Xafiska Ergeyga Gaarka Ah Ee Xasilinta Iyo Ilaalinta Arrimaha Rayidka

Xafiska Ergeyga Gaarka Ah Ee Xasilinta Iyo Ilaalinta Arrimaha Rayidka

Share

Office of the Special Presidential Envoy for Stabilization and Civilian Protection, πŸ‡ΈπŸ‡΄

Photos from Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed's post 11/09/2025
Photos from Xafiska Ergeyga Gaarka Ah Ee Xasilinta Iyo Ilaalinta Arrimaha Rayidka's post 13/04/2025

Xafiiska Ergayga gaarka ah ee arrimaha Xasilinta iyo Ilaalinta Rayid ayaa ka qayb galay shirka aqoon iswaydaarsiga arrimaha xasilinta kaas oo ay si wada jir ah u qabanqaabiyeen Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS iyo wasaarada arrimaha gudaha ee dawlad-goboleedka Koonfur galbeed Soomaaliya

shirkan oo lagu qabtey magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG Koonfur-galbeed ayaa ujeedkiisa u yahay in lagu soo bandhigo cashirrada laga bartay dedaallada Wadajirka ee Soo kabashada h**e iyo Xasilinta.

-------

πƒπ‡π€πŒπŒπ€π€πƒ

Xafiiska Xiriirka iyo Warbaahinta

Email: [email protected] https://www.facebook.com/xafiiskaergaygagaarka ah
Twitter https://twitter.com/Envoystab_Som

Photos from Xafiska Ergeyga Gaarka Ah Ee Xasilinta Iyo Ilaalinta Arrimaha Rayidka's post 27/01/2025

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee XFS Gen. Cabdullahi Sheekh Ismaaciil(Fartaag) ayaa maanta shir-guddoomiyey kulanka joogtada ah ee guddi howleedka farsammo ee Xiriirka Arrimaha Xasilinta.

Kulankan oo ay bishan martigelisay Wasaaradda Amniga Gudaha XFS ayaa waxaa kasoo qaybgalay guud ahaan xubnaha guddi howleedka farsammo ee xiriirka arrimaha xasilinta

Guddoomiyaha Guddiga mudane Cabdicasiis Axmed Gurbiye ayaa ka warbixiyay sooyaalka, baaxadda howlaha guddiga iyo hiigsigeeda , waxaana sidoo kale lagu soo bandhigay warbixinno la xiriira howlaha Wasaaradda Amniga, doorka Xaslinta iyo waxqabadka guddiga muddadii uu jiray.

Ugu danbeyntii Mudane Senator Cabdullahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo ka hadlay kulanka ayaa ka mahadnaqay howlaha guddiga isaga oo hoosta ka xariiqay muhiimadda ay Dowladda Soomaaliya u leedahay mideynta farriimaha Xasilinta iyo wacyigalinta deegaannada dhawaan la xoreeyey, wasiirka ayaa intaas ku daray in la yeesho agendayaal midaysan oo lagu taageerayo arrimaha hortabinta u leh dawladda Soomaaliya .

------
πƒπ‡π€πŒπŒπ€π€πƒ
π‘Ώπ’‚π’‡π’Šπ’Šπ’”π’Œπ’‚ π‘Ύπ’‚π’“π’ƒπ’‚π’‚π’‰π’Šπ’π’•π’‚
Email: [email protected]
Twitter: https://x.com/EnvoyStab_SOM

Photos from Xafiska Ergeyga Gaarka Ah Ee Xasilinta Iyo Ilaalinta Arrimaha Rayidka's post 09/12/2024

Ergayga gaarka ah ee madaxwaynaha Soomaaliya u Qaabilsan arimaha Xasilinta Iyo Ilaalinta Badqabka Rayidka iyo wasiir ku xigeen ka wasaarada arimaha gudaha federaalka iyo dib u heshiisinta somaliya ayaa si wada jir ah u daahfuray madasha qaran ee ilaalinta badqabka rayidka

Madashan oo ahayd mid heer sare ayaa waxa ka soo qayb galay dhamaan heerarka kala dowladda saxiibada caalamiga ah ee soomaaliya iyo ururada bulshada rayidka

Shirkan oo Socon doona mudo laba maalmod ah ayaa waxa lagu gorfayn doonna istaraatiijiyada qaran ee ilaalinta badqabka rayidka ah

πƒπ‡π€πŒπŒπ€π€πƒ
π‘Ώπ’‚π’‡π’Šπ’Šπ’”π’Œπ’‚ π‘Ύπ’‚π’“π’ƒπ’‚π’‚π’‰π’Šπ’π’•π’‚
Email: [email protected]
Twitter:https://x.com/EnvoyStab_SOM

Photos from Xafiska Ergeyga Gaarka Ah Ee Xasilinta Iyo Ilaalinta Arrimaha Rayidka's post 27/11/2024

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Xasilinta yo Ilaalinta badqabka Rayidka, Xildhibaan Cumar Xaashi, oo maanta booqday xarunta diyaarinta qorshaha Isbeddelka Qaranka, ayaa shir-Guddoomiyey kulan heer sare ah oo looga hadlayay arrimaha xasilinta.Kulankan oo u jeedkiisu ahaa sidii Barnaamijka Xasillinta loo waafajin lahaa Qorshaha Isbeddelka Qaranka ayaa xooga lagu saaray qodobada hortebinta u leh arrimaha xasilinta.

πƒπ‡π€πŒπŒπ€π€πƒ
π‘Ώπ’‚π’‡π’Šπ’Šπ’”π’Œπ’‚ π‘Ύπ’‚π’“π’ƒπ’‚π’‚π’‰π’Šπ’π’•π’‚
Email: [email protected]
Twitter:https://x.com/EnvoyStab_SOM

23/11/2024
01/10/2024

Shirka madasha daahfurka barnaamijka ilaalinta badqabka shacab ayaa maanta lagu soo gabagabeeyey magaalada kismaayo

Shirkan oo ahaa mid socday laba maalmood ayaa lagu gorfeeyey sidii la isku qaadan lahaa in ilaalinta rayidka xilliyada xoreynta ay mid lagama maarmaan ah

πƒπ‡π€πŒπŒπ€π€πƒ
π‘Ώπ’‚π’‡π’Šπ’Šπ’”π’Œπ’‚ π‘Ύπ’‚π’“π’ƒπ’‚π’‚π’‰π’Šπ’π’•π’‚
Email: [email protected]
Twitter:https://x.com/EnvoyStab_SOM

Photos from Moifar - Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib u heshiisiinta's post 23/09/2024
Photos from Goobjoog's post 16/09/2024
Want your business to be the top-listed Government Service in Mogadishu?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Address


Mogadishu