Gudoomiye Ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda ee Maamulka Gobalka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar, ayaa tababar ku saabsan fulinta qorshaha dakhliga iyo aqoondhiska habraacyada maamulka ka furay Muqdisho.
Banaadir TV
Banadir TV is a Government/Mogadishu Municipality Owned TV in Somalia.. Benadir TV is a Television Broadcast administrative region in south-eastern Somalia.
It covers the same area as the city of Mogadishu, Somalia’s capital.
WARKA DUHUR EE TELEFISHANKA MAAMULKA GOBOLKA BANAADIR | MAALIN SABTI AH | 11.4.2026'
Guddoomiye Ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda ee Maamulka Gobolka Banaadir, Mudane Ciise Maxamuud Guure, ayaa maanta daahfuray tababar ku saabsan fulinta qorshaha dakhliga iyo aqoon-dhis ku aaddan habraaca maamulka dakhliga.
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayaa howlgallo ballaaran ka wada deegaanno hoostaga degmada Maxaas ee Maamulka Hirshabeelle.
BARNAAMIJKA DIIRADDA EE TELEFISHANKA MAAMULKA GOBOLKA BANAADIR | 11-4-2026.
11/04/2026
Ciidamada Ammaanka ee Caasimadda Muqdisho oo ka duulaya xogo amni oo shacabka Caasimadda ay gacan ka geysteen ayaa caawa abaaro 23:40 PM ku guuleystay in ay gacanta ku soo dhigaan Mooto lagu soo raray Hoobiyeyaal iyo Miinooyin ay Khawaarijtu rabeen inay ku dhibaateeyaan shacabka, kuna qalqal-geliyaan amaanka Caasimadda.
Ciidamada amniga oo hayey xogta dhaqdhaqaaqa cadowga ayaa gudaha iyo daafaha degmada Deyniile ka fuliyey howlgal ay ku soo qabteen Mooto siday ilaa shan Hoobiye oo juwaano Qudaar ah lagu soo dhex-qariyey, taas oo Khawaarijtu ay doonayeen inay soo geliyaan gudaha Caasimadda Muqdisho.
Dhagarqabihii waday Mootada ayaa isku dayey inuu qarxiyo mootada iyo wixii saaraan markii uu ogaaday in la qaban rabo, balse Ciidamada ayaa ka hortegay dhagartiisa, waxaana lasoo bandhigay sawirrada Hoobiyeyaasha la qabtay iyo Mootadii Qudaarta siday ee lagu soo dhexqariyey.
Saraakiisha Ciidamada Amniga ee Caasimadda Muqdisho ayaa shacabka uga mahadceliyey doorka muuqda ee sugidda amniga ay ka qaadanayaan, iyagoo balan-qaaday in habeen iyo maalin ay u taagnaa doonaan ilaalinta amniga, badqabka bulshada iyo ka hortagga dhagaraha cadowga Khawaarijta ah.
WARKA HABEEN EE TELEFISHANKA MAAMULKA GOBOLKA BANAADIR | HABEEN JIMCE AH | 10-04-2026.
10/04/2026
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta ka qayb galay munaasabadda soo dhoweynta markabka casriga ah ee qodista shidaalka ee Çağrı Bey, kaasi oo si rasmi ah u billaabaya howlaha qodista shidaalka Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in imaanshaha markabka Çağrı Bey ay tahay tallaabo qaran oo dalkeenna u horseedaysa horumar dhaqaale, koboc maalgashi iyo fursado shaqo oo cusub, isaga oo xusay in dowladdu ay mudnaan gaar ah siinayso in kheyraadka dabiiciga ah looga faa’iideeyo si mas’uuliyad leh oo shacabka Soomaaliyeed dan u ah.
Madaxweynaha ayaa adkeeyey in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay maareyn hufan oo caddaalad ku dhisan, si dakhliga ka soo baxa kheyraadka shidaalka loogu beddelo adeegyo bulsho, horumar dhaqaale iyo xasilooni waarta, isaga oo uga mahadceliyey Dowladda Jamhuuriyadda Turkiga iskaashiga dhow ee ay la leedahay Soomaaliya, kuna ammaanay taageerada joogtada ah ee ay ka geysanayso dib u dhiska, horumarinta iyo kobcinta awoodda dhaqaale ee dalka.
Munaasabaddan taariikhiga ah oo ka dhacday Dekadda Muqdisho ayaa waxaa ka qayb galay Guddoomiye Ku xigeenka ee Golaha Shacabka BJFS, Ra'iisulwasaaraha XFS, Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Wasiiro ka tirsan XFS, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho iyo Wasiirka Tamarta iyo Khayraadka dabiiciga ah ee Turkiga, Safiiro iyo marti sharaf kale.
TOOS: Munaasabadda soo dhoweynta Markabka qodaya Shidaalka Soomaaliya.
Munaasabadda soodhoweynta Markabka Çağrı Bey’s, ayaa hadda ka socota Dekeda Muqdisho.
Click here to claim your Sponsored Listing.
Location
Category
Contact the business
Telephone
Website
Address
Secondo Liido
Mogadishu
12000
