Masar shacabka soomaliyeed aya safarka lagu dhibateya
Saar Media
Kuso dhawo TV caalamiga aah ee Som News . kala soco warbahinta calaamka ee adiga oo jogo goobtada aad ku sugantahay.
18/05/2026
Raagna shaqada dacad ka tahay, kuwana waa iska labisan yihin kaliya? Wixi laga hadlay, sualo hada ka weydisid ma hayan.
17/05/2026
sugan
Xildhibaano katirsanaa Baarlamaankii h**e ee waqtigiisu dhammaaday ayaa dowladda Turkiga ku eedeeyay inay faragelin ku hayso arrimaha gudaha ee Soomaaliya, isla markaana ay waddo tallaabooyin ay ku tilmaameen kuwo ka dhan ah madax-bannaanida dalka.
Xildhibaanadan ayaa sheegay in dowladda Turkiga ay qeyb ku lahayd dagaalladii dhawaan ka dhacay maamulka Koonfur Galbeed, iyagoo arrintaasi ku tilmaamay “waji cusub” oo Ankara ay kusoo gashay siyaasadda gudaha Soomaaliya.
Waxay sidoo kale sheegeen in Soomaaliya aysan u baahnayn faragelin shisheeye oo sii hurin karta khilaafaadka siyaasadeed iyo amni ee dalka ka jira. Dowladda Turkiga ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin eedeymahan cusub.
Arrintan ayaa kusoo aadeysa xilli uu sii xoogeysanayo doodda ku saabsan saameynta dowladaha shisheeye ay ku leeyihiin siyaasadda Soomaaliya.
17/05/2026
Kulanka uu safiirka European Union la yeeshay Hassan Sheikh Mohamud iyo bayaanka kasoo baxay Villa Somalia wuxuu leeyahay dhowr macne oo diblomaasiyadeed.
Falanqayn kooban:
* Marka safiir rasmi ah uu kula kulmo madaxtooyada madaxweynaha fadhiya, taasi badanaa waxay muujinaysaa in Midowga Yurub uu si rasmi ah ula shaqeynayo dowladda hadda jirta.
* Haddii qoraalka rasmiga ah lagu isticmaalay “President” ama “Madaxweyne,” taasi waa aqoonsi diblomaasiyadeed oo ku saabsan jagada uu hadda hayo HSM.
* Laakiin tani macnaheedu ma aha in Midowga Yurub uu galay doodaha gudaha siyaasadda Soomaaliya ama muranka doorashooyinka mustaqbalka. Diblomaasiyaddu waxay inta badan la shaqeysaa maamulka xilka haya ilaa isbeddel rasmi ah dhaco.
Qodobka muhiimka ah:
* Aqoonsiga diblomaasiyadeed wuxuu inta badan ku saleysan yahay:
* cidda si rasmi ah u maamusha dowladda,
* hay’adaha dowladeed,
* iyo xiriirka caalamiga ah ee jira waqtigaas.
Sidaas darteed:
* Haa, kulankaas iyo bayaanka rasmiga ah waxay muujinayaan in Midowga Yurub uu Xasan Sheekh ula macaamilayo “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya” waqtigan.
* Laakiin tani kaligeed ma noqoneyso go’aan cusub oo siyaasadeed; waa sii wadista xiriirka rasmiga ah ee ay la leeyihiin dowladda Federaalka Soomaaliya.
17/05/2026
Marki lagu leeyahay Somalia Waa duunida sadexad. Mida kale Djibouti maxay xiligan safiirkeeda igu so adisay?
Xiriirka u dhexeeya Djibouti iyo Somalia waa mid dhow, laakiin mararka qaar siyaasiyan xasaasi noqda. Marka dowlad cusub timaado ama xaalad siyaasadeed is beddesho, dirista safiir cusub waxaa loo arki karaa fariin siyaasadeed.
Falanqayn kooban:
* Jabuuti waxay door weyn ku leedahay nabadda iyo siyaasadda Soomaaliya, waxayna marar badan martigelisay shirar dib-u-heshiisiin Soomaaliyeed.
* Haddii Jabuuti ay safiir cusub u dirto Soomaaliya xilli siyaasadu xasaasi tahay, waxaa loo fasiran karaa:
* taageero ay u muujinayso dowladda Federaalka Soomaaliya,
* rabitaan ay ku xoojinayso saameynteeda gobolka,
* ama fariin ay u dirayso dalal kale oo gobolka ku loolamaya saameynta.
Sidoo kale waqtiga safiirka la dirayo waa muhiim:
* haddii lagu beego doorasho,
* khilaaf siyaasadeed,
* ama muran gobolka ka jira,
markaas arrintaasi waxay yeelan kartaa macne ka weyn “xiriir diblomaasiyadeed caadi ah”.
Sidaas darteed, safiir cusub mararka qaar waa:
* xiriir diblomaasiyadeed caadi ah,
* laakiin mararka qaar waa fariin siyaasadeed oo si taxaddar leh loo dirayo.
17/05/2026
Dagaal afka ah ayaa ka dhex qarxay safiirkii h**e Turkiga ufadhiyay Soomaaliya Mr. C. Kani Torun iyo Cabdulqaadir Maxamed Nuur, wasiirka dekedaha Jamhuuriyada Dem. Soomaaliya.
Safiirkii h**e ee Turkiga ayaa bartiisa X (Twitter) kusoo daabacay qoraal dheer oo uu kuleeyahay Somalia waxay xiligaan kala guurka ah ubaahantahay hogaan cusub oo kumeel gaar ah (Raysal wasaare) ka madaxbanaan kuwa hadda jira.
Waxaa jawaab kulul arinkaasi kasoo celiyay Cabdulqaadir Maxamed Nuur, wasiirka dekedaha, ayaa soo qoray sidan: “Mudane Torun, Soomaaliyada maanta ma ahan midii aad taqaanay. Soomaaliyada maanta ma ahan mid gar gaar shisheeye iyo mucaawino kutiirsan.”
15/05/2026
Deg deg: madaxweynihi h**e ee farmajo:
WAR-MURTIYEED
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay maanta wajahaysaa marxalad siyaasadeed iyo mid dastuuri oo halis ah, kaddib dhammaadka muddadii dastuuriga ahayd ee Madaxweynaha iyo Barlamaanka, si waafaqsan qodobbada 60-aad iyo 91-aad ee Dastuurka KMG ah ee Dalka.
Xaaladdan halista ah waxaa lagu wajihi karaa wadatashi qaran oo ay isugu yimaaddaan hormuudka siyaasadda, indheer-garadka iyo dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed, si looga tashado badbaadinta dalka iyo maareynta marxaladdan la galay ee firaaqa dastuuriga ah iyo hubanti la'aanta siyaasadeed.
Sida ku cad qodobka 103 ee Dastuurka KMG ah, Xukuumadda hadda jirta waxa ay noqotay mid xil-gaarsiin ah oo aan lahayn awood ay ku qaadan karto go’aammo masiiri ah oo saameynaya mustaqbalka dalka, sidaas awgeed waxaa muhiim ah in la gaaro heshiis siyaasadeed oo horseedaya qabsoomidda doorasho la isku waafaqsan yahay, taas oo asaas u ah in dalka laga saaro marxaladdan, lana helo dowlad leh sharciyad qaran.
Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed waxaan ugu baaqaynaa in ay si dhammaystiran uga fogaadaan ku-milanka arrimaha siyaasadda iyo in loo adeegsado xukun maroorsi iyo cabburinta shacabka. Marxaladdan adag ee dalku ku jiro waxaa hortaalla ciidanka in ay xoojiyaan gudashada waajibaadkooda dastuuriga ah ee difaaca dalka, sugidda amniga, dhowrista midnimada iyo dowladnimada dalka.
Ugu dambeyn, waxaan adkaynaynaa baaqyada ku aaddan wadatashiga, isu tanaasulka iyo ilaalinta dowladnimada, annaga oo muujinayna muhiimadda ay leedahay, xilligaan, in danta qaranka laga hormariyo danaha shakhsiga ah iyo kuwa kooxeed.
DHAMMAAD
DEG DEG: Sida ay u xaqiijinayaan Saar Media ilo wareedyo wargal ah oo ku dhow dhow kulankii Xalane maanta ka dhacay, ka dib markii ay is mari waayeen dhinacyada Madaxweyne Xassan Sheikh & Golaha Mustaqbalka, layskuna qabtay qodobka mudo xileedka la xariira & hanaanka kala guurka, wakiilada caalamiga ah ayaa si lama filaan ah usoo dhexgalay, iyagoo dhexda dhigay war culus oo saameyn weyn kulanka kuyeeshay, kaas oo ahaa.
In haddii la gaaro 15ka May oo berrito ah, lana gaari waayo heshiis maareynta marxalad kala guurka ah & hanaan laysku raacsan yahay oo k**a dambeys ah ay dalalkooda u sheegi doonaan in ay Soomaaliya gashay marxalad cusub, taas oo cabsi badan leh, waxayna ka dhigan tahay in dalalkan sheegayaan in ay katagayaan Soomaaliya.
Wakiilada caalamiga ah ayaa si cad u sheegay in waajibaad ka saaran yahay hanaanka maalgalinta dowlad dhiska Soomaaliya, ayna waqti badan galiyeen kuna qasban yihiin in ay caasumadahooda u sheegaan marxalada cusub, taas oo ay sheegeen in kahor ay madaxda Soomaalidu waqti haystaan.
Marxaladan ayaa ka dhigan in dowladda mudo xileedkeedii dhamaaday, heshiisna lagu noqdo nooca dalka loo hagayo & ka heshiinta hanaanka doorashooyinka oo aysan cidna gaar u laheyn dookh siyaasadeed.
Sida ay xoguhu cadeynayaan golaha Mustaqbalka ayaa aqbalay in ay diyaar u yihiin maareynta marxaladda kala guurka ah, berrito wixii ka dambeeyana uu dalku galay marxalad doorasho oo kala guur ah ayna tahay in laga heshiiyo, oo ay dhankooda diyaar u yihiin.
Dhinaca, madaxweyne Xassan Sheikh ayaa dalbaday in galabta markale laysku soo laabto, iyadoo wakiilada caalamiga ah ay kulanka joogi doonaan markale.
Golaha Mustaqbalka ayaa hadda shir leh, kaas oo ay uga tashanayaan ajendaha cusub & sida marxaladda kala guurka u wajahayaan.
12/05/2026
Farmaajo Oo Kulan La Qaatay Diblomaasiyiinta Mareykanka Ee Muqdisho
MUQDISHO — Madaxweyne h**e Mohamed Abdullahi Farmaajo ayaa maanta kulan kula yeeshay xerada Halane Compound Ku-simaha Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Justin Davis iyo diblomaasiyiin kale.
Ilo siyaasadeed ayaa sheegaya in kulanka looga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo sidii xal looga gaari lahaa khilaafka doorashooyinka.
Wararka ayaa sheegaya in Farmaajo uu Mareykanka u sheegay in musharixiinta mucaaradka aysan aqbali doonin doorasho hal dhinac ah, islamarkaana haddii aan heshiis siyaasadeed la gaarin kahor 15-ka May ay adkaan doonto in doorashada lagu maamulo is-afgarad.
Farmaajo ayaa sidoo kale uga mahadceliyay Dowladda Mareykanka taageerada iyo dadaallada ay ka waddo xasilinta Soomaaliya.
Arrintan ayaa kusoo aadeysa iyadoo Soomaaliya ay wajahaysa xiisad siyaasadeed iyo walaac laga qabo khilaaf ka dhasha doorashooyinka iyo heshiisyada siyaasadeed.
09/05/2026
Wasiirka Hassan sheik ee warfinta oo dalka ka maqan hada xili ay mucaradka bananbaxayan
Click here to claim your Sponsored Listing.
Location
Category
Contact the business
Telephone
Website
Address
Isgoyska Dabka
Mogadishu
HODAN
