19/03/2026
Waxaan dhammaan Umadda Soomaaliyeed ugu hambalyeynayaa munaasabadda barakaysan ee Ciidul-Fidriga πβ¨
Ilaahay ha inaga aqbalo soonkii, salaaddii, iyo camalkii wanaagsanaa ee aan soo gudannay bisha barakaysan ee Ramadaan π€²
Ciiddaan ciiddeeda kale Allaha gaarsiiyo caafimaad, barwaaqo, nabad iyo horumar πΈπ΄β€οΈ
Ciid Mubaarak! π
25/07/2025
ππ Hambalyo Meher ππ
Waxaan si kal iyo laab ah ugu hambalyeynayaa Walaalkayga iga yar Xassan Macallin Cali Xassan iyo Marwadiisa Farxiya Saciid Xaaji, oo maanta meherkooda barakaysan uu ka dhacay magaalada Muqdisho.
Ilaahay haka dhigo reerkii lagu nasto, lagu negaado, oo is jecel, is qadariya. Waxaan idiin rajeynayaa nolol wadajir ah oo barwaaqo, bash-bash, iyo barako leh.
Waxaa tihiin lamaanaha Qarniga.
Xassan & Farxiya β Hambalyo Meherkiinna!
Allaha idin siiyo ubad kheyr qaba, Guurkiinna Guur Kheyr, Gurigiinna Guri negi Guullow ka yeel π€²
ππ Hambalyo ππ Hambalyo ππ Hambalyo
29/03/2025
Ciid Mubarak
Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhammaan Muslimiinta meel kasta oo ay joogaan, gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed. Ilaahay ha naga aqbalo cibaadadeenna, hana inoo siyaadiyo nabadda, wadajirka iyo horumarka.
Ciid wanaagsan dhammaan
28/03/2025
Waxaa Magaalada Cotonou ee Dalka Benin π§π― inoogu soo gaba-gaboobay Shir-Sanadeedka 2025 ee Madasha Siyaasadda Gaadiidka Africa, iyadoo Soomaaliya ay si rasmi ah ugu biirtay Barnaamijka Siyaasadda Gaadiidka ee Afrika.
Xukuumadda Dan-Qaran Waxaa ka goβan Casriyeynta Tiknology-yadda Gaadiidkeeda, Duulista Rayidka iyo Kaabayaasha Dhaqaalaha Iyadoo la xoojinayo Ganacsiga Gobolka.
Ka mid noqoshada Soomaaliya ee Madashaan waxay si buuxda ula jaanqaadaysaa Qorshaha Isbeddelka Qaranka Soomaaliya iyo dadaallada isku xirka gobolka, gaar ahaan Urur-goboleedka Bulshada Bariga Afrika (EAC).
2025
25/03/2025
Sharaf ayay ii ahayd inaan Maanta khudbad ka jeediyo Shir sanadeed-ka Guud ee Madasha Siyaasadda Hormarineed ee Gaadiidka Africa, 2025 (SSATP) kaas oo maalinkii labaad ka soconaya Magaalada Cotonou ee Dalka Benin.
Aniga iyo Wafdigeyga waxaan ka qeyb-galnay doodaha waxtarka leh ee looga hadlayay horumarinta Teknolojiyadda Gaadiidka iyo Badqabka Waddooyinka.
Xukuumadda Dan-qaran waxaa ka go'an casriyeynta Technology-adda Gaadiidka iyadoo hirgelinayso dib u diiwaan-gelinta Gaadiidka, bixinta Taarikada Digital-ka ah, iyo hir-gelinta nidaamyada Maamulka Gaadiidka (Traffic Management System)
Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS waxaa ka goβan hir-galinta nidaam Gaadiid oo ammaan ah, waxtar leh, kobcinaya dhaqaalaha Dalka iyo isku-xirka Gobolka.
24/03/2025
Waxaa Maanta ka qeyb-galnay Shir sanadeed-ka Guud ee Madasha Siyaasadda Hormarineed ee Gaadiidka Africa, 2025 kaas oo ka furmay Magaalada Cotonou ee Dalka Benin π§π―
Madashan Oo ujeedkeedu yahay in Waddamada Afrika ay helaan Nimaad-yo Gaadiid Oo Ammaan ah.
Wasaaradda Gaadiid Iyo Duulista Hawada XFS waxay dadaal ugu jirtaa horumarinta Kaabayaasha Gaadiidka, Duulista Rayidka , Dhismaha Garoomada Diyaaradaha, Isticmaalka Iyo Bed-qabka Wadooyinka, Iyo Horumarinta siyaasadaha muhiimka ah ee kor loogu qaadayo dhaqaalaha iyo isku xirka ganacsi ee Gobalka.
23/02/2025
Waxaa Maanta Magaalada Muqdisho inooga furmay Shir heer sare ah oo u dhaxeeya Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS iyo Wasaaradda Gaadiidka, Isgaarsiinta iyo Technology-yadda Saladanadda Cummaan.
Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS waxaa shirka kala qeyb galay Wasaaradaha kala ah: Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Wasaaradda Dekadaha, Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolojiyadda, Wasaaaradda Beeraha, Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa iyo Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha.
Shirkani oo ah mid heerkiisa uu sarreeyso ayaa looga wada hadlay arrimaha muhiimka u ah xiriirka iyo Iskaashiga Hay'adaha Dowladda Soomaaliya iyo Hay'adaha dhiggooda ah ee Saldanadda Cummaan.
Shirkani ayaa maalinta berri ah kuso gaba gabeyn doonnaa Magaalada Muqdisho iyadoo Guddiyada Farsamo ay ka shaqeyn doonaan hir-gelinta Fursadaha Maal-gashi ee Soomaaliya.
_2025
22/02/2025
Waxaan Maanta Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde kuso dhaweynay Wafdi heer sare ah Oo ka socda Dowladda aan Walaalaha nahay ee Saldanadda Cummaan, Wafdigaan uu hoggaaminayo Wasiirka Gaadiidka, Isgaarsiinta Iyo Tiknologyadda Mudane Eng. Saciid Bin Xamuud Bin Saciid Almaculi.
Wafdigaan ayaa soo gaaray Magalaada Muqdisho kadib markii ay Martiqaad rasmi ah ka heleen Wasaaradda Gaadiidka Iyo Duulista Hawada XFS.
Wasaaradda Gaadiidka Iyo Duulista Hawada XFS ayaa Shir Saddax Maalmood la qaadan doonto Wafdiga ka socda Saldanadda Cumaan, iyadoo sidoo kale ay la kulmi doonaan Hayβadaha kale ee Dowladda.
Shirkaan waxaa diiradda lagu saari doonaa iskaashiga, Wada shaqaynta Labada Wasaaradood Iyo Horumarinta Technology-adda Gaadiidka iyo Duulista Rayidka, Maal-gashiga Garoomada Diyaaradaha Iyo Arrimaha hortabinta u leh Labada Dowladood ee Somalia πΈπ΄ Iyo Oman π΄π²