Abdulkadir Mohamed Nur

Call Directions Contact the organization

Abdulkadir Mohamed Nur Dadaalaaba wuu gaaraa!

08/10/2026

Waxaa sharaf iyo qadarin weyn ii ah in aan maanta ka qayb galo shirwaynahaan diimeed ee lagu wayneynaayo Sheekhii Islaamka iyo Suldaankii Awliyada Sheekh Cabdulqaadir Jeylaani

Soomaaliya waa dal Islaam ah, Sunni ah, Shaafici ah, lehna dhaxal diimeed soo jireen ah. Waxaan bogaadinayaa doorkii taariikhiga ahaa ee dariiqooyinka Soomaaliyeed, gaar ahaan Qaadiriyada, ay ku lahaayeen, kuna leeyihiin barashada iyo fidinta diinta, ilaalinta dhaqanka iyo halgankii gobannimo-doonka.

Dowladda Soomaaliya waxa ay diyaar u tahay in ay dhowrto dhaxalka diimeed ee Ummadda Soomaaliyeed , culimada soomaaliyeedna ay helaan maamuuska iyo qadarinta ay dowladda ku leeyihiin.

Waxaan garab istaag gaar ah u sameyn doonnaa xerta, masaajidda iyo mowlacyada diinta lagu nooleeyo oo aan siin doonno mudnaan gaar ah.

07/10/2026

Waxaa si guul leh noogu soo dhammaaday safarkii shaqo ee aan ku tagay Arusha,Tanzania, halkaas oo aan kaga qaybgalay Kulanka 21-aad ee Guddoonka Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada Bulshada Bariga Afrika (EAC) iyo Shirweynaha 153-aad ee Midowga Baarlamaannada Adduunka (IPU).

Ka qaybgalka shirarkaa wuxuu sii xoojinayaa codka iyo doorka Soomaaliya ee fagaarayaasha baarlamaannada gobolka iyo caalamka, iyadoo mudnaanta koowaad la siinayo danaha Qaranka, matalaadda codka shacabka, iyo sare u qaadidda magaca iyo maqaamka dalkeenna.

Waxaan sidoo kale la kulmay Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada dalalka gobolka iyo caalamka, kuwaas oo aan la wadaagay aragtida Soomaaliya ee ku aaddan xoojinta hay’adaha baarlamaanka, iskaashiga gobolka iyo caalamka, doorka baarlamaannada ee nabadda, xasilloonida iyo horumarka bulshooyinka, iyo sidoo kale fursadaha ka jira Soomaaliya.

Caawa ayaan dib ugu soo laabtay dalka. Alle ayaa mahad leh, oo si nabad iyo guul leh noogu soo dhammeeyey hawlihii aan Qaranka ku matalay.

07/10/2026

Waxaan Kulan laba geesood ah la yeelannay wafdiga Golaha Weyn ee Qaranka Türkiye (Grand National Assembly of Türkiye),ku matalayay Shirweynaha 153-aad ee Midowga Baarlamaannada Adduunka (IPU).

Kulanka waxaan diiradda ku saarnay doorka labada Baarlamaan ee xoojinta xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee Soomaaliya iyo Türkiye, iyo kor u qaadista is-dhaafsiga khibradaha, aqoonta iyo waayo-aragnimada hay’adaha baarlamaannada labada dal.

Waxaan sidoo kale adkeynnay muhiimadda xoojinta diblomaasiyadda baarlamaanka iyo isu-dhoweynta aragtiyaha iyo mowqifyada labada dal ee ku aaddan danaha ay wadaagaan iyo arrimaha mudnaanta u leh labada qaran ee fagaarayaasha caalamiga ah.

06/10/2026

Sharaf weyn iyo qiimo gaar ah ayay ii lahayd inaan Qarankayga Soomaaliya ku matalo Shirweynaha 153-aad ee Midowga Baarlamaannada Adduunka (Inter-Parliamentary Union – IPU), oo lagu qabtay magaalada Arusha ee Jamhuuriyadda Midowday ee Tanzania.

Waxaan madasha ku soo bandhigay himiladeenna ku aaddan dhismaha Baarlamaan madax-bannaan, hufan, loo dhan yahay, shacabka u dhow, kaalin muhiim ahna ka qaata dowlad-dhiska, horumarinta dimuqraadiyadda iyo xoojinta isla xisaabtanka.

Soomaaliya waxay ku tallaabsanaysaa geeddi-socod dimuqraadiyadeed oo ay qayb muhiim ah ka yihiin doorashooyinka tooska ah. Doorashooyin deegaan oo toos ah ayaa ka dhacay Muqdisho, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Galmudug, halka geeddi-socodka doorashooyinku uu meelo kale ka sii socdo.

Waxaa mudnaan gaar ah leh xoojinta hay’adaha, wada-hadalka siyaasadeed iyo ka-qaybgalka shacabka. Waxaa naga go’an in Baarlamaanku noqdo hay’ad ilaalisa danaha shacabka Soomaaliyeed, xoojisa kalsoonida hay’adaha qaranka, dowladdana lagula xisaabtamo, isla markaana kaalin muuqata ka qaadata dhismaha Soomaaliya nabdoon, horumarsan oo barwaaqo ah.

06/10/2026

Iyada oo la xoojinayo codka iyo wadajirka baarlamaannada Afrika, waxaan kulan muhiim ah la qaatay Mudane Fateh Boutbig, Madaxweynaha Baarlamaanka Pan-Afrika. (Pan-African Parliament)

Kulanka waxaan isku-weydaarsannay aragtiyo ku saabsan xoojinta iskaashiga Baarlamaannada Afrika, isku soo-dhoweynta mowqifyada arrimaha danaha wadajirka ah, iyo sare u qaadidda doorka baarlamaannada ee nabadda, xasilloonida iyo horumarka qaaradda.

Waxaan sidoo kale adkaynay muhiimadda wada-tashiga joogtada ah iyo iskaashiga dhow ee baarlamaannada Afrika, si loo xoojiyo matalaadda iyo codka Afrika ee fagaarayaasha baarlamaaniga ah ee heer gobol iyo heer Caalami.

06/10/2026

Xaley magaalada Arusha ee Tanzania, waxaan kaga qayb galay furitaanka Shirweynaha 153-aad ee Midowga Baarlamaannada Adduunka (IPU), oo diiradda lagu saarayo dowlad-wanaagga, iskaashiga baarlamaannada iyo awood-siinta bulshooyinka.

Waxaan khadka taleefanka ugu hambalyeeyay Mudane Ahmed Shide doorashadiisa Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Shacabka ee Ja...
05/10/2026

Waxaan khadka taleefanka ugu hambalyeeyay Mudane Ahmed Shide doorashadiisa Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Shacabka ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka Itoobiya.

Waxaan u rajeeyay guul iyo hoggaan wanaagsan, anigoo adkeeyay muhiimadda xoojinta xiriirka iyo iskaashiga baarlamaaniga ah ee Soomaaliya iyo Itoobiya.

04/10/2026

Waxaan kulan la yeeshay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ee Baarlamaanka Australia, Mudane Milton Dick.

Waxaan ka wada hadalnay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga Baarlamaannada Soomaaliya iyo Australia, is-dhaafsiga khibradaha dhinaca shaqada Baarlamaanka iyo horumarinta diblomaasiyadda Baarlamaaniga ah.

04/10/2026

Soomaaliya waxa ay ahmiyad gaar ah siinaysaa xoojinta xiriirka iyo iskaashiga baarlamaaniga ah ee ay la leedahay dalalka Carabta, annaga oo taas ka duuleynana waxaan maanta kulan muhiim ah la qaatay Madaxweynaha Baarlamaannada Carabta ,Mudane Mohamed Ahmed Al-Yamahi

Kulanka waxaan kaga wada hadalnay xoojinta iskaashiga u dhexeeya Baarlamaanka Soomaaliya iyo Baarlamaannada Carabta, joogtaynta wada-tashiga, isku-duwidda mowqifyada ku aaddan arrimaha danaha wadajirka ah, iyo sare u qaadidda doorka Soomaaliya ee iskaashiga baarlamaaniga ah ee dunida Carabta.

Waxaan sidoo kale intii uu kulankeennu socday adkaynay muhiimadda xiriirka walaaltinimo ee taariikhiga ah ee ka dhexeeya Soomaaliya, dalalka, iyo guud ahaan shucuubta Carabta, kaas oo ku dhisan is-ixtiraam, dana-wadaag iyo iskaashi dhow oo walaaltinimo.

Soomaaliya waxay dowladaha Carabta uga mahadcelinaysaa taageerada ay kala garab taagan yihiin midnimada, madax-bannaanida, qarannimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya

Address

KM4 Street
Mogadishu

Telephone

+905077397299

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Abdulkadir Mohamed Nur posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Abdulkadir Mohamed Nur:

Shortcuts

Share