Dr. Mohamed Jimale

Dr. Mohamed Jimale

Share

Former Rector Somali National University | Veterinarian| Leader| Father Of SNU Reinstatement

"Aabaha Dib Usoo Celinta Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed"

03/06/2026

Allaha u naxariistee Cali Mahdi wuxuu yiri: aniga iyo Walaalkeey Caydiid tol na kala qabta ayaan weynay. Muqdisho “1991 ma helin malaha dadka isugu haray markaasna laguma arag “Ahlul sharafka loo yaqaan “Ahlul Xal Wal Caqd”. Toloow maantana Muqdishu ma laga weyn soonaa waxgaradkaas.
Haddii Muqdishu dagaal magac dawlo leh laakiin “qabiileysan” uu ka dhaco sidaasna dawladdu ku dunto, Soomaaliya Xamar caasimad K**a dhigandoonto arrinkaasna Soomaalidu gar ayey u leedahay.

Photos from Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed's post 07/05/2026

Sharaf Gaar ah ayay ii tahay inaan ka Qaybgalo Shirka Gabagabada Mashruuca .

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed

29/04/2026

Waxaan surwaal madoow oo daba Gaab ah u gashannay in dabkii iyo dambastii dagaalkii sokeeyey iyo hagardaamooyinkii ka dambeeyeya aan ka soo dhex saarno qaran awoodna u leh sugidda amniga dalka oo dhan isla markaana abuura “Cadaalad & Adeeg Bulsho oo dhameystiran”waajibaadka iyo xuquuqdana si dhab ah loogu siman yahay oo cidina aysan sad bursaneyn.

27/03/2026

Madaxda iyo Siyaasiyiinta hadda jirta ma garanayaan miyaa si xal mushkilad jirta loo doono oo aan ahayn qoray iyo Xabbad? Qolooyinka shahaaddooyinka sar sare dibadaha ka soo qaatay oo weliba luqadda Ingriiska wax ku soo baawsaday ma fahamsana miyaa in dadka Soomaaliyeed luqaddoodu tahay Soomaali mise warkaaga Waxaad ugu talagashay Ajaanib aan Soomali ahayn?
Qolooyinka tirada badan ee waxa dhacaya iska eeganaya (eegato) yey xal ka sugayaan?

19/03/2026

Beryahaan waxaa la hurinayaa colaad ka dhex aloosanta dawlad Gobaleedka Koofur Galbeed iyo Dawladda Federaalka. Walaalayaal Soomaalida siyaasadda ku jirta iyagu caqli aan ahayn oo ku muquuniyo mala miyaa?
Ugu yaraan sanad iyo bar ka hor ayaa la ogaa in ragga doonta la saaran Madaxweyne Xassan Sheikh ay ugu dambeyn marka la gaaro waqtiga doorashada ay doontaas ka boodi doonaan tii ayaana hadda dhacday. Madaxweyne dadka kugu hareereysan waa dad iney ku jaqaan mooyee xitaa aan dooneyn inaad guul gaarto, “ baadida ninbaa kula daydayi daalna kaa bada oo aan doonaheyn inaad heshana daa’in abidkaa”. Dad badan waxay ogyihiin kuwa hadda gurbaanka kuu tumaya iney qolooyinkii kalena wada hadal hoose kula jiraa. Madaxweyne maantay ciidan qaran ma haysid ee dagaal ha abaabulin. Tii Maxammed Siyaad Seegtay yey ku seegin. Ummaddu wey ku sharaftay oo laba jeer ayey madaxweyne kaa dhigtay. Xummaan ha ugu abaalgudin oo marnaba ha ka shaqeyn inuu daato dhiig Muslim oo Soomaaliyeed ah. Madaxweyne dalku wuu kala go’go’an yahay qof maantay aad xoog ku muquuni kartana ma jirto runtii ciidan kuu dagaalamayana ma jiro. Xasuuso hadalkaagii ahaa haddaad aragto nin Soomaali ah wadamada deriska ah mocking biday nin kale oo Soomaali ah ayuu ka cararayaa. Ogoow waddamada deriskeenna ah midkoodna ma doonayo inaan dhulka ka kacno ee wey isku keen soofeynayaan.Fadlan carada gadaal u liq ee oday Soomaaliyeed noqo oo usha dhulka dhig. Nabad iyo inaan dalkaani kala tegin guntiga u xiro. Xasuusnoow Cali Mahdi dawladdiisi waxay kala dirtay Xooggii Dalka oo ay tiri “Ciidamada Xoogga Dalku meelwalba oo ay joogaan ha isu dhiibaano Jabhadda meeshaas ka talisa”. Taas ayaa fududeysay in SNM ay go’id ku dhawaaqaan. Haddii aan ciidankaas la kala diri lahayn SNM kuma dhawaaqdeen gooni isu taag. Ilmahaaga taariikh xun ha uga tegin ee usha dhulkaa dhig. Dawladdaadgu dhaqaale iyo xoog ay meel walba ku muquuniso ma laha ee aan kula taliyo ee Raskambooni oo kale ha soo jiidin oo yey kugu dhicin.

29/01/2026

Dadka Muqdisho haka digtoonaadaano iney iibsadaan dhulka Jaamacadda Ummadda. Dhulkaasi ma gadmo waana la dabajoogaa mana laga haraayo ee arrintaasi maskaxda ha lagu haayo inaan dhulkaas uusan gedmin ee ka fikir inaysan lacagtaadu aysan kaa dhiman.

27/12/2025

Haddii ay aqoonsiga la sheegayo uu dhab noqdo waxay noqoneysaa guuldarro ay soo hayda dawladda uu hogaamiyo Xassan Sheikh waqtigeeda ugu badan gelisay sidii u Xakumi lahaa Xamar iyo Xamar Daye. Madaxweyne Xassan Sheikh wuxuu hagardaameeyey reer waqooyi Bari. Madaxweyne Xassan Sheikh, haddii uusan hadda Dariiqa uu hayo uusan wax bedelin, wuxuu qaadi doonaa inuu noqdo madaxweynihii xilligiisii ay Soomaaliya ay kala go’day Sida dawladdii Cali Mahdi uu hogaaminayey ay u qaaday iney SNM u soo faaruqisay gobaladii waqooyi ka dib markii Dawladdiisii ay amartay in ciidamada qalabka sida ay isu dhiibaan Jabhadaha qaybtooda ka taliya taasina waxay dhalisay qaybtii 26aad ee xoogga Dalka uguna awoodda badneyd ay isu dhiibaa. Madaxweyne talada dhulka dhig. Shortened qaran isugu yeer ummadda Soomaaliyeed oo Arrinkaas talo loo dhanyahay a soo saar.

16/10/2025

Dad badan oo dhallinyaro oo ay ku jiraan dhallinyarada reer Jowhar iyo intii magaalo soo gashay wixii ka dambeeyey 1990 ayaan waxaan ka maqlaa iyagoo leh Warshadda Sonkorta ee SNAAY BIYAASA. Warshadda Sokorta ee Jowhar waxaa lagu magacaaba S.N.A.I taasoo ah xarfo laga soo qaabiyey magacaan oo Talyaani ahaa ( Societa’ Nazionale Agricola Industria). Warshaddaasi waxaa ay sameyn jirta Sokor Kali ah.

Qasabka marka Sokorta laga majuujiyo waxaa ka soo hara Gurug (Qashin) kaas oo laga sameyn karo waxyaabo dhawr ah oo ay ka mid yihiin , Alkol, Barafuunno kala duwan, kabaha Caagga ah la qaato marka magaala uu roob ka da’o iyo Khamriga Adag ( Whiskey, Rum, Gim, Vodka iyo kuwo kale). Haddaba 1971-2 ayaa Warshadda SNAI waxaa laga dhinac dhisay warshad kale oo warshadeeysa Gurufka ka soo haray majuujintii qasabka marka marka Sokorta laga saaro. warshadda cusub oo laga dhinac dhisay SNAI waxaana loo baxshay SNAI -BIASA. Warshaddasi waxay soo saaro jirtay alaabaha aan kor ku soo sheegay. Qaraalkaan waxaan doonayaa inaan ku caddeeyo in Jowhar ay ku yaalleen 2 warshadood oo kala ah SNAI oo sokor Kali ah soo saarta iyo SNAI-BISA oo saarta Alkolo, noocyo kala duwan oo Barafuunno ah, Kabo dacas ah . khamriga adag oo qandaraas ay ku Qabeen Soviet Union iyo Kobaha dhaadheer ee dhiiqada laga qaato. Marka magaalada uu roob badan.ka da’o.

Xogtaas waxaa haya oo Kali ah Ciyaal Jowhar- Jannaay. Labadaas warshadood marka laysu geeyo waxaa ka shaqeynjiray 8 kun iyo wax dheer oo isugu jiray. Injineerro noocyo kala duwan ah, Beero yaqaan takhasusyo kala duwan leh, farsamo yaqaanno xirfad Sare lehaa, xisaabiyeyaal iyo Hantidhawayaal, Enjineerro Kiimikada Warshadaha oo kala duwan, xirfadleeyda Xafiisyada kala duwan iyo Shaqaale aad u badan oo muruqmaal ah.
Sidaas ayey ahayd ee ha la ogaado.

Mohamed Jimale Ciyaal Jowhar Jannaay.
Aakhiro Jinno ka Joog Adduunyadan Jowhar ka joog. Waa Hal hays reer Jowhar kii h**e.

18/09/2025

Waxaan Maanta Ka Qaybgalay Munaasabadda Xil-Wareejinta Raktarka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed Midaas oo uu xilka ku Wareejinayay Dr.Xasan Cusmaan Gacal halka Xilka lagu Wareejinayay Raktarka Cusub Dr.Maxamed Maxamuud Maxamed .

Sharaf iyo Milgo ayay ii tahay inaan Arko Jaamacaddii aan dib usoo celiyay Oo Maanta Hoggaankeedu Noqday Qorya isku Dhiib, Arday badanina ay ka Aflaxeen.

Dr. Mohamed Jimale

Want your business to be the top-listed Government Service in Mogadisho?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Telephone

Website

Address


Mogadisho