01/06/2026
Waxaa si habsami leh u socda tababar ay qaadanayaan cutub ka tirsan shaqaalaha Dab-damiska kaas oo ka socda Xarunta Waaxda Gurmadka Deg Degga Gobolka Banaadir
Tababar, xirfad kororsi iyo u diyaar garow joogto ah waa astaanta Geesiyaasha Marwalba u taagan badbaadada Bulshadooda.
30/05/2026
Waxaan mar walba ku jirnaa heegan si aan u ilaalino nafta iyo hantida shacabkeena.
ku xirnow Waaxda Gurmadka Deg Degga Gobolka Banaadir.
☎️ Emergency Call: 991
26/05/2026
Dhamaan dunida Islaamka gaar ahaan umadda Soomaaliyeed waxaan ugu hambalyeynaynaa munaasabadda barakeysan ee Ciidul Adxaa.
Nabad iyo cafimaad ku ciida meel walba oo aad joogtaan.
كل عام وانتم بخير
24/05/2026
𝐌𝐮𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨, 𝐌𝐚y 24, 2026: Agaasimaha Waaxda Gurmadka Deg Degga Gobolka Banaadir ayaa maanta kormeeray cutub ka tirsan shaqaalaha Dab-damiska oo uu maalintii 4-aad u socdo tababar lagu horumarinayo xirfadaha shaqaalaha.
Agaasimaha ayaa bogaadiyey habsami u socodka tababarka iyo dadaalka macallimiinta, isagoo shaqaalahana kula dardaarmay inay si buuxda uga faa’iideystaan tababarka si kor loogu qaado aqoontooda iyo tayada adeegyada ay bulshada u hayaan.
19/05/2026
𝐌𝐮𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨, 𝐌𝐚y 𝟏𝟗, 𝟐𝟎𝟐𝟔: Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) iyo Agaasimaha Waaxda Gurmadka Deg-degga Md:Cabdisalaan Daahir Magan ayaa si rasmi ah u furay tababar ku saabsan xirfadaha aas-aasiga ah ee dab-damiska kaas oo loo qabanayo qeyb kamid ah shaqaalaha Waaxda Gurmadka Deg Degga Gobolka Banaadir.
Tababarkan ayaa diiradda lagu saarayaa kor u qaadista aqoonta iyo xirfadaha la xiriira bad-qabka dab-damiyaha iyo ka hortagga khataraha dabka si loo xoojiyo awoodda shaqaalaha.
Mas’uuliyiinta ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in shaqaalaha Waaxda Gurmadka Deg-degga ay helaan tababaro joogto ah oo sare u qaadaya kartidooda shaqo si ay uga jawaabaan xaaladaha si hufan, xirfad leh oo waafaqsan xeerarka badbaadada iyo adeegyada gurmadka casriga ah.
13/05/2026
Agaasimaha Waaxda Gurmadka Deg Degga Gobolka Banaadir ayaa Xarunta Waaxda ku qaabilay saraakiil ka socotay Hoggaanka Tababarada iyo Qorsheynta Booliska Soomaaliyeed.
Agaasimaha ayaa warbixin kooban ka siiyay shaqooyinka muhiimka ah ee ay Waaxdu u hayso bulshada, qorshayaasha horumarineed iyo howlaha adag ee Waaxdu mar walba u taagan tahay si loo badbaadiyo nolosha iyo hantida shacabka.
Kulanka ayaa si qoto dheer loogu gorfeeyay xoojinta iskaashiga labada dhinac, kor u qaadista tababarada iyo sidii loo mideyn lahaa dadaallada lagu hormarinayo wacyigelinta bulshada.
10/05/2026
Agaasimaha Waaxda Gurmadka Deg Degga Gobolka Banaadir ayaa qaabilay arday ka tirsan Kuliyadda Maareynta Musiibooyinka ee Jaamacadda Digfeer, kuwaas oo door muuqda ka qaadata wacyigelinta iyo adeegga bulshada.
Agaasimaha ayaa dhalinyarada ku bogaadiyey dadaalkooda iyo doorka ay ka qaadanayaan badqabka bulshada, isagoo ku dhiirrigeliyey inay sii laba jibaaraan wacyigelinta bulshada, isla markaana u ballanqaaday in Waaxdu ku garab taagan tahay adegyada wax ku oolka u ah bulshadda.
07/05/2026
Agaasimaha Waaxda Gurmadka Deg Degga Gobolka Banaadir ayaa kulan la qaatay Macallimiinta Waaxda, kaas oo diiradda lagu saaray horumarinta aqoonta, tayeynta xirfadaha iyo kor u qaadista qibradda shaqaalaha Gurmadka Degdegga ah.
Agaasimaha ayaa Macallimiinta kula dardaarmay inay laba jibbaaraan dadaallada lagu kobcinayo aqoonta shaqaalaha, si ay ugu diyaar garoobaan xaaladaha kala duwan ee gurmadka, una noqdaan kuwo leh karti, feejignaan iyo xirfad sare oo waafaqsan masuuliyadda culus ee ay bulshada u hayaan.
Sidoo kale, wuxuu adkeeyay muhiimadda ay leedahay wacyigelinta bulshada, si loo kordhiyo fahamka ku saabsan badbaadada, ka hortagga khataraha iyo sida shacabka uga qeyb qaadan karaan yareynta musiibooyinka iyo xaaladaha degdegga ah.