SONNA

SONNA

Share

This is the official page of Somali National News Agency SONNA. https://t.me/SONNALive

Photos from SONNA's post 31/05/2026

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha XFS Xasan Xuseen Maxamed Eelaay, Taliye Kuxigeenka Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed General Cirro iyo saraakiil kale oo ka tirsan Ciidamada Qaranka ayaa kormeer dhiirigelin ah ugu tegay Ciidanka Xoogga sugan duleedka magaalada Baydhabo.

Wasiirka iyo saraakiisha ayaa geesiyaasha ku amaanay sida Shacabka Soomaaliyeed uga difaacayaan Khawaarijta, waxaana ay farriin u direen maleyshiyaadka duurka ku jira si ay isu soo dhiibaan.

31/05/2026

Kulan lagu taageeray dardar-gelinta doorashooyinka qof iyo codka ah ee dalka ka socda, garab istaagna loogu muujiyey Madaxda Qaranka ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.

31/05/2026

WARGELIN: DIIWAAN-GELINTA XOG-DHOWRAYAASHA IYO
XOG-ADEEGSADAYAASHA

Iyadoo la tixraacayo Qodobka 32-aad ee Sharciga Dhowrista Xogta (Sharci Lr. 005 ee 2023), Hay’adda Dhowrista Xogta Soomaaliyeed waxay ogeysiinaysaa dhammaan Xog-dhowrayaasha (Data Controllers) iyo Xog-adeegsadayaasha (Data Processors) ee ka hawlgala Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya in la bilaabay
diiwaangelinta hay’adaha iyo shirkadaha adeegsada xogta
shakhsiga ah, si loo xaqiijiyo ilaalinta xogta muwaadiniinta iyo u hoggaansanaanta sharciga dalka.

Hay’addu waxay qabaneysaa codsiyada diiwaangelinta, waxayna shahaadada rasmiga ah ee diiwaangelinta siin doontaa hay’adaha iyo shirkadaha buuxiya dhammaan shuruudaha ay Hay’addu dejisay.

Sidaa darteed, dhammaan hay’adaha iyo shirkadaha ku lug leh uruurinta, kaydinta, adeegsiga, gudbinta, ama shaacinta xogta shakhsiga ah, waxaa la farayaa inay u hoggaansamaan waajibaadka
diiwaangelinta iyo dhowrista xogta ee uu dhigayo Sharciga Dhowrista Xogta.

Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan shuruudaha diiwaan-gelinta, habraaca codsiga, iyo foomamka la xiriira waxaa laga heli karaa mareegta rasmiga ah ee Hay’adda: https://dpa.gov.so/

Sidoo kale, waxaad Hay’adda kala xiriiri kartaa iimaylka [email protected], ama waxaad si toos ah ugu tegi kartaa xarunta Hay’adda inta lagu
jiro saacadaha shaqada.

31/05/2026

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS ahna musharrax Madaxweynaha Dowlad Goboleedka KGS, ayaa ku deeqay ku dhowaad 20 neef oo geel ah oo dhiirrigelin iyo taageero loogu talagalay ciidamada amniga ee ka howlgala magaalada Baydhabo.

Photos from SONNA's post 31/05/2026

Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala.

Dhaarinta Xildhibaanada Koofur-Galbeed: Riyadii hadda waa run.

Shalay, Magaalada Baydhabo waxaa lagu dhaariyay Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Dawlad-goboleedka Koofur Galbeed, waxay nasiib u yeesheen inay noqdaan Xildhibaanadii ugu horeeyay ee Dawlad Goboleed marka laga reebo Soomaaliland ee lagu soo doorto Nidaamka Qof iyo Cod, kuna dhisan Xisbiyo.

Waa talaabo hirgalinteeda loosoo maray jid adag, waa himilo soo jireen ah oo dad badan oo Soomaaliyeed ay rajaynayeen in ay Maalin uun goobjoog ka noqdaan.

Qormadaan, waxaan ku dul istaagi doonaa Sadex xaqiiqo, Sadex Fursadood, afar Iftiimin, Hal dardaaran, hal digniin iyo hal xusuus oo xisaab celin ah.

Xaqiiqo 1, waa talaabo inaga raraysa nidaamkii Doorashooyinka ee Dadbanaa ee aan kusoo jirnay Tobankii Sano ee tagtay, Kii xulista halka Oday ee 2012, iyo kuwii ka horeeyay ee hogaamiye kooxeedyadu lahaayeen awoodda, sidaas awgeed waxay bilaw u tahay kala guur rasmi ah oo aan ugu guurnay nidaamka Dimuquraadiyadda.

Xaqiiqo 2, waxay furtay albaabka awood siinta dadwaynaha, iyada oo Xildhibaanadaani ay noqonayaan kuwii ugu horeeyay ee ku fadhiya Codka Shacabkooda, halkaasna waa kala guur kale oo dhab ah, waxaan ka guurnay awoodii halka Qof, anagoo u guurnay awoodda ay Shacabku leeyihiin.

Xaqiiqo 3, waxay ku fadhiyaan Xildhibaanada cusub Nidaamka Xisbiyada taas oo iyana ah albaab cusub oo u furmay nidaamka Siyaasadeed ee Dalka, tanina waa bilawga kala guurka sadexaad ee Nidaamka Qabaailka aan uga guurayno kan xisbiyada.

Fursado.

Kala guurkaani, wuxuu abuurayaa fursado dahabi ah.

Fursad 1, wuxuu awoodaynayaa Shacabka Soomaaliyeed oo talada Dalkooda marti ka ahaa in ka badan Nus-qarni, kuwaas oo hadda noqonaya cidda leh awoodda soosaarista hogaamiyayaasha, taas oo dhalidoonta Dawlad haysata kalsoonida iyo Sharciyadda Dadkeeda iyagana u xisaab celisa.

Fursad 2, waxeey hoos u dhigaysaa nidaamka Qabaliga ah ee kala qaybinaya Shacabkeenna waxa ayna abuuraysaa Nidaam Xisbiyo ah kaas oo midaynaya Bulshada kuna midaynaya Aragti halkii ay isku raaci lahaayeen Qabiil.

Fursad 3, waxeey kor u qaadaysaa sumcadda Dawladnimadeena oo buuuxindoonta halbeegyada Caalamiga ah ee Dawladnimada ku dhisan Dimuquraadiyadda.

Iftiimin.

Dhamaystirka Kala Guurka.

Waxaan hadda bartanka uga jirnaa geediga kala guurkaan, si aan u dhamaystirnana waxaa jira dhawr qodob oo iyana mudan in aan maskaxda galino.

Iftiimin 1, maadaama ay tahay hawl adag, caqabado badan, cadaw xooganna leh, waxa ugu wayn ee aan u baahanahay waa adkaysi iyo isku duubni.

Iftiimin 2, waxa labaad waa feejignaan in aan nala qaldin, nala cabsi galin ama nala weecin maadaama hubka ugu wayn ee la doonayo in lagu hor istaago himiladaan ay tahay in si khaldan loogu fasiro Bulshadeenna.

Iftiimin 3, in aan gacanta ka qabano kuwa doonaya in ay dib inoo celiyaan, caqli iyo cudud hadba tii haboonna kaashano ayaa ah qodob kale oo mudan xusuusnaan.

Iftiimin 4, in Shacabkeenu muujiyo in tani ay tahay tiisa cidkasta oo hor istaagtana ay tahay cid awoodda iyo milkiyadda Dawladnimada u diidan Dadwaynaha.

Hal Dardaaran iyo hal digniin.

Dadkaygoow , mid waa dardaaran, marxaladaan waa mid taariikhi ah sidaas awgeed waa in aan si midnimo iyo waddaniyad leh u garab istaagno, mid kalana waa digtaanaashiyo, jidka aan marayno waa mid adag, Caqabado leh, cillado badan sababtuna waa duruufaha Dalkeenu ku jiro, sidaas awgeed waa in aan ka feejignaano cidkasta oo doonaysa in ay si khaldan uga faaiidaysato duruufahaas kuna hor istaagto himilooyinkeenna Qaran.

Hal xusuusin iyo xisaab celin ah, tani waa oofinta balanqaadkii Madaxwayne Dr Xasan Sheekh Maxamuud ee ku xusnaa Barnaamij Siyaasadeedkiisii xlligii doorashada 2022,dii, iyo Balanqaadkii Xukuumadda Dan,Qaran ee ku caddaa Barnaamijkii Baarlamaanku ku ansixiyay xukuumadda isla Sanadkaas.

Alle ayaa mahadsan.

Photos from SONNA's post 31/05/2026

Kala guurka Togan.

Dhaarinta Xildhibaanada Koofur-Galbeed: Riyadii hadda waa run .

Shalay, Magaalada Baydhabo waxaa lagu dhaariyay Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Dawlad-goboleedka Koofur Galbeed, waxeey nasiib u yeesheen Xildhibaanadii ugu horeeyay ee Dawlad Goboleed marka laga reebo Soomaaliland ee lagusoo doorto Nidaamka Qof iyo Cod kuna dhisan Xisbiyo.

Waa talaabo hirgalinteeda loosoo maray jid adag, waa himilo soo jireen ah oo dad badan oo Soomaaliyeed ay rajaynayeen in ay Maalin uun goob joog ka noqdaan.

qormadaan, waxaan ku dul istaagidoonaa Sadex xaqiiqo, Sadex Fursadood, afar Iftiimin, Hal dardaaran, hal digniin iyo hal xusuus iyo xisaab celin ah.

Xaqiiqo 1, waa talaabo inaga raraysa nidaamkii Doorashooyinka ee Dadbanaa ee aan kusoo jirnay Tobankii Sano ee tagtay, Kii xulista halka Oday ee 2012, iyo kuwii ka horeeyay ee hogaamiye kooxeedyadu lahaayeen awoodda, sidaas awgeed waxeey bilaw u tahay kala guur rasmi ah oo aan ugu guurnay nidaamka Dimuquraadiyadda.

Xaqiiqo 2, waxeey furtay albaabka awood siinta Dadwaynaha iyada oo Xildhibaanadaani ay noqonayaan kuwii ugu horeeyay ee ku fadhiya Codka Shacabkooda, halkaasna waa kala guur kale oo dhab ah, waxaan ka guurnay awoodii halka Qof una guurnay awoodda ay Shacabku leeyihiin.

Xaqiiqo 3, waxeey ku fadhiyaan Xildhibaanada cusub Nidaamka Xisbiyada taas oo iyana ah albaab cusub oo u furmay nidaamka Siyaasadeed ee Dalka, tanina waa bilawga kala guurka sadexaad ee Nidaamka Qabaailka aan uga guurayno kan xisbiyada.

Fursado.

Kala guurkaani, wuxuu abuurayaa fursado dahabi ah.

Fursad 1, wuxuu awoodaynayaa Shacabka Soomaaliyeed oo talada Dalkooda marti ka ahaa in ka badan Nus-qarni, kuwaas oo hadda noqonaya cidda leh awoodda soosaarista hogaamiyayaasha, taas oo dhalidoonta Dawlad haysata kalsoonida iyo Sharciyadda Dadkeeda iyagana u xisaab celisa.

Fursad 2, waxeey hoos u dhigaysaa nidaamka Qabaliga ah ee kala qaybinaya Shacabkeenna waxa ayna abuuraysaa Nidaam Xisbiyo ah kaas oo midaynaya Bulshada kuna midaynaya Aragti halkii ay isku raaci lahaayeen Qabiil.

Fursad 3, waxeey kor u qaadaysaa sumcadda Dawladnimadeena oo buuuxindoonta halbeegyada Caalamiga ah ee Dawladnimada ku dhisan Dimuquraadiyadda.

Iftiimin.

Dhamaystirka Kala Guurka.

Waxaan hadda bartanka uga jirnaa geediga kala guurkaan, si aan u dhamaystirnana waxaa jira dhawr qodob oo iyana mudan in aan maskaxda galino.

Iftiimin 1, maadaama ay tahay hawl adag, caqabado badan, cadaw xooganna leh, waxa ugu wayn ee aan u baahanahay waa adkaysi iyo isku duubni.

Iftiimin 2, waxa labaad waa feejignaan in aan nala qaldin, nala cabsi galin ama nala weecin maadaama hubka ugu wayn ee la doonayo in lagu hor istaago himiladaan ay tahay in si khaldan loogu fasiro Bulshadeenna.

Iftiimin 3, in aan gacanta ka qabano kuwa doonaya in ay dib inoo celiyaan, caqli iyo cudud hadba tii haboonna kaashano ayaa ah qodob kale oo mudan xusuusnaan.

Iftiimin 4, in Shacabkeenu muujiyo in tani ay tahay tiisa cidkasta oo hor istaagtana ay tahay cid awoodda iyo milkiyadda Dawladnimada u diidan Dadwaynaha.

Hal Dardaaran iyo hal digniin.

Dadkaygoow , mid waa dardaaran, marxaladaan waa mid taariikhi ah sidaas awgeed waa in aan si midnimo iyo waddaniyad leh u garab istaagno, mid kalana waa digtaanaashiyo, jidka aan marayno waa mid adag, Caqabado leh, cillado badan sababtuna waa duruufaha Dalkeenu ku jiro, sidaas awgeed waa in aan ka feejignaano cidkasta oo doonaysa in ay si khaldan uga faaiidaysato duruufahaas kuna hor istaagto himilooyinkeenna Qaran.

Hal xusuusin iyo xisaab celin ah, tani waa oofinta balanqaadkii Madaxwayne Dr Xasan Sheekh Maxamuud ee ku xusnaa Barnaamij Siyaasadeedkiisii xlligii doorashada 2022,dii, iyo Balanqaadkii Xukuumadda Dan,Qaran ee ku caddaa Barnaamijkii Baarlamaanku ku ansixiyay xukuumadda isla Sanadkaas.

Alle ayaa mahadsan.

Waxaa qoray Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane C/raxmaan Yuusuf Cumar Al-Cadaala

30/05/2026

Gudoomiye Ku-xigenka Guddiga Doorashooyinka Qaranka Saadaq Abshir Garaad, “Koonfur Galbeed waxaa ka dhacday doorasho ka farxisay dadka Soomaaliyeed iyo inta guusheena jecel, munaasabadda dhaarinta Golaha Wakiillada KGS ee maanta aan joogno waa guul taariikhi ah.”

Photos from SONNA's post 30/05/2026

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa kulan la qaatay Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, General Cabdullaahi Aadan Xuseen (Cirro), oo ay wehliyaan Taliyaha Qeybta 60-aad ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Korneel Isaaq Berdaale, iyo Taliyaha Nabad-sugidda ee Koonfur Galbeed Macalin Saalax Cabdinuur Cali.

Saraakiisha ayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka warbixin ka siiyey shaqaaqadii maanta ka dhacday magaalada Baydhabo iyo sida ay ciidamada amniga ugu guuleysteen soo afjaridda howlgal lagu beegsaday maleeshiyaad isku dayey inay falal amni-darro ka geystaan gudaha magaalada.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa ciidamada amniga uga mahadceliyey dadaalkooda iyo guusha ay ka gaareen soo afjaridda maleeshiyaadkii isku dayey inay carqaladeeyaan amniga magaalada Baydhabo, isagoo bogaadiyey geesinimada iyo heeganka ciidamada kala duwan ee amniga.

30/05/2026

Qaar ka mid ah bulshada Dhuusamareeb ayaa kulan soo dhaweyn ah u sameeyay Taliye Ku-xigeenka Booliska Soomaaliyeed iyo Taliyaha Qaybta Booliska Galmudug.

30/05/2026

Olole nadaafadeed oo maanta laga sameeyay hareeraha Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde.

Want your business to be the top-listed Government Service in Mogadishu?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Telephone

Address

Villa
Mogadishu
252