Sulub Ahmed Firin

Directions Website

Sulub Ahmed Firin Deputy Minister of Internal Security, Former Somali Police Commissioner and Deputy Minister of Transport & Civil Aviation.

Official Page Account of Brigadier General Sulub Ahmed Firin Somali Police Commissioner.

13/08/2026
Alxamdulillaah, waan qalin-jabiyay! 🎓Maanta waxaan si weyn ugu faraxsanahay inaan si guul leh u dhammeeyay waxbarashaday...
12/08/2026

Alxamdulillaah, waan qalin-jabiyay! 🎓

Maanta waxaan si weyn ugu faraxsanahay inaan si guul leh u dhammeeyay waxbarashadaydii Master of Science in Security Management & Intelligence ee jaamacada Kismonds University.

Guushani ma ahayn mid sahlan; waxay ka dambeysay waqti dheer oo dadaal, samir, halgan . Intii aan safarkan ku jiray, waxaan soo maray maalmo adag iyo waqtiyo u baahday adkaysi iyo dulqaad, balse maanta dhammaan dadaalkii iyo halgankii waxay ii noqdeen guul aan ku farxo oo aan ku faano.

Waxaan marka h**e mahad oo dhan u celinayaa Alle SWT oo ii sahley inaan gaaro heerkan ,Maanta waxaan xusuusanayaa dhammaan halgankii aan soo maray, anigoo ku faraxsan in dadaalkaygii uu miro dhalay.

Alxamdulillaah, halgankii wuu dhammaaday, guushiina waa timid. 🎓*

Hambalyo Sannad-guurada Koowaad ee Dawlad Goboleedka Waqooyi-BariWaxaan hambalyo iyo tahniyad kal iyo laab ah u dirayaa ...
30/07/2026

Hambalyo Sannad-guurada Koowaad ee Dawlad Goboleedka Waqooyi-Bari

Waxaan hambalyo iyo tahniyad kal iyo laab ah u dirayaa Madaxweynaha, Golaha Wasiirrada, Golaha Baarlamaanka iyo dhammaan shacabka Dawlad Goboleedka Waqooyi-Bari, meel kasta oo ay dunida ka joogaan, munaasabadda sannad-guurada koowaad ee ka soo wareegtay aasaaska Dawlad Goboleedka Waqooyi-Bari, oo ku beegan 30-ka Luulyo.

Munaasabaddan qiimaha leh waxay xambaarsan tahay muhiimad taariikhi ah, iyadoo astaan u ah midnimo, wadajir iyo himilo ku dhisan nabad, dowladnimo iyo horumar.

Waxaan Alle uga baryayaa Dawlad Goboleedka Waqooyi-Bari iyo shacabkeeda inuu ku galladeeyo nabad waarta, barwaaqo, horumar iyo guulo isdaba joog ah.

Hambalyo iyo bogaadin.

Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun.Alle ha u naxariistee waxaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku geeriyooday Hal...
10/07/2026

Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun.

Alle ha u naxariistee waxaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku geeriyooday Halgamaa Xaaji Cali Cabdille Fiixiye (Cali Shucaac).

Geeridiisu waxay murugo iyo tiiraanyo ku reebtay dhammaan intii taqaanay, maadaama uu ahaa halgame door weyn ka soo qaatay u adeegidda dalkiisa iyo dadkiisa.

Marxuum Cali Shucaac waxaa lagu xasuusan doonaa waddaniyaddiisa, dadaalkiisii iyo kaalintii uu ka qaatay halganka iyo adeegga bulshada Soomaaliyeed,Raadkii wanaagsanaa iyo waxqabadkii uu ka tegay waxay ahaan doonaan kuwo jiilasha dambe xusuustooda ku sii jiri doona.

Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyskiisa, ehelkiisa, qaraabadiisa, asxaabtiisa iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed. Waxaan Alle (SWT) uga baryayaa inuu marxuumka ka waraabiyo Jannatul Firdowsa, dambigiisana dhaafo, qoyskiisa iyo ehelkiisana ka siiyo samir iyo iimaan.

Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun.Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, ehelka, qaraabada, asxaabta, dhaqa...
03/07/2026

Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun.

Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, ehelka, qaraabada, asxaabta, dhaqanka Soomaaliyeed iyo guud ahaan shacabka uu ka baxay Alle ha u naxariistee imaam Maxamed Yuusuf Cali oo muddooyinkii u dambeeyay ku xanuunsanaa dalka Hindiya, halkaas oo uu ku geeriyooday.

Marxuumku wuxuu ka mid ahaa 135-kii Odayaasha Dhaqanka ee door muhiim ah ka qaatay dib-u-heshiisiinta iyo dib-u-dhiska dowladnimada Soomaaliya,Wuxuu ka tegay taariikh iyo dhaxal wanaagsan oo lagu xasuusan doono.

Waxaan Alle SWT uga baryayaa inuu Marxuumka ka waraabiyo Jannatul Firdowsa, qabrigiisana u waasiciyo, dambigiisana dhaafo, isla markaana samir iyo iimaan ka siiyo qoyskiisa iyo dhammaan intii uu ka baxay.

Aamiin.

Ciid Mubaarak 🌙Waxaan munaasabadda barakeysan ee Ciidul Adxaa awgeed hambalyo u dirayaa guud ahaan shacabka Soomaaliyeed...
26/05/2026

Ciid Mubaarak 🌙

Waxaan munaasabadda barakeysan ee Ciidul Adxaa awgeed hambalyo u dirayaa guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan geesiyaasha Ciidanka Qalabka Sida ee nafahooda u huraya difaaca dalka, sugidda amniga iyo ilaalinta shacabka Soomaaliyeed.

Alle ha xafido geesiyaasha Qaranka, hana ku abaalmariyo waajibaadka qaran ee ay u hayaan shacabka Soomaaliyeed.

Ciid Wanaagsan, Ciid Mubaarak.

Waxaa inoo qabsoomay kulanka billaha ah ee Hoggaanka Sare ee Wasaaradda Amniga Gudaha XFS, kaas oo looga hadlay dardarge...
24/05/2026

Waxaa inoo qabsoomay kulanka billaha ah ee Hoggaanka Sare ee Wasaaradda Amniga Gudaha XFS, kaas oo looga hadlay dardargelinta howlaha Wasaaradda, xoojinta wada-shaqeynta hoggaanka iyo dib-u-eegista waxqabadka.

Waxaan bogaadiyay shaqada Agaasimaha Guud iyo Agaasimeyaasha Waaxyaha, anigoo ku dhiirrigeliyay inay sii laba-jibbaaraan dadaalladooda ku aaddan horumarinta shaqada Wasaaradda iyo gudashada waajibaadka qaran.

Waxaa muhiim ah in la sii xoojiyo wada-shaqeynta, isla-xisaabtanka, iyo dadaallada lagu xaqiijinayo amniga, xasilloonida, iyo horumarinta adeegyada loo hayo shacabka Soomaaliyeed.

Waxaan hambalyo iyo bogaadin aan la soo koobi karin u dirayaa dhammaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed—Sarreeyeyaasha...
11/04/2026

Waxaan hambalyo iyo bogaadin aan la soo koobi karin u dirayaa dhammaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed—Sarreeyeyaasha, Saraakiisha, Saraakiil-xigeennada, Alifleyda iyo Dableyda—iyo qoysaskooda sharafta leh, munaasabadda 12-ka Abriil oo ku beegan sanadguurada 66-aad ee aas-aaska CXDS 🇸🇴

66 sano oo geesinimo, naf-hurid iyo difaac qaran ah ayay ciidankeennu soo mareen, iyagoo mar walba u taagan ilaalinta midnimada, madaxbannaanida iyo karaamada Soomaaliya.

Waxaan si gaar ah u bogaadinayaa halganka, dulqaadka iyo guulaha muuqda ee aad ka gaartay sugidda amniga iyo ciribtirka cadowga ummadda Soomaali.

Ciid Mubaarak!Waxaan hambalyo diirran u dirayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed munaasabadda barakeysan ee Ciidul-Fidriga...
19/03/2026

Ciid Mubaarak!

Waxaan hambalyo diirran u dirayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed munaasabadda barakeysan ee Ciidul-Fidriga.

Waxaan si gaar ah u ammaanayaa geesiyaasha Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed, kuwaas oo suurta-geliyay in shacabka Soomaaliyeed si nabad ah ugu afuraan uguna ciidaan. Naf-hurnimadiinna iyo dadaalkiinnu waa tiirka amniga iyo xasilloonida dalka.

Waxaan idinku dhiirrigelinayaa inaad sii laba-jibaartaan waajibaadka qaran ee aad u haysaan ummadda Soomaaliyeed.

Eebbe ha inaga yeelo kuwa la aqbalay camalkooda, dambigoodana la dhaafay. Aamiin.

22/01/2026

Hambalyo u dirayaa Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (DANAB) iyo Ciidanka Jubbaland, kuwaas oo mar kale muujiyey geesinimo, feejignaan iyo wadaniyad dhab ah, kana adkaaday maleeshiyaad Khawaarij ah oo weerar ku soo qaaday deegaanka Kudhaa ee Jubbada Hoose.

Geesiyaasha qaranka ayaa si xirfad leh u soo afjaray cadowgii ummadda, iyagoo goobta dagaalka ku laayey horjoogayaal iyo maleeshiyaad badan, isla markaana soo bandhigay gaadiid dagaal iyo hub ay ka furteen Khawaarijta.

Howlgalkan guusha leh wuxuu caddeyn u yahay in ciidamadeennu yihiin gaashaan adag oo difaaca dalka, dadka iyo diinta, kana go’an ciribtirka argagixisada meel kasta oo ay joogaan,Guushiinnu waa guusha shacabka Soomaaliyeed.

Alle ha idin xifdiyo, ha idin garab galo, hana idinka dhigo kuwii dalka ka xoreeya Khawaarijta gebi ahaanba. 🇸🇴

Address

Mogadishu

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Sulub Ahmed Firin posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share