Ciidanka Gaarka. X D S.

Ciidanka Gaarka. X D S. Special Forces Command - SNAF

09/11/2026

Ciidanka gaarka somaliya

Dardargelinta Tayeynta Tababarrada Ciidanka GaarkaKor u qaadista iyo tayeynta tababarrada Ciidanka Gaarka ah waa tallaab...
07/11/2026

Dardargelinta Tayeynta Tababarrada Ciidanka Gaarka

Kor u qaadista iyo tayeynta tababarrada Ciidanka Gaarka ah waa tallaabo laba-jibbaaraysa awoodda, aqoonta iyo diyaargarowga guud ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS).

Dhammaan cutubyada iyo talisyada kala duwan ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxay ku jiraan diyaar-garow iyo dadaallo lagu horumarinayo tayada, xirfadaha iyo awoodda ciidanka.

Horumarkan waxaa door muhiim ah ka qaadanaya saaxiibbada caalamka iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan Wasaaradda Gaashaandhigga, Taliska Ciidanka Xoogga Dalka iyo Taliska Ciidanka Gaarka ah.

Waxaa la joogaa waqtigii la dardargelin lahaa, lana laba-jibbaarilahaa dadaallada lagu tayeynayo tababarrada, aqoonta iyo diyaargarowga ciidanka.

Ciidan tayo leh, aqoon leh, diyaarna u ah gudashada waajibaadka qaranka waa tiirka difaaca iyo amniga Soomaaliya. Sareeye. Guto Adan maxamed. Cumar. Aadan Dheere. Talyaha Ciidanka gaaarka somaliya.

Hadale. Xaqiiqo:  somaliween. Daciifnimada, laaluushka iyo damaca gaarka ah waa meelaha ay argagixisadu ka faa'iidaysato...
04/11/2026

Hadale. Xaqiiqo: somaliween.
Daciifnimada, laaluushka iyo damaca gaarka ah waa meelaha ay argagixisadu ka faa'iidaysato. Qofka damiirkiisa iibiya, dalkiisa ayuu dhaawacayaa, shacabkiisana dhib ayuu u horseedayaa.
Argagixisadu waxay ka faa'iidaysataa daciifnimada dadka, balse midnimada, wacyiga iyo waddaniyaddu waa gaashaanka b

04/11/2026

Ciidanka Qaranka iyo Shacabka – Waa Hal Dhiig, Hal Dal, Hal Himilo.
Ciidanka dalka loo dhisayo, dalka loo tababarayo, sharafta iyo jiritaanka qarankana u taagan, waa ciidan u adeegaya dhammaan shacabka Soomaaliyeed.
Askari kasta oo Soomaaliyeed, dhibka ugu badan isaga ayaa wajahaya, masuuliyadda difaaca dalka iyo ilaalinta danaha qarankana garbihiisa ayaa la saaray.
Haddii aad maanta garab istaagto ciidankaaga, waxaad garab istaagtay mustaqbalkaaga, sharaftaada iyo jiritaanka dalkaaga.
Dal horumar gaara laguma dhiso ciidan keliya, lagumana dhiso shacab keliya; waxaa lagu dhisaa ciidan iyo shacab is garab taagan.
🇸🇴 Ciidan iyo Shacab oo Midaysan – Waa Soomaaliya Horumaraysa. Ciidanka gaarka somaliya

03/11/2026
03/11/2026

Diinta Islaamka laguma qariyo damac iyo dano gaar ah. Argagixisadu waxay diinta u adeegsadaan marin-habaabin, iyagoo magaca Islaamka ku qariya damacooda hoose iyo falalkooda guracan.
Farriin adag oo wacyigelin ah:
"Diintu waa nabad, naxariis iyo caddaalad. Argagixisaduna ma matasho Islaamka. Qofkii magaca diinta ku dila dad aan waxba galabsan, wuxuu ku kacayaa fal ka dhan ah qiyamka Islaamka."
Diinta laguma been sheegi karo, shacabka lagumana marin habaabin karo magaca Islaamka.

Sharafta iyo sumcadda Ciidanka Gaarka ma aha mid ku timid dheeldheel ama nasiib, balse waa mid lagu dhisay dhiigga, dhid...
31/10/2026

Sharafta iyo sumcadda Ciidanka Gaarka ma aha mid ku timid dheeldheel ama nasiib, balse waa mid lagu dhisay dhiigga, dhididka iyo naf-hurka dhalinyaro Soomaaliyeed oo u istaagtay difaaca qaranka.

Waa taariikh ay qoreen geesiyaal, kuna suntan geesinimo, waddaniyad iyo daacadnimo.

Ciidanka Gaarka – Sharaf lagu kasbaday naf-hurnimo, laguna ilaaliyo waajib qaran. Taliska Ciidanka gaaarka

HOWLGALKA LA-DAGAALLANKA ARGAGIXISADA EE DEEGAANKA GEEL-GOB, SHABEELLAHA DHEXECiidamada Qaranka Soomaaliyeed ayaa howlga...
22/10/2026

HOWLGALKA LA-DAGAALLANKA ARGAGIXISADA EE DEEGAANKA GEEL-GOB, SHABEELLAHA DHEXE

Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ka dhan ah argagixisada ka fuliyey deegaanka Geel-Gob ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kuwaas oo qayb ka ah dadaallada lagu xaqiijinayo amniga iyo xasilloonida deegaanka.

Howlgalladan ayaa ujeeddadoodu tahay ka hortagga falalka amni-darrada, ilaalinta shacabka iyo xoojinta nabadgelyada, si bulshada deegaanka ay ugu noolaato amni iyo xasillooni.

Ciidanka Qaranka — Difaaca dalka, ilaalinta shacabka iyo sugidda amniga waa waajib qaran. Taliska Ciidanka gaarka

06/10/2026

Dhismaha iyo tayeynta tababarrada Ciidanka Gaarka waa mid laba-jibbaaran, si loo helo ciidan leh xirfad, aqoon, adkaysi iyo diyaar-garow heer sare ah.

Ciidan tayo leh waa tiirka difaaca qaranka. Taliska Ciidanka gaaarka

Haddaad tahay taliye ciidan Somaaliyeed waa inaad ka foojignaatid sida cadowgu uga faa’ideynsan-karo dareenka qabiilka ....
30/09/2026

Haddaad tahay taliye ciidan Somaaliyeed waa inaad ka foojignaatid sida cadowgu uga faa’ideynsan-karo dareenka qabiilka . Kuwa cadowga u shaqeeya waxey askarta ku dhexfaafin-karaan daacayad in taliyaasha ciidanku u eexdaan askarta ka tirsan beeshooda. Ujeeddada daacaayadda noocaan ah waa in la khakhaliyo niyadda iyo maanka askariga. Si taas looga hortago waa in taliyuhu xoogga saaraa labo arrin oo is-huwan. Kow, waa in taliyuhu si joogta ah ugu hanuuniyo askarta iney yihiin walaalo an kala maarmin waana inuu xasuusiyaa iney is-caawyiyaan oo is-garabsadaan mar kaste.

Taliska Ciidanka gaarka madax Warbaahin iyo wacyigalinta jaale. Kaka waxaa I noo balana hugaan Qatar walba ka foojigan Dhalin Yarow aqoon badan Taliska xoga oo ku faano. Rajada shacabka rubeeyo. Diirada saaro sareenta Qiimaha Ciidanka inshalaah. Hadaf sare. Iyo ciidan tayo leh. Moha kaka. Madax warbaahinta wacyigalinta taliska ciidan gaarka. Somaliya soomali baaleh

Address

Mogadishu

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Ciidanka Gaarka. X D S. posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share

Category