii xoogeysanaya, taasoo khatar ku sii kordhin karta xasilloonida gobolka.
06/05/2026
silsiladda $50M ee Beyoncé!
Beyoncé ayaa xafladda Met Gala 2026 ku soo bandhigtay silsilad qiimaheedu gaarayo $50 milyan, taas oo noqotay mid ka mid ah waxyaabaha ugu hadal haynta badan.
Waxaa laga sameeyey silsiladdan dheeman aad u nadiif ah oo dhif lana diyaariyay muddo dheer si gaar ah loogu waafajiyo muuqaalka ay Beyoncé xiratay.
Naqshadda ayaa la sheegay inay ka tarjumeyso isku darka farshaxanka casriga ah iyo astaamo taariikhi ah oo la xiriira mawduuca xafladda.
Silsiladda ayaa amnigeeda lagu kordhiyay Ilaalo heer sare ah inta ay socotay xafladda.
Silsiladda $50M ah ayaa ka dhigtay Beyoncé mid sii xoojisay sumcadeeda dhanka fashion-ka, iyadoo markale noqotay qofka ugu hadal haynta badan Met Gala.
06/05/2026
Iran oo la Qodob masiiri ah si loo jooji Dagaal 10 todobaad ah.
Iran ayaa hadda dib u eegaysa qorshe cusub oo ka yimid United States, kaas oo lagu doonayo in lagu soo afjaro dagaal socday ku dhowaad 10 toddobaad.
Wararka ayaa sheegaya in qorshahan uu ka mid yahay heshiis hordhac ah oo joojin kara dagaalka isla markaana bilaabi kara wadaxaajood rasmi ah muddo 30 maalmood ah si loo dhameystiro heshiis buuxa.
Qodobada la soo jeediyay waxaa ka mid ah:
Joojinta dagaalka iyo yareynta xannibaadaha militari
Furitaanka marinka muhiimka ah ee marinka Hormuz.
Qaadista cunaqabataynta iyo sii deynta lacagaha ka xayiran Iran
Wadahadalladu way socdaan, heshiisna wali lama gaarin, balse waxaa jira rajo sii kordheysa oo ah in dagaalka la joojiyo maalmaha soo socda.
06/05/2026
Dowladda Zambia ayaa si rasmi ah u hakisay wada-xaajoodyadii ay la lahayd United States ee ku saabsanaa heshiisyo balaayiin dollar ah, kuwaas oo quseeyay adeegyada caafimaadka iyo macdanta.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Zambia, Mulambo Haimbe, ayaa sheegay in sababta go’aankan ay tahay shuruudo uu ku tilmaamay “aan la aqbali karin” oo ka yimid dhinaca Washington, iyo dalabyo lagu doonayay in Maraykanka loo siiyo mudnaan gaar ah (preferential treatment).
Arrintan waxay muujinaysaa khilaaf ka dhex aloosan labada dal, gaar ahaan sida loo maareynayo kheyraadka dabiiciga ah iyo iskaashiga caafimaadka. Zambia waxay doonaysaa heshiisyo u siman labada dhinac, halka Maraykanka lagu eedeeyay inuu doonayo faa’iido dheeraad ah.
03/05/2026
Ururka Suxufiyiinta ee Federation of Somali Journalists FESOJ ayaa maanta Muqdisho ku qabtey Xuska Maalinta Caalamiga ee Xoriyadda Hadalka oo Sanad walba la qabto sedexda Bisha May.
Sanadkaan waxaa hal ku dhig looga dhigey.
“Qaabeynta Mustaqbal nabdoon”
02/05/2026
Iran 🇮🇷 iyo Bitcoin.
Dowladda ayaa si weyn u adeegsata cryptocurrency kadib markii cunaqabateyn laga saarey nidaamka bangiyada caalamiga ah.
Crypto ayaa u noqotey waddo Fudud oo lacag wareejin, ganacsi , iyo iswaydaarsi ah.
Sidoo kale, dalka ayaa ka faa’iideysta qodashada Bitcoin Ma mining-ka si uu u helo dakhli iyo dhaqaale dheeraad ah.
02/05/2026
Xuska Maalinta Caalamiga ah ayaan ka qeyb galay.
Waxa ugu weyn ee laga hadley waxay ahayd dhibaatada heysata Qof dhalinyarada ah ee ka shaqeeya Soomaaliya.
Gaar ah waxaa Loo taabtey Xuquuq la’aanta Shaqalaha Dowladda iyo kuwa goobaha gaarka loo leeyahay.
Waxaa meesha looga hadlay Ganacsiyo caadeystey in ay si qaldan dhalinyarada uga faaideystaan iyagoo wax la dhaho internship ugu soo gambanaya qofkana loo balan qaadayo shaqo hadii ay ka helaan 6 bil kadib qofkaas waa la beddalaya hadana mid kale ayaa la keenaya isla wadadii ayuu maraya.
01/05/2026
Fursad Kaliya dadka ku nool Canada 🇨🇦 Uk 🇬🇧 iyo America 🇺🇸.
Waxaad lacag ku sameynaysaa 3 qaab oo ah Game-kaan.
1; Instelling 5$
2: App Downloaded 3$
3: Survey 10$
Tusaale 1: Login / Email Submit ($2)
1,000 qof video-ga arka
10% waxay gujiyaan link → 100 qof
30% way signup sameeyaan → 30 qof
👉 30 × $2 = $60 maalintii
📊 Tusaale 2: App Download ($1)
1,000 views
100 click
40 download
👉 40 × $1 = $40 maalintii
📊 Tusaale 3: Survey ($5)
1,000 views
100 click
10 qof dhameeya survey
👉 10 × $5 = $50 maalintii
🔥 Haddii video-ga viral noqdo (10K views)
Login → $600
Download → $400
Survey → $500
1K views = $40 – $60
10K views = $400 – $600
100K views = $1,000+
01/05/2026
Lacagta Iran 🇮🇷 oo burburtey!
Lacagta Iran (rial) ayaa gaartay heerkii ugu hooseeyay taariikhda, iyadoo hal dollar lagu sarifayo ku dhawaad 1.8 milyan rial.
sababaha ugu waaweyn ayaa ah,
Dagaalka Bariga Dhexe
Cunaqabateyn dhaqaale
Baahi weyn oo loo qabo dollar
Iyo Sidoo kale
Sicir barar sare in ka badan 65% maciishada ayaa saté u kacdey.