Waaxda Gurmadka Deg Degga Gobolka Banaadir

Waaxda Gurmadka Deg Degga Gobolka Banaadir

Share

Naga soo wac: 991 waxaad naga soo wici kartaan 991

Photos from Waaxda Gurmadka Deg Degga Gobolka Banaadir's post 01/06/2026

Waxaa si habsami leh u socda tababar ay qaadanayaan cutub ka tirsan shaqaalaha Dab-damiska kaas oo ka socda Xarunta Waaxda Gurmadka Deg Degga Gobolka Banaadir

Tababar, xirfad kororsi iyo u diyaar garow joogto ah waa astaanta Geesiyaasha Marwalba u taagan badbaadada Bulshadooda.

30/05/2026

Waxaan mar walba ku jirnaa heegan si aan u ilaalino nafta iyo hantida shacabkeena.

ku xirnow Waaxda Gurmadka Deg Degga Gobolka Banaadir.

☎️ Emergency Call: 991

26/05/2026

Dhamaan dunida Islaamka gaar ahaan umadda Soomaaliyeed waxaan ugu hambalyeynaynaa munaasabadda barakeysan ee Ciidul Adxaa.

Nabad iyo cafimaad ku ciida meel walba oo aad joogtaan.
كل عام وانتم بخير

Photos from Waaxda Gurmadka Deg Degga Gobolka Banaadir's post 24/05/2026

𝐌𝐮𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨, 𝐌𝐚y 24, 2026: Agaasimaha Waaxda Gurmadka Deg Degga Gobolka Banaadir ayaa maanta kormeeray cutub ka tirsan shaqaalaha Dab-damiska oo uu maalintii 4-aad u socdo tababar lagu horumarinayo xirfadaha shaqaalaha.

Agaasimaha ayaa bogaadiyey habsami u socodka tababarka iyo dadaalka macallimiinta, isagoo shaqaalahana kula dardaarmay inay si buuxda uga faa’iideystaan tababarka si kor loogu qaado aqoontooda iyo tayada adeegyada ay bulshada u hayaan.

20/05/2026

Waaxda Gurmadka deg degga iyo Dab-damiska Gobolka Banadir waa laf-dhabarta bad-qabka nafta iyo Maalka Muwaadinka Muqdisho ku nool.

Ha sugin faafitaanka halista, wac 9️⃣9️⃣1️⃣ ilbiriqsiga ugu horreeya ee xaalad degdeg ah.

Photos from Waaxda Gurmadka Deg Degga Gobolka Banaadir's post 19/05/2026

𝐌𝐮𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨, 𝐌𝐚y 𝟏𝟗, 𝟐𝟎𝟐𝟔: Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) iyo Agaasimaha Waaxda Gurmadka Deg-degga Md:Cabdisalaan Daahir Magan ayaa si rasmi ah u furay tababar ku saabsan xirfadaha aas-aasiga ah ee dab-damiska kaas oo loo qabanayo qeyb kamid ah shaqaalaha Waaxda Gurmadka Deg Degga Gobolka Banaadir.

Tababarkan ayaa diiradda lagu saarayaa kor u qaadista aqoonta iyo xirfadaha la xiriira bad-qabka dab-damiyaha iyo ka hortagga khataraha dabka si loo xoojiyo awoodda shaqaalaha.

Mas’uuliyiinta ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in shaqaalaha Waaxda Gurmadka Deg-degga ay helaan tababaro joogto ah oo sare u qaadaya kartidooda shaqo si ay uga jawaabaan xaaladaha si hufan, xirfad leh oo waafaqsan xeerarka badbaadada iyo adeegyada gurmadka casriga ah.

16/05/2026

Waaxda Gurmadka Deg Degga Gobolka Banaadir ayaa xalay ka jawaabtay dab ka kacay 2️⃣ boos oo ganacsiyo ah, kuna yaalla Suuq Bacaad, Deg. Yaaqshiid.

Dabka oo saameeyay ganacsiyo yar yar iyo Maqaayad ayaa lagu guuleystay in si dhaqso leh loo damiyo, lagana hortago inuu ku fido dhismayaal iyo goobo ganacsi oo ku dhowaa goobta.

dabka waxa uu ka dhashay koronto.

Photos from Waaxda Gurmadka Deg Degga Gobolka Banaadir's post 13/05/2026

Agaasimaha Waaxda Gurmadka Deg Degga Gobolka Banaadir ayaa Xarunta Waaxda ku qaabilay saraakiil ka socotay Hoggaanka Tababarada iyo Qorsheynta Booliska Soomaaliyeed.

Agaasimaha ayaa warbixin kooban ka siiyay shaqooyinka muhiimka ah ee ay Waaxdu u hayso bulshada, qorshayaasha horumarineed iyo howlaha adag ee Waaxdu mar walba u taagan tahay si loo badbaadiyo nolosha iyo hantida shacabka.

Kulanka ayaa si qoto dheer loogu gorfeeyay xoojinta iskaashiga labada dhinac, kor u qaadista tababarada iyo sidii loo mideyn lahaa dadaallada lagu hormarinayo wacyigelinta bulshada.

Photos from Waaxda Gurmadka Deg Degga Gobolka Banaadir's post 10/05/2026

Agaasimaha Waaxda Gurmadka Deg Degga Gobolka Banaadir ayaa qaabilay arday ka tirsan Kuliyadda Maareynta Musiibooyinka ee Jaamacadda Digfeer, kuwaas oo door muuqda ka qaadata wacyigelinta iyo adeegga bulshada.

Agaasimaha ayaa dhalinyarada ku bogaadiyey dadaalkooda iyo doorka ay ka qaadanayaan badqabka bulshada, isagoo ku dhiirrigeliyey inay sii laba jibaaraan wacyigelinta bulshada, isla markaana u ballanqaaday in Waaxdu ku garab taagan tahay adegyada wax ku oolka u ah bulshadda.

Photos from Waaxda Gurmadka Deg Degga Gobolka Banaadir's post 07/05/2026

Agaasimaha Waaxda Gurmadka Deg Degga Gobolka Banaadir ayaa kulan la qaatay Macallimiinta Waaxda, kaas oo diiradda lagu saaray horumarinta aqoonta, tayeynta xirfadaha iyo kor u qaadista qibradda shaqaalaha Gurmadka Degdegga ah.

Agaasimaha ayaa Macallimiinta kula dardaarmay inay laba jibbaaraan dadaallada lagu kobcinayo aqoonta shaqaalaha, si ay ugu diyaar garoobaan xaaladaha kala duwan ee gurmadka, una noqdaan kuwo leh karti, feejignaan iyo xirfad sare oo waafaqsan masuuliyadda culus ee ay bulshada u hayaan.

Sidoo kale, wuxuu adkeeyay muhiimadda ay leedahay wacyigelinta bulshada, si loo kordhiyo fahamka ku saabsan badbaadada, ka hortagga khataraha iyo sida shacabka uga qeyb qaadan karaan yareynta musiibooyinka iyo xaaladaha degdegga ah.

Want your business to be the top-listed Government Service in Mogadishu?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Telephone

Address


Mogadishu