27/10/2026
Sawirro: Waxaa maalintii labaad xarunta Golaha Wakiillada Dowlad-Goboleedka Galmudug ka socda tababar lagu kobcinayo aqoonta iyo wacyiga xildhibaannada iyo hawlwadeennada Golaha.
Tababarkan ayaa diiradda lagu saarayaa xoojinta fahamka xildhibaannada ee waajibaadkooda sharci-dejineed, kor u qaadista aqoontooda iyo xirfadahooda shaqo, iyo sidii ay si hufan oo masuuliyad leh ugu gudan lahaayeen waajibaadka dastuuriga ah ee loo igmaday.