13/05/2026
Maanta waxaan kulan muhiim ah la yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Dadka ee Algeria Mudane Abdelmadjid Tebboune, aniga iyo wafdiga Soomaaliyeed ee booqashada rasmiga ah ku jooga dalka Algeria.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Aljeeriya iyo horumarinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada muhiimka ah ee ay wadaagaan.
Waxaan Madaxweynaha Algeria guddoonsiiyay warqad diblomaasiyadeed oo aan uga siday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hassan Sheikh Mohamud.
Sidoo kale waxaan Madaxweynaha la wadaagay dadaallada ay Soomaaliya ka waddo dimuqraadiyeynta, dib u heshiisiinta, dhismaha dowladnimada, dib u habeynta hay’adaha dowladda, xasilinta dalka, iyo dib u soo kabashada deegaannada laga xoreeyay argagixisada.
Waxaan sidoo kale ka wada hadalnay iskaashiga gobolka, nabadda iyo amniga, iyo muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo wada shaqeynta dalalka Afrika si loo taageero xasilloonida, horumarka, iyo dhismaha hay’adaha dowladeed ee qaaradda.
Kulanka waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Madaxa Shaqaalaha Madaxtooyada Algeria, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Algeria, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Dawladaha Hoose iyo Gaadiidka ee Algeria, La Taliyaha Sare ee Madaxweynaha Algeria, iyo Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Aljerriya, Danjire Yusuf Axmed Xasan ( Yusuf Jeego).
13/05/2026
Gebogabada socdaalkeenna dalka Algeria waxaan hadiyado dhaqameed ka tarjumaya hiddaha iyo dhaqanka dal weliba leeyahay, tusaalana u ah xiriirka qotada-dheer ee walaalnimo aan is-dhaafsannay Wasiirka Arrimaha Gudaha Algeria mudane Saciid Sayuud.
13/05/2026
Waxaan la kulmay wasiirka Petrolka dalka Aljeria. Waxaan ka hadalnay sida muhiim u tahay ka faa’ideysiga kheyraadka labada dal, iskaashiga dhinacyada badan iyo guud ahaan xoojinta xiriirka iyadoo laga amboqaadayo taariikhda soojireenka ah ee Soomaaliya Iyo Algeria.
13/05/2026
Inta aan ku jirnay socdaalka Algeria waxaan booqannay Masjidka caanka ah ee Jaamica Aljeeriya. Masjidkan keliya ma aha mid bilic badan ee waa mid taariikhi ah, wuxuuna dowr weyn ku leeyahay horumarinta dhaqanka iyo diinta Islaamka.
13/05/2026
Intii ay socotay booqashadayda rasmiga ah ee aan ku joogo Jamhuuriyadda Aljeeriya, waxaan maanta kulan miro-dhal ah la yeeshay Guddoomiyaha caasimadda Algiers/ Wasiir mudane Maxamed Cabdinuur Raabixi.
Kulanka ayaan diiradda ku saarnay; xoojinta iskaashiga iyo is-weydaarsiga khibradaha la xiriira qorsheynta iyo horumarinta magaalooyinka, tayeynta maamullada dowladaha hoose & degmooyinka iyo horumarinta bixinta adeegyada dadweynaha.
Waxaan sidoo kale ka wada hadalnay muhiimadda ay leedahay dowladnimo daadegsan oo hufan, taas oo door muhiim ah ka qaadata xoojinta hay’adaha dowladda, kobcinta adeegyada bulshada iyo taageeridda xasilloonida iyo horumarka waara.
Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an horumarinta magaalooyinka dalka iyo dhismaha maamullo heerar kala duwan leh, si shacabka Soomaaliyeed ay u helaan adeegyo loo siman yahay, tayo leh, isla markaana si dhow ugu dhow baahiyaha bulshada.
12/05/2026
Waxaan booqanay Dugsiga Qaranka ee Maamulka iyo Maareynta halkaasoo aan kulan kula yeelannay hoggaanka Machadka. Waa muhiim isdhaafsiga khibradaha ee dhinacyada dhismaha awoodsiinta iyo sare u qaadista aqoonta shaqaalaha dowladda, horumarinta adeegga shaqaalaha rayidka iyo xoojinta guud ahaan karaanka hay’adaha dowladda.
Tababarrada saraakiisha dowladda waxay kor u qaadaa xoojinta hay’adaha dowladda iyo dhismaha adeeg hufan, oo taageeraya maamulka wanaagsan, xasilinta dalka iyo gaarsiinta adeegyada bulshada.