09/12/2024
Waxaa Maanta Kormeer Shaqo noogu yimid Wasiirka Wasaaradda Howlaha guud dib u dhiska iyo guryeynta ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Dr Cilmi Maxamuud Nuur.
Ujeeddada booqashada wasiirka ayaa ku saabsanayd kala warqaadasho ku saabsan dardar gelinta iyo taabba gelinta howlaha hor tebinta u leh Wasaaradda iyo Wakaaladda gaar ahaanna u diyaar garoowga fulinta barnaamijka casriyeynta Qorshaha Qaranka (NTP).
Wuxuu ahaa kulan guuleed.
21/11/2024
Waxaan Hambalyo iyo Bogaadin u dirayaa Dhammaan Macalimiinta Soomaliyeed xuska Maalinta Macalinka ee 21-Ka November oo maanta ku beegan.
Macalinku waa Tiirka tacliinta oo horseeda horumarka bulshada, Macalinka Soomaliyeed wuxuu ku shaqeeyaa daruufo adag oo ay ugu horayso xagga nolosha dhaqaalaha, gaar ahaan xiligii burburka nidaamkii dowladnimada.
Ha guulaysto macalinka Soomaaliyeed”.
HAMBALYO.
19/11/2024
Hambalyo Madaxweyne Cirro iyo shacabka reer Soomaaliland oo diiday in maankooda la qaldo.
Xiligii ololaha doorashada, xisbiga wadani iyo murashaxooda waxaa lagu tiimbareeyey in uu yahay cadowga SL oo uu Xamar ku xiranyahay si codbixiyaasha loogu diro.
Markaad eegto natiijada codadka ay heleen ururadii iyo siyaasiyiintii ku ololeeyey hadalada cunsuriyeysan, iska fogeynta Soomaalinimada iyo isku dhejinta Itoobiya waxaa cadaatay in shacabka reer Soomaaliland aan la qaldi karin.
Maxaa la gudboon Madaxweyne Cirro?
Waa in uu bilowgaba ku dhiirado ka shaqaynta sidii xalwaara looga gaari lahaa arrimaha masiiriga ah ee dhex yaalla maamulkiisa iyo dowladda federaalka, arrimahaas oo aan lagu gaari karin kala irdhaynta iyo isku dirka dadka Soomaaliyeed iyo fulinta danaha Itoobiya balse ku xiran wada hadal dhab ah oo dhexmara Dowladda Federaalka ah iyo Soomaaliland.
Waa in uusan u liicin boro bogaandada ay abuuri doonaan kooxihii uu doorashada kaga soo adkaaday oo jidka u istaagi doona mija xaabinta shaqadiisa si ay uga aarsadaan.
Hambayo mar labaad reer Soomaaliland.
02/11/2024
Diyaarinta qorshaha is beddelka qaranka (National Transformation Plan “NTP”) ee shanta sano ee soo socota 2025-2029 ayaa si habsami leh u socoda
Maanta ayaan soo booqday, soona bogaadiyey teamka Wakaaladda Horumarinta Dhismaha ee maanta ku qornaa shaqada oo u fadhiya qorista shaqada loo xissaaray.
Waxaa bogaadin Mudan xafiiska Ra‘iisul Wasaaraha oo majaraha u haya shaqadaan qaran.
Guul iyo gobanimo.
27/06/2024
ASALAAMU CALEYKUM WALAALAYAAL.
Waxaan ugu hambalyeeynaa dhammaan Ummadda Soomaaliyeed Munaasabadaha Maalmaha Xoriyada Dalkeenna ee shalay noo bilaawday ee 26-June, Sidookalna maanta ay tahay Maalintii ay xor noqdeen Walaalaheen Jabuuti 27 June 1977.
Waxaa sidookale xusid mudan ay nagu soo aadantahay Maalintii israaca labada ee Gobal ee Koofur iyo Waqooyi ee 1-da Julay.
Wax sahlan maaha in 64 sanno aan nahay dal Madaxbanaan, waxaa duco naga mudan Halgamayaashii Soomaaliyeed ee Nafta u huray Madaxbanaanida aan maanta heesano
Allahaa u wada Naxariisto.
Dalkeena Nabad Allah hanooga dhigo iyo Barwaaqo.
10/03/2024
Markaan anagu isku naxariisano ayuu Alle isna noo naxariisanayaa.
Hadaba tilaabada uu Gudoomiye Maddaale xalay ku kafaala qaaday Arimaha caafimaad ee suxufiga iyo Qoraaga Maxamed haldoor waa mid bogaadin mudan, waana ku mahadsanyahay Duqa Caasimada.
Waxaan sidookale bogaadinayaaa dhamaan Masuuliyiintii iyo shacabkii kala duwanaa ee xalay ka qeyb galay Bandhigga buuga Maxamed haldoor ee Hadhiwaa.
Insha Allaah ana waxaan iibsa doonaa ilaa dhowr buug si aan qeyb ugu noqdo dhiirigalinta iyo garab istaaga walaalkeen Maxamed Haldoor.
Mahadsanidiin.
09/03/2024
Maalin wanaagsan dhamaan Umadda Soomaaliyeed, Halkaan waa Bogeeyga Rasmiga ah ee page.
soodhawaada insha Allaah.