Sulub Ahmed Firin

Sulub Ahmed Firin

Share

Deputy Minister of Internal Security, Former Somali Police Commissioner and Deputy Minister of Transport & Civil Aviation.

Official Page Account of Brigadier General Sulub Ahmed Firin Somali Police Commissioner.

17/02/2026

Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed curashada bisha barakaysan ee Ramadaan. Bishani waa bil kheyr, naxariis, iyo dembi-dhaaf leh, fursadna u ah in aynu xoojinno midnimadeenna, walaaltinimada, iyo isu tanaasulka, annagoo Alle ugu dhawaanayna cibaado, sadaqo, iyo samafal.

Waxaan shacabka ku boorrinayaa in ay adkeeyaan amniga, garab istaagaan hey’adaha difaaca dalka, isla markaana isu gargaaraan gaar ahaan kuwa abaartu saameysay, si loo xaqiijiyo xasillooni waarta iyo horumar joogto ah.

22/01/2026

Hambalyo u dirayaa Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (DANAB) iyo Ciidanka Jubbaland, kuwaas oo mar kale muujiyey geesinimo, feejignaan iyo wadaniyad dhab ah, kana adkaaday maleeshiyaad Khawaarij ah oo weerar ku soo qaaday deegaanka Kudhaa ee Jubbada Hoose.

Geesiyaasha qaranka ayaa si xirfad leh u soo afjaray cadowgii ummadda, iyagoo goobta dagaalka ku laayey horjoogayaal iyo maleeshiyaad badan, isla markaana soo bandhigay gaadiid dagaal iyo hub ay ka furteen Khawaarijta.

Howlgalkan guusha leh wuxuu caddeyn u yahay in ciidamadeennu yihiin gaashaan adag oo difaaca dalka, dadka iyo diinta, kana go’an ciribtirka argagixisada meel kasta oo ay joogaan,Guushiinnu waa guusha shacabka Soomaaliyeed.

Alle ha idin xifdiyo, ha idin garab galo, hana idinka dhigo kuwii dalka ka xoreeya Khawaarijta gebi ahaanba. 🇸🇴

19/12/2025

Hambalyo 82-guurada Aas-aaska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed!

Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed waa tiir muhiim ah oo ka shaqeeya sugidda amniga, dhowrista sharciga, iyo ilaalinta nolosha iyo hantida shacabka.

Waxaan u rajaynaynaa horumar joogto ah, midnimo, iyo guulo waara, anagoo xusuusan geesiyaashii naftooda u huray difaaca qaranka.

Hambalyo mar kale, Booliis Soomaaliyeed!

Photos from Sulub Ahmed Firin's post 08/12/2025

Kormeer shaqo oo aan maanta ku tagay degmada Deyniile, anniga oo ay igu wehliyeen xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, ayaan ku xaqiijinnay amniga, adeegyada bulshada iyo u diyaar garowga doorashada qof iyo cod ay si wanaagsan u socdaan.

Mudnaanta koowaad waa in shacabka Soomaaliyeed ay helaan adeeg doorasho oo hufan, isla markaana si xor ah oo nabad ah u codeeyaan.

Waxaa naga go’an in dowladda ay si buuxda u sugeyso badqabka, xuquuqda iyo ka qaybgalka muwaadiniinta, si loo xaqiijiyo doorasho daahfuran oo lagu kalsoonaan karo.

Photos from Sulub Ahmed Firin's post 19/11/2025

Hambalyo Garsoore Cumar Cartan!

Waxaan ummadda Soomaaliyeed uga hambalyeynayaa Garsoore Cumar Cabdiqaaddir Cartan oo ku guuleystay billadda Garsooraha Sannadka Afrika 2025 ee CAF.

Guushani waxay astaan u tahay kartida iyo xirfadda dhallinyarada Soomaaliyeed, isaga oo magaca dalka sare u qaaday kana soo hooyay guul taariikhi ah. Hambalyo Garsoore Cartan! 🇸🇴

Want your business to be the top-listed Government Service in Mogadishu?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Address


Mogadishu