30/05/2026
GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA EE BJFS OO KA QEYB GALAY DHAARINTA XILDHIBAANADA CUSUB EE GOLAHA WAKIILADA DOWLAD GOBOLEEDKA KOONFUR GALBEED.
Baydhabo-Soomaaliya 30, May, 2026: Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa magaalada Baydhabo ee caasimadda KMG ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed uga qeyb galay munaasabadda Dhaarinta Xildhibaanada cusub ee Golaha Wakiilada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka oo khudbad ka jeediyey munaasabadda dhaarinta Xildhibaanada cusub ee Golaha wakiilada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa marka h**e hambalyo iyo bogaadin u diray Xildhibaanada cusub ee maanta loo dhaariyey mas’uuliyadda loo igmaday, asigoo Alle uga baryey inuu ku guuleeyo gudashada waajibaadka culus ee loo doortay
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa u rajeeyey Xildhibaanada in ay si daacadnimo, hufnaan iyo xilkasnimo leh ugu adeegaan shacabka, isla markaana ka shaqeeyaan horumarka, midnimada iyo danta guud ee bulshada iyo deegaannada Koonfur Galbeed.
27/05/2026
GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA EE BJFS OO SHACAB IYO MAS’UULIYIIN SALAADDA CIIDA KULA TUKADAY BAYDHABO.
Baydhabo, Soomaaliya - 27 May, 2026: Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta shacab iyo mas’uuliyiin kula tukaday salaadda Ciid al-Adxa Magaalada Baydhabo caasimadda KMG ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka, wuxuu hambalyo u diray guud ahaan Ummadda Islaamka, gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, isaga oo Alle SWT uga baryey inuu ciidan ciideeda kale ku gaarsiiyo nabad, horumar, barwaaqo iyo midnimo waarta.
15/05/2026
GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA EE BJFS OO KA QEYB GALAY SALAADDA JANAASADA EE SARAAKIISHII SHALAY SHAHIIDAY.
Baydhabo, Soomaaliya - 15 May, 2026: Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay wehliyaan Hogaamiyaha KMG ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, mas’uuliyiin kale iyo saraakiil ayaa ka qeyb galay salaadda janaasada ee taliyihii Guutada 9-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Gaashaanle Sare Yoonis Aadan Xasan iyo Taliyihii Guutada 8-aad Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Gaashaanle Cali Caddow Maxamed oo shalay ku shahiiday howlgal lagu baacsanayey Khawaariijta oo ka dhacay duleydka Magaalada Baydhabo.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sheegay in saraakiishan iyo geesiyaashii kale ee la shahiiday ay geeriyoodeen iyagoo Khawaariij ka difaacaya diintooda, dadkooda iyo dalkooda, wuxuuna dhamaantood Rabbi SWT uga baryey inuu naxriistiisa jano ka waraabiyo, intii dhaawacantayna uu bogsiimo deg deg ah siiyo, sidoo kalena qoysaskooda iyo qaraabadooda iyo guud ahaan umadda Soomaaliyeedna samir iyo iimaan ka siiyo.
Guddoomiye Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa sheegay halgankii iyo ujeedooyinkii halyeeyadan ee ahaa la dagaalanka iyo ciribtirka Khawaariijta ay sii socon doonaan ilaa cadowga diinteena, dadkeena iyo dalkeena kusoo duulay laga ciribtirayo guud ahaan dalkeena.
11/05/2026
Muqdisho-Soomaaliya 11, May, 2026: Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xarunta Guddoonka iyo Guddiyada ee Villa Hargeysa, waxaana shir guddoomineysay Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar.
Ajendaha kulanka oo ahaa Dhaarinta wasiirka cusub ee wasaaradda warfaafinta, ayaa Garsoore Cabdiqafaar Xuseen Isaaq oo ka socday Maxkamadda sare ee dalka, sidoo kalena wakiil ka ah Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka ayaa dhaariyey Wasiirka cusub ee wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud.
30/04/2026
INNAA LILLAAH WA INNAA ILEEHI RAAJICUUN.
Baydhabo, Soomaaliya - 01, May, 2026: Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa ka tacsiyeeyey geerida Allaha ha u naxriistee Marxuum Colonel Axmedey Cumurow oo ka tirsanaa saraakiishii muddada dheer u soo shaqeeyay dalka, kaasoo ku geeriyooday magaalada Muqdisho.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka dalka ayaa sheegay in Allaha ha u naxriistee marxuumka intii uu noolaa kaalin muhiim ah kasoo qaatay difaaca dadka iyo dalka Soomaaliyeed, waxaana uu Alle SWT uga baryey inuu naxriistiisa jano ka waraabiyo, sidoo kalena guud ahaan dadka Soomaaliyeed gaar ahaan qoyskiisa iyo qaraabadiisana uu samir iyo iimaan ka siiyo.
26/04/2026
GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA EE BJFS OO SI WEYN LOOGU SOO DHOWEEYEY MAGAALADA BAYDHABO.
Baydhabo-Soomaaliya 26, April, 2026: Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi isugu jira wasiiro iyo Xildhibaano uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Baydhabo, waxaana garoonka diyaaradaha ee Shaati Guduud kusoo dhoweeyey hogaamiyaha Kmg ah ee maamulka Koonfur Galbeed, wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan maamuulka Koonfur Galbeed, Odayaasha dhaqanka iyo sidoo kale qeybaha kala duwan ee Bulshada Magaalada Baydhabo.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka oo garoonka kula hadlay mas’uuliyiinta iyo bulshada soo dhoweysay ayaa uga mahadceliyey soo dhoweynta diiran ee ay u sameeyeen, isagoo sheegay in inta uu ku suganyahay Magaalada Baydhabo ay kulamo kala duwan la qaadan doonaan maamulka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada deegaanada Koonfur Galbeed.
Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa tilmaamay in dhowaan deegaanada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ay ka dhici doonto doorasho ay ku qanacsanyihiin dadka reer Koonfur Galbeed, kaasoo ka shaqeyn doona adeegyada dowladnimo ee ay xaqa u leeyihiin.
DHAMMAAD.
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Agaasimaha Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta ee Golaha Shacabka BJFS.
Ibraahim Guudle Isxaaq
[email protected]
[email protected]
[email protected]
Twitter/X: Golaha_shac_JFS
Website: gsh.parliament.gov.so
Muqdisho, Soomaaliya.
19/04/2026
SHIRWEYNIHII MIDOWGA BAARLAMAANADA ADUUNKA OO LAGU SOO GABA GABEEYEY MAGAALADA ISTANBUL EE DALKA TURKIGA.
Istanbul-Turkiga 19, April, 2026: Shirweynihii Midowga Baarlamaanada Aduunka ee ka socday Magaalada Istanbul ee Dalka Turkiga ayaa maanta lasoo gaba gabeeyey, waxaana shirkaasi Soomaaliya ku matalayey wafdi Xildhibaano ah oo ka tirsan Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya labadiisa Aqal oo uu hogaaminayo Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow.
Shirweynaha 152-aad ee Midowga Baarlamaanada Aduunka ayaa sanadkan looga hadlay arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin nabadda iyo amniga caalamka, isbeddelka cimilada, horumar waara, dimuqraadiyadda, iyo sidoo kale xoojinta iskaashiga baarlamaannada Aduunka, waxaana Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow oo shirka khudbad ka jeediyey uu kaga hadlay arrimo ay ka mid yihiin Kobcinta rajada, sugidda nabadgelyada iyo hubinta caddaaladda jiilalka mustaqbalka, isagoo xusay in Soomaaliya ay ka go’an tahay xoojinta nabadda, horumarinta dowladnimada iyo ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta.
Sidoo kale, shirweynaha intii uu socday waxaa barbar socday kulamo gaar gaar ah iyo doodo muhiim ah, iyadoo shirka lagu doortay Xoghayaha Joogtada ah ee Midowga Baarlamaanada Aduunka oo ay ku guuleysatay Marwo Anda Filip oo kasoo jeeda dalka Romania.
DHAMMAAD.
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Agaasimaha Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta ee Golaha Shacabka BJFS.
Ibraahim Guudle Isxaaq
[email protected]
[email protected]
[email protected]
Twitter/X: Golaha_shac_JFS
Website: gsh.parliament.gov.so
Muqdisho, Soomaaliya.
18/04/2026
INNAA LILLAAH WA INNAA ILEEHI RAAJICUUN.
Muqdisho-Soomaaliya 18, April, 2026:Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Allaha ha u naxriistee marxuum Cabdi Khaliif Maxamed oo ah Aabaha Xildhibaan Cabdullaahi Cabdi Maxamed oo ku geeriyooday Magaalada Hargeysa.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa marxuumka Alle SWT uga baryey inuu naxriistiisa jano ka waraabiyo, dhamaan ehelkiisa iyo qaraabadiisana uu samir iyo iimaan ka siiyo.