Xeeladi gabaadka ay modayeen ayaa lagu gumaaday khawaarijta. Gabalkoodu dhacay
Mahammed Dayib
DANAB MEDIA
Waad Mahadsantihiin Sidaad Noola Soo Xariirtan Umadena aan Jecelnahay
DANAB WAA MUSTAQBALKA DALKA. Nagalaso Xiriir 575
Ururka 162,aad ayaa hawgal ka fuliyay. Degaamada dhaca jiinka wabi jubba ee degmada jamaame
30/04/2026
Danab waa ilayska rajada,
Waa tiirka amniga iyo xasilloonida,
Waa cududda aan daalin ee u heellan difaaca qaranka,
Waa lidka khawaarijta iyo cid kasta oo khatar ku ah jiritaanka dalka.
NAGA SOO WAC 575
30/04/2026
Taliyaha Guutada 16’aad Kumaandooska Danab XDS Korneel military iyo Madaxa Hoggaanka Warisgaarsiinta iyo Tiknoolojiyada CXDS Col. Xiirey, oo ay wehlinayeen saraakiil ka socotay Taliska Guud ee Hawlgalinta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayaa maanta gaaray Aaga Ugunji ee gobolka Shabeelaha Hoose, halkaas oo ay si diirran ugu soo dhaweeyeen saraakiisha iyo ciidamada CXDS ee ku sugan furimaha h**e ee dagaalka.
Ujeedka socdaalka ayaa ahaa u kuurgelidda xaaladda amni, dhiirrigelinta ciidamada geesiyaasha ah ee howlgalada ka wada deegaannada Shabeelaha Hoose , iyo dardargelinta qorshayaasha lagu xoojinayo hawlgalada ciribtirka Khawaarijta.
Saraakiisha ku sugan Aaga Ugunji ayaa ka warbixiyeen guulaha laga gaaray howlgaladii ugu dambeeyay, xaaladda ciidamada, iyo baahiyaha muhiimka ah ee ka jira furimaha dagaalka, iyagoo muujiyay sida ay uga go’an tahay sii wadista dagaalka lagu xaqiijinayo amniga iyo xasilloonida dalka.
Saraakiisha ayaa ciidamada ku bogaadiyay geesinimada, adkeysiga iyo naf huridda ay u muujiyeen difaaca shacabka Soomaaliyeed, isagoo xusay in taliska sare ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed uu garab taagan yahay ciidamada ku jira jiidda h**e ee dagaalka.
Ciidanka Kumaandooska Danab ayaa Howlgalka Cirka iyo Dhulka ku Qaday Deegaanka Lagta Caanoole.
Mahammed Dayib
22/04/2026
Muqdisho, Soomaaliya — Taliska Guutada 16-aad ee Kumaandooska Danab ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa si diirran u soo dhaweeyay wafdi ka socday Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA) oo maanta booqasho shaqo ku yimid fadhiyada Guutada 16’aad.
Wafdiga NIRA ayaa halkaasi ka bilaabay diiwaangelinta lagu siinayo saraakiisha iyo askarta Guutada 16-aad Kaarka Aqoonsiga Qaranka, si loo xaqiijiyo helitaanka adeeggan muhiimka ah iyada oo lagu fududeynayo goobahooda shaqo.
Taliyaha Guutada 16-aad Kumaandooska Danab, Gaashaanle Sare Cabdicasiis Xuseen Maxamed, oo goob joog ka ahaa hawsha, ayaa si weyn u bogaadiyay uguna mahadceliyay Hay’adda NIRA sida ay u soo gaareen ciidamada, islamarkaana ay u muujiyeen mudnaan gaar ah.
“Waxaan si weyn u soo dhaweyneynaa Hay’adda NIRA oo noo timid, kana shaqeysay diiwaangelinta askarteena si eey u helaan adeega dowladda iyaga oo ku sugan goobahooda shaqo. Tani waa tallaabo muhiim ah oo sare u qaadeysa helitaanka adeegyada dowliga ah ee ciidanka,” ayuu yiri Taliyaha Guutada.
Taliska Guutada 16-aad ayaa tilmaamay in tallaabadan ay muujineyso sida Hay’adda NIRA uga go’an tahay in ay gaarsiiso adeegyada dowliga ah dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed, gaar ahaan ciidamada ku jira difaaca qaranka.
Ugu dambeyn, Taliska Guutada 16-aad Kumaandooska Danab ayaa adkeeyay in ay sii xoojin doonaan iskaashiga ay la leeyihiin hay’adaha dowladda, si loo horumariyo adeegyada loo fidinayo ciidamada iyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed.
— DHAMMAAD —
22/04/2026
Kumaandooska Danab ayaa qeeb muhiim ka ah Ciidanka XDS ee ku howlan howlgalada ka dhanka ah Argagixisada kuwaas oo looga sifeynayo deegano iyo Dagmoyin ka tirsan gobalada Dalka
Kuwa Hurdada Udiidey Khawaariijta
Geesiyaasha Guutada 16-aad Kumaandooska Danab
19/04/2026
Ma nihin kuwa raaxo doortay
Ee Waxaan nahay kuwa u taagan
badbaadinta ummadda soomaaliyeed
Nagalaso Xiriir 575
Hogaamiyaha Kumandooksa Danab XDS
KUMAANDOOSKA DANAB OO GODADKII QUMBI KU JABIYAY KHAWAARIJTA – JAB CULUS OO LA GAARSIYAY JUBBADA HOOSE
Click here to claim your Sponsored Listing.
Location
Category
Contact the business
Telephone
Website
Address
Mogadishu
