Xafiiska Arrimaha Xajka

Xafiiska Arrimaha Xajka

Share

This is the official page of the Office of Hajj Affairs under the Ministry of Endowments and Islamic Affairs of the Federal Republic of Somalia.

Photos from Xafiiska Arrimaha Xajka's post 03/06/2026

✈️ Safar ammaan ah wuxuu ka bilaabmaa diyaar-garow wanaagsan.

Fadlan xusuusnow talooyinka muhiimka ah ee socdaalka:

✅ Garoonka diyaaradaha joog ugu yaraan 4 saacadood ka hor waqtiga bixitaanka.
✅ Hubi hawlaha iyo dukumentiyada safarkaaga ka hor bixitaanka.
✅ Fuli tilmaamaha kastamka iyo socdaalka si waafaqsan shuruucda dalka.
✅ Ka fogow alaab kasta oo mamnuuc ah ama shaki dhalin karta.

Wixii faahfaahin dheeraad ah kala xiriir 1966.

28/05/2026

Maanta waxaa si rasmi ah loo fuliyay gowraca xoolaha (Hadyiga) ee xujeyda Soomaaliyeed, iyadoo lagu guddo jiray waajibaadka iyo acmaasha Xajka.

Dr. Khadar Dahir, Guddoomiyaha Xafiiska Arrimaha Xajka, oo kormeeray sida habsami leh ee howshu u socoto.

Xafiiska Arrimaha Xajka

Photos from Xafiiska Arrimaha Xajka's post 28/05/2026

Goglashada jidku waxay sababtaa in uu waddadu xirmo, waxayna khalkhal gelisaa raaxada iyo isu socodka bulshada. Sidoo kale waxay dib u dhigtaa imaatinka gargaarka degdegga ah marka loo baahdo, taas oo halis gelin karta nolosha dadka.

Waa muhiim in la ilaaliyo nadaafadda iyo furfurnaanta waddooyinka si loo sugo badbaadada iyo danta guud ee bulshada.

Photos from Xafiiska Arrimaha Xajka's post 28/05/2026

Qaadashada dalladda
Inta aad ku suguntahay goobaha barakaysan
Waxay kaa ilaalinaysaa qorraxda
Waxay ka hortagaysaa daalka kulaylka
Waxay ilaalinaysaa nabadgalyadaada
Is-ilaalin fudud... waxay kugu caawinaysaa in si daggan aad u gudatid acmaasha xajka

25/05/2026

Guddoomiyaha Golaha Sare ee Culimada Somaaliyeed Sheekh Aadan Macalin Sugoow "Waxaa bilaawday maalmihii xajka.

25/05/2026

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka XFS Cismaam Axmed Macoow ayaa sheegay in xujeyda Soomaaliyeed ay si nabad ah kusoo gaareen Teendhooyinka Mina.

Photos from Xafiiska Arrimaha Xajka's post 24/05/2026

sawiro:
wasiirka oo kormeer ku tagay hotelada ka socdaan daabulida xujeyda somaliyeed ee cawa u guuraya Degaanka mina

Photos from Xafiiska Arrimaha Xajka's post 24/05/2026

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka Xukuumadda Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Mukhtaar Rooboow Cali ayaa kulan la qaatay Wasiirka Wasaaradda Xajka iyo Cumrada ee Dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Dr Towfiiq Bin Fowsaan Alrabiic kaasi oo ka dhacay Mina.

Labada Wasiir ayaa kawada hadlay abaabulka diyaar garoowga guuritaanka Xujeyda Soomaaliyeed maadaama ay maalinta beri ay tahay maalinta 8-aad bisha Dil Xijji ee Yowmu Tarwiya.

Sidoo kale, waxaa ku wehelinayey wasiirka kulanka madaxa xafiiska Arrimaha xajka Soomaaliya Dr. Khadar Xaaji Daahir, Ergayga Xafiiska Ra,iisul wasaaraha uqaabilsan Arrimaha Xajka Xasan Qorane iyo Yusuf Xasan Mursal oo ah La taliye sare oo ka tirsan Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka.

24/05/2026

Wasiir Mukhtaar Rooboow "Shirkad walbo saacad ayaa la siiyay si loo raro xujeyda Soomaaliyeed waa inaad ilaalisaan jadwalka la sameeyay"

24/05/2026

Basas nagu filan waa heysanaa xaajiga waxaa laga rabaa inuu is dejiyo ,Madaxa Xafiiska Arrimaha Xajka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka XFS Dr Khadar Xaaji Daahir ayaa yiri"

Want your business to be the top-listed Government Service in Mogadishu?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Address


Martini Road Mogadishu
Mogadishu
03010