10/06/2026
Madaxweyne Farmaajo waa nin qaran uu ka maqan yahay ee maaha nin qabiil ka maqan yahay. Raadi waxay ku caddahay soo yaalkiisa madaxtinimo ee dalka oo uu Raiisul wasaare iyo Madaxweyne labadaba ka soo noqday. Waa madaxweyne shacab (people’s president) oo dadku qaar ahaan dhallinyarada iyo dadka aan lacagta lahayni ay aad u jecel yihiin. Waa madaxweynaha Kali ah ee miiska dhigay madaxweynenimadiisa si uu u soo celiyo “reer Waqooyi” (Somaliland) kuna ha naga teginina oo soo noqda, madaxweynaha iyo Caasimaddaba dalka Soomaaliyeed qaata.
Khudbooyinkii madaxweyne Xassan Sheikh markii uu raadinayey madaxweynennimada uu hadda hayo waxaa laga diiwaan Helier “Soomaali Waddan Shisheeye u cararaya haddaad aragto, Soomali kale ayuu ka cararayaa”. Reer Woqooyi madaxdii dalkaan soo martay, marka laga reebo Farmaajo, walaal kaa carooday mudnaantuu lahaa marna ma siin. Waxay ula dhaqmeen si ah “kuna sii deynmeynno sheegashadaadana waxba ka qaban meynno”. Arrinkaas waxaa markhaati ka ah oo ummadda horteeda ka dheegay Cabdikarim Hussein Guuleed oo Madaxweyne Xassan Sheikh h**e ugu magacaabay u qaybsanaha madaxweynaha ee arrimaha Soomaaliland.
Maxamed Cabdullahi Farmajo isaga ayaa isu xilsaaray in arrinka midnimada u garabka u rito. Maadaama nin dawladnimada aad u yaqaan yahayna wuxuu iska ilaaliye in hoostiisa laga adeegto.
Madaxweyne Xassan sidii Adeerkiis Aden Cadde “Reer Woqooyiga u dayac ayuu labadii jeer ee uu xilka qabtay u dayacay. Waxaan rejeynayaa inuu gadaashiisa yimaado hogaamiye sidii “ Cabdirashiid Cali Sharmarke” oo markuu Aden Caade bedelay “reer Woqooyiga” u gobsooray, Maxamed Xaji Ibrahim Cigaalna Raiisul Wasaare uga dhigay.
Tixdaan gabayga ahna waa loogu abaalsheegtay oo la yiri “Ragga Magaca Weyn iyo Hartaan kaala meeldhigaye, ministeerka waa taan ka dhigay Habar Magaadlleye.
Reer Woqooyi ha la qanciyo Hana loo xilsaaro khubaro og waxa lagu diriraye ogna ha loo diro.