Waseela Somalia Organization

Waseela Somalia Organization

Share

"Waseela Somali Org". Official Page. Social and humanitarian Aid Association Working for public benefit.

19/03/2026

Eid Mubarak!

Dhammaan İslamka, Allah ha naga aqbalo soonkeenii iyo camalladeennii suubbanaa, ciiddaan Allah hanooga dhigo mid farxad, nabad iyo barwaaqo badan lasocoto.
Allahna ha inagu gaarsiiyo ciiddo kale annagoo caafimaad tam ah. 🌙✨

Photos from Waseela Somalia Organization's post 17/03/2026

Ayadoo laga faa’iideysanayo kheyradka bisha barakeysan ee Ramadaan, waxaa la fuliyay barnaamij afur wadareed ballaaran oo loogu talagalay dadka danyarta ah.

Barnaamijkan waxaa hirgelisay hey’adda Nezir Derneği iyadoo kaashaneysa wakiilkeeda Soomaaliya ee Waseela Somalia Organization, oo door muhiim ah ka qaadatay isku dubaridka iyo agaasinka afurinta.

Ka qeybgalayaasha barnaamijka ayaa u badnaa dadka ku dhaqan hareeraha magaalada Muqdisho, gaar ahaan qaxootiga iyo dadka nugul, kuwaas oo runtii mudan in la garab istaago laguna casuumo afurka.

Ugu dambeyn, waxaan si weyn ugu mahadcelineynaa hey’adda Nezir Derneği, oo laf-dhabar u ahayd hirgelinta barnaamijkan afur wadareedka.

18/02/2026

Hambalyo Ramadaan Mübarek! 🌙

Waxaan rajayneynaa bishaan barakaysan fadligeenda in Allah nasiiyo nabad, naxariis iyo dembi dhaaf. Ilaahay ha naga aqbalo soonka iyo cibaadadeenna.
Dhammaanteen ha ina siiyo caafimaad, nabad iyo farxad, hana na gaarsiiyo Ciidda annagoo la jirna ehelkeenna iyo kuwii aan jecelnahay.
Amiin!

24/12/2025

Waxa aad halkaan ka daawan kartaan muuqaal kooban oo ka tarjumaya barnaamijka Qurbaan oo ay fulisay hay’adda Nezir Derneği. Hilibka Qurbaan ayaa si hufnaan, nidaam iyo habsami leh loo gaarsiiyey bulshooyinka ku dhaqan deegaanka Garas-baalley.
Qoysaskii danyarta ahaa ee ka faa’iidaystay barnaamijkan ayaa si weyn uga mahadceliyey taageerada la gaarsiiyey. Fulinta iyo fududeynta hawsha waxa door muhiim ah ka qaadatay hay’adda , oo ah wakiilka Nezir Derneği ee Soomaaliya.

23/12/2025

📍 Somali | Sünnet Organizasyonu

Başkent Mogadişu'da, sağlık hizmetlerine erişemeyen yüzlerce aile var...

💠 500 çocuğa ücretsiz, güvenli ve tıbbi standartlara uygun sünnet imkanı sunuyoruz. Proje bütçemizin %73'ünü tamamladık, kalan kısım için desteğinize ihtiyacımız var.

Gelin, siz de bu organizasyona destek olun; bir çocuğun hayatına dokunun.

🌐 Online bağış: https://www.nezir.org/proje/sunnet-bagis

☎ | 💬 0 216 420 76 76

23/12/2025
Photos from Waseela Somalia Organization's post 22/12/2025

Maanta waxa ay ahayd maalin kale oo qurux badan taas oo farxad ka muuqatay wajiyada dad badan oo danyar ah. Si guul, nidaam iyo habsami leh ayaa loo soo gebagebeeyey barnaamijka Qurbaan oo ay fulinaysay hay’adda Nezir Derneği. Hilibka Qurbaan waxaa si hufnaan leh loo gaarsiiyey qoysas tiro badan oo si dhab ah ugu baahnaa gargaar iyo taageero bini’aadannimo.

Hay’adda Nezir Derneği, oo barnaamijkan dalka keentay isla markaana gaarsiisay shacabka Soomaaliyeed, waxaannu u jeedinaynaa mahadnaq balaaran, qaddarin iyo bogaadin mug leh dadaalka joogtada ah iyo garab-istaagga ay la taagan tahay dadka Walaalaha Soomaaliyeed.

Fulinta, isku-duwidda iyo fududeynta barnaamijkan waxaa si hufnaan iyo xirfad sare leh u hirgelisay hay’adda

Want your business to be the top-listed Government Service in Mogadishu?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Telephone

Address


Mogadishu
252