SONNA

Call Directions Website Contact the organization

SONNA This is the official page of Somali National News Agency SONNA. https://t.me/SONNALive

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO MADASHA AL-CALAMAYN KU SOO BANDHIGAY FURSADAHA MAALGASHI IYO DHAQAALE EE SOOMAALIYAAl-Calamay...
03/10/2026

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO MADASHA AL-CALAMAYN KU SOO BANDHIGAY FURSADAHA MAALGASHI IYO DHAQAALE EE SOOMAALIYA

Al-Calamayn, Oktoobar, 03, 2026: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Al-calameyn ee dalka Masar kaga qaybgalay Madasha Ganacsiga Alcalamayn–Afrika, oo ay isugu yimaadeen madax, wasiirro, hoggaamiyeyaal, maalgashadeyaal iyo hay’adaha maaliyadeed ee qaaradda Afrika.

Madaxweynaha ayaa khudbaddiisa kaga hadlay isbeddellada dhaqaale iyo siyaasadeed ee dunida, muhiimadda iskaashiga iyo isku-xirka dhaqaale ee Afrika, isagoo soo bandhigay baahida loo qabo in dalalka qaaraddu ay si wanaagsan uga faa’iidaystaan khayraadkooda, awoodda dadkooda iyo fursadaha maalgashi ee ka jira suuqyada Afrika.

“Soomaaliya ma ahan oo keliya dal ka soo kabanaya colaado, waa dal dib u dhismaya oo dib-u-habeynaya dhaqaalihiisa. Waxa aan u furan nahay ganacsiga iyo maalgashiga, waana soo dhoweynaynaa cid kasta oo diyaar u ah in ay nala dhisto".

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu baaqay ganacsatada Afrika, shirkadaha iyo maalgashadeyaasha caalamiga ah in ay ka qaybqaataan fursadaha ka jira Soomaaliya, isaga oo caddeeyay in maalgashiga wax-soo-saarka leh uu muhiim u yahay abuurista shaqooyin, kobcinta dhaqaalaha iyo horumar waara.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa adkeeyay in mustaqbalka dhaqaale ee Afrika uu ku xirnaan doono iskaashi iyo maalgashi dhaqaale oo xooggan, iyadoo dalalka qaaraddu ay si wadajir ah u horumarinayaan ganacsiga, kaabeyaasha dhaqaalaha, maalgelinta iyo isku-xirka suuqyada.

DHAMMAAD

03/10/2026

“Dalka waxaa ka socday horumar dhinacyo kala duwan ah doorasadii qof iyo codka oo la hirgeliyay, hormarinta Caafimaadka oo guul laga gaaray, dhallinyarow maanta dalka waxa uu u baahan yahay doorkiina iyo in aad ku eegtaan maskax fiyow iyo indho soo jeeda”.

Wasiir kuxigeenka Caafimaadka XFS Maxamed Xasan Bulaale.

03/10/2026

Urur siyaasadeedyadii ka qayb galay doorashadii ka dhacaday Hirshabeelle ayaa soo dhoweeyey natiijadii ka soo baxday doorashadaas, ee uu ku dhawaaqay Guddiga Doorashooyinka Qaranka.

War-saxaadeed ay wadajir u soo saarayn waxaa warbaahinta u akhriyey Guddoomiyaha Urur siyaasadeedka Madalsan Mukhtaar Xuseen Weheliye

03/10/2026

Guddoomiyaha Golaha Dhallinyarada Qaranka Cabdikaafi Maxamuud Makaraan "Maalmahaan waxaan wadnay wacyigelin ku aadan xaaladaha la filayo ee El-Nino".

Wafdi oo uu hoggaaminayay Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho, Mudane Amb Maxamed Cali Nuur Ameeriko, ayna ka mid ahaaye...
03/10/2026

Wafdi oo uu hoggaaminayay Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho, Mudane Amb Maxamed Cali Nuur Ameeriko, ayna ka mid ahaayeen Maareeyaha Guud ee Dekedaha Soomaaliya Cabdulqaadir Xaaji Xasan (Gureey), Prof. Khalid Macow, Ku-xigeenka Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Talyaaniga & Mudane Abdullahi Hamud Wasiiru-Dowlihii h**e ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha JFS, ayaa booqasho shaqo ku tagay magaalada Trieste ee Gobolka Friuli Venezia Giulia, Talyaaniga.

Booqashada ayaa ku timid casuumaad uu fidiyey Dr. Ahmed Faghi Elmi, Guddoomiyaha ANOLF FVG APS, iyadoo qayb ka ahayd mashruuca FORLIS, oo uu taageero Gobolka Friuli Venezia Giulia, laguna xoojinayo iskaashiga Soomaaliya iyo Talyaaniga ee dhinacyada saadka dekedaha, waxbarashada iyo horumarinta xirfadaha dhallinyarada Soomaaliyeed.

Intii ay booqashadu socotay, wafdigu wuxuu kulamo la yeeshay hay’adaha Gobolka Friuli Venezia Giulia, Golaha Gobolka, Dowladda Hoose ee Trieste, Prefettura, Akadeemiyadda Badda Adriatico iyo Dekedda Trieste. Kulamada waxaa sidoo kale looga hadlay fursadaha iskaashi ee mustaqbalka, oo ay ka mid tahay mataannaynta Dekedda Muqdisho iyo Dekedda Trieste.

Mashruuca FORLIS wuxuu qorsheynayaa in 14 dhallinyaro Soomaaliyeed ah, 7 gabdhood iyo 7 wiil, loo diyaariyo waxbarasho iyo tababar laba sano ah oo ku saabsan saadka iyo howlaha dekedaha, iyadoo marxaladda koowaad ay Muqdisho ku baran doonaan afka Talyaaniga.

Booqashadu waxay sii xoojisay xiriirka iyo wada-shaqeynta hay’adaha Soomaaliya iyo Gobolka Friuli Venezia Giulia, iyadoo mudnaan gaar ah la siinayo waxbarashada, tababarka xirfadeed, badbaadada shaqada, horumarinta saadka dekedaha iyo abuurista fursado waara oo loogu talagalay dhallinyarada Soomaaliyeed.

03/10/2026

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka C/kariin Axmed Xasan oo warbaahinta kula hadlay magaalada Jowhar, ayaa ku dhawaaqay natiijada doorashadii arbacadii ka dhacday Hirshabeelle.

03/10/2026

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed Mudane Shekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa Guddoomiyey shirka Golaha Wasiirrada Koonfur Galbeed oo looga hadlay xaaladda guud ee amniga, xoojinta nabadgelyada iyo dardargelinta geeddi-socodka dib-u-heshiisiinta bulshada.

Wasiirka Warfaafinta Koonfur Galbeed Nuur Siidow ayaa kahadlay muhiimadda shirka.

WAR-SAXAAFADEEDDowladda Federaalka Soomaaliya waxay cambaareyneysaa weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee u adeegta ...
03/10/2026

WAR-SAXAAFADEED

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay cambaareyneysaa weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee u adeegta Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiinah

Muqdisho, 3 Oktoobar 2026,Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee JFS waxay si adag u cambaareyneysaa weerarka lagu qaaday xarun koronto taas oo bixisa adeegga korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee magaalada Madiinah, Boqortooyada aan walaalaha nahay ee Sacuudi Carabiya.

Wasaaraddu waxay u aragtaa weerarkaan lagu qaaday kaabayaasha rayidka ah ee u adeegaya mid ka mid ah goobaha ugu barakeysan Islaamka inuu meel ka dhac ku yahay karaamada iyo xurmada Goobaha Barakeysan.

Sidoo kale, waa xadgudub cad oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah iyo madaxbannaanida Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si buuxda u garab taagan tahay Dowladda iyo shacabka Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Soomaaliya waxay taageereysaa dadaallada Boqortooyada Sacuudiga ku ilaalinayso madaxbannaanideeda iyo amnigeeda, iyo sidoo kale badbaadada muwaadiniinteeda, dadka deggan iyo ku soo booqanaya goobaha barakeysan.

Iyadoo Soomaaliya ay xubin ka tahay Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC), waxay si cad u diiddan tahay dhammaan falalka khatarta ku ah xasilloonida gobolka, waxayna ku baaqeysaa in lala xisaabtamo cid kasta oo ka dambeysa weerarkan.

SOOMAALIYA IYO OHCHR OO GENEVA KU SOO BANDHIGAY HORUMARKA XUQUUQUL INSAANKA IYO HANNAANKA KALA-GUURKA EE SOOMAALIYAGenev...
03/10/2026

SOOMAALIYA IYO OHCHR OO GENEVA KU SOO BANDHIGAY HORUMARKA XUQUUQUL INSAANKA IYO HANNAANKA KALA-GUURKA EE SOOMAALIYA

Geneva, Switzerland — Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS, Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa khudbad ka jeedisay Kulan-Doceed heer sare ah inta lagu guda jiray Kalfadhiga Rasmiga ah 63-aad ee Golaha Xuquuqul Insaanka oo looga hadlay xaaladda Xuquuqul Insaanka Soomaaliya, horumarrada laga sameeyay iyo Hannaanka Kala-guurka Xuquuqul Insaanka Soomaaliya. Kulanka oo ka dhacay xarunta Qaramada Midoobay ee magaalada Geneva ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee lagu xoojinayo ilaalinta iyo horumarinta Xuquuqul Insaanka.

Wasiiradda ayaa tilmaantay in Soomaaliya markii ugu horraysay muddo ka badan Soddon Sano ay si toos ah warbixinnadeeda ku soo gudbinayso hannaanka rasmiga ah ee Golaha Xuquuqul Insaanka iyo habraacyada warbixinnada ee Golaha, iyadoo Soomaaliya ay ka go’an tahay inay si joogto ah uga qaybqaadato ulana shaqayso nidaamka caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka. Waxay sidoo kale xustay muhiimadda Qaraarka Golaha Xuquuqul Insaanka ee 60/28, oo qayb muhiim ah ka ah jihada iyo dadaallada la xiriira marxaladda kala-guurka iyo xoojinta iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya, gaar ahaan dar-dar gelinta furista Xafiiska OHCHR ee Muqdisho.

Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa si gaar ah u adkaysay in kala-guurka (transition) uu yahay arrin muhiim u ah marxaladda cusub ee Soomaaliya, isla markaana uu yahay mawduuc si weyn uga dhex muuqan doona doodaha iyo hawlaha kalfadhigan 63-aad ee Golaha Xuquuqul Insaanka ee Geneva iyo sidoo kale kulamada Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ee New York. Waxay sheegtay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay diyaar u tahay inay si mas’uuliyad leh u qaadanayso doorkeeda cusub ee ka dhalanaya kal-guurka, iyadoo sii xoojinaysa hay’adaha qaranka iyo hannaanada lagu ilaalinayo Xuquuqul Insaanka.

Ugu dambeyn, Wasiiradda ayaa caalamka la wadaagtay horumarka ay Soomaaliya ka sameysay dhismaha hay’adaha Xuquuqul Insaanka iyo horumarinta shuruucda muhiimka ah, gaar ahaan hirgelinta Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka, iyadoo caddeysay in Soomaaliya ay ka go’an tahay ilaalinta iyo horumarinta xuquuqul insaanka. Waxay sidoo kale uga mahadcelisay Qaramada Midoobay, hay’adaha caalamiga ah iyo dhammaan saaxiibbada Soomaaliya taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan yihiin dalka, iyadoo adkaysay in iskaashiga caalamiga ah uu muhiim u yahay guusha iyo sii ambaqaadka hannaanka kala-guurka.

03/10/2026

DEGDEG: Goordhow la soco natiijada Doorashadii qof iyo codka ahayd ee Hirshabeelle.

Address

Villa
Mogadishu
252

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when SONNA posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to SONNA:

Shortcuts

Share