Maamulka Degmada Dayniile

Website Contact the organization

Maamulka Degmada Dayniile Degmada Dayniile waa mid ka mid ah degmooyinka Gobolka Banaadir ee magaalada Muqdisho.

Maamulka degmada waxaa hoggaamiya guddoomiye degmada (District Commissioner), waxaana hoos yimaada guddoomiye ku-xigeenno, xoghayn, iyo waaxyo kala duwan oo ka shaqeeya

01/11/2026

Guddoomiyaha Degmada Dayniile, Mudane Cabdiraxmaan Macallin Xuseen, ayaa xarigga ka jaray waddo cusub oo Interlock ah, taas oo laga hirgeliyey Xaafadda New Muqdisho, Waaxda Halgan ee Degmada Dayniile.

Waddadan ayaa noqonaysa waddadii ugu horreysay ee nooca Interlock-ga ah ee laga hirgeliyo xaafadda New Muqdisho, waxaana dhismaheeda iska kaashaday bulshada deegaanka iyo Maamulka Degmada Dayniile, taas oo muujinaysa wada-shaqeynta iyo iskaashiga ka dhexeeya maamulka iyo shacabka.

Munaasabadda xarig-jarka ayaa muujinaysa dadaalka Maamulka Degmada Dayniile ee ku aaddan horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, bilicda deegaanka iyo fududeynta isku socodka bulshada.

Guddoomiyaha Degmada ayaa bogaadiyey doorka muuqda ee ay bulshada deegaanka ka qaateen hirgelinta mashruucan, isaga oo ku dhiirrigeliyey shacabka inay sii xoojiyaan iskaashiga iyo ka-qaybgalka horumarinta deegaanadooda.

Maamulka Degmada Dayniile ayaa mar kale adkeeyey muhiimadda ay leedahay wadajirka bulshada iyo maamulka, si loo dardargeliyo mashaariicda horumarineed ee wax ka beddelaya bilicda iyo adeegyada aasaasiga ah ee degmada.

30/10/2026

Guddoomiyaha Degmada Dayniile, Mudane Cabdiraxmaan Macallin Xuseen, ayaa maanta xarunta maamulka Degmada Dayniile si diirran ugu soo dhaweeyay Guddoomiyaha Degmada Wadajir, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cali (Cabdiraxmaan Aw Cali), iyo wafdi uu hoggaaminayay oo ka koobnaa xubnaha kala duwan ee maamulka Degmada Wadajir.

Intii uu socday booqashada, Guddoomiyaha Degmada Wadajir iyo wafdigiisa ayaa kormeer ku sameeyay qaybaha kala duwan ee xarunta maamulka Degmada Dayniile, iyagoo sidoo kale booqday goobaha dalxiiska ee caanka ku ah degmada.

Booqashadan ayaa qayb ka ah xoojinta xiriirka, wada-shaqeynta iyo is-dhaafsiga khibradaha maamul ee u dhexeeya labada degmo, si loo kobciyo adeegyada bulshada, horumarinta bilicda degmooyinka iyo wada-shaqeynta maamullada.

Maamulka Degmada Dayniile ayaa uga mahadceliyay Guddoomiyaha Degmada Wadajir iyo wafdigiisa booqashada iyo is-dhexgalka wanaagsan, iyagoo muujiyay muhiimadda ay leedahay sii xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada maamul.

DHAMMAAD

XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA
MAAMULKA DEGMADA DAYNIILE

29/10/2026

Guddoomiyaha Ururka Haweenka Gobolka Banaadir, Marwo Jawaahir Maxamuud Jaamac (Jawaahir Baarqab), iyo Xildhibaan Cadar Cali Maxamed ayaa bogaadiyey isbeddelka muuqda ee laga dareemayo Degmada Dayniile muddo lix bilood gudahood ah.

Labadan mas’uul ayaa xusay in Degmada Dayniile ay sameysay horumar la taaban karo, iyagoo tilmaamay isbeddellada wanaagsan ee ka hirgalay degmada muddadaas kooban.

Waxay sidoo kale carrabka ku adkeeyeen muhiimadda ay leedahay sii wadista dadaallada lagu horumarinayo degmada, si loo xaqiijiyo adeegyo wanaagsan iyo nolol ka wanaagsan tan ay bulshada Dayniile ku nooshahay.

29/10/2026

Guddoomiyaha Degmada Dayniile, Mudane Cabdiraxmaan Macallin Xuseen, ayaa xarunta maamulka degmada ku soo dhaweeyay mas’uuliyiinta Garabka Haweenka ee Urur Siyaasadeedka JSP, kuwaas oo kulan dadweyne la yeeshay haweenka ku nool degmada.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray wacyigelinta haweenka iyo dhiirrigelinta ka-qaybgalka diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee doorashooyinka federaalka ee soo socda, iyadoo la adkeeyay muhiimadda ay haweenku ku leeyihiin geeddi-socodka doorashooyinka iyo ka-qaybgalka arrimaha bulshada.

Kulanka waxaa hoggaaminaysay Guddoomiyaha Ururka Haweenka Gobolka Banaadir, waxaana ka qaybgalay xildhibaanno ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, oo kala ah Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka, iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Urur Siyaasadeedka JSP.

Intii uu kulanku socday, haweenka Degmada Dayniile ayaa lagu boorriyay inay si firfircoon uga qaybqaataan hannaanka diiwaangelinta codbixiyeyaasha, isla markaana ay door muuqda ka qaataan arrimaha la xiriira doorashooyinka federaalka ee soo socda.

Mas’uuliyiintii kulanka ka hadashay ayaa xoojiyay muhiimadda wacyigelinta bulshada, helitaanka xog sax ah iyo dhiirrigelinta ka-qaybgalka haweenka, iyagoo tilmaamay in ka-qaybgalka muwaadiniintu uu muhiim u yahay geeddi-socodka doorashooyinka.

Soo dhaweynta uu Guddoomiyaha Degmada Dayniile u sameeyay mas’uuliyiinta Garabka Haweenka ee JSP ayaa muujinaysa muhiimadda ay leedahay wada-shaqaynta iyo kulamada bulshada ee lagu kobcinayo wacyiga muwaadiniinta, gaar ahaan haweenka degmada.

Kulankan ayaa qayb ka ah dadaallada wacyigelinta ee Garabka Haweenka ee Urur Siyaasadeedka JSP, kuwaas oo lagu dhiirrigelinayo haweenka Degmada Dayniile inay ka qaybqaataan diiwaangelinta codbixiyeyaasha iyo geeddi-socodka doorashooyinka soo socda.

23/10/2026

Guddoomiyaha Degmada Dayniile, Mudane Cabdiraxmaan Macallin Xuseen, ayaa maanta xarunta maamulka degmada ku soo dhaweeyay arday Soomaaliyeed oo ka qalin-jabisay jaamacadaha dalka Uganda.

Ardaydan ayaa waxaa hoggaaminayay Mudane Cabdi Kaafi Saciid Kaahiye (Farayare), kaas oo dalka dib ugu soo laabtay kaddib muddo 10 sano ah oo uu ku maqnaa dalka dibaddiisa.

Guddoomiyaha ayaa ardayda si diirran ugu soo dhaweeyay degmada, isaga oo muujiyay muhiimadda ay leedahay dhiirrigelinta dhallinyarada Soomaaliyeed ee waxbarashada sare u aadda dalalka dibadda, si ay aqoontooda, xirfaddooda iyo waayo-aragnimadooda uga qayb qaataan horumarka dalka iyo bulshada Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Degmada Dayniile ayaa ardayda ku soo wareejiyay goobaha dalxiiska ee degmada, si ay u bartaan bilicda, taariikhda iyo goobaha muhiimka ah ee dalxiiska ee ku yaalla Degmada Dayniile.

Booqashadan ayaa fursad u ahayd ardayda inay indhahooda ku soo arkaan horumarka iyo bilicda degmada, isla markaana ay xog dheeraad ah ka helaan goobaha dalxiiska iyo fursadaha horumarineed ee ka jira deegaanka.

Maamulka Degmada Dayniile wuxuu soo dhoweynayaa dhallinyarada Soomaaliyeed ee aqoonta iyo waayo-aragnimada dibadda ka soo kororsada, isaga oo ku dhiirrigelinaya inay kaalin muuqata ka qaataan horumarinta dalkooda iyo dadkooda.

DHAMMAAD

Sagaal ka mid ah ciyaartoyda Degmada Dayniile ayaa maanta si rasmi ah u saxiixay heshiisyada ciyaartoyda, taas oo qayb k...
21/10/2026

Sagaal ka mid ah ciyaartoyda Degmada Dayniile ayaa maanta si rasmi ah u saxiixay heshiisyada ciyaartoyda, taas oo qayb ka ah hawlaha la xiriira horumarinta iyo habaynta ciyaaraha degmada.

Munaasabadda saxiixa heshiisyada waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Isboortiska Degmada Dayniile, Mudane Hassan Ali Gaaboow (Wariiri Ali Gaaboow), kaas oo ka qaybgalay munaasabadda lagu saxiixayay heshiisyada ciyaartoyda.

Saxiixa heshiisyadan ayaa muujinaya dadaallada lagu horumarinayo ciyaaraha degmada, laguna xoojinayo nidaamka heshiisyada ciyaartoyda iyo ka qaybgalka tartamada isboortiga.

Maamulka Isboortiska Degmada Dayniile wuxuu sii wadi doonaa dadaallada lagu horumarinayo ciyaaraha, dhiirrigelinta ciyaartoyda iyo kobcinta hibada dhallinyarada degmada.

DHAMMAAD

16/10/2026

Guddoomiyaha Degmada Dayniile: “Waxaan diyaar u nahay xoojinta isdhexgalka bulshada Soomaaliyeed, Dayniilana waxay noqon doontaa goob dalxiis oo laga soo booqdo dalka oo dhan.”

Guddoomiyaha Degmada Dayniile ayaa sheegay in maamulka degmada uu diyaar u yahay ka shaqeynta xoojinta isdhexgalka bulshada Soomaaliyeed, horumarinta wadajirka bulshada iyo abuurista jawi dhiirrigeliya nabadda iyo wada noolaanshaha.

Guddoomiyuhu waxa uu xusay in Degmada Dayniile ay leedahay fursado horumarineed oo wax weyn ka tari kara soo jiidashada dalxiisayaasha, isaga oo muujiyey himilada maamulka ee ah in Dayniile ay mustaqbalka noqoto goob dalxiis oo ay booqdaan dad ka kala yimaada dhammaan gobollada dalka.

Waxa uu sidoo kale carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay iskaashiga bulshada iyo maamulka degmada, si loo xaqiijiyo horumar waara, loona abuuro fursado kor u qaada bilicda iyo sumcadda Degmada Dayniile.

15/10/2026

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre, ayaa maanta si rasmi ah u dhagax-dhigay dhismaha xarunta cusub ee Sayniska iyo Tiknoolojiyadda oo ay Jaamacadda SIMAD ka hirgelinayso degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho.

Xaruntan cusub ayaa qayb ka qaadan doonta horumarinta waxbarashada sare, dhiirrigelinta cilmi-baarista iyo kobcinta aqoonta iyo xirfadaha ardayda Soomaaliyeed, si ay ula jaanqaadaan horumarka degdegga ah ee dunida ka socda dhinacyada sayniska iyo tiknoolojiyadda.

Hirgelinta xaruntan ayaa sidoo kale muujinaysa dadaallada lagu xoojinayo tayada waxbarashada jaamacadaha dalka, dhiirrigelinta hal-abuurka iyo abuurista fursado waxbarasho oo horseeda horumar waara iyo mustaqbal wanaagsan oo ay gaaraan jiilasha soo koraya.

Mashruucan ayaa la filayaa inuu door muhiim ah ka qaato kobcinta aqoonta, horumarinta cilmi-baarista iyo diyaarinta jiil Soomaaliyeed oo leh xirfado iyo aqoon ku filan oo ay kaga qayb qaataan horumarka dalka.

Maamulka Degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir ayaa soo dhoweynaya dhagax-dhigga xarunta cusub ee Sayniska iyo Tiknooloji...
15/10/2026

Maamulka Degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir ayaa soo dhoweynaya dhagax-dhigga xarunta cusub ee Sayniska iyo Tiknoolojiyadda ee Jaamacadda SIMAD, taas oo uu maanta dhagax-dhigay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre.

Xaruntan cusub oo laga hirgelinayo Degmada Dayniile ayaa ah mashruuc muhiim u ah horumarinta waxbarashada sare, cilmi-baarista, hal-abuurka iyo kobcinta xirfadaha casriga ah ee dhallinyarada Soomaaliyeed.

Maamulka Degmada Dayniile ayaa bogaadinaya Jaamacadda SIMAD iyo hay’adda Direct Aid oo iska kaashanaya hirgelinta mashruucan, kaas oo wax weyn ka tari doona horumarinta aqoonta iyo xirfadaha ardayda Soomaaliyeed, isla markaana fursado waxbarasho iyo horumarineed u abuuri doona bulshada degmada iyo guud ahaan dalka.

Maamulka Degmada ayaa tilmaamay in mashruucani uu yahay tallaabo muhiim ah oo kor u qaadaysa sumcadda Degmada Dayniile, kana tarjumaysa doorka ay degmadu ku leedahay horumarka waxbarashada, tiknoolojiyadda iyo cilmi-baarista dalka.

Sidoo kale, Maamulka Degmada Dayniile waxa uu xusay in bulshada degmada ay mustaqbalka dhow ka faa’iidaysan doonaan fursadaha waxbarasho, aqoon-kororsiga iyo xirfadaha ay xaruntani soo kordhin doonto, gaar ahaan dhinacyada Sayniska iyo Tiknoolojiyadda.

Ugu dambayn, Maamulka Degmada Dayniile waxa uu u mahadcelinayaa Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Jaamacadda SIMAD, hay’adda Direct Aid iyo dhammaan dhinacyada ka qayb qaadanaya hirgelinta mashruucan, isaga oo ku dhiirrigelinaya in la sii xoojiyo dadaallada lagu horumarinayo waxbarashada, adeegyada bulshada iyo kaabeyaasha horumarineed ee Degmada Dayniile.

09/10/2026

Guddoomiyaha Degmada Dayniile, Mudane Cabdiraxmaan Macallin Xuseen, ayaa maanta xarunta maamulka degmada ku qaabilay aqoonyahanno ka soo jeeda Degmada Dayniile, kuwaas oo waxbarashadooda ku soo qaatay dalka Suudaan.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii aqoonyahannadu ay door muuqda uga qaadan lahaayeen dib-u-dhiska deegaanka, horumarinta bulshada iyo xoojinta wada-shaqeynta kala dhexeysa maamulka degmada, gaar ahaan dhinacyada nabadda, amniga iyo xasilloonida.

Guddoomiyaha ayaa aqoonyahannada ku dhiirrigeliyey inay aqoontooda, waayo-aragnimadooda iyo kartidooda uga faa’iideeyaan bulshada deegaanka, isla markaana ay si dhow ula shaqeeyaan maamulka degmada si loo xaqiijiyo horumar waara iyo deegaan nabdoon.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Degmada Dayniile ayaa bogaadiyey dadaalka ay aqoonyahannadu muujiyeen iyo doorkooda ku aaddan isu-keenidda bulshada, isaga oo si gaar ah ugu ammaanay abaabulka kulankan muhiimka ah, kaas oo ku soo dhammaaday natiijo wanaagsan iyo is-afgarad ku aaddan iskaashiga iyo horumarinta degmada.

Ugu dambayn, kulankan ayaa muujinaya sida ay muhiimka u tahay in la mideeyo dadaallada maamulka, aqoonyahannada iyo bulshada deegaanka, si loo xoojiyo nabadda, loo dardargeliyo dib-u-dhiska, loona xaqiijiyo horumarka Degmada Dayniile.

DHAMMAAD

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha
Maamulka Degmada Dayniile

Address

Daynile Street Community Center Dayniile District
Mogadishu
252

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Maamulka Degmada Dayniile posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Maamulka Degmada Dayniile:

Shortcuts

Share

Category