Ali Korufule

Ali Korufule

Share

Deputy Chairperson at NCSC,Somalia

15/05/2026

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xarigga ka jaray dhismaha cusub ee Xarunta Dhexe ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Soomaaliya, taasi oo qayb ka ah dadaallada Dowladdu ay ku horumarinayso adeegyada dhalinyarada iyo kobcinta ciyaaraha dalka.

15/05/2026

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ee Munaasabadda 83-guurada 15-ka May.

Photos from Ali Korufule's post 15/05/2026

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa goor dhow xarigga ka jaray xarunta cusub ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Photos from Ali Korufule's post 15/05/2026

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO UBAX DHIGAY TAALLADA SYL

Muqdisho, May 15, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qayb galay munaasabad lagu xusayay 83-sano guurada kasoo wareegatay aas-aaskii halyeeyadii xaq u dirirka ahaa ee Ururkii SYL iyo maalinta dhallinyarada soomaaliyeed ee 15-ka May ayaa ubax dhigay Taalada SYL, si loo maamuuso halgankii gobannimo-doonka Soomaaliyeed iyo doorkii taariikhiga ahaa ee dhalinyaradii Soomaaliyeed ay ku lahaayeen xoreynta dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in halyeeyadii dhallinyarada ahaa ee ku bahowday Ururkii SYL ay ahaayeen astaan mideysay shacabka Soomaaliyeed, isla markaana horseeday baraarug qaran oo saldhig u noqday helitaanka xorriyad dhammeystiran iyo dhismaha dowladnimo Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay dhalinyarada Soomaaliyeed in ay door muuqda ka qaataan difaaca iyo dib u dhiska dalka, ilaalinta qaranimada iyo horumarinta dowladnimada, isaga oo carrabka ku adkeeyay in jiilasha maanta jooga looga baahan yahay in ay la yimaadaan waddaniyaddii, midnimadii iyo himiladii ay ka tageen aas-aasayaashii SYL, si loo xaqiijiyo Soomaaliya nabad ah, horumarsan oo isku duuban.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;

Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
E-mail: [email protected]
Flicker: https://www.flickr.com/photos/vilasomalia/
Facebook: https://www.facebook.com/
Instagram: https://www.instagram.com/villa.somalia
VillaSomaliaOfficial/
Twitter:

Photos from Ali Korufule's post 11/05/2026

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Kampala ee Jamhuuriyadda Yugaandha, halkaas oo uu kaga qayb galayo munaasabadda caleemo-saarka Madaxweynaha la doortay ee dalkaasi, Mudane Yoweri Kaguta Museveni.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Qasriga Madaxtooyada kula kulmay dhiggiisa Yugaandha, iyagoo ka wada hadlay xiriirka laba geesoodka, iskaashiga amniga labada dal, waxaana Madaxweynuhu ugu hambalyeeyay dib u doorashadiisa.

Photos from Ali Korufule's post 10/05/2026

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š: ๐ƒ๐จ๐ฐ๐ฅ๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ฐ๐š๐ฑ๐š ๐š๐ฒ ๐ฑ๐จ๐จ๐ ๐ ๐š ๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ญ๐š๐ฒ ๐ฑ๐จ๐จ๐ฃ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐š๐ฆ๐ง๐ข๐ ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐ข๐ฆ๐ฎ๐ช๐ซ๐š๐š๐๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š

Muqdisho, Axad, 10 Maajo 2026: โ€” Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo ka qeyb galay munaasabadda xuska Maalinta Yurub (Europe Day) ayaa ku bogaadiyey Midowga Yurub iyo dowladaha xubnaha ka ah doorkooda ku aaddan taageerada Soomaaliya.

Raโ€™iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Midowga Yurub uu Soomaaliya garab taagnaa xilliyadii ugu adkaa, gaar ahaan taageerada dhinacyada baniโ€™aadannimada, dib-u-dhiska dowladnimada, horumarinta hayโ€™adaha dowladda, amniga iyo dib-u-habeynta dhaqaalaha oo ay door weyn ka qaateen horumarkiisa.

Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa tilmaamay in Soomaaliya ay sameyneyso horumar la taaban karo, iyada oo dowladdu ay xoogga saartay dib-u-dhiska hayโ€™adaha, xoojinta amniga, horumarinta dhaqaalaha, ballaarinta adeegyada bulshada iyo dardargelinta hannaan dimuqraadiyadeed loo dhan yahay.

Raโ€™iisul Wasaaraha ayaa xusay in dowladda Soomaaliya ay qorshaynaso in dalka laga hirgaliyo doorashooyin qof iyo cod ah si shacabka Soomaaliyeed ay si toos ah ugu doortaan hoggaankooda, isaga oo tilmaamay in madaxda dowladda ay ka goโ€™antahay wadatashi iyo is-afgarad lagu xoojinayo amniga iyo midnimada Qaranka Soomaaliyeed.

Ugu dambayn Raโ€™iisul Wasaare Xamsa, ayaa ugu baaqay dhammaan dhinacyada siyaasadda in ay k qeyb qaataan wadatashiyada qaran ee dowladdu u fidisay, iyada oo la ilaalinayo danta Qaranka iyo wadajirka Shacabka Soomaaliyeed.

โ€œMarxaladdan muhiimka u ah dhismaha Qaranka, waxa uu dalkeennu u baahanyahay wadatashi iyo wada-shaqayn wax dhisaysa ee ma aha jahwareer siyaasadeed, xalal waara ee ma aha khilaaf aan dhammaad lahayn, midnimo iyo ummad wadajir ah ee ma aha kala qeybinta bulshadaโ€. Ayuu yiri Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.

- DHAMMAAD -
Cabdinaasir Axmed Bashiir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna
Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha, XRW
E-mail: [email protected]
Tel: +252 771 770 958
Facebook: https://www.facebook.com/OPMSomalia
X (Twitter): https://x.com/somalipm
Flickr: https://www.flickr.com/photos/opmsomalia/
Instagram: https://www.instagram.com/opmsomalia
YouTube: https://www.youtube.com/
Website: https://www.opm.gov.so

10/05/2026

Hadaljeedinta Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ee xaaladda guud ee dalka, doorashooyinka qof iyo cod ee si nabad ah saaka uga bilowday deegaanada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, xaaladda magaalada Muqdisho iyo gogosha wadatashiga qaran ee ay dowladdu u fidisay siyaasiyiinta Soomaaliyeed.

Photos from Ali Korufule's post 10/05/2026

Muqdisho, 9 May, 2026: Raโ€™iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta shir guddoomiyay kulan laba geesood ah oo u dhexeeyey Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Safiirrada dalalka Midowga Yurub ee Soomaaliya taageera.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray arrimaha amniga, dhammaystirka dastuurka dalka, doorashooyinka tooska ah ee ka socda dalka iyo horumarka dhinaca dhaqaalaha iyo dib u habeynta dowladnimada.

Raโ€™iisul Wasaare Ku-Xigeenka ayaa sheegay in qeybo kamid ah dalka maanta looga dareeray doorashooyin toos ah oo isku sidkan, kuwaas oo shacabka reer Koonfur Galbeed ay ku dooranayaan hoggaankooda, taas oo muujinaysa horumarka ay Soomaaliya ka sameyneyso dimuqraadiyeynta iyo xaqiijinta hannaan doorasho oo loo dhan yahay.

Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa sidoo kale uga mahadceliyay Midowga Yurub taageerada joogtada ah ee ay siiyaan Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, dowlad-dhiska, horumarinta dhaqaalaha, iyo geeddi-socodka dimuqraadiyadda.

10/05/2026

Buurta u udgoon Soomaaliya
xirfad baa lagu koraa fowdo maaha
Maandheheey

Photos from Ali Korufule's post 10/05/2026

Gobnimo waa Hal Qof iyo Hal Cod Maa shaa Allah hasii ahaato sidan Idam Alle.
Koorfur-galbeed Alle ha xafido.

Photos from Ali Korufule's post 10/05/2026

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, Mudane Cabdikariim Axmed Xasan, oo ay wehliyaan Guddoomiye Ku-xigeenka iyo Xoghayaha Guud ee Guddiga, ayaa magaalada Baydhabo si rasmi ah uga daah-furay goobaha codbixinta doorashada, halkaas oo shacabka ku nool magaalada ay ka dhiibanayaan codadkooda.

Want your business to be the top-listed Government Service in Mogadishu?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Address


Via Rome, Hamarweyne District
Mogadishu
252