Hiil-Agoon Development Organization -HADO

Hiil-Agoon Development Organization -HADO

Share

Halkaan waa Hiil Agoon,
waxan utaganahy horumarinta iyo daryeelka Carurta agoonta fadlan naga

24/03/2026

Waxaan ku dardaarmaynaa inaan is caawino oo isu naxariisano dhamaanteen, iyo danyartana aan si gaar ah ugu naxariisano oo u caawino.

Hiil-Agoon Development Organization wuxuu si joogto ah uga shaqayn doonaa caawinta agoonta, danyarta iyo masaakiinta. Garab istaagiinuna waa muhiim mahadsanidiin

Photos from Hiil-Agoon Development Organization -HADO's post 19/03/2026

Alxamdulilaah illaah baa Qadaray in si nabad ah oo farxad leh nuugu soo dhamaado dhar qeybintii caruurtii Agoonta aheyd qeybtii ugu dambeysay.

Waxaa ka faaโ€™iideystay boqolaan ilmood oo Agoon,danyar iyo rajjay iskugu jirta.Waan u mahad celinayaa qof walbo oo inyar ku lahaa sadaqadaa oo ubad badan ay ku heleyn farxada ciida una farxi doonaan sida ubadka walidkood heysto cml.

Photos from Hiil-Agoon Development Organization -HADO's post 16/03/2026

Iminkee ciidu gar noo tahay.Illahow mahadaa

Photos from Hiil-Agoon Development Organization -HADO's post 16/03/2026

Qeybtii 1aad sawiraanta qeybinta dharka ciida ee caruurta Agoonta ,danyarta iyo rajjada ah .

Runtii ma aheyn wax sahlan in ubad badan oo boqolaal ah meel la iskugu keeno deetana la is waafajiyo dooqooda iyo cabirkooda ilmay kastaana la siiyo labiskiisa oo Dhameys tiran.Illahow adigaa ku mahadsan iyo cid walbo oo qeyb ku laheyd xitaa nus dollar.



11/03/2026
Photos from Hiil-Agoon Development Organization -HADO's post 11/03/2026

Mid ka mid ka mid ah kaamamka dagmada Kaxda ku yaal ayaan cabiro ka soo qaadnay tiro 200 dhan si aan u soo ogaano ilmay kaste daโ€™diisa iyo cabirka dharka iyo kabta uu xiraanayo.Alx



09/03/2026

Waa 10 cug oo Agoon iyo rajjay ah oo daruuf adag ay ka muuqato waa bil ramadaan cidii caawin kareyso waa kan numbarkoods ee caawiya walaalayaal.Waxaa heyso habaryartood oo iyana aan awood badneyn oo hadana Umul ah.

Numbark EVC :,0771967024
Ku orange Muniira Mohamed Macalin

Photos from Hiil-Agoon Development Organization -HADO's post 07/03/2026

Waxaan kulan aan qorsheysneyn oo kadis ah kula kulanay Aftuder Charity, mid kamid ah kaamamka magalada Mogdisho garahan mid ku yaalay Dagmada Kaxda oo aynu labadeena dhinacba hoola kheyriya kawadnay.

Xasan Xidig oo teamka hogaaminay ayaa dhalinyarada Hiil Agoon,si weyn u dhiiragaliyay kuna bogaadiyay shaqada is xilqaankaa ee 5 sanno aan soo wadnay.

Waxuu kulankii ku soo dhamaaday inee nugu taageeri doonan howshaan is xilqaan kaa ee aynu u istaagnay ka dhalin yaro ahaan.Is arag iyo in aan kulan ku yeelano xafiiska Aftuder Charity ayuu ku soo gaba gaboobay kulankii.

06/03/2026

๐ŸŒ™โœจ CIIDSIINTA 2026 โ€“ WADAJIR AYAAN KU GUULEYSANAA โœจ๐ŸŒ™

Alxamdulillaah, 4tii sano ee lasoo dhaafay waxaan si wadajir ah u gaarsiinay farxad iyo dhoolla-cadeyn kumannaan carruur agoonta, rajada iyo danyarta ah.

๐Ÿ“Œ 2022 โ€“ 300carruur
๐Ÿ“Œ 2023 โ€“ 600 carruur
๐Ÿ“Œ 2024 โ€“ 500carruur
๐Ÿ“Œ 2025 โ€“ 800carruur
๐Ÿ“Œ 2026(COMING SOON)

Tani ma ahayn shaqo qof keliya qabtay, waxay ahayd dadaal, kalsooni iyo midnimo bulsho.

Sanadkan 2026, hadafkeenu waa inaan gaarno tiro ka badan tii h**e, Inshaโ€™Allah ๐Ÿคฒ

Waxaan rabnaa inaan mar kale aragno:
โ€ข Ilmo agoon ah oo faraxsan
โ€ข Qoys danyar ah oo dareemaya in la garab taagan yahay
โ€ข Caruur rajay ah oo maalinta Ciidda u dareemaya qiimo iyo sharaf

Mashruucani ma leh hayโ€™ad, dowlad ama siyaasad nagu taageerta.
Waxaan ku wadnaa dadaal, adkeysi iyo kaalmada bulshada Mogadishu ku nool, ganacsatada kheyrka jecel iyo walaalaheen qurbo joogta ah.

Qof walba wuu qayb qaadan karaa:
๐Ÿ’™ Lacag
๐Ÿ’™ Dhar
๐Ÿ’™ Ama faafinta fariintan

Xitaa kaalmada yar waxay noqon kartaa sabab uu ilmo u farxo maalinta Ciidda.

Aan markale wada muujino in bulshadeenu ay tahay bulsho is garab taagta ๐Ÿค

Haddii aad rabto inaad qayb ka noqoto, fadlan nala soo xiriir.

Wadajir ayaan ku gaari karnaa wax ka weyn inta aan filayno. ๐ŸŒ๐Ÿ’™



Photos from Hiil-Agoon Development Organization -HADO's post 05/03/2026

15 Ramadan oo shalay aheyd ayaan booqasho iyo indha indha indheyn ku tagnay si aan waxa aan heyno iyo ubadka aan ku ciid siin kareyno iskugu soo qiimeyno runtii 3 kaam oo kala Duwan ayaan lugta marinay inagoo la fadhiisanay dadka maamulka ah,runtii wax naga tan badan ayaan la soo kulanay oo aynan waxabo ka qaban kareyn balsa rabbi tallo ku filin.

Sanandkii 5 aad iyo ciidsiinta agoonta,danyarta,iyo rajayda illahey ha inala garab gallo runtii waa hool culeyskeeda wadato oo ka dhalinyaro ahaana naga tan weyn.Alx

2022 Ciidsiinay 300 caruur ah
2023 ciidsiinay 500 caruur ah
2024 ciidsiinay 700 caruur ah
2025 ciidsiinay 900 caruur ah
2026?



24/02/2026

5 sanno kadib iyo isbadal cusub waxan wax ka badalnay magacii iyo logadii aynu 4 tii sanno ee la soo dhaafay ku shaqeyneynay ee ahaa Hiil Agoon Foundation,waxan si rasmi ah ugu waregnay,
Hiil-Agoon Development Organization (HADO).

Waan u mahad celinayaa cid walbo oo 4 sanno qeyb weyn ka qaatay si aan ubad badan oo agoon ah u ciidsiin laheyn Alx .

2022 Ciidsiinay 300 caruur ah
2023 ciidsiinay 500 caruur ah
2024 ciidsiinay 700 caruur ah
2025 ciidsiinay 900 caruur ah
2026?



Want your business to be the top-listed Government Service in Mogadishu?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Telephone

Website

http://hiilagoon.org/

Address


Mogadishu
252