28/08/2024
Wasiirka Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha XJFS Mudane Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan lagu xoojinayo xiriirka wadashaqeynta ee u dhaxeeyo Wasaaradda iyo Hay’adaha Qaramada Midoobey la qaatey masuuliyiin ka tirsan Qaramada Midoobey gaar ahaan kuwa qaabilsan barnaamijyada horumarinta Qoyska, iyo Xuquuqda Aadanaha.
Masuuliyiintii uu la kulmay wasiirka ayaa sheegay in Wasaaradda ay garab istaagi doonaan oo ay kaalin mug leh ku yeelan doonaan sidii loo hirgalin lahaaa qorshaha Wasaaraddu dajisay.
28/08/2024
Wasiirka Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha XJFS Mudane Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac ayaa kulan isbarrasho ah waxa uu la qaatay Madaxa Hay’adda UNDP Mr Lionel Laurens iyo howl- wadeeno ka tirsan hay’addaasi.
Wasiirka ayaa kala hadlay madaxa UNDP Soomaaliya xoojinta wada shaqeynta labada Hay’addood iyo ka caawinta Wasaarada Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha iyo awoodsiinta Haweenka.
27/08/2024
FARRIINTA MAALINTA QARAN EE XUQUUQDA AADANAHA SOOMAALIYA
27/08/2024
Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul inshaanka Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jamac ayaa maanta kulan is-barrasho ah la yeeshay madaxa hay'adda Qaramada Modoobey u qaabilsan arimaha Horumarinta Haweenka ee UNWOMEN Dr Sadiiq Sayid.
Kulanka Wasiirka oo uu ku wehliyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maxamed Bashiir Cumar iyo masuuliyiinta ka socday Hay’adda UNWOMEN ayaa kawada hadlay sidii loo sii xoojinlahaa wada shaqeynta wanaagsan ee u dhaxeysa.
Madaxda ayaa kulanka kadib waxa ay kormeer ku tageen xarunta uu dhismaha Wasaaraddu ka socdo kaas oo meel fiican maraya, iyaga oo bogaadiyay hawsha socota.
DHAMMAAD.
25/08/2024
Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha XJFS Mudane Bashiir Maxamed Jaamac Keynaan ayaa kulan is xog-wareysi waxa uu la qaatay safiirka Dowladda Ingiriiska u fadhiyo Soomaaliya Danjire Mike Nithavrianakis.
Labada dhinac ayaa ka wada hadlay dardargelinta howlaha iyo sharuucda lagu dhowrayo Qoyska iyo Arrimaha Xuquuqda Aadanaha.
Ugu dambeyn Wasiirka ayaa boogaadiyay kaalinta saaxiibtinimo ee Dowladda Ingiriiska ay la leedahay Soomaaliya.
20/08/2024
Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul insaanka Mudane G. Bashir Mohamed Jaamac ayaa manta xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Save the Children Mudane Mohamed Mohamud Hassan iyo wafdi uu hogaaminayo.
Kulanka wasiirka oo ku wehliyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda iyo masuuliyiinta ka socday hay’adda Save the children Soomaaliya ayaa kawada hadlay sidii loo sii xoojinlahaa wada shaqeynta wanaagsan ee u dhaxeysa labada dhinac.
Madaxda labada dhinac ayaa sidoo kale waxa ay booqasho ku tageen xarunta uu dhismaha wasaaraddu ka socdo kaasoo meel fiican maraya iyagoo soo indha-indheeyay hawsha dhismu meesha aymarayso waxa ayna warbin ka dhageysteen Engineerada gacantaku haya shaqada dhismaha.
Dhamaad.
19/08/2024
Munaasabad ka dhacday xarunta Wasaaradda Qoyska & Horumarinta Xuquuqul Insaanka ayay xilalka kula kala wareegeen Agaasimaha Cusub Mudane Maxamed Bashiir Cumar iyo Agaasimihii h**e Mudane Isaaq Xaashi Jimcaale.
Wasiirka Wasaaradda Qoyska & Horumarinta Xuquuqul Insaanka Mudane Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobbe) oo goob-joog ka ahaa munaasabadda xil wareejinta ayaa bogaadiyay shaqadii quruxda badneyd ee uu wasaaradda ka qabtay Agaasime Isaaq intii uu xilka hayay, isagoona sheegay in shaqo adag oo muuqata laga sugayo Agaasimaha Cusub.
01/08/2024
'' Sharciga Naafada wuxuu fure u noqon-doonaa in Naafadu helaan xuquuqdooda,Wasaaradaan inta aan joogana waan ka shaqeyn-doonaa''
Gen. Bashiir Maxamed Jaamac Wasiirka Wasaaradda Qoyska & Horumarinta Xuquuqul insaanka JFS.
30/07/2024
Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Qoyska & Horumarinta Xuquuqul Insaanka Mudane Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobbe) ayaa Xilka kala wareegay Kusimaha Wasiirka Ahna Wasiir Dowlaha Wasaaradda Aamina Xasan Cali.
Munaasabadda ayaa waxaa goob joog ka ahaa una kala wareejiyay Xilka Ra’iisul wasaare ku xigeenka Dalka Mudane Saalax Axmed Jaamac waxa uuna sheegay Muhiimadda ay Wasaaraddan u leedahay dalka.
Ra’iisul wasaare ku xigeenka Dalka ayaa ugu dambeyn waxa uu Wasiirka Cusub ee Wasaaradda ku bogaadayiy Howlkar-nimada iyo aqoonta uu u leeyahay howshaan, waxa uuna alle uga baryay inuu u fududeeyo shaqada uu qaranka u igmaday.
21/07/2024
Wasiir Dowlaha Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ahna Kusimaha Wasiirka Wasaaradda Mudan Aamina Xasan Cali Goyle ayaa soo xirtay dood wadaag looga hadlayay sharciga iyo siyaasadaha ka dhanka ah tacaddiyadaha lagula kaco Haweenka iyo Caruurta kulankaas oo ay soo agaasintay "SIHA NETWORK"